w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

SomaliTalk oo Gaarsiisay Dowladda Soomaaliyeed warbixintii Dhul-Badeedka Ka hor intaysan saxiixin heshiiskii Is-Afgarad ee Nairobi...

Heshiiskii Is-Afgarad ee DFKMG iyo Kenya ku dhexmaray Nairobi oo Af-Soomaali loo rogay...

  • Faallada Xadaynta Badda | SOMALITALK.COM | April 11, 2009

  • Taariikhda Cilmi Baaristii Dhul-Badeedka Soomaalida..
  • Xiriirkii Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Khayraadka Badda:
  • Xiriirkii: Safaaradda Soomaalida ee New York
  • Xiriirkii Madaxtooyada iyo SomaliTalk.com
  • Nairobi, Kenya: Ibraahim Daa'uud iyo xiriirkii Madaxda Dowladda
  • Mudisho: Amiin Yuusuf iyo Xiriirkii Madaxda Dawladda
  • Maxay tahay Xogta Somaaliya looga Baahan yahay ka hor May 13, 2009
  • Heshiiskii Is-Afgarad ee DFKMG iyo Kenya ku dhexmaray Nairobi oo Af-Soomaali loo rogay
  • Kenya Is-Afgaradkaas waa ku Jilaafaysay Soomaaliya
  • Faarax Macallin: Heshiiska Waxaa la saxiixay Dhawr toddobaad ka hor
  • Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Heshiiska isfahamka Kenya
  • Maxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed heshiiska is afgarad kadib?

SomaliTalk.com oo waqti dheer iyo xiriir badan ku bixisay diyaarinta Warbixintii Dhul-badeedka

Bismilaahi Rahmaani Raxiim

  • Faallada Xadaynta Badda Soomaaliyeed.

SomaliTalk.com: Waa Shabakad Warbaahin iyo xog aruurin isugu jirta, kana mid ah kuwa ugu da'da wayn Mareegaha Soomaalida. Waxayna aad isugu howshaa inay soo gudbiso Baaritaano, Faallooyin, Warbixin iyo Qormooyin, laxiriira Badaha iyo Bariga Soomaaliya, kuwaas oo u badan dhacdooyin horay u dhacay oo ay soo faagto iyo waxyaabo Mustaqbalka la qorshaynayo inay dhacaan oo ay soo bandhigto ama ka digto, iyo dabcan wararkii iyo maqaalladii maalinlaha ahaa. SomaliTalk.com waxay ka hadashaa Somaaliya iyo Soomaalida oo dhan wixii ku saabsan.
 

Taariikhda Cilmi Baaristii Dhul-Badeedka Soomaalida..

Cilmi Baaristan (ku saabsan xuduudaha Soomaaliya) waxay ku bilaabatay in SomaliTalk sida aan soo xusnay shaqadeeda kamid tahay inay isha ku hayso waxyaabaha muhiimka ah ee Somaaliya la xiriira, khaasatan arrimo badan oo ummadda Soomaaliyeed inteeda badan aan hadda suura gal u ahayn inay si sahlan ku ogaadaan ama ku helaan sababa badan oo jira awgood. Arimahaas waxaa ka mid ah Sahaminta Shidaalka ee Soomaaliya, Sunta lagu aasay Soomaaliya iyo Cilmi Baarista Dhul-Badeedka Soomaaliya.

Waxaa jirtay bishii Janaayo ee sanadsan 2009 in SomaliTalk ogaatay inuu jiro Sharci dhigaya waqti cayiman oo wadammada baddaha leh Qarammada Midoobay u qabatay, May 13, 2009 inay kusoo gudbiyaan cabirka badda ay leeyihiin ee loo yaan (continental shelf) Qalfoofka Badda (Dhulka Badda hoos u gashan ee ka baxsan 200 oo Mayl badeed). Kadib SomaliTalk waxay is waydiisay su'aasha ah: Somaaliya badd wayn ayey  leedahay sharcigana waa laga rabaa, ee ma gudbisay cabirkii baddeeda inta aan waqtigu dhicin? Su'aashaasi waa mida sababta u ahayd in Cilmi baarista lasameeyo, kaddib markaan ogaanay inaan Somaaliya gudbin cabirkii baddeeda, waxaa kaloo kasoo baxay, baaritaankaas su'aalo kale oo oranaya wadankaan gudbin cabirka baddiisa muxuu la kulmayaa? iyo waddamada xuduudka badda la leh Soomaaliya saamayn ma ku yeelanayaan isbadalkaan, waxse ma iska badalayaan soohdimihii hore ee u kala calaamadsanaa?. Intaas kaddib waxaan ogaanay inaan Soomaaliya gudbin xogtii laga rabay, sidoo kalena waddamada Xadka badda la leh ay Saamaynayaan Soomaaliya. Waqtigaa kadib waxaa  noosoo baxday inaan masuuliyad wadaniyeed isa saaro oo isku dayno inaan soo diyaarino Cilmi baaris arrintaas laxiriirta oo ku qoran luuqadda Soomaaliga si ay ugu fududaato fahamkeedu cidkasta oo Soomaali ah oo ay khusayso, gaar ahaan Dowlada Kumeel gaarka ah ee hadda xilka haysa.

Intaa kadib SomaliTalk waxay ku dadaashay inay marka hore warbixintaan gaarsiiso DFKM warbixintu markaas waxay maraysay 30-bog, cabbirka Dawladda Kenya sheeganyso markaas weli laguma faafin bogga UN-ta. Intaa kadib xiriirkii na dhex maray anaga iyo Dowlada wuxuu ahaa sida hoos ku qoran, inta badan xiriirku wuxuu ahaa E-mail marka laga reebo Dr. Cilmi Axmed Ducaale, Safiirka Soomaalida u fadhiyo Qarammada Midoobay, oo laba goor aan wada hadalay: (FG: Emailadii aan ka helay madaxtooyada wixii ku qoraa halkan kuma daabacayno anagoo tixgalinayna shaqsiyaadkii nala soo xiriiray iyo erayadii ay sida gaarka ah noogu soo qoreen oo aanaan ka dhigayn mid lagu faafiyo Barta Internetka ee SomaliTalk.com. Waxaan dadweynaha u soo bandhigaynaa emailadii ay SomaliTalk u dirtay iyo nuxur ahaan jawaabtii aan helay.)

SomaliTalk oo gaarsiisay Dowladda Soomaaliyeed warbixinta ka hor intaysan saxiixin heshiiskii Is-Afgarad ee Nairobi

Xiriirkii Wasiirka Wasaaradda Kallumeysiga iyo Khayraadka Badda:

Prof. Cabdiraxman Aaden Ibraahim Ibbi maadaama uu yahay ra'iisul wasaare xigeen, isla markaasna uu yahay wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda ee ay ku saabsanayd arrinta warbixintu xambaarsanayn, waxa uu ka mid ahaa masuuliyiintii dawladda ee ugu horeeyey ee aan isku daynay in aan warbixinta u gudbino. Waana kuwan emailadii aan u dirnay:

(from) SomaliTalk.com to abdurahman ( waa Prof. C/raxmaan Ibbi)
Mon, Mar 2, 2009 at 1:17 AM

Asalaamu Calaykum

Mudane Raysalwasaare kuxigeen/Wasiir waa bahda Soomaalitalk oo doonaysa inay idiin soo gudbiso Akhbaar Muhiim ah oo kusaabsan Soomaaliya. Akhbaartaas oo si khaasa adiga xiriir kuula leh, lagaana codsanyo inaad u gudbiso Madaxwaynaha iyo Raysal Wasaaraha Dowlada.

Hadaba waxaan rabnaa inaan hubino sida ugu wanaagsan ee akhbaartaas aan idiinla wadaagi karo, fadlan noo soo qor Telafoon aan kaasoo wacno. Mudane wasiir anagoo tixgalinayna mashquulkaaga hadana waxaan ku xasuuninaynaa waqtigaan haysano inuu aad u kooban yahay.

Xasan Dhooye

..............

Markii aan muddo 10 cisho ah jawaab ka waynay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ayaan markale u dirnay emailkan aan ugu sheegnaay warbixintu arrinta ay ku saabsan tahay :

(from) hassan Dhooye to abdurahman ( waa Prof. C/raxmaan Ibbi)
Thu, Mar 12, 2009 at 10:56 PM

a/c

Sacaadatu Raysulwaase ku xigeen, waan ladanahay adigana waxaan kuu rajayanayaa khayr. Waxaan kuusoo diray hada ka hor e-mail , wax jawaabana kaama helin, fadlan waxaan markale kuugu celinyaa waxaan haynaa akhbaar muhiim ah kuna saabsan baddaha Soomaaliya, adigana aan filayo inay si toos ah xiriir kuula leedahay, ee waxaan kaa codsanayaa inaad isoo siiso number aan kaasoo waco, ama sida ugu saxsan ee aan akhbaarta kuugu soo gudbin karo.

Hadaan wax yar kaaga taabto, waxaa jira baaritaan dheer oo SomaliTalk ku howlanayd, kaas oo kusaabsan in waddamada baddaha leh loo kordhinayo aaga loo yaqaan aaga ganacsiga , lagana doonayo wadankasta inuu soo gudbiyo macluumaad ku saabsan arintaas ugu danbayn, bisha may ee sanadkan aan ku jiro. Sidaa daraadeed SomaliTalk iyadoo isku dayaysa inay sahasho fahamka arintaas waxay haysaa warbixin ka kooban ilaa 30 bog, waxayna doonaysaa inay usoo gudbiso Dowlada inta aysan daabicin, fadlan arintaas sii muhiimadeeda, waana dareensahay howlaha waawayn ee idiin yaal.

