Golaha Wasiirada Cusub oo Helay Codka Kalsoonida Baarlamanka DFKMG
Kulan ay Sabti (Feb 21, 2009) isugu yimaadeen xubnaha Baarlamaanka DFKMG ayaa
waxaa cod loo qaaday golaha cusub wasiirada ee uu Feb 20, 2009 magacaabay Cumar
C.C. Sharmarke. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa 375 xildhibaan, waxaa xukuumada
u codeeyey 357 xildhibaan, waxaana diiday 16 xildhibaan, waxaa ka aamusay
2 xildhibaan. Sidaas ayeyku heshay codka aqlabiyadda.
Kaddib waxaa la dhaaryey golaha wasiirada ee la magacaabay.
Halkan ka akhri warbixintii Feb 21, 2009
- Jabuuti: Waxaa (Jimce Feb 20, 2009) ra'iisul wasaaraha
DFKMG Cumar C/rashiid Cali Sharmarke uu ku dhawaaqay golahiisa wasiirada ee
cusub. Waxana uu magacyada wasiirada kaga dhawaaqay xaflad ka dhacday
Jabuuti oo ay kasoo qayb galeen xildhibaanada DFKMG ee laga sugayo in ay
wasiiradaas ansixiyaan. Golaha wasiirada ee xukuumada labada sano ee la
magacaabay tiradoodu waa 36 wasiir.
Baarlamaanka oo ka doodaya Qorshe Hawleedka Xukuumada cusub, tirada Golaha
Wasiirada magacyadooda oo Dhameystiran iyo Qorshe Hawleedka xukuumada oo
dhameystiran...
- Warbixintii: Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
Kulan ay isugu yimaadeen xubnaha Golaha Baarlamaanka oo uu
shir gudoomineyey Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo ku xigeenadiisa, islamarkaana
ay soo xaadireen 330 mudane ayaa lagu qabtey Guriga Ummada ee Caasimada dalka
Jabuuti 20/02/2009 abaaro 7:00PM.
Ra'uusul Wasaare Cumar Cabdirashiir, Prof. Ibbi iyo
Xog-haynada Ra'iisul Wasaaraha
Xafladii wasiirada lagu magacaabay, Jabuuti, Feb 20, 09. SQ.
ALLMAN/SOMALITALK.COM
Kulankan oo ujeedadiisu ahayd soo gudbinta Qorsho
Hawleedka Xukuumada cusub, magacyada mas'uuliyiinta Golaha Wasiirada ee Ra'iisul
Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo dhaarinta xubno ka harey
Xildhibaanadii Is-bahaysiga ayaa gunaanadkii shirka, Ra'iisul Wasaaraha DFKMG
ee Soomaaliya Md, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke waxaa uu si rasmi ah ugu
gudbiyey Baarlamaanka tirada Golaha Xukuumada cusub, magacayada mas'uuliyiinta
Wasaarahada DFKMG iyo qorsho hawleedka Xukuumada cusub.
Gudoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh oo
xildhibaanada la Hadley ayaa wuxuu yiri "Xildhibaanada waxaa la farayaa in ay
soo akh-ristaan dukumiintigan uu soo gudbiyey Ra'iisul Wasaaraha mudo 24 saac
islamarkana ay isu yimaadaan 21/02/2009-da 4:00 PM.
Ra'iisul Wasaare Md, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke oo
Baarlamaanka u gudbiyey tirada magacayada mas'uuliyiinta Golaha Xukuumada cusub
iyo qorsho hawleedka Xukuumada ayaa Baarlamaanka wuxuu u sheegey "Aragtida
iyo Qiyamka Guud, Ujeeddooyinka ugu muhimsan, Hawlgalka Xukuumadda, Hawlaha
Xilliga Ku-meelgaarka".
Magacyada iyo Qorsho hawleedka Xukuumada oo dhameystiran:
Liiska Magacyada Wasiirada
- Raysalwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo
Khayraadka Badda: Prof. Cabdiraxman Aaden Ibraahim Ibbi
- Raysalwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda:
Shariif Xassan Sheikh Aaden
- Raysalwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo
Shiidaalka: Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda: Maxamed Cabdullaahi Oomaar
- Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga: Maxamed Cabdi Gaandi
- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashigga Caalamigga:
Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame
- Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha
Federaalka: Madoobe Nuunow Maxamed
- Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta: Sheikh Nuur
Cali Aadan
- Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska: Fowsiya Maxamed
Sheikh
- Wasiirka Wasaaradda Dhaqan Celinta iyo Naafada: Maxamed Cali
Ibraahim
- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Aadamiga: Maxamud Cabdi Ibraahim
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta: Farxaan Cali
Maxamud
- Wasiirka Wasaaradda Cilmibaarista iyo Teknoolojiyada: Maxamed
Cali Xagaa
- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka: Qamar Aaden
Cali
- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha: Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye)
- Wasiirka Wasaaradda Jaaliyadda Dibadda: Cabdullahi Axmed Cabdulle
Azhari
- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta: Axmed
Cabdullaahi Waayeel
- Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyenta: Maxamed Cabdi
Yuusuf
- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga:
Khadiija Maxamed Diiriye
- Wasiirka Wasaaradda Isboortiga iyo Dhallinyarada:
Saleeban Colaad Rooble
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha :
Cabdulqaadir Cali Cumar
- Wasiirka Wasaaradda Amniggga Qaranka : Cumar Xaashi Aaden
- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha: Abuukar Cabdi Cusman
- Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka: Cabdiraxman
Maxamuud Faarax Janaqow
- Wasiirka Wasaaradda Beeraha: Xasan Maxamed
Nuur (Shaati-Guduud)
- Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda: Maxamed
Ibraahim Xaabsade
- Wasiirka Wasaaradda Hantida Qaranka iyo Qalabeynta: Maxamed
Mursal
- Wasiirka Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare: Prof. Ibraahim
Xassan Caddaw
- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha:
Cabdalla Boos Ahmed
- Wasiirka Wasaaradda Dib u Dhiska: Xussein Ceelabe Faahiye
- Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska iyo Duur Jooga: Maxamed Xuseen
Saciid
- Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta:
Cabdirazak Cusman Juurile
- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga: C/rashiid Maxamed Cabdi (Cirro)
- Wasiirka Wasaaradda Warshadaha: Cabdiraxman
Jaamac Cabdalla
- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka: Cali Jaamac
Jangeli
- Wasiirka Wasaaradda Deeganka iyo Ilaalinta Bey'adda: Burci
Maxamed Xamza
Barnaamijka Xukuumadda ee Xiliga KMG ka ah.
I. Gogoldhig
Sannadka 2009 wuxuu ugu bilawday Soomaaliya farxad ay ku
dheehan tahay yididiilo, kaddib markii uu miro dhalay heshiiskii ay wada gaareen
Dawaladda Federalka KMG ee Soomaaliyeed iyo Isbahaysiga Dibuxoraynta
Soomaaliyeed. Natijada wax ku oolka ah ee ka dhalay wadahalladaas waxay noqotay
in la dhiso Xukuumad Midnimo Qaran, oo ay ka wada qaybgalaan dhammaan qaybaha
kala duwan ee shacbiga Soomaaliyeed. Dibuheshiisiintan oo mahaddeeda koowaad
Ilaahay loo celinayo waxaa suurtogaliyay shacabka Soomaaliyeed intiisa badan oo
gartay inay laga maarmaan tahay soo afjaridda colaadaha, muhimadda ay leedahay
in nabad bulashada dhexdeeda la dhigo, isla markaana Soomaaliya nabad kula
noolaato dariskeeda iyo beesha Caalamka. Si loo xaqiijiyo dhismaha nabadda waxaa
lagama maarmaan noqotay dhismaha Xukuumad cusub oo leh karti iyo hufnaan kuna
dhisan hab dheellitiran oo ku salaysan Axdi Qarameedka iyo Heshiisyadii lagu
gaaray dalka Jabuuti.
