Warbixin:-Xasuuqii waxshiga ahaa ee Taliskii
xabishidda ee Boorama 30 Janaayo 1984.
Qalinkii iyo qormadii tiiraanyeysnayd
Walaalihiin :Mukhtaar C/raxmaan iyo Mukhtaar Ibraahim
Email:
Mukhtaar24@rediff.com
- Xabashidu (Janaayo 30, 1984) weerar
diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku xasuuqday 37 arday
oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna
kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin , waxaa kaloo dadka ku
nafwaayay weerarkaas kamid ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi
uu sugnaa MCH-ka....
Marka hore waxaan ku bilaabayaa magaca eebe ee
naxariista naxariis guud iyo mid gaar ahaaneed.
Hadaba, hadaan u gudbo ujeedada igu dhalisay
dhanbaalkayga, amaba aan gudagalo ayaa waxay tahay in maalinba maalinta
ka danbaysa ay sii fogaanayso colaadii sooyaalka ahayd ee u dhaxaysay
shacabka soomaaliyeed iyo xukuumadaha xabashida, Waana taas aan maanta u
cuskaday qalinka, jecelna inaan daaha ka qaado taariikh aan marnaba
duugoobikarin oo arimahan uun la qotonta in kastoo aanan jeclayn inaan
diirqaado naburro gaamuray dibna u xasuusiyo shacabka iyo eheladii
dhibanayaasha, balse ay tahay dhacdo xusid mudan oo qudhaydu habeeno ka
laddi waayay.



Ahmed Abdi Bare Cabdilahi Nur Cumar Deeqa Yuusuf
Cige
Waayo ummad kasta oo uunkan ku nooli waxay
leedahay dhacdooyin taariikheed oo soo jireen ah oo ay ku dhaataan ama
ay ka dhiidhiyaan, waana laba midkood uun,
- taariikh xambaarsan
badhaadhe iyo himilooyin wanaagsan oo la hantay.
- taariikh xambaarsan
tiiraanyo, dhiilo ama dhacdo xusuus reeb xun leh .
Haddaba dhacdooyinkan is
huwan ayaa badanaaba waxa weeleeya maskax kastoo caafimaad qabta taasi
oo ku dul suntan, raad-raaca taariikheed ee jiilba jiil uga sii
taariikhoodo, arinta aan ugoleeyahay ee aan ubanbaxay wax kaqoristeeda
islamarkaana aan ushanqadhiyo dhalinta facayga ah ee gayiga degan ayaa
ah, akhristow raad-raaca taariikhda ee guunka ah oo maanta si urugo
iyo naxdin leh u xusaysa bar-baartii, ubixii, sida xun ugu riiqday
weeraradii waxshiga ahaa ee aan lookaala aabo yeelin ubax iyo
xaamilaba.
Hadab bulshoweynta reer Awdal yaa ah bulsho ehel
u’ah ilbaxnimo iyo aqoon dabo dheeraatay, isla markaan ku dhaadata
taariikh guun ah oo soo jireen ah, waxaaana taasi marag ma doon u ah
ilbaxnimadii Adal iyo sooyaalkii soomaaliyeed ee kahaqaaday guud ahaan
Awdalta maanta taaso ahayd boqortooyo awood cudud iyo ilbaxnimo gaadhay
oo xukunkeedu gaadhsiisnaa ilaa shawa(Ethiopia) taas oo la odhankaro waa
halka ilbaxnimadii soomalidu ay ka soo dhab qaadatay .
Hadaba hadii aan ugudo galo dhacdan naxdinta leh
ayaa waxay ubilaabmaysaa sidan hoose.