Waxaa nagu adkaatay inaan helo cida ay sida tooska ah u khusayso ee dowlada, sidaa daraadeed waxaan kaa rajayanayaa jawaab. Sidoo kale hadii tela phone-ku kuu sahlanyahay waxaad iga soo wici kartaa xxx-xxx.xxxx.

Xasan Dhooye

........

Wasiirka Kalluumaysigu emailadaas kama soo jawaabin.


Xiriirkii: Safaaradda Soomaalida ee New York ee Wakiilka Soomaaiya uga ah Qarammadda Midoobay

Dr Elmi DualeMaadaama safaaradda Soomaalida ee New York ay tahay tan masuulka ka ah in ay xogta cabbirka badaha (aagga ganacsiga) ay u gudbiso hay'adda Qarammada Midoobay hawshaas u xilsaartay, ayaan si toos ula xiriirnay safaaradda si aan u helo safiirka, Dr Cilmi Axmed Ducaale, uguna gudbino warbixinta aan diyaarinaay su'aalona uga weydiino. Waana kan xiriirkii aan la samaynay:

Telefoon: (Maarso 3, 2009)

Subaxnimadii Talaadad March 3, 2009 ayaan SomaliTalk waxay telefoonka kula xiriirtay Safaaradda Soomaalida ee New York. Gabar telefoonka ka jawaabtay (oo lahjad ahaan u u eg in ay ka soo jeedo dalalka Bariga fog) ayaa sheegtay in safiirku maqan yahay xilligaas, waxana u sheegnay in aan doonayno in aan u gudbino macluumaad, soona wici doono.

Tefoon: (Maarso 4, 2009)

Subaxnimadii xigtay ee Arbacada March 4, 2009 ayaa markale SomaliTalk wacday safaaraadda, subaxdaana safiirka ma helin. Laakiin markaan waxaa naloo sheegay saacadda la helo. Isla subaxdaas waxaan safaaradda u dirnay emailka hoose.
......................
(from SomaliTalk.com) Ku: Safiirka Soomaalida ee UN, H.E. Dr Elmi Ahmed Duale
Wed, Mar 4, 2009 at 5:57 PM

A/c: Ugu horayn Ambassador Dr Elmi Ahmed Duale, naga guddoon salaanta Islaamka. Bacda salaan, waxaa emailkan kuugu soo dirnay marka hore in aan hubsano in emailkani yahay kan aad adeegsatid oo rasmiga ah. Taas marka ay noo caddaato oo aan kaa helo jawaab, waxaan rajayneynaa in aan kuusoo gudbino akhbaar khusaysa Soomaalida oo aan qiyaaseyno in aad tahay masuulka ku haboon in akhbaartaas wax laga weydiiyo ama lala socodsiiyo.

Waxaan isku daynay in aan telefoon kuusoo dirno maanta, annaga oo adeegsaney telefoonka (212) 688-9410, -5046, kaas oo ku qoran website-ka ( http://www.un.int/somalia ), waxaa naloo sheegay in lagu helo karo berri xxxxxxxxx qiyaastii, xilligaasna insha Allah ayaan kusoo wacaynaa.

Mahadsanid waqtigaaga.

Maxamed Cali (Tel: xxx.xxx.xxxx)
..............

Telefoon: (Maarso 5, 2009)

Subaxdii Khamiista March 5, 2009 markii aan wacnay safaaradda, waxaan helay safiirka. Waxaan u sheegay in SomaliTalk.com ay hayso warbixin ay doonayso inta aan la daabacin in aan u soo gudbino Safaaradda Soomaaliyeed maadaama aan u aragnay in ay muhiim tahay in safaaraddu ay jawaab ka bixiso. Waxaan u sheegnay in aan doonayno in jawaabta Safaaradda aan ku darno warbixinta.
Waxa uu safiirku SomaliTalk.com markaas ku weydiiyay waxa ay warbixintu ku saabsan tahay? Waxaan u sheegay in Qarammada Midoobay uu ka socdo qorshe la doonayo in dalalka xeebaha leh loo kordhiyo xadkii badda oo halkii uu markii hore ku joogey 200 mayl badeed (370km) in laga dhigayo ilaa 350 mayl badeed (qiyaastii 650km).

Waa gartay ayuu yiri. waxana soo dhaweeyey in aan akhbaarta u dirno, wuxuu ii xaqiijiyey emailka safaaradda, oo uu ka xaqiijiyey gabadha, waxa kale oo uu ii qoray emailkiisa gaarka ah, waxana uu yiri labadaba ku soo dir.

Subaxdaas ayaan u diray emailka hoose oo aan ugu lifaaqay warbixinta.
............
From Minneapolis (SomaliTalk) - Ku: Safiirka Soomaalida
Thu, Mar 5, 2009 at 10:51 AM

A/c: Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale, salaan qiimo badan ka bacdi, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan telefoon kuwada hadalay oo aad naga aqbashay in aan kuusoo gudbino xogta aan u aragno in ay muhiimad weyn u leedahay mujtamaceena. Waxaan rumaysanahay in aad tahay qofka ficilkiisu uu qayb weyn ka noqon karo in arrintaas sida ugu macquulsan loo wajaho si wax looga qabto.

Xogtan weli website-ka si public ah uguma daabacin, sidaas daraadeed jawaabtaadu muhiimad weyn ayey noo leedahay. Waxaana si gaar ah u jeclaan lahayn in aan jawaab ka helo sida xafiiskaagu uu arrintaas u wajahayo iyo xog intee le'eg ayaad nagu biirin kartaan si mujtamaca aan u gaarsiino halka ay arrintu marayso.

Xogta bacdamaa aysan emailku xambaari kari karin waxaan kuugu soo lifaaqnay Linkiga hoose waana ZIP ee fadlan UNZIP oo kambutuutarkaaga ku xafido ama Print ka samayso. Haddii faylku kuu furmi waayo noosoo soo sheeg si aan qaab kale kuugu soo dirno.

Waatan warbixintu: http://www.somalitalk.com/2009/may/13/may2009.zip

Mahadsanid

Maxamed Cali (Tel: xxx.xxx-xxxx)
...............

Telefoon:

SomaliTalk.com waxay jawaab ka sugtay safiirka muddo ku dhaw asbuuc.Waxaan wacnay subaxnimadii March 11, 2009 . Waxana uu noo sheegay sida "Safaaraddu waxay aaminsan tahay in Soomaalidu xaq u leedahay in loo kordhiyo baaxadda badda in u dhiganta inta loo kordhiyay dalalka kale ee adduunka", jawaabtaas uu bixiyey waxaan ku darnay warbixinta. Waxaan subaxdaas u diray emailka hoose oo aan fursad ku siinayn in haddii uu doono uu jawaabtiisii wax ku sii dari karo.
...
From SomaliTalk to Somali Embassay
Wed, Mar 11, 2009 at 9:49 PM

http://somalitalk.com/2009/may/13/
A/c: Dr. Celmi Ducaale, salaan qiimo badan ka bacdi qoraalkii markale waakan hoos ku qoran, welina si rasmi ah uma daabacin haddii jawaabtii hore aad wax ku dareysidna aad ayaan u jeclaan lahayn in aad emailkan noogu soo dirtid:

Waakan linkiga qoraalku ku jiro: http://somalitalk.com/2009/may/13/

FG: Safiirku hadalkiisii hore kuma soo darin xog dheeraad ah.


March 20, 2009:

Xilligaa oo wafti uu hogaaminayo uu safar ku marayey Dalal ay Kenya ka mid tahay ayaa Ibraahim Daa'uud Cabdalle oo ka tirsan bahda SomaliTalk ee Nairobi waxa uu warbixinta u dhiibay Xildhibaan ahna mid ka mid ah lataliyaasha Madaxwaynaha oo ah Shiekh Xassan Cabdi Mursal oo markaas balan qaaday in arrintan jawaab laga bixin doona, sida aan ku arki doono faahfaahinta Ibraahim  Daa'uud.


Xiriirkii Madaxtooyada iyo SomaliTalk.com

(from) SomaliTalk.com to Somali Presidentail xxxxxx Department
Mon, Mar 30, 2009 at 10:19 AM


Taas haddii aan kasoo gudubno, waxaan aad u danaynayey in aan helo xiriiri toos ah oo aan la yeelano Madaxtooyada Dawladda, waxaan ku faraxsanahay in aan xiriirkaaga hello oo aad nala soo xiriirtay. Waxaana rajaynaaynaa in xiriirkaagu uu noo noqon karo jidkii aan si toos ah ula xiriiri karno Madaxweynaha, u gudbin karo fikirkayaga iwm.

Muhiimadda arrintani noo leedahay waxaan ku bilaabaynaa in ay suurtagal kaa tahay in qoraal muddo dheer aan diyaarinaynay oo aan isku daynay in aan gacanta u gelino madaxweynaha aad arrintaas xiriir noogu noqon kartid... Waa qoraal muhiim ah oo aan doonayno in aan maalmahan inta Jimcada kahoraysa daabacno, aad ayaan u jeclaan lahayn in aan jawaab kooban oo madaxtoyada ka helo si aan dadweynaha ugu sheegno inarrintaas ay dawladdu ogtahay, waxna ka qaban doonto.

Dhawr xildhibaan ayaan arrintaas u gudbinay, Nairobi markii ay waftiga madaxweynahu joogeen, mana hubno in uwarbixintaas arkaay madaxweynuhu ee fadlan arrintaas ka warran haddii aan qoraalka kuusoo dirro hawshaas suurtagal dhankaaga ma ka tahay in aad gudisid.

Walaalkaa Maxamed Cali


(from) C/Qaadir xxxxxx, presidential xxxxx. To: SomaliTalk.com
Mon, Mar 30, 2009 at 6:28 PM


xxxxxxxxx Waxaa SomaliTalk u soo jawaabay C/Qaadir Maxamed Cusmaan(Barnamij) oo ka mid ahaa waftigii Madaxweynaah DFKMG oo markaas ku sugnaa magaalada Dooxa ee Qadar. Waxana uu aqbalay in ay u dirto warbixinta.


Ku Madaxtooyada: Subaxdii xigtay ayaan SomaliTalk emailka hoose u dirtay xafiiska madaxweynaha DFKMG taas oo ay ku lifaaqnayd warbixintii aan diyaarin oo markaas ahayd 43 bog.

(from) SomaliTalk.com to Somali Presidentail Press Department
Tue, Mar 31, 2009 at 8:46 AM

A/c: Walaal C/Qaadir, salaanta islaamka oo tan la isku salaamo ugu qiimo badan ka bacdi, aad ayaad ugu mahadsan tahay emailka faahfaahsan ee aad kusoo jawaabtay. Ugu horayn walaal arrinta wadaxiriirka waa soo dhaweyneynaa, emailada dabme ayaana isku dhaafsan doonaa qaabka xiriirkeena insha Allah.

Warbixinta aan emailkii hore ku xusay waxaad kala baxdaa mid ka mid likiyada hoose (Waxaan ka dhignay ZIP iyo PDF si aad computerka ugu xafidan kartid ama Link caadi ah haddii kuwaas kuusoo bixiwaayaan ama kuu furmi waayaan, print in aad ka samaysid ayaa wanaagsan maadaama ay tahay qiyaastii 43 bog).

Weli Public kama dhigin warbixinta, waxaana qorshaynaynaa toddobaadkan gudihiis in aan daabacno insha Allah, aad ayaan u jeclaan lahayn aragtida madaxweynaha ee warbixintaas ku aadan iyo wixii talo iyo tusaalayn ah in aan helo ka hor inta aanaan daabacin.

FG. Walaal qoraalkan waxaan daabacaadisa hakinay bishaan Maarso oodhan, sababtana waxaan doonaynay inaan gacanta ka galino labada Masuul ee dowlada ugu sareeya ama midkoodba, arintaas nooma fududaan,wayna nagu adkaatay inaan helo, hada waa fursad wayn inaan helay madaxwaynihii iyo Adiga fadlan muhiimadiisa qoraalkan siiya, marka aad gacanta ka galisana nala soo xiriir waan daabacaynaa insha allaah anagoo raacinayna Jawaabta dowladu ka bixiso.

Jawaabta dawladdu ka bixiso arrinta ay warbixintu xambaarsan tahay, muhiimad weyn ayey noo leedahay, sidoo kale muhiimad ayey u leedahay shacabkeena ay dawladdu mas'uulka ka tahay. Waxaan rumaysanahay in qadiyadani tahay mid midayn karta mujtamaca Soomaaliyeed:

Waana kuwan linkiyadu: 
Link caadi ah: http://SomaliTalk.com/2009/may/13/
ZIP file: http://www.SomaliTalk.com/2009/may/13/may2009.zip
PDF file: http://SomaliTalk.com/2009/may/13/dhulbadeed.pdf

Markale mahadsanid, kaagana sheekayn meyno SomaliTalk oo adiga ayaaba waraysiyada u qaaday hore sida waraysigii deerow (http://SomaliTalkradio.tripod.com/2002/deerow/deerow02.html) 

Waxaan kuu rajaynayaan khayr farabadan insha Allah.

Walaalkaa Maxamed Cali  xxx.xxx-xxxx

FG: Waxaa kale oo aad lasoo xiriiri kartaa Xasan Dhooye (xxx-xxx.xxxx)


(from) Somali Presidentail xxxxx Department to SomaliTalk.com
Thu, Apr 2, 2009 at 3:46 AM

Xafiiska madaxweynaha ayaa email uu u soo diray Tifatiraha Guud ee SomaliTalk u sheegay in warbixintii gaartay xafiiska, iyo in madaxwaynaha la siinayo warbixinta oo inta la akhriyo loo soo koobay. Islamarkaasna warbixinta loo gudbinayo xafiiska ra'iisul wasaaraha. Islamarkaasna ay jawaab SomaliTalk soo siinayaan asbuuca ka bilaabanayay Sabti (4- 10 April 2009). Waxana xafiisku codsaday in aan ilaa waqtigaas sugno..


Sida aan faahfaahinta hoose ku arki doono, isla maalintaas Khamiis Apr 2, 2009 Amiin Yuusuf oo ka tirsan bahda SomaliTalk ee Muqdisho ayaa waxaa u suurtagashay in uu warbixinta u dhiibo wasiirka dhalinyarada iyo isportiga Suleymaan Colaad Rooble...  waxa uu ka tisan yahay Golaha Wasiirada iyo golaha baarlamaanka ku jira, isla markaana ay isku dhow yihiin Madaxweyne Sheekh Shariif. Mar dambe oo Amiin Yusuf isku arkeen Hotel Saxafi  waxa uu u sheegay in uu warbixintii u gudbiyay Mas'uuliyiinta Dowladda. Faahfaahinta hoos ayaan ku arki doonaa...


Amiin Yuusuf oo wasiirka gacanta ka saaraya warbixinta, April 2, 2009, Muqdisho.


Habeenimadii Jimcada (April 3, 2009) ayaa waxaa SomaliTalk soo gaaray in heshiiska la saxiixay. Warbixinta oo diyaar ahayd ayaan go'aansanay in aan daabacno habeenkaas oo ay soo galaaysay Sabti. Markaas ayaan madaxtooyada u dirnay labada email ee hoose.


(from) SomaliTalk.com to Somali Presidentail xxxxx Department
Fri, Apr 3, 2009 at 11:53 PM

WARBIXINTII SIDII AAN ISKU OGEYN WAXBAA KA SOO LAABTAY

A/c: Walaal C/qaadir, ugu horayn aad ayaan uga xumahay in wax iska bedeleen ballantii aad noo sheegtay. Ma hubo in aad ku baraarugsanayd in Ra'iisul wasaaruhu maanta saxiixayo heshiiskii aan ka digeyney mudda aan la soo xiriirayney dawladda ilaa bishii Febraayo oo aan madax sare oo xukuumadda ah la xiriirnay.

Waxaan si weyn uga xunahay in heshiiskaas la saxiixo, ma hubno in madaxweynuhu ogaa arrintaas, jawaabta adiga ayaa taas naga siin kara.

Eed adiga kuma lihid haddii madaxtooyada oo aan ogeyn arrinta loo saxiixay Kenya, ama haddii lagu been abuuranayo dawladda oo arrintani aysanba dhicin. Cadaynta dabcan dawladda ayaa laga sugayaa.

Maadaama ballantii dhanka dawladda ay wax iska bedeleen, warbixintii waan daabacnay si shacabkuarrnta jirta ugu baaraarugo.

Xaqiiqadii saxiixaasi waa khalad weyn oo laga galayo shacabka Soomaaliyeed, haddii arrintaasi u dhacday kama' sixitaanka ayaa laga sugayaa madaxtooyada.

EEG WARKAN:
http://news.xinhuanet.com/english/2009-04/04/content_11129376.htm 
Kenya, Somalia sign maritime boundary agreement 


(from) SomaliTalk.com to Somali Presidentail xxxx Department
Sun, Apr 5, 2009 at 11:34 AM


GAR-NAQSI iyo Sidee wixii khaldamay lagu sixi karaa

A/c: Walaal C/qaadir marka hore markale laga guddoon salaan qiimo badan, bacda salaan:

Waxaan markale kaaga mahad celinaynaa xiriirkaaga, iyo muddo dheer ka bacdi in aan dib u helay akhyaartii hore. Waxaan caawa isku dayay in aan telefoon kuu soo diro laakiin waxaan helay message sheegaysa in aad mashquul tahay ama xilligan lagu heli karin. Waxa ugu weyn ee aan doonayo in aan kaala hadlo waa sidee arrintii dhacday uga daba tegi karnaa oo loo sixi karaa (Waa tii badda ee aan ka wada hadalay).

1. Ugu horayn sidii emailkii hore kuugu soo sheegay waxaa warbaahinta caalamku qoreen in Jimcadii uu heshiis dhaxmaray Dawladda Soomaaliya iyo Kenya ku saabsan (Friday April 3, 2009 "Kenya Foreign Affairs Minister Moses Wetangula signed the agreement with Somalia Prime Minister Omar Abdirashid Ali Shermake." ISHA: XINHUA http://news.xinhuanet.com/english/2009-04/04/content_11129376.htm ). Ilaa hadda ma jiro warbixin dhanka dawladeena kak soo baxday oo arrintaas beeninaya, maanta waa Axad April 5, 2009.

2. Waxaan helay warar tibaaxaya in madaxtooyadu aysan la socon arrintaas.

3. Waxaan kalsooni ku qabnaa in muddadii aad noosheegtay inta u dhaxaysa 4-10 April, 2009 in aad madaxweynaha ku hor geynaysaan qoraal Koobaya warbixintii, xilligaasna ay madaxtooyadu jawaab cad bixin karto. 

Waa Maxay qorshaha SomaliTalk daabacadii warbixinta kaddib:

4. Marka hore ujeedadii aan warbixinta u diyaarinay waxay ahayd in aan mujtamaceena Soomaaliyeed iyo xukuumaddaba ku baraarujino arrintan ka socotay adduunka oo xorriyadeena khusaysa. Xaqiiqadii anaga oo aan cidna mansab iyo magac kaga rabin ayaan u istaagnay in aan waqtigeena ku bixino sidii aan xogtaas u ururin lahayn (FG: Madxafkeenii iyo buugaagteenii waad ogtahay meesha ay mareen, in la helo xog wixii Soomaalidu arrimahaas ka aaminsanaayeen waxay nagu qaadatay muddo laba bilood ah).

5. Markii aan aragnay muhiimadda warbixinta ayaan markiiba go'aansanay in aan la xiriirno Dawladda. Waxaan la xiriirnay intii aan xiriirkooda haynay iyo dad kale oo xiriirka dawladda heli karay. March 2, 2009 ayaan wasiir kamida wasiirada arrintaas ku wargalinay. Waxaa kale oo aan ku wargalin xildhibaano. Waxaan la xiriirnay safaaradda Soomaalida ee New York, waxaan la xiriirnay waftiga madaxweynaha markii uu tegey Kenya, intaas oo meelood raad uun ayaan ku reebnay in ugu yaraan dawladdu ku baraarugto. Ugu dabayntii adiga ayaan ku helay markii aad joogteen Qadar, xaqiiqadiina aan si weyn ugu faraxnay xiriirkaaga.

6. Waxaad naga codsatay in aan qoraalka sugno 4 ilaa 10ka April 2009. Xilligaasna waa kaa aqbalay taas. Sababtii aan April 5 u daabacnay waa tii aan emailkii hore kuugu soo sheegnay. Taas oo aan saldhig uga dhignay in arrintii aan ka digeynay laba saxiixay oo Dawladdu qalinka ku duugtay, waa sida warbaahinta caalamka laga sheegay'e. Arrintaas oo calool xumo nagu noqotay. Taas ayaa khasab ka dhigtay in shacabka lagu baraarujiyo warbixintii aan muddo haynay oo u daabacno. Waxaana qiyaasayaa in daabacaddu aysan caqabad ku ahayn xiriirkeena wanaagsan.

7. Daabacaddii kaddib waxaan soo dhaweynaa in aan qorno jawaabta dawladda.

Maxaa la gudboon Dawladda

8. Dawladda Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay sida ugu dhaqsaha badan caddayn uga bixiso heshiiska ay Kenya sheegatay in ay Soomaalidu la saxiixatay. Haddii heshiiskaasi dhacay waxaa aad muhiim u ah si degdega ay dawladdu u buriso. Waayo sida hadalka loo dhigay ee ku qoran wararka arrintaas laga qoray waa mid aan wax dan ah ugu jirin Qaranka iyo Danta Soomaalida, dawladda Soomaaliyeenka waxay masuul ka tahay ilaalinta danaha shacabkeeda, marka koowaad iyo wixii ka dambeeya deris wanaag. 

9. Ogow waxaad tihiin dawladdii anaguna waxaan nahay shacabkii dawladda, waxaana muhiim ah in dawladdu ay maqasho talooyinka saliimka ah, dhaliilaha loo soo jeediyo aysan ceeb u qaadan ee ay saxdo. Ogow masuuliyadda aad qaadeen waa mid weyn oo allah hortiis la idinkula xisaabtamayo, bini'aadamkuna waa markhaanti adduunka korkiisa. 

Gabagabo:

Waxaan si gaar ah markale kaaga mahad celinaynaa waqtigaaga. Ogow SomaliTalk waad ka mid tahay, waxaana ku faraxsanahay maqaamka aad ku jirtid oo noqon kara mid mujtamaca anfaca ee yuusan dhumin xiriirkeenu. Ogow haddii anagu aanaan si cad wax idiinku sheegin QOF YES MAN AH waxba idiin faa'iidayn maayo.

Emailada kale ayaan talooyin dheeraad ah isku dhaafsanaynaa insha Allah

walaalkaa Maxamed Cali (xxx-xxx-xxxx)

ama la soo xiriir: Xasan Dhooye (xxx-xxx-xxxx)

Mahadsanid
Wabillaahi Towfiiq


Nairobi, Kenya: Aniga iyo Madaxda Dowladda wixii ina dhaxmaray (Ibraahim Daa'uud Cabdalle).

Bahda SomaliTalk markii aad Qoralkii ii soo dirteen waxa ay ku beegneed xilli Madaxwaynaha iyo Wafdi uu Hogaaminayo ay safar maalmo ah ugu amba baxeen dalal Qaaradda African ku yaal, balse waxaan isku dayay in aan Warbixinta Badda Somalia ka hadleeysa in aan u dhiibo marka ay magaaladda Nairobi dhib ugu soo laabtaan.

Madaxwaynaha iyo Wafdigii ay Hogaaminayeen dib ayay magaladda Nairobi ugu soo laabteen, balse waxaan isku dayay in aan Madaxwaynaha qoraalka si toos ah ugu gudbiyo nasiib daro taasi way dhici waysay oo Madaxwaynaha shirar iyo balamo ayuu ka bixi waayay.

Kadib waxaan xiriir la sameeyay Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Somalia Prof. Gaandi oo ah shaqsi aan is caadi ah isku garaneeyno, xiriir dheeraad ah ayaan la sameeyay balse isagana wuxuu ugu danbeyntii ii sheegay in uusan waqti fiican heysan isagoo ila balamay March 20, 2009 oo ku beegan maalin Jimca ah. Inta aan balantii la gaarin ka hor ayaan la hadlay Wasiirka isagoo haddana ii sheegay in uusan waqti fiican heeysan balse uu qoraalka aan ugu soo dhiibi doono qof uu isaga ii soo diray.. kadibna qofkii ayaan wada hadlaynay isagoo ii sheegay meesha uu daganyahay.

Ninka uu wasiirka ii sheegay in aan warbixinta ugu soo dhiibi doono ayaa ii sheegay In uu xilligaas daganaa Hotelka Andalus ee ku yaal xaafadda islii ee magaaladda Nairobi. Xilliga aan balanayn waa aroor hore.

Maalinimadii Jimcaha aheed March 20, 2009 markii aan salaada subax kadib tukaday ayaan xaafada South C ee aan daganahay ka soo anba baxay aniga oo soo abaaray dhankaas iyo xaafadda Soomaalidu ku badantahay ee islii kuna yaal Hotel Andalus uu uu dagnaa ninka aan kula balansanaa in aan qoraalka u gudbiyo.

Ugu danbeyntii 8:00 subaxnimo xilliga Nairobi ayaan xaafadda islii soo gaaray iyo Hotelkii Andalus, daqiiqado kooban oo aan sugay kadib waxaan kulanay ninkii warbixinta u soo dhiib la igu yiri anigoo markaasi ku sugayay Maqaayadda Hotel Andalus. (Ninka aan la ballansahay waa Xildhibaan, ahana la taliyaha madaxweynaha.)

Markii aan Kulanay Xildhibaanka oo aan warbixintii ku wareejiyay ahna mid ka mid ah lataliyaasha Madaxwaynaha Shiekh Hassan Abdi Mursal, su'aasshii iigu horeeysay oo aan waydiiyay waxay aheyd, Magaraneeysaa Webka SomaliTalk wuxuuna iigu jawaabay si fiican, markaas kadib Qoraalkii ayaan u sharxay waana u dhiibay, Su'aal aheyd yaa qoraalka diyaariyay ayuu i waydiyay waxaana tusay warbixinta oo cidda diyaariseen magacu ku saxiixnaa.

Runtii waxa uu Aad u amaamay Xildhibaanka dadaalka dadka Soomaalida ah ee Qurba joog ah iyo kuwa dalka joogaba iyo gaar ahan dadaalka Baaritaanada ah ee ay wadaan SomaliTalk isagoo amaan gaar ah u soo jeediyay.

Xildhibaanka waxa uu wakiil ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Gaandi oo aan balansaneen, balse waxa uu ii balanqaaday in qoraalkan u xilsaari doono guddi kadibna Wasiirka arrimahan Qaabilsan oo dowladda ay wasaarad qaabilsan uu qoraalka ku wareejin doonaan, balse mar aan ku iri qoraalkan Madaxwaynaha in uu la socdo in ay muhiimtahay aan waydiiyay ayuu igu yiri Madaxwaynaha qoraalka wuu arki doonaa isla markaana aniga ayaa arrintaas kuu balanqaaday.

Wuxuu kale oo ii sheegay in Qoraalkan ay si gaar ah ay isugu dayi doono in ay ooga wada hadlaan Madaxwayaha, Ra'iisul wasaaraha, Wasiirka Amniga Qaranka, iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo uu ku tilmaamay 4-ta ugu sareeysa dowladda wadaaga ee Soomaaliya.

Su'aalo kale oo gaar ah oo aan waydiiyay way jiraan waxayna ku saabsabyihiina arrimo shaqsiyadeed.

Intaasi waa sheelkadii ina dhaxmartay.

Xildhibaan Hassan waxa uu ka midyahay Xildhibaanadda Isbaheeysiga dib u xoreeynta ka tirsan, gaar ahaan waxa uu ka midyahaya lataliyaasha Madaxwaynaha, Xildhibaanka waxa uu soo ahaa qurba joogta Soomaaliyeed ee dalka Norway daganaa muddo aad u badan waxa uuna ii sheegay tan iyo 1985 in uu dalka dibadiisa ku noolaa.

Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"
ibraahim@journalist.com
Naiarobi-Kenya.

Haddii halkaas aan kaga gudubno warbixintii Ibraahim Daa'uud ee Nairobi, haddana aan jalleecno Muqdisho iyo Amiin Yuusuf iyo xiriirkii dawladda.


Muqdisho: Amiin Yuusuf Khasaaro Warbixintii uu ka diyaariyey Xiriirkii uu la sameeyey Dawladda Kumeelgaarka Soomaaliya

  • Warbixintii SomaliTalk oo si weyn u gilgishay Dareenka Shacabka Soomaaliyeed.

  • SomaliTalk oo gaarsiisay Dowladda Soomaaliyeed warbixinta ka hor intaysan saxiixin heshiiskii (is afgaradka) Nairobi

Website-ka SomaliTalk ayaa muddo dheer waxa uu ku raad-joogay arrimo la xiriira badda Soomaaliya, waxa uuna aakhiritaankii xog ka soo diyaariyey warbixin ka kooban 43 bog oo uu uga hadlayay in la doonayo qorshe  in lagula wareego 13-ka May ee soo socota badda Soomaaliya,waxaana Qorshahaas Qarammada Midoobey iyadoo sidoo kale ay jirto in Dowladda Kenya ay iyana weligeed ku hamineysay in ay la wareegto qayb ka mid ah Badda Soomaaliya, taasina waxay soo ifbaxday Maalintii Talaadada ahayd bishana ahayd 7/4/2009 kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya iyo wasiirka qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur ay heshiis (is-afgarad) ku wada saxiixdeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo dhigayay in wax laga bedelo xuduud Badeedkii Soomaaliya iyo Kenya.

Kenya (sida lagu eedeeyo) horey ayay badda Soomaaliya ugu jirtay kana baaraneysay Shidaal, waxayna soo ifbaxday arrintaas sanadkii 2006-da xiligaas oo ahaa markii ay Maxaakiimta Islaamiga ah ku jabeen dagaalkii ay la galeen Itoolbiya oo ay u carareen xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, waxaana arrintaasi daboolka ka qaaday qaar ka mid ah warbaahinta Caalamka oo cinwaano uga dhigay "Ceelashii Shidaalka Kenya oo ka badbaaday waxa loogu yeero mintidiinta Soomaaliya".

Web-Site-ka ayaa intii uusan daabicin warbixinta, waxa uu istusaaleeyey in warbixinta marka hore inta aan la daabicin loo gudbiyo mas'uuliyiinta sarsare ee Dowladda Federaalka, sida Madaxweynaha, Ra'isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxayna SomaliTalk gudbintaas u xilsaartay Weriye Amiin Yuusuf Khasaaro oo ah wakiilka SomaliTalk ee Muqdisho.

Warbixintaas markii ay soo gaartay weriyaha oo u diyaariyey in uu u gudbiyo Dowladda ayaa waxaa dhacday in ay ku adkaatay in uu gaaro saddexda mas'uul ee ugu sareysa , hase yeeshee Amiin waxa uu xiriir la sameeyey wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana xiriirkaasi fududeynayay xogheyntii gaarka ahayd ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Aadan Qoor-yareey, nasiib daro waxaase dhacday in subixii ballantu ahayd in wasiirka loo gudbiyo Dukumintiga markaa oo aan ku sii socday xarunta Wasiirka ayaa Amiin waxa uu sheegay in indhiisu qabteen uuradda Qarax Magaalada laga maqlay, waxaana weriyaha soo gaartay warbixin sheegaysay in Wasiirka Arrimaha Gudaha lala beegsaday Qarax nooca dhulka lagu aaso ah, waxa uuna xiriir la sameeyey Xogheynta Wasiirka, balse Taleefonkii ayaa mashquul sheegay ilaa iyo markii dambe damay, sida uu sheegay wariyuhu waxaa galay dareen isagoo xaaladda ka sii sheekeynaya waxa uu yiri "horey ayaan u sii socday waxaana gaaray meel lagu xoonsan yahay, oo lagu dhegeysanayo mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho, waxaana dhegaheyga ku soo dhacday in wasiirka loo dhigay qarax uuna ku geeriyooday xoghayntiisii Aadan.

Kaddib waxaa igu adkaaday xiriir aan la sameynayay dhanka dowladda si aan u gaarsiiyo warbixintii SomaliTalk, balse waxaa dib mar kale ii suuragalay in uu dib u soo noqoto rajadii aan ka qabay in aan warbixinta gaarsiiyo Dowladda, waxaana xiriir la sameeyey Ra'isul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Tamarta iyo Shidaalka C/Waaxid Cilmi Goonjeex wuuna iga aqbalay in aan warbixinta u keeno, balse mar kale waxaa suuragal noqon weyday in aan la kulmo kadib markii uu Ra'isul Wasaare ku xigeenku u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta.

Waqtigii loo qabtay in warbixinta la daabaco oo aad iigu yaraa, ayaa waxaa markii dambe kulan la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Suleymaan Colaad Rooble, waxa uuna iga aqbalay in uu iga gudoomo wuxuuna ii sheegay in uu u gudbin doono sida ugu dhaqsiyaha badan saddexda mas'uul, waxaana Suleymaan ugu xushay in aan warbixintaan ugu dhiibo dowladda , isagoo Golaha Wasiirada ka tirsa, golaha baarlamaanka ku jira, isla markaana ay si aad ah isugu dhow yihiin Madaxweyne Sheekh Shariif, waxa uuna mar aan isku aragnay Hotel Saxafi ii sheegay in uu warbixintii u gudbiyay Mas'uuliyiinta Dowladda, waxa uuna ku qayliyay 'waa warbixin xasaasi ah'.


Amiin Yusuuf oo warbixintii u dhiibaya Waasiirka Isboortiga. April 2, 2009, Muqdisho.

Markii SomaliTalk ay daabacday warbixintii ayaa waxaa arrintaan ka gilgishay dareenka  shacabka Soomaaliyeed, waxaana qoraalo loo gudbiyey Dowladda Federaalka oo laga codsanayo in arrintaan deg deg wax ugu qabato, nasiib daro waxaa dhacday in dowladda iyadoo warbixinta si wanaagsan looga baaraandegin Golaha Baarlamaankana la hordhigin dowladdu ay heshiis is-afgarad oo dhinaca badda ah la gashay Dowladda Kenya, markii arrintaasi soo yeertayna waxaa sii laba kacleeyay dareenkii Shacabka, hase yeeshee Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah isagoo difaacaya heshiiska waxa uu yiri "Kani heshiis ma ahan ee waa cusbooneysiin, marka cusbooneysiin lama dhihi karo waa heshiis, waana mid ka dhacda dunida gaar ahaan dowladaha leh xuduudaha badda".

Dadka si aadka ah uga qayliyey warbixinta waxaa ka mid ahaa Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo yiri "Dowladdu ma ahayn in ay heshiiskaas gasho ee waxay ahayd in ay si aad ah uga baaraandegto, waxaana macquul in heshiiskaas ay Soomaaliya ku weyneyso dhul badeed aad u balaaran", waxa uuna intaas sii daba dhigay "Markii hore Xuduud badeedku waxa uu ahaa 90-Degree oo dhinaca Soomaaliya ah iyo 90-Degree oo dhinaca Kenya ah, hase yeeshee Kenya waxay heshay 30--degree oo dheeraad ah waxayna u noqoneysaa 120-degree, waxaana Soomaaliya u soo hareysa 60-degree, marka celcelis ahaan la isku daro dhulkaas waxa uu noqonayaa 38 kun Km2 ah, waxaana ku talinayaa in dowladdu ay si dhaqsi ah heshiiskaas uga laabato".-

Muuse Nuur Amiin oo ah nin si aad ah ugu taqasusay dhinaca badaha oo muddo ka soo shaqeynayay badda gaar ahaan wasaaraddii Kalluumeysiga ayaa isna waxa uu yiri "Marka Dowladdu ku meel gaar ah tahay wax heshiis ah ma geli karto, waxaana marka heshiis la galo looga baahan yahay dowladda in ay sanooyin siiso si looga baaraandego, dadkuna ay uga wada qancaan".

Xildhibaan Geele Max'ed Cali oo ah xildhibaan ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka ayaa heshiiska ay Dowladdu la gashay Dowladda Kenya ku tilmaamay mid la doonayo in lagu boobo dhul Soomaaliyeed oo uu ka buuxo Khayraad aad u balaaraan oo uu ku jiro Shidaal, isagoo u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in arrintaasi sida ugu dhaqsiyaha badan uga gilgilshaan, waxaa kale oo uu sheegay in heshiiska uu dhinaca beriga xitaa soo galayo, marka waa in Dowladdu sida ugu deg degta badan uga laabataa".

Warbixinta kuma eka oo keliya midda Kenya ee waxaa jira qorshe la damacsan yahay in 13-ka bisha May Qaramada Midoobey la wareegto Xeebaha Badda Soomaaliya, waxa uuna Web-ku soo bandhigay qorshayaasha la damacsan yahay, iyadoo la doonayo in marka ay Qaramada Midoobey la wareegto ay iyana ku wareejin doonto ilaalinta Badda Soomaaliya Shirkado gaar loo leeyahay, kuwaas oo ka  kireyn doono Dowladu shisheeye kuwaas oo la bixi doona Khayraadka noocyadiisa kala duwan. Warbixinta SomaliTalk ay soo bandhigtay oo si weyn looga akhristay dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisa ayaa arrintaasi si weyn loogu ammaanay, waxayna akhristayaashu sheegeen in ay heleen macluumaad la xiriira arrimaha laga damacsan yahay Soomaaliya.

Amiin Yuusuf oo Wareysi siinayay Idaacadda Hornafrik ayaa waxa uu ku faahfaahiyey warbixintii SomaliTalk, isagoo sheegey in sababta loo daabacay warbixinta ay tahay in shacabka soomaaliyeed ku baaraarugaan si ay uga  hortagaan  boobka lagu hayo dhulkooda, waxaa kale oo uu sheegay Amiin in sababaha keenay in burcad badeedka ay sii laba lixaadsadaan hawlahooda burcadnimo ay tahay in lagu xalaaleysto badda Soomaaliya, dadka Soomaaliyeedna la gaarsiiyo heer sax u qaataan in dhibku yahay Soomaalida burcad-badeedka ah, basle arrinta dahsoon waxay tahay in hawlaha burcad-badeednimada looga gol leeyahay sidii lagu xalaaleysan lahaa Badda Soomaaliyeed. waxaana la yaab leh in aan ka maqlay Idaacadaha Reer Galbeedka in Diyaarad Halicobtar ah ay aragtay dooni ay wataan kooxo burcad-badeed ah, waxaana markii dambe la  shaaciyey in ay ka baxsatay doonidii burcad-badeedku wateen, waxayna su'aasha isweydiinta mudani tahay "sida ay dooni uga baxsan karto diyaarad Halicobtar ah oo dul taagan". isku soo duuboo muhiimaddu waxay tahay sida loo badbaadin karo mustaqbalka badda Soomaaliyeed, waxayna dadka Soomaaliyeed u soo jeediyeen dowladda cusub ee Shariifku madaxda ka yahay in ay ka fiirsato heshiisyada la doonayo in lagu dhex qariyo waxyaale kale.  