Waxaan shaki ku jirin in dhibaatooyinka haysta dalkeenna
ay ka baaxad weyn yihiin awooddeenna yar iyo xilliga gaaban ee xukuumaddu
haysato oo ah muddo 30 bilod ah. Haddaba inagoo ku tashanayna arriamahaas ayaa
waxay xukuumaddu dejisay qorshe guud oo tilmaamaya aragtideeda guud, Qiyamka ay
ku hawlgalayso iyo ujeeddooyinka ay hiigsanyso. Waxaa ku cad barnaamijkan
waxqabadka shaqo ee xukuumadda oo xilliyaysan, masuuliyaadkeeda iyo kharashyada
ay u baahan tahay
Waxaa xusid mudan in fulinta barnaamijka xukumadda ay laf
dhabar ka yihiin isfahamka madaxda qaranka, iskaashiga xukuumadda iyo
barlamaanka, taageerada shacabka Soomaaliyeed iyo kaalmada beesha caalamka.
II. Aragtida iyo Qiyamka Guud
Xukuumaddani waa Xukuumad Midnimo Qaran. Waxaa
hawlgalkeeda saldhig u noqonaya mabaadi'da maamul wanaagga ee wadatashiga iyo
isxisaabinta. Waxaa ka go'an inay dhidibbada u taagto maamul dowladeed oo
caddaalad ku dhisan oo soo celiya rajadii iyo kalsoonidii dadweynaha kana
tarjuma baahdia xoogga le ee ay u qabaan nabad iyo dibudhis.
Xukuumaddu waxy xoogga saari doontaa isku tashiga
dadweynaha iyo dhawrista hantida qaran oo laga ilaalin doono takrifal iyo u
adeegsi dano gaar ahaaneed.
III. Ujeeddooyinka ugu muhimsan
1- In la sugo ammaanka lana
joojiyo colaadaha dalka ka jira.
2- In la hirgeliyo dibuheshiisiin
qaran oo soo celisa isku kalsoonaanta shacbaka soomaaliyeed, suura galisana
dhismaha maamul baahsan oo haysta kalsoonida shacabka.
1- In la dhiso hab miisaaniyadeed
oo ku saleeysan dakhliga gudaha iyo iskutashi.
2- Si looga fogaado maamul xumo
maaliyadeed waxay xukuumaddu dhisaysaa hay'ado maaliyadeed oo ku dhisan hababka
caalamiga ah, dejiyana qorshaha iyo maamulka maaliyadeed, lehna nidaam dabagal
iyo isla xisaabtan.
3- In la dhiso maamul xukuumadeed
oo dhamaystiran oo si buuxda uga hirgala heerarka kala duwan.
4- In la dhiso kaabayaasha
dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah dibudhiska bulshda iyadoo la adeegsanayo
siyaasadda suuqa xorta ah, oo dhiirri galinaysa maalgashiga ganacsatada iyo
jaaliyadaha soomaaliyeed ee dibadda ku nool. Siyaasadaas oo tixgelin siin doonta
daryeelka dadka dan yarta ah iyo muruq maalka.
5- In la soo nooleeyo lana
baahiyo adeegyda bulshada ee asaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo
biyaha.
6- In la xoojiyo xiriirka
Soomaaliya ay la leenahay bulshada caalamka , kaas oo ku salysan ilaalinta
qarannimada iyo danaha shacabka Soomaaliyeed kuna dhisan isqaddarin, iskaashi,
iyo isfaragelin la'aan.
7- In la dhammaystiro waajibaadka
ku aaddan xilliga KMG ah oo dhabaha u xaaraya in la helo dowlad shacbigu soo
doortay, kasbatana kalsoonidiisa.
8- In loo hawgalo dibudejinta iyo
taakulaynta dadka barakacay iyo kuwa ku waxyeelloobay dagaalada.
IV. Hawlgalka Xukuumadda
Diyaarinta Qorshaha dhamaystiran ee ay xukuumadda ku
hawlgaleyso xilliga KMG ah waxaa soo diyaarin doono Golaha Wasiirrada, waxaanse
halkan ku soo bandhigeynaa qodobbada mudnaanta leh ee ay ku hawlgalesyo
Xukuumadda xiiliga KMG ah iyo hawlqabadka la hiigsanayo. Qorshaha Xukuumadda
waxa uu ka koobmaa qodobbada soo socda:
B. Dibuheshiisiinta
Xukuumaddu waxay garwaaqsan tahay in barnaamijka
dibuheshiisiintu yahay bilow, ayna jiraan kooxo iyo shakhsiyaad muhim u ah
nabadda oo aan weli ka soo horjeeda. Si loo dhamaystiro dibuheshiisiinta waxay
xukuumadda qabnaysaa hawlaha soo socda:
1- Joogteeynta baaqa
nabadda iyo joojinta wax kasta oo dhalin kara is afgaranwaa siina hurin kara
colaadaha. Xukuumaddu waxay adeegsan doontaa jid kasta oo dhiiri gelinaya
nabadda sida kulamada, warbaahinta iyo munaasabadaha kala duwan.
2- In wadahadal degdeg ah
lala galo kooxaha hubaysan ee ka soo horjeeda dawladda, loona sameeyo
tanaasulaad kasta oo ka tarjumaya ilaalinta qaranimada iyo danaha shacabka
Soomaaliyeed.
3- Hirgelinta baaqa ay soo
jeediyeen Ururka Caalamiga ah ee Culimada Islaamka, oo ku aaddan in la
dhexdhexaadiyo Xukuumadda iyo kooxaha leh fikirka ku salaysan diinta. Xukumaddau
waxay u magacaabaysaa guddi siyaasiyiin, culimo iyo aqoonyahanno ah oo u
howlgala fulinta baaqa dhexdhexaadintaas..
4- Dibudhisidda Guddiga Qaranka
ee Dibuheshiisiinta. Guddigu wuxuu ka koobnaan doonaa xubno ku sifoobay,
islaamnimo, wadninimo iyo ka danqashada dhibka haysta shacabka Soomaaliyeed.
Samaynta gudiyadaas waxay ku imaan doontaa wada tashi ballaaran si uu u helo
aqbalaadd buuxda o u suurtogelisa inay howshooda gutaan.
5- Dibuheshiisiinta waxaa saldhig
u noqonaya ka qaybgalka shacabka Soomaaliyeed qaybahiisa kala duwan sida:
siyaasiyiinta, culumada, aqoonyahanada, odayaal dhaqameedka, haweenka,
warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka ah.
6- Dibuheshiisiinta waxaa lagu
baahaniyaa gobollada dalka iyo degmooyinka, iyadoo lagu qabanayo shirar
dibuheshiisiin, si shacabku fursad ugu helo inuu cabbiro dareenkiisa.
7- Dawrka beesha caalamka ee
dibuheshiisiinta waxuu ku koobnaanayaa kaalmada dhaqaale iyo farsamo ee ay
baahideeda xaddidaadan dadka Soomaaliyeed.
T. Arrimaha Nabadgelyada
Khilaafaadka oo lagu dhammeeyo wadahadal waxay lagama
maarmaan u tahay in uu dhaco heshiis nabadeed. Nabadduna waxaa si buuxda loo
sugi karaa ii keliya marka ay dhacdo dibuheshiin guud. Tallaabooyinka waddada u
xaaraya nabad iyo amni buuxa waxa ka mid ah:
1. In la dhamaystiro mideynta
ciidammada DFKM iyo kuwa IDS
2. In habka mideeynta la
waafajiyo qaabdhismeedka iyo shuruucda ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed,
lagana suuliyo xiriirkii ay la lahayeen qaab-beeleedkii maleeshiyooyinka.
3. In ciidammada amniga loo
dhammeystiro qalab, gaadiid iyo maaliyad u suurtagelin karta in ay hawshooda
gutaan.
4. In maamulka ciidanka amniga
laga ilaaliyo musuqmaasuq iyo ku xadgudub xuquuqda baniadamka, lana abaabulo
dabagal joogto ah oo arrimahaasi lagu xaqiijinayo.
5. In la ciidammada amniga la
siiyo tababar ku filan.
6. In la sameeyo qorshe dheer
oo lagu hirgaliyo barnaamijka dhaqancelinta iyo jihaynta maliishiyaadka, iyadoo
la kaashanayo khibradaha caalamiga ah. Islamarkaana la
dhiso Guddi sare oo arrimahaas maamula.
J. Kaalmada baniaadminimo
1- Xukuumaddu waxay
fududaynaysaa gaarsiinta kaalamada bani aadminmo ee dalka tabaalaysan oo ku kala
baahsan dalka, si taasi u hirgasho waxaa la abuuray wasaarad u gaar ah arrimaha
gargaarka baniaadminimo.
2- Xukuumadda waxay dejin
doontaa qorshaha, xiriirinta iyo qaabka fulineed ee gargaarka iyadoo la
kaashanaysa hay'adaha caalamiga ah.
3- Xukuumaddu waxay
mudanaan gaar ah siinaysaa howlaha gargaarka degdegga ah iyo dibu dejinta iyo
taakulaynta dadka barakacay.
X. Dhismaha Maamulka Hay'adaha Dawladda
Dhismaha Xukuumadda Midnimada Qaran waxaa astaan u
noqonaya ku dhaqanka sharciga, ilaalinta axdiqarameedka, dhisidda maamul
tayaysan oo baahsan, xulasha dad aqoon iyo karti u leh howsha, dejinta nidaam
shaqo oo casri ah iyo hufnaanta maamulka.
Si taasi u suurtogasho, xukuumaddu waxay qabanaysaa
howlaha hoos ku qoran:
3- Dejinta xeerhoosaadka
Golaha wasiirada, tilmaamayana habdhaqanka maamul iyo anshax ee golaha
wasiirada, si uu midaysnaado fikirka, howlgalada, iskawarqabka iyola xiriirka
warbaahinta.
4- Xulidda hawlwadeennada
sare ee wasaaradaha iyo hay'adaha dawladda sida: maareeyayaasha, xoghayayaasha
joogtada ah iyo agaasimayaasha guud. Xulitaanka howlwadeennada sare ee
xukuumadda waxuu ku salaysnaan doonaa karti, aqoon iyo xirfad, iyadoo tixgelin
la siin doono dheelitirka qaybaha kala duwan ee bulshada si xafiisyada dawladdu
yeeshaan muuqaal qaran.
5- Dejinta qoryayaasha
mudada dheer iyo kuwa dhaw ee hay'adaha xukuumadda oo tilamaamaya, shaqooyinka,
mas'uuliyadaha, kharashyada, muddada hawlaha iyo hababka qiimaynta iyo
dabagalka.
6- Dib u habaynta Guddiga
Shaqaalaha Dawladda (National Service Commission)
7- Dejinta nidaamka iyo
habmaamulka shaqo ee xafiisyada xukumadda, kaas oo noqon doono mid waafaqsan
hababaka casriga ah iyo baahida bulshada Soomaaliyeed ee xilliga KMG ah.
8- Xulista iyo hawlgelinta
shaqaalaha dawladda, iyadoo la shaqaalayn doono hadba intii loo baahdo, loona
mari doono hab shaqo qorid ku dhisan cadaalad, ahmiyad gaar ahna siinaysa
aqoonta, khibradda iyo xirfada shaqada u baahan tahay.
9- Tababaridda Shaqaalaha
maamulka heerarkooda kala duwan, si maamulka hay'adaha dawladda u noqdo mid
tayaysan.