Hibo Ahmed Ali
Yey Kaltuun Abubakar Sh Mahamed Xasan Xandule
Amintu waa goor barqa ah abaaro 10:30 AM,
bishii janaayo 30keedii, 1984 kii waana maalin farxad iyo rayn-rayn
badan ay dadkuna faras magaalaha Boorama (xarunta iyo caasimada gobalka
Awdal) ay tuganyihiin oo raxmaad iyo nimcada illaah ku mashaqeeyay taasi
oo ay dheerayd jawi bilan oo ay weheliyaan neecaw iyo reexaan udug
badan oo ka soo dhabanaayay dhinaca buuralayda iyo xeebaha gobolka.
Laakiin nasiib daro waayahan faraxa badan u mayna
hiilin shacabkii u sacabotumaayay ee u heelanaa, Kadib markii 6
diyaaradood oo nuuca dagaalka ay ka soo gudbeen dhinaca xadka xabashida
kuwaas oo bartilmaameed rasmi ah ka dhigtay ubax aan waxba galafsan oo
duruus ujoog ku ahaa dugsiyadoodii. Deegaamo xaafadeed iyo xarumo
ganacsiba, gardaradaa aan geedna lagula soo gaban ayaa waxaa ku galbaday
37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka
dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin kuwaas oo sixun u
dhaawacmay ,waxaa kaloo dadka ku nafwaayay kamid ahaa afar hooyo oo
xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka ag dhawaa dugsiyadaasi
sida xun loo weeraray (ataagay).

Hibo Barkhad Qayaad . Qayaad Barkhad Qayaad
Markasoo ay bulshada caalamkuna ay ku
mashquulsanaayeen waa xiligaasiye ka badbaadinta dhalaanka nafaqadarada,
macaluusha, xanuunada iyo cidhibtirka jahlinimada, ayay xukuumada
xabashiduna ay awoodeeda ku tijaabisay ubad soomaaliyeed oo birimagayda
ah ,shikina kuma jiro in xukuumadaha xabashidu ay yihiin xoog u taagan
bur-burinta shacabka iyo bar-baarta uhanaqadaysa gayigan.
Anaga oo kuhadlayna magaca bulshaweynta reer Awdal
iyo eheladii dhibanayaasha ayaan ugu baaqaynaa dadyowga nabada jecel in
aydhinac uga soo jeestaan ficilada xun ee ay cadaysteen xukuumadahasi
xabashidu, arintu sikasta ahaatee dhacdadani waxay fariin ugudbinyasaa
bulshoweynta soomaliyeed in ay cadowgooda u foojignadaan waxaana la,
arkaa in dhinbiilihii hore ay wali dhab holcinayaan , inkastoo
xasuuqaasi naxdin we-wel iyo tiiraanyo ku sogootiyay bulsho weynta reer
awdal hadana waxaa xusid mudan in ayna cidna dabooli Karin ubax soo
foodhacaaya!! .
Balse su’aasha la isweyndiin karo ayaa ah intee
ayuu leekaa taageeradii ay ufidisay xukuumadii milatariga ahayd ee
siyaad barre dhibanayaashii ay dhacdani ku hafsatay ?
Jawaabta ayaa ah mid cad dadka inta badana ay
aaminsanyihiin in wax gar-gaarah oo sidaasi ubuuran ayna dadkaasi helin
,balse wax uun lagudboonaa dowlada in ay shicibaka ka difaacdo duqaynta
arxandarada ah balse taasina ma ay dhicin ,waan taas ta sobobtay in uu
wax kooban noqdo taageeradii ay bulshoweynta reer Awdal uqabeen
xukuumadii xilligaasi.
Iskusoo wad xooriyoo hada waxaa lataaganyahay
xiligii dhibanayaasha lagu xusilahaa taalo laga dhex qotamiyo faras
magaalaha caasimada gobolka ee Boorama, si aan maanka iyo quluubta ugu
hayno ubaxaasi inaga baxay dhamaanteen ,waayo bulsho kastaa waxa ay
leedahay calaamad ay kuxusuusato dhacdooyinkan nuucan oo kale ah .



Mustafe Cilmi Weyrax Sucaad Cali Obsiiye Warla Cilmi Sugule
Gabo-gabada iyo gunaadka qalinkayga urugo qormaaya
kuna hadlaya magacayga iyo magaca dhalinta reer awdal iyo magaca
qoysaskii dhibtu gaadhay ayaan waxaan tacsi tiiraanyo leh ugubinaynaa
dhamaan bulshoweynta reer awdal meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibadba
iyo guud ahaan bulshoweynta soomaaliyeed ,taariikhduna way xusi
ubaxaasi saxiibadayo ,wehelkayo,kuwaas oo nala qoondaynlahaa dhabada
nolasha waxaase hubal ah in ay rabi ku galaday janatu firdowsa
naxariisna, ay hugooga noqotay dhamaanteen allaah raxmaanka ahi samir
iyo iimaan ha inaga siiyo aamiin ..............
Magacda ubaxii ama shuhaddadii ku nafwaayey
xasuuqii foosha xumaa ee xabashida.
N° |
Magac (Names) |
Da' (age) |
Fasal (Grade) |
1 |
Ilyaas
Ibraahim Maydhane |
12
|
4 |
2 |
Ismaaciil
Muuse Tubeec |
13
|
4 |
3 |
Abadir X/ibrahim Xaaji |
11 |
4 |
4 |
Axmed Idiris
Ibraahim |
12
|
4 |
5 |
Axmed Ibraahim X/ bookh |
12 |
4 |
6 |
Ubax Cumar Maydhane |
10 |
3 |
7 |
Anisa daahir Caateeye |
10 |
3 |
8 |
Maxamuud Maxamed Daahir |
10 |
3 |
9 |
Yaassiin Daahir Ibraahim
|
10 |
3 |
10 |
Abdi Hassan Cali |
9 |
3 |
11 |
Abdi Ahmed Yuusuf |
10 |
4 |
12 |
Husseen Maxamed Nuur |
12 |
3 |
13 |
Sacaada Cabdulle Faarah
|
10 |
3 |
14 |
Maxamed Xasan Faarah |
9 |
3 |
15 |
Nimca
Maxamed Xirsi |
10 |
3 |
16 |
Raashid Huseen Cige |
10 |
3 |
17 |
Cabdi Ismaaciil Xasan |
11 |
3 |
18 |
Maxamed Aw/
Aadan Cabdi |
8 |
2 |
19 |
Khadra Maxamed Xirsi |
9 |
2 |
20 |
Maxamed Idiris Miicaad |
8 |
2 |
21 |
A/risaaq SH/maxamed |
10 |
2 |
22 |
Sahra Aaden |
6 |
1 |
23 |
Faadumo orod
ku dharag |
6 |
1 |
24 |
Fa’isa H/Ibraahim Muusae |
12 |
4 |
25 |
Ruqiya Maydhane Muxumed |
10 |
2 |
26 |
Hibo Axmed Ali yey |
11 |
4 |
27 |
Maxamed Xasan Xandulle |
13 |
4 |
28 |
Hinda Axmed Cilmi |
10 |
3 |
29 |
Hibo Barkhad Qayaad |
9 |
3 |
30 |
Qayaad Barkhad Qayaad |
11 |
4 |
31 |
Deeqa Yuusuf Cige |
10 |
3 |
32 |
mustafe Cilmi Weyrax |
9 |
2 |
33 |
C/laahi Nuur Cumar |
14 |
8 |
34 |
Axmed Cabdi Barre |
11 |
3 |
35 |
Kaltuun Abubakar Sheekh |
10 |
4 |
36 |
Warla Cilmi Subagle |
9 |
3 |
37 |
Sucaad Cali Obsiiye |
14 |
7 |
Qalinkii iyo qormadii tiiraanyeysnayd
Walaalihiin :Mukhtaar C/raxmaan iyo Mukhtaar Ibraahim
Email:
Mukhtaar24@rediff.com