Amiin Yuusuf khasaaro
E-mail amiinkhasaaro@hotmail.com  


SomaliTalk waxa kale oo ay dabayaaqadii Bishii Maarso warbixintan oo laga dhigay laba buug ay gacanta uga Xildhibaan Maxamed Axmed Kaynaan oo markaas safar ku soo gaaray sugnaa Magaalada Minneapolis ee Dalka Maraykanka. Kadid waxaa SomaliTalk usuura gashay inay Xildhibaanka la xiriiraan oo waydiiyaan, warbixintaan u dhiibnay iyo jawaabta uu naga siin karo.

Maxay tahay Xogta Somaaliya looga Baahan yahay ka hor May 13, 2009 inay u gudbiso UN-ta

1-Soomaaliya iyo Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka

Inta aynaan u gudbin Xeerka Cusub ee Badaha, aan dib u jalleecno waxyaabihii ay Soomaaliya ka tiri xeerkii hore ee badaha iyo sharciyadii ay ka soo saartay.

Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka ee UNCLOS waxa ay Soomaaliya saxiixday 10kii December 1982. Soomaaliya waxay xeerkaas dhaqan gelisay 24kii July 1989. Waxaana, sida aan hoos ku arki doono, uu Xeerka Badaha Adduunku si rasmi ah Qarammada Midoobey uga dhaqan galay 16kii November 1994.

Laakiin, Soomaaliya waxay ku adkaysatay in 200 nmi (370 km) ee badda loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga ay ka mid tahay dhulka Soomaalida. Waxaa muhiim ah inaan  Fahano Xeerka Baddaha Dhulka Soomaaliya ee Dowladii Soomaliya dhaqan galisay 1972.

Xeer Lambar #37/1972 - Xeerka Badaha Dhulka Soomaalida

Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida waxaa ka mid ahaa qodobadan:

  • Qodobka 1aad: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka waxaa lagu qaadayaa sharciga Soomaaliya.
  • Qodobka 2aad: Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu hoosaysa xeebaha Soomaaliya (xigmad weyn ayaa halkaas ku jirta).


2. Xeerkii Hore ee UN-ta ee Badaha Adduunka 200 Nautical miles (370 km)

Xeerkii hore ee Qarammada Midoobay (QM) ee dhaqan galay November 16, 1994, dawladdii Soomaaliyeedna saxiixday December 10, 1982, (waxayna ansixisay July 24, 1989), waxa uu dhigayaa in dalalka leh xeebaha ay xaq u leeyihiin aagga badda oo fogaantiisu xeebta u jirto 200 Nautical miles (una dhiganta 370 km) oo loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga EEZ (Exclusive Economic Zone) waxaana xeerkaasi dalalka xeebaha leh, xaq u siinayaa in ay aagaas ka kalluumaystaan, macdan iyo shidaalna ka baartaan oo aan cidkale kusoo xad gudbi karin. Waxaa xusid mudan in dawladdii Soomaaliyeed ay aagaas adduunka looga yaqaan "Aagga Ganacsiga" ay iyadu u tixgalinaysay in uu kamid yahay Dhulka Soomaalida "TS" (Territorial sea), ayna ka soo saartay Xeer Lambarkiisu ahaa #37 oo Muqdisho ka soo baxay September 10, 1972.

3. Xeerka Kordhinta Xadka Badaha Adduunka ilaa 350 nautical miles (648 km).

Laga soo bilaabo March 13, 1997 waxaa Qarammada Midoobay ka socdo qorshe fogaanta xadka badaha adduunka lagu kordhinayo oo halkii ay ka ahayd 200nmi (370km) laga dhigayo 350nmi (648 km), xilligaas waxay QM waxay samaysay "Guddiga Xadaynta Badaha" oo ka kooban 21 xubnood. Guddigaasna waxaa loo xilsaaray in ay ka baaraan degaan xadka badaha. Waxaa guddigaasi April 26, 2004 go’aamiyeen in waqtiga kama dambaysta ah ee dalalku ay ku keenayaan macluumaadka, xogta iyo khariidadaha la xiriira badaha dalkaas si loogu kordhiyo baaxadda badda ilaa 350nmi (648 km). Waqtiga kama dambaysta ah ee dalalka loo qabtay waa 13ka May 2009. Qodobka Article 76 ee Xeerka Badaha UN-ta ayaa sharaxaya macluumaadka looga baahan yahay dalalka si loogu kordhiyo xadka badda.

Dalkii aan xilligaas ku keenin cabbirka iyo macluumaadka, waxaa dhici karta in baddiisa wixii ka baxsan 200nmi lagu wareejiyo hay’ad hoos timaada Qarammada Midoobay oo loo soo gaabiyo ISA (International Seabed Authority), taas oo ka kirayn karta dalal kale si ay khayraadka ugala baxaan ama u sahamiyaan shidaal.

4. Qodob Muhiim ah oo ay tahay in si gaar ah loo fahmo:

Xeerka QM ee xadaynta badaha waxa uu dhigayaa in fogaanta laga cabbir qaadanayo ay tahay meel TOOS ugu beegan xeebta. Taas macnaheedu waa in xariiqda xadaynta ay xagal qumman (90 degree) la samayso halka ay ku dhereran tahay xeebta u dhaxaysa laba dal. Waa qodob muhiim ah in la fahmo.

5. Xadka ay Dawlada Kenya Doonayso in QM u hirgeliso

(Ilaa hadda), sida ku cad qoraal ay Qarammada Midoobay faafisay, Kenya waxay calaamadsatay dhul-badeed Soomaaliyeed. Taasna waxaa daliil u ah khaariidada hordhaca ah ee ay u gudbisay QM in xagasha ay la samayso xeebta ay aad ugayar tahay 90 degree. Taas oo jebinaysa xeerka QM.

Taas Kenya arrintu kuma eka ee waxaa baylah ah badda Soomaaliya laga bilaabo Jasiiradaha LAMA SHAAQA ee u dhaw Raas Kambooni ilaa Cirifka Gardafuul ee aagga Caluula ilaa Jasiiradaha Saacadadiin iyo Ceebaab ee u dhaw Saylac.

Hunguraynta Kenya waa mid horay loo maqlay laakiin waligeed kuma dhiiran dhulbadeed intaa leeg inay calaamadsato, laba sababood darted; Dowlada Soomaaliya oo aad tixgalin wayn usiin jirtay soohdimaha dhul iyo bad ee dalka Soomaaliya leeyahay iyo QM. Oo marna aan aqbalin sheegashada Kenya.

6. Cawaaqibka ka dhalan kara Haddii Dawladda Soomaaliyeed saxiixdo heshiis aan laga fiirsan iyo inay awood u leedahay wax kabadalka xuduudaha dalka

Haddii Dawladda Soomaaliyeed saxiixdo heshiis aan lagafiirsan waxaa shacabka Soomaaliyeed laga dhaxal wareejinayaa dhul-badeed aad u baaxad weyn, dhul-badeed uu dhex jiifo khayraad kalluun oo aad u farabadan iyo wiliba tuhun weyn oo laga qabo Macdano iyo shidaal aan la daah furin oo dhex jiifa. 

Arrintaasi haddii ay dhacdo, oo jiilka hadda ee Soomaaliyeed ay ogolaadaan, macnaheedu waa in ”Jiilka Soomaaliyeed ee hadda Jooga” waxay dhaxal wareejinayaan “Jiilasha ka dambeeya, si bareer ah”. Mana aha arrin u cuntamaysa shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa iyana haboon in la is waydiiyo awooda ay Dowladan hada jirta ee Kumeelgaarka ah u leedahay inay saxiixdo heshiis intaas leeg, oo wax ka badalaya ama muran galinaya Xuduudaha Soomaaliya iyo wadammada dariska oo u kala calaamadsanaa muddo kabadan boqolsano.

7- Qeexida Qalfoofka Qaaradda ee Badda Hoos u sii gashan

Qeexid: Qalfoofka Qaaradda (Continental Shelf) waa qayb dhulka ka mid ah oo sii gashan badweynta hoosteeda (ilaa ubucda badda). Fogaan xeebta ka durugsan 200 mayl badeed waxaa loo yaqaan aagga ganacsiga oo gaarka u ah dalka xeebta leh. Cabbirkaas aagga ganacsiga ayaa la doonayaa in la gaarsiiyo 350 mayl badeed (648km).

8-Ma qasabaa sharciyan in heshiis isfaham ay wadagalaan  waddamada xuduuda Badda leh.

Marka hore aan si kooban u qeexno Memorandum of Understanding (MOU) : waxaa lagu qeexaa dukumiinta ay ku heshiiyeen/isku af gartaan laba dhinac. Waxay muujinaysaa in labada dhinac ee is afgaradku dhexmaray uu qasdigoodu yahay in ay isku meel wax u wadaan. "MOU" waxaa sida caadiga ah la adeegsadaa marka labada dhinacba aysan doonayn in ay ballan qaadaan arrin sharci ah ama marka ay labada dhinac doonayaan in aysan abuurin xaalad sharci ah oo si rasmi ah u dhaqan gala. Mararka qaarkood MOU waxa uu noqon karaa sharci taas oo ku xiran qaabka hadalka loo dhigo.

Qoraalka dukumiintiga ah ee is afgarad ee dhex maray Kenya iyo Soomaaliyaa marka la eego qaabka loo qoray waxa uu si qeexan Qarammada Midoobay ugu sheegayaa in badda u dhaxaysa labada dal ay tahay Bad Muran ka jiro. Haddaba, waxaa in si weyn loogu baraarugo ah xeerka QM ee ay tahay in la waafajiyo xogta ku saabsan cabbirka badaha ee dalalku u gudbinayaan QM, qodobkiisa Article 76 ee qeexaya qalfoofka qaaradda, farqaddiisa 8aad, waxaa ku cad in guddiga QM marka loo gudbiyo xogta ay talo bixin ka dhiibanayaan xadaynta qalfoofka qaarada xadkeeda dhanka badweynta xiga. Waxaa kale oo qodobkaas ku cad in: Xadaynta qalfoofka qaarada ee badda hoos u sii gashan ee dal sameeyo ayadoo la raacayo soo jeedinta  Guddiga QM in wixii ay ku taliyaan uu yahay kama dambays oo ay tahay in aan la jebin.

Markaan soo aragnay xiriirkaan samaynay, aana soo fahanay xeerarka Caalamiga ee badda iyo xeerka baddaha iyo dhulka Soomaaliya aan akhrino heshiiskii Kenya laga gashay Soomaaliya.


Heshiiska Is Afgarad ee Kenya-Soomaaliya oo af Ingiiriisi:
ama PDF

Heshiiskii Is-Afgarad ee DFKMG iyo Kenya ku dhexmaray Nairobi oo Af-Soomaali loo rogay...

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | April 8, 2009l 8, 2009

Wasiir aan aqoon waxa uu saxiixay

Heshiiskii Is-Faham ee ay April 7, 2009 magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wadashaqaynta Caalamiga ah ee DFKMG, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Wasiirka Arrimaha Didabadda Kenya Moses Wetang'ula , oo ku saabsan xadaynta badda u dhaxaysa labada dal hoos ka akhri (FG: Sida ka muuqata waraaqaha Af-Ingriiska ah waxaa ku astaysan calaamadda Kenya, taas oo daliil u ah in Kenya soo diyaarsatay qoraalka oo markaas ka saxiixatay DFKMG. Sidoo kale xusuusnow waraysigii wasiirku bixiyey in uu kaga hadalay in arrintu aysan xad ku saabsanayn isagoo aan fahmin qoraalka, ama islahaa heshiiskan shacabka  Soomaaliyeed ma arki doonaan.)


QORAAL RASMI AH OO IS-FAHAM AH

OO DHEXMARAY

DAWLADDA FEDERAALKA KUMEELGAARKA EE JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA

IYO

DAWLADDA JAMHUURIYADDA KENYA

OO MIDKASTA UU QIRAYO DIIDMO LA'AAN KU SAABSAN IN AY GUDDIGA XADAYNTA QALFOOFKA QAARADDA U GUDBISAN KARAAN (MACLUUMAADKA) KU SAABSAN XADKA DHANKA BADWEYNTA KA XIGA QALFOOFKA QAARADDA FOGAAN KA DURUGSAN 200 MAYL BADEED

Qoraalka rasmiga ah ee is-afgaradka dhex maray Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyadda Kenya waxa uu midkasta (Dalkasta) u ogolaanayaa si diidmo la'aan ah in ay ku gudbistaan xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan  200 oo mayl badeed, oo u gudbiyaan Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda.

Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyadda Kenya, iyagoo ka duulaya wada shaqaynta iyo isfahamka labada dhinac waxay isku raaceen in ay dhamaystiraan Qoraalkan Rasmiga ah ee Is-fahamka.

Weli lama xallin calaamadinta qalfoofka qaaradda (badda) u dhaxaysa Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya (oo wixii qoraalkan halkan ka dambeeya aan dhehi doono "Labada Dal ee Xeebta"). Arrinta calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la xallin ee u dhaxaysa labada dal ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa "MURAN BADEED". Sheegashada labada dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay muujinaysaa aag isdul saaran (yacni isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah qalfoofka qaaradda taas oo ah "Aagga lagu mursan yahay."

Labada Dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay ku baraarugsan yihiin in  samaynta xadayta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed, waa mid aan  caqabad ku ahayn (ama ka hor imanayn) su'aasha ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa dalalka leh xeebaha iska soo horjeeda ama isku dhinac yaal. Inkasta oo Labada dal ee Xeebta (Kenya & Soomaaliya) ay dano kala duwan leeyihiin oo ku saabsan xadaynta qalfoofka Qaaradda ee hoos imanaya aagga muranka ku jira, haddana waxay si xoog leh uga dhaxeeya dano la xiriira sidii loo samayn lahaa xadaynta qalfoofka qaarada ee ka durugsan 200 oo mayl badeed, iyadoo aan mustaqbalka caqabad ku ahayn xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa iyaga (Soomaaliya & Kenya). Iyagoo halkaas ka duulaya labada dal ee xeebta waxaa ka go'an in ay wada shaqeeyaan si ay u ilaaliyaan oo u horumariyaan danaha ka dhexeeya ee ku saabsan samaynta xaadaynta  cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed

Ka hor 13ka May 2009 Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ku talo jirtaa in ay Xoghaynta-Guud ee Qarammada Midoobay (QM) u gudbiso akhbaar hordhac ah oo muujinaysa xadka ka baxsan qalfoofka qaaradda meel ka durugsan 200 mayl badeed. Macluumaadkaas ay gudbinayaan waxaa dhici karta inay ka mid tahay aagga lagu muran san yahay. Taas (macluumaad gudbinta) waxa KELIYA ee loola jeedo waa in ay tahay in ay ka gaaraan waqtiga lagu xusay qodobka Article (4) ee Annex II ee Xeerka Qarammada Midoobay ee Badaha (UNCLOS). Waxaa shardi ah in taasi (gudbinta macluumaadka Soomaalidu u gudbiyaan UN-ta) aysan caqabad ku noqon halka ay labada dal (Kenya/Somalia) ka taagan yihiin arrinta la xiriirta MURAN BADEEDKA XUDUUDAHA ee u dhaxeeya labadooda, islamarkaasna waa in aysan caqabad ku ahaan xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badaha ee aagga lagu muransan yahay, oo uu ku jiro xadaynta qalfoofka qaaradda wixii ka fog 200 mayl badeed. Is-fahamkaan waxaa ku cad in Jamhuuriyadda Kenya aysan diidanayn in aagga lagu muran san yahay ay Jamahuuriyadda Soomaaliya ku dari karto akhbaarteeda hordhaca ah ee muujinaysa xuduuda  xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan  200 oo mayl badeed.

Labada dal ee Xeebta (Soomaaliya & Kenya) waxay isku raaceen in waqtigii ku haboon in mid kasta si goonidiisa ah (Xogta badda) ugu gudbiyo Guddiga Xadaynta Qalfoofka Qaaradda (oo wixii halkan ka dambeeya aan dhehi doono "Guddiga"),  marka  Jamhuuriyadda Kenya laga hadlayo waxay gudbinaysaa kahor 13ka May 2009,waxaana dhici karta in (xogta  la gudbinayo) ay ku jiri karaan aagga lagu muransan yahay, iyagoo Guddiga (QM) weydiisanaya talooyin la xiriira xadka xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan  200 oo mayl badeed, iyadoo aan la eegayn calaamaddinta xuduudaha badda ee labada dal u dhaxeeya. Labada dal ee xeebta (Somalia-Kenya) waxay halkan ku caddaynayaan in ay ogolaanshahooda ku bixiyeen in Guddiga (QM) tixgaliyo macluumaadka loo gudbiyey ee la xiriira aagga muranka ku jira. Macluumaadka loo gudbiyay Guddiga (QM) iyo soojeedinta ay ansixiyaan Guddiga (QM) waa in aysan caqabad ku ahaan halka ay arrinta ka taagan yihiin labada dal ee Xeebta (Somalia-Kenya) marka laga hadlayo badda lagu muran san yahay ee u dhaxaysa iyaga (Kenya-Somalia), waana in aysan caqabad ku noqon xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed.

Calaamadinta xuduudaha Badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed, waxaa isku raaci doona ladaba dal ee xeebta (Somalia-Kenya) iyadoo la raacayo qaanuunka caalamiga ah kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan eegista (ka baaraan degidda) macluumaadka sida kala goonida ah ay ugu gudbiyeen labada dal ee xeebta (Kenya iyo Soomaaliya) oo Guddiga (QM) ay talooyinkooda u soo jeediyaan labada dal ee xeebta (Somalia/Kenya) ee ku saabsan samaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan  200 oo mayl badeed

Qoraalkan Rasmiga ah ee is-fahamku waxa uu dhaqan galiyaa marka la saxiixo

WAXAA GOOB JOOG AHAA, saxiixayaasha hoose ee ay u xilsaareen dawladahoodu in ay u saxiixaan Qoraalkaan Is-afgaradka.

OO KA DHACAY Nairobi, 7dii April, Laba kun iyo sagaal (April 7, 2009), waa laba nuqul oo ku qoran Af-Ingiriisi, oo labada nuqulba isku si loo saxiixay.

Waxaa Matalayey Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya
Mudane. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wadashaqaynta Caalamiga ah

Waxaa matalayey Dawladda Jamhuuriyadda Kenya
Mudane. Moses Wetang'ula , EGH, MP
Wasiirka Arrimaha Didabadda

Qoraalka oo gooni ah halkan ka daabaco

Sidoo kale: Warqadda oo saxiixan oo Af-Ingiriisi ah halkan ka eeg

  • Wasiirka Qorshanynta ee heshiiskaas saxiixay wixii uu ka yiri DHAGAYSO ama soo rogo

Kenya Is-Afgaradkaas waa ku Jilaafaysay Soomaaliya

Sida  aan ka arkayno Hishiiskan isfahamka loogu yeeray waxaa dowlada Kenya soo bandhigtay eray bixin cusub oo ku salaysan dhinaca sharciya baddaha. Sida kamuuqata hadaan dhowr qodob kasoo qaadano;

1- "Weli lama xallin calaamadinta qalfoofka qaaradda (badda hore usii gashan) ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya".

Hadalkan oo heshiiska kuxusan wuxuu noo muujinayaa inay Dowladda Somaaliya ogaal iyo ogaal la'aanba aqbashay inaan wali laxalin Calaamadinta badda u dhexaysa labadda wadan. Sida aan horay ugu aragnay Warbixinta "Xadka xeebta ee Kenya iyo Soomaaliya waxaa ku dhow jasiirado yaryar oo xiriirsan oo loo yaqaan Lama Shaaqa. Axdigii "1924 Anglo-Italian Treaty" waxa uu si Qeexan u sheegayaa in jasiiradahaasi ay raacsan yihiin dhulka hoos imanayay Talyaaniga, sidaas daraadeed jasiiradahaas waxaa hadda leh Soomaaliya. Xeebta u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya waa xeeb siman, marka xeebtaas laga socdo xarriiq labada dal isku in u jirta oo dhanka badda loo socdo 200nmi ee aagga Ganacsiga (EEZ), barta xadaysnaysa waxay dhacdaa loolka iyo dhigta 3°30'S iyo 44°19'E. Maadaama xeebta labada dal xadaynaysa ay ku dherersan tahay jihada KoonfurGalbeed-WaqooyiBari, markaas xarriiqda xadaynaysa badda labadaas dal waxay u soconaysaa jihada Koonfur-Bari."

Waxaa xusid mudan Cabirkaas iyo xeerkaas ayaa QM u tixgalisay labada waddan, dowladihii Soomaray Soomaaliya waxay si qeexan u caddeeyeen xadka Soomaaliya kala wadaagto badda. Waxaase nasiib daro ah wasiirka dhinaca Soomaaliya u saxiixay oo u muuqday mid aan waxba kala socon heshiis yadii hore ee badda Soomaaliya. Waraysi uu siiyey BBC-da ayuu ku sheegay areyadaan:

"Heshiiskaan wuxuu ahaa heshiis ku saabsan in labada wadan Kenya iyo Soomaaliya ay dib u cusboonaysiiyaan een arinta la xiriirta een waxa layiraahdo continental shelf (Qalfoofka Badda) oo ah in dowlad kasta ay xaq uleedahay wixii kadanbeeya 200 oo een ma'aragtay een iyada xadkeeda ah, oo Contenantal shelfiskan aan sheegay ah inay leedahay marka si submission-kaas loo sameeyo oo labaatan sano hada kabacdi dhacay oo deadline kiisuna uu yahay 13  May 2009. Si arintaas dowladuhu labada dowladoodba heshiiskeenu wuxuu ahaay oo ah memerondum of understanding (is afgarad) in labada wadan ay dhiibi karaan UN-ta qaybta u qaabilsan baddaha inay u dhiiban karaan cusboonaysiintaan inay samayn karaan labada waddan inay isku afgarteen".

Wariyaha ayaa waydiiyay: Marka heshiiskan wuxuu khuseeyaa oo saamaynayaa soo ma'ahan xuduuda dhinaca badda ah?

"Maya xuduuda dhinaca badda ah hada saamayn kuma leh, wixii xuduud een badeed inay labada Dowladood mid walba sideeda  ayada u xadidato, waxyaaba yaabka leh waxaa ka mid in Kenya iyo Soomaaliya aysan calaamadays nayn xuduuda badooda, marka wixii xuduuda badda la xiriira inay dowlad walba heshiiska waxaa ku qoran sideeda iyada ay ugu gaysanayso en en hayada UN-ta uqaabilsan arimaha baddaha iyo wixii la xiriira.

Heshiiskaan dee waxaa ku xirayba ..................... faa'iidada aan ka helayno waxaa waaye inaan samayno cusboonaysiin inaan samayno een ayaan waxaan u baahanahay dowlada ay naga dhaxayso xuduuda badda, sidoo kale waxay tahay inaan la saxiixano Yemen, .............technically waxaa loo baahan yahay markii aad resubmission samaynayso ama cusboonaysiinayso area-yada  badaada kabaxsan inta adiga xaqa u leedahay waxa ka baxsan en activity-da  iyo wixii aad ka samaynayso inta inaad dowlada dariskaaga ah aad heshiis aad isku ogtihiin kuwada cusboonaysiisaan.

Hadaan intaas kaga gudubno warkii Wasiiska waxaa kuucad inuu wasiirku aqbalay uu ku tilmaamay layaab inaan labada waddan xuduuda baddoodu kala calaamadsaynayn, korna waxaan kusoo aragnay inay labada Dowladoodba ku dhaqmayeen xeerkii la dhigay 1924. Sidoo kale wasiirku wuxuu shardi uga dhigay in si loo gudbiyo xogta badda ee Soomaaliya ay tahay in Kenya heshiis lala galo, arrintaas sharaci ahaan waa lamayn karaa laakiin shardi ma'ahan, waa hadii heshiisku yahay mid si siman looga baaraan degey oo qolo kasta ay xogteed tan kale hor dhigto. Waxaa kaloo intaa dheer Kenya xogteeda (oo har dhac ah) waxay u gudbisatay qarammada midoobay March 10, 2009 heshiiska is-afgarad wuxuu dhacay April 7, 2009. Sidoo kale Yemen waxay gudbisay March 20, 2009. Sidoo kale Jaziirada Seychelles oo Somaliya xuduud kala leh dhinaca Badwaynta Hindiya waxay xogteeda QM u gudbisay December 01, 2008.

2- "MURAN BADEED".

Waxaan oran karaa arrinta ugu muhiimsan ee Dowlada Kenya heshiiska (Is-afgaradka) ka la hayd waa in Dowlada Soomaaliya la ogolaato inuu jiro aag badeed labada wadan ku maran sanyihiin (UFIIRSO HALKAAS: Lama dhehin DHUL ee waxaa la yiri BAD). Arrintaas oo QM ka dajisay qaab ay racaan waddamada isku haya xuduudka baddaha. Kenaya waxay muran galisay Qalfoofka Qaaraadda ee badda hoos u sii gashan ee Soomaaliya (Contenantal Shelf) oo aan kor kusoo aragnay qeexidiisa. Muhiimada murankuna waa in ismaandhaafka labada dal la hoos geeyo guddiga u qaabilsan QM, gudigaasna uu leeyahay go'aanka kama danbaysta ah.

3- si ay u ilaaliyaan oo u horumariyaan danaha ka dhexeeya ee ku saabsan samaynta xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan durugsan 200 oo mayl badeed.

Hadalkan waa mid aad muhiim u ah, Dowlada Kenya waxay muran galisay Qalfoofka Qaaraaddaa ee Badda Soomaaliya ay lawadaagto, sidoo kale waxay aaminsan tahay inuu cabir isdul saaran ama isku dul dhacaya uu yahay cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee Badwaynta ka durugsan 200 oo mayl badeed. Sidaa daraadeed waa in ay labadda wadanba xogtooda soo gudbiyaan si loogu kala cadeeyo. Hadaad gadaal ugu noqoto Sawirada Maababka inta Kenya soo durugtay waxaad fahmaysaa danta hadalkaas ku jirta. Xasuusana aagaas waa aagii la kordhin lahaa oo laga dhigi lahaa (350 nm) muhiimada hadalku waa baddii horay kuugu sharciyeysnayda Muran ayaan galiyey, mida hada ladoonaya in la sharciyeeyena waa isku aag oo makala cadda.

4- Labada dal ee xeebta (Somalia-Kenya) waxay halkan ku caddaynayaan in ay ogolaanshahooda ku bixiyeen in Guddiga (QM) tixgaliyo macluumaadka loo gudbiyey ee la xiriira aagga muranka ku jira.

Hadalkan heshiiska ku qoran waa hadal muhiimadiisa leh wuxuu Gudiga QM u til maamayaa in labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay isla ogolyihiin in QM tixgaliso aaga ay ku muransanyihiin, marka labada dalba xogtooda usoo gudbiyaan. Markastana ha ilaawin aagaas waa Qalfoofka bada ee aan soo qeexnay, sidoo kale niyada ku hay in Kenya ay gudbisatay cabir sheegaya Jaziiradaha LAMASHAAQA ee Koofur ka xiga Raasganbooni.

5- Macluumaadka loo gudbiyay Guddiga (QM) iyo soojeedinta ay ansixiyaan Guddiga (QM) waa in aysan caqabad ku ahaan halka ay arrinta ka taagan yihiin labada dal ee Xeebta (Somalia-Kenya) marka laga hadlayo badda lagu muran san yahay ee u dhaxaysa iyaga (Kenya-Somalia).

Hadalkan fasiraad badan umma baahna, macnihiisoo kooban waa Kenya iyo Soomaaliya haday soo gudbiyeen xog ay isla ogolyihiin, waa inaysan QM caqabad ku noqon ee horay uga socotaa, maadaama labada dal heshiis yihiin. Xogta laga hadlayana waa aaga la kor dhinayo sida ku cad qaybtan hoose.Waxay Kenