SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baarlamaanka DFKMG oo Cod Aqlabiyad ah Ku Ansixiyay Cumar C. C. Sharmarke

Jabuuti, Feb 14, 2009: Kulan ay isugu yimaadeen xubaha Baarlamaanka DFKMG ayey cod u qaadeen ansixinta ra'iisul wasaaraha cusub ee DFKMG.

Markii codka la qaaday waxaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xubno tiradoodu gaareyso 414 xildhibaan. Kaddib ayaa la dhaariyey Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke oo bedeley Nuur Cadde.

 Ra'iisul wasaarayaashii ay soo yeelatay Soomaaliya, DKMG iyo DFKMG.
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
DKMG (Carta): Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
DFKMG (Nairobi): Cali Maxamed Geedi
3 Nov 2004 - 29 Oct 2007
DFKMG (Baydhabo): Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
22 Nov 2007 - 12 Feb 2009
DFKMG (Jabuuti): Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
13 Feb 2009 - Hadda


Madaxweyne Sheekh Shariif « kadib markii aan aragney qodobka 44-aad ee Axdiga KMG ah ee awooda siiniya magacaabista wasiirka Koowaad… »

Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Midnimada Qaran Cumar Cabdirashiid oo 4 Wasiir deg deg ah ku dhawaaqaya.

Kulan lagu magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo ay kasoo qaybgaleen Wasiirka Warfaafinta Dowlada Jabuuti Md, Cali Cabdi Faarax, Wasiirka Arimaha Diinta Dowlada jabuuti Md, Xaamud Cabdi Suldaan, diblamaasiyiinta Beesha Caalamka, Midowga Africa, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo labadiisa ku xigeen, qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG, qaybo ka tirsan Ururada Bulshada iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa lagu qabtey Guriga Martida ee Madaxtooyada dalka Jabuuti.


Cumar C/rashiid iyo Sh. Shariif oo isa salaamaya iyo Aadan Madoobe oo eegaya

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu Ra’iisul wasaaraha Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya u Magacaabay Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma'arke oo ah Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya 13/02/2009-da abaaro 5:35 PM Galabnimo halka uu ka degan yahay Xarunta Madaxtooyada ee Caasimada dalka Jabuuti, Kadib hadal hayn fara badan iyo wadatashiyo gooni gooni ah oo socdey in ka badan todobaad, islamarkaana uu la yeelaney qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa uu hadalkiisa ku bilaabey “Ujeedada aan halkaan isugu nimid waxay tahay magacaabistii Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii aan aragney qodobka 44-aad ee Axdiga KMG ah, ee awooda siiniya magacaabista wasiirka Koowaad, markii aan tixraacey heshiiskii Jabuuti oo ahaa in Xukuumad Midnimo Qaran la soo dhiso, markii aan la tashadey Xildhibaanada, siyaasiinta, odeyaasha wax-garadka, Culimaa’udiinka, Ganacsatada, Ururada Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Aqoonyahanka Soomaaliyeed, waxaan u magacaabey Wasiirka Koowaad ee Dowlada Midnimada Qaran Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, maanta oo ay taariikhdu tahay 13/02/2009-ka, wasiirka 1-aad waxaa laga rajeynayaa inuu ku shaqeeyo daacadnimo, hufnaan, firfircooni iyo karti, kuna wajaho dhameystirka dibu-heshiisiinta soona dhiso Xukuumada tayo leh oo u adeegta dadka, dalka iyo Diinta Shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkii magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ku yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.


Cumar C/rashiid oo la fadhiya axmed Walad Cabdalla

Md, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo kadib magacaabistiisa hadal gaaban ka jeediyey islamarkaana aqbaley magacaabista xilka loo dhiibey ayaa wuxuu yiri “waxaan dareensanahay xilka la ii magacaabey culeyka uu leeyahay iyo marxalada uu dalka marayo, waxaana na horyaala hawlo fara badan, waxaase jira fursado abuuraya yididiilo, waxaana loo baahan yahay in laga gudbo caqabadaha jira”.

