Home » Qoraallada Halkudhegga "AmiinYuusuf"

Aabbe Jaamacad i gee !!

Oct 17, 2014
Hal mar ayaan Hurada ka soo boodey, markaasaan qalbiga ka iri “Tolow wuxu ma riyaa mise waa Dhab” Markiiba inta aan Indhaha mar marey ayaa Cod hoose ku iri “ Maandhaay maxaa tiri” aniga oo goconaya warkii Hurdada I soo toosiyey ee ahaa Aabbe Jaamacad I gee ” Aniga oo la yaaban Hadalkaas gabadha ka soo yeerey ee ah in uu yahay run iyo in kale, ayaa waxa aan mar kale ku celiyey “ Maandhaay... 
Halkudheg:

Lacag Kunaa u yar, Darajana Xidiglaa u yar, Xilna Madaxweynaa u yar.

Aug 9, 2012
Markii ay sii idlaanayeen lacagihii Soomaalidu lahaan jirtay ee Shilinka Soomaaliga ayna u dambeysay wax qabriga la dhigo lacagta Shanta Boqol ah ayaan waxaan la yaabay hees uu sameeyey Maki Xaaji Banaadir oo ahayd “Lacag Kunaa u yar kunaa u weyn”, waxaa la yaab leh in Dal uu Nidaam Dowladeed ka jiro in uu isticmaalo Hal Naqashad oo lacag ah, wax walba waxay ku soo dhamaadeen in Kun wax lagu... 
Halkudheg: ,

Dastuur Dastuur Dhalay Waa Muufo Muufo Dhashey

Jun 25, 2012
Iyadoo weli uu khilaaf ka taagan yahay Dastuurka Qabyada ah ee la filayo in bisha soo socota ay ansixiyaan Odoyaasha Dhaqanka ee ku shirsan Magaalada Muqdisho kuwaas oo tiradoodu gaareyso 135, waxayna iyana soo xuli doonaan 825 ergo kuwaasoo i yana si rasmi ah u ansixin doona Dastuurka 12 Luulyo ee foodda nagu soo haysa, hase yeeshee waxaa moodaa in uu sii laba kacleeyey khilaafkii ka taagnaa dastuurka... 
Halkudheg:

FM-ta iyo Weriyaha yaa Muhiimsan

May 28, 2012
(HADAL AAN FIIRSI LOO ORAN IYO CAANO AAN FIIQSI LOO DHAMIN FEERAHEEY WAXYEELEEYAAN) Muqdisho ayaa noqotay goobta idaacadaha FM-ta ugu badan ka furan yihiin marka la fiiriyo dunida, taasina waxay dadka qaar ku macneeyeen in ay ka dambeyso iyadoo qof kasta uu doonayo in uu dhaqaale ka helo sidii doono ha u adeegsadee, waxaana haatan Magaalada M uqdisho ka furan ilaa 25 FM oo ay ka mid tahay Radio SIMBA,... 
Halkudheg:

Dayaxa Waa IIB

Apr 21, 2012
Tan iyo markii la magacaabay Dowladda uu Madaxda ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed sanadkii 2009, waxaa soo noqnoqday heshiisyo ku aadan Badda iyo Dhulka Soomaaliya, waxayna arrintaani ka dhiidhiyey Bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ka qoray qoraalo fara badan oo Dowladda looga digayo in heshiisyo noocaas ah gasho iyadoo heshiiskii 7-dii April ee sanadkii 2009 ay dowladdu si weyn ugu fashilantay... 
Halkudheg: ,

Tacsi ku Wajahan Magacii Dowladnimo

Jan 22, 2012
Markay ay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waxaa durba bilowday magacyo horey ay ka raacsan tahay ‘S’ oo ah magacyo u taagnaa ururo siyaasadeed, waxaana magacyadaasi ay galaafteen kumaan kun oo Somaali ah, kadib markii dadkii magacyadaasi sameeyey ay labo labo isku qabsadeen iyadoo mid waliba uu isagu isku haysto midka saxda ah. Maanta oo aan mareyneyo sanadkii 21-aad ee intaan ku... 
Halkudheg: ,

Xataa Israa’iil in aan safiir ka noqdo soo qalqaaliya

Jun 29, 2011
(Maqaal Xiiso Badan) Tan iyo markii la dhisay Dowladdii C/qaasim waxaa Magaalada Muqdisho ku soo qulqulayey qurbo joog badan wuxuuna imaanshahooda sii xoogeystay markii la dhisay Dowladda uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana weli Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka soo dega rag fara badan kuwaas oo doonaya in ay shaqo ka helaan Dowladda Federaalka,... 
Halkudheg:

Marna ma Milez-saa marna ma Musaveni-yaa

Jun 2, 2011
26-ka Janaayo ee fooda nagu soo haysa ee Sannadka 2012 hadduu Alle idmo waxaa buuxsamaya 21 sano oo ay Soomaaliya ku jirtay Burbur iyo dagaalo aan dhamaad laheyn, waxaana xiligaasi barbardhac noqonaya 21 sano oo Maxamed Siyaad Barre wadankaan xukumayey oo ay dadku haysteen nabad iyo xasilooni iyo 21 sano oo dowlad la’aan ah. Haddii aan dib u fiirino xaaladda burburka iyo dagaalada waxaa xaqiiqo ah... 
Halkudheg: ,

Kacaanka Maamul Goboleedka 2011

Apr 4, 2011
Waxaa Mar kaliya Dalka Dibadiisa ka bilowdey Dhismaha Maamul Goboleedyo oo salka ku hayo Qaab Beeleed waxayna Magaacbistaan na soo Xasuusineysaa Xiliyo dalka ay soo mareen Abuurista Magacyo markii dambe iska baab’ay Sannadihii Sagaashameedyadii waxaa Shacabka Madax marey dhismaha Ururo siyaasadeed oo marka lagu raadinayey Sad Bursi Waagii USC waxaa la dhisey Magacyo gadaal ay ka raaceyso USC... 
Halkudheg:

Jinnigeygaa Neceb!! | Amiin Yuusuf

Nov 9, 2009
Jinnigeygaa Neceb!! “Naa Walaalay maalmahan kuuma bogin wajigaaga si-si ayuu ila yahay ee maxaa kugu dhacay”, waxay ku jawaabtay “Naa waa runtaa ayaantaan ma fiicni, haddii aan runta kuu sheegana ninkii aan isqabnay ayaan kala tagnay”, Gabadhii kale ayaa inta ay naxday waxay tiri “Ninkii wanaagsanaa ee deeqsiga ahaa , Bashaashka ahaa ee Deriska amaaneyn ee aad kuu jeclaa miyaad kala tagteen?”,... 
Halkudheg: ,

Hoonka Muqdisho – Maqaal xiisa leh | Amiin Yuusuf

Oct 8, 2009
Hoonka Muqdisho Shirkaddaha Gawaarida soo saara inta badan kama tagaan dhawaaqa Hoonka oo ah Calaamad u taagan in Gaari soo socdo, waxaa inta badan loo yeeriyaa Gawaarida aan maqal Guuxa Gaariga iyo dadkaba, waxaana markiiba dhacda in gaarigasi laga leexdo ama seed la siiyo. 20-kii sano ee dagaaladu ka socdeen dalka Soomaaliya, wax walba way is bedeleen, ha noqoto isku socodka gaadiidka iyo waliba... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...