10- Baahinta maamulka
xukuumadda ee goboladda iyo degmooyinka si looga hortago urursanaato awoodda
maamul looguna sinnaado fursadaha shaqo, hanti iyo horumarineed ee xukuumadda
ay qabanayso.
KH. Caddaaladda iyo garsoorka
1. In la dhiso Guddiga Sare ee
Garsoorka
2. In la dhammeystiro
qaab-dhismedka hayadaha kala duwan ee garsoorka kaas oo gaarsiisan goballada iyo
degmooyinka.
3. In la magacaabo guddi ka
kooban xubno ku xeel-dheer aqoonta shareecada Islaamka iyo shuruucda qoran ee
dalka oo hubiya is-waafajinta xeerarka dowliga ah ee garsoorka iyo shareecada
Islaamka.
4. In kor loo qaado tayada
aqooneed ee hawlwadeennada garsoorka
5. In dibuhabayn lagu
sameeyo nidaamka xabsiyada iyo Ciidanka Asluubta.
D. Adeegyada Bulshada
Si ay xukuumaddu u noqoto mid wax ka baddasha nolosha
dadweynaha waxaa mudnaan weyn la siinayaa dibu dhiska adeegyada asaasiga ah ee
bulshada, sida waxabarashada, caafimadka iyo biyaha. Howlaha ugu muhimsan ee la
qabanayo waxaa ka mid ah:
1. Dayactirka goobaha
waxbarashada asaasiga ah iyo furitaanka dugsiyada dawladda.
2. Dejinta qorshaha waxbarasho
ee dalka.
3. Dhiirigelinta hay'adaha
waxbarashada gaarka ah iyadoo la xoojinayo iskaashiga xukumadda iyo hay'adaha
aan dawliga ahayn eek u howlan waxbarashada.
4. Dayactirka Isbitaalada guud
ee dalka iyo horumarinta mashaariicda la xiriirta daryeelka hooyada iyo
dhalaanka.
5. Dhiirigelinta hawlaha
nadaafada, biyaha iyo caafimaadka guud.
R. Hawlaha Xilliga Ku-meelgaarka
-
Dibuhabaynta Guddiga Qaranka ee Dastuurka.
-
Diyaarinta dastuur qaran oo ka tarjuma rabitaanka shacabka Soomaaliyeed
- In
afti loo qaado dastuurka la diyaariyay.
-
Hirgelinta tirakoob dadweyne
-
Diyaarinta shuruucda xisbiyada siyasadeed iyo doorashooyinka.
-
Dhismaha Guddiga Qaran ee Doorashooyinka.
- In la
qabto doorashooyin guud iyo kuwo deegaan.
S. Dibudhiska dhaqaalaha
Burburka ku dhacay dhaqaalaha dalka waa mid aad u weyn,
waxaase la isku raacsan yahay inuu si dhakhso ah u kobci karo muddo gaaban
haddii la helo xasillooni iyo amni. Muddada ku-meelgaarka waxay Xukuumaddu
muhimadda saareeysaa:
1. Hirgelinta mabda'a isku
tashiga dhaqaale ee xukuumadda, oo uu saldhig u noqonayo ururinta dakhliga
gudaha iyo habsami u maamulka kharashka dowladda.
2. Dejinta qorshe qaran oo
lagu jaangooyo dibudhiska dhaqaale ee dalka. Kaas oo ay ka qayb galayaan khubaro
Soomaaliyeed iyo kuwa caalami ah, laguna xadidayo baahida dalka iyo habka ugu
habboon ee wax looga qaban karo.
3. U jiheynta kaalmada
caalamiga mashaariicda dayactirka kaabayaasha dhaqaale si xukuumadda u hesho
dhaqaale ku filan fulinta hawlaheeda.
4. Dhiirigelinta ganacsiga
xorta ah iyo mashaariicda maalgalineed ee gaarka ah, iyadoo mudnaanta la siinayo
dhinacyada wax soo saarka sida: beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, dhirta iyo
daaqa, warshadaynta iyo farsamada.
5. Diyaarinta xeerarka
ganacsiga iyo maalgelinta dhaqaale oo mudnaan siinaya barnaamijyada adeegga ee
la xiriira bulshada iyo ilaalinta xuquuqda dadka danyarta ah iyo muruqmaalka.
SH. Xiriirka Caalamiga ah
Ujeddooyinka guud ee xiriirka caalamiga ah waa inay
Soomaaliya noqoto xubin ka tirsan beesha caalamka oo la wadaagta dunida nabad
kuwada noolaanshaha iyo horumarka. Taasi waxy ku iman kartaa in isfaham dheeraad
ah dhexmaro Soomaaliya iyo dawladaha deriska ah, sidoo kale beesha caalamka si
aynu gacan uga helno nabadda iyo dibudhiska dalkeenna. Haddab si taasi wax looga
qabto waxay xukuumaddu qaadaysaa talaabooyinka soo socda:
1- In la qabto kulammo ay
ka qaybgalaan aqoonyahannada, safiirada iyo dadka khibradda u leh
dibloomaasiyadda oo lagu jaangooyo siyaasadda dibadeed ee dalkeenna.
2- In la xoojiyo kaalinta
safaaradaheenna dibadda ee dhismaha diblomaasiyadeed iyo qurxinta aragtida
dunida kale ka haysato soomaaliya.
3- In beesha caalamka lagu
dhiirigeliyo inay ku yeelato dalka gudahiisa matalaad siyaasadeed, dibna u furan
safaaradahooda iyo qunsilayadahooda.
4- In la xoojiyo xiriirka
jaaliyadaha dibadda iyo qurbojoogta, tixgelinna la siiyo dawrka ay ka qaadan
karaan xoojinta diblomaasiyadda iyo dibudhiska dalka.
###
Laakiin marka si guud loo eego ku dhawaaqista Xukuumada
cusub ee Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaad moodaa in xildhibaanada
qaarkood ay ku tahay caburin, iyagoo u sababeynaya joogitaanka halka ay joogaan
iyo xubnaha cusub ee ku soo biirey Xildhibaanada oo u arkaya ineysan marna aqoon
maya, halka kuwa kale ay u tahay farxad iyo cadaalad dhameytiran, balse waxaa la
sugayaa sida uu ugu codeeyo Baarlamaanka oo isugu jira kuwo cusub iyo kuwo hore,
inkastoo Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uusan hore u ahayn ruux dalka iyo
dadka Soomaaliyeed ka dhex muuqdey siyaasadihii isku marnaa ee wajiyada Qabiilka
iyo kuwa dahsoonaa watey, taasoo faragelintooda ay ku adkaandoonto sida uu uga
badbaado..
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2009
:HADALKII AU EE DAWLADA FKMG |
Wakiilka AU: Dawladda Midnimo Qaran ee
Soomaaliya waxay noqoneysaa Cilmaani (Secular): (Sidaas waxaa wakiilka AU u "xaqiijiyey"
Sheikh Shariif Sh. Axmed ) iyo ciidamo cusub oo loo dirayo Somalia
Dhegeyso - English (MP3) | ama
Akhri (VOA)
|
Go'aamada iyo Bayaankii
ka Soo baaxay Shirkii Culumada Soomaaliyeed
Muqdisho:
Qodobada waxaa ka mid ah in Soomaaliya si dhab ah loogu dhaqo shareecada
Islaamka, iyo in 120 maamood gudahood la saaro ciidamada shisheeye.
Dhegeysi / AKhris
Waraysi:
Xildhibaan Xasan Abshir iyo Xildhibaan Shariif M. Saciid
waxaana u maleynayaa in Wasiirada lagu
dhawaaqi doono Jimcaha/Sebti
"Baarlamaanku
Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux Aan Aqoonteeda
Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa"
Akhri.. - Feb 18