Cumar Cabdirashiid Cali Dharma’arke ayaa ku dhashey magaalada Muqdisho 19/06/ 1960, taariikh-diisa oo dhameystiran ayaa waxay tahay sidan ;

CURRICULUM VITAE

  • Name: Omar A.A. Sharmarke
  • Date of Birth June 19, 1960
  • Marital Status: Married
  • Gender: Male
  • Nationality: Somali
  • Temporary Address: Hurlingam, Nairobi , Kenya ,
    Phone: +254-710-771188
  • Permanent Address: Boheira, Sharjah, U.A.E.
    Phone + 971-50-340-2245
  • E-mail: sharmarke@cpdi.org

EDUCATION:

  • · Masters of Arts in Political Economy, Carleton University , Ottawa , Ontario , Canada (2000).
  • · Bachelor of Arts (High Honors) in Political Science, Carleton University , Ottawa , Ontario , Canada (1998).
  • · Bachelor of Arts in Economics, Somali National University , Mogadishu , Somalia (1984).

EMPLOYMENT:

  • Transitional Federal Government (TFG) of Somalia
    Foreign Policy Advisor, Oct 2007 - Present
     
  • United Nations (UN)
    Political Adviser, Darfur-Darfur Dialogue and Consultations (DDDC),
    Seconded to the African Union Mission in Sudan (AMIS), Sep 2006 – Sep 2007
     
  • United Nations (UN)
    Political/ Civil Affairs Officer, Civil Affairs Division, UNMIS,
    Sudan, Jan 2006 – Aug 2006
     
  • United Nations (UN)
    Political/Civil Affairs Officer, Civil Affairs Division, UNAMSIL,
    Sierra Leone, Aug 2000 – Dec 2005
     
  • Center for Peace and Democratic Initiatives (CPDI)
    Director of Africa Program, Ottawa , Canada , Mar 1993 – June 2000
    East Africa Project Coordinator, Ottawa , Canada , July 1992 – Feb 1993
     
  • Somali Development Bank,
    Project Consultant, Mogadishu, Somalia Jan 1988 – Dec 1990
     
  • Coca Cola, Somali Bottling Company Ltd.
    Consultant and Member of Board of Directors,
    Mogadishu, Somalia, Sep 1984 – Dec 1990

Dhinaca kale Baarlamaanka KMG ayaa la filayaa 14/02/2009 in fadhi lagu ansixinayo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Dowlada Midnimada Qaran uu ku yeesho Guriga Ummada ee Caasimada dalka Jabuuti, iyadoo hadalo kala duwan ay ka soo baxayaan xubnaha Baarlamaanka DFKMG oo bixinaya sawiro kala duwan.


Cumar c/rashiid iyo Aadan madoobe isa salaamaya iyo Sh. Shariif oo eegaya

Hadalo hoose oo aan helney waxay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha Dowlada midnimada Qaran uu si deg deg ah ugu dhawaaqidoono 4-ta wasiir ee ugu awooda badan Baarlamaanka si beelaha waaweyn codkooda looga gado, balse lama sheegin xiliga sida rasmiga ah loogu dhawaaqayo.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com


Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo Loo Magacaabay Ra'iisul Wasaaraha DFKMG - Feb 13, 2009

Feb 13, 2009: Madaxweynaah DFKMG, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa xaflad lagu qabtay jabuuti waxa uu kaga dhawaaqay in ra'iisul wasaaraha xukuumaddiisa FKMG uu yahay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo da'diisu tahay 48 jir.

Cumar waxaa dhalay madaxweynihii hore ee dawladdii Soomaaliya, C/rashiid Cali Sharmaarke oo la diley saddex sano markii uu ahaa madaxweyne.

Cumar C/rashiid waxa uu muddo ku noolaa dalalka Maraykanka iyo Canada, kaddib Imaaraadka iyo Nairobi. Waxana uu haystaa Canadian Citizenship. Waxa uu ka soo shaqeeyey Qaramada  Midoobey ee Darfuur, Suudaan. Waxaana C/laahi Yuusuf u xilsaaray in uu noqdo lal taliyahiisa arrimaha dibada.

Waxa uu waxbarashiida ku qaatay Jaamacaddii Ummadda ee Muqdisho, kullayadii dhaqaalaha. Waxa kale oo waxbarasho ku qaatay Carleton University Canada.


maraakiib shisheeyeMaraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya iyo
"La Dagaalanka Burcad-Badeedda"

iyo Ciidanka Maraykanka oo Badda Cas ka Qabtay 16 Soomaali ah oo Looga Shakiyey Burcad badeed.. Warbixin iyo Faallo. Q.1aad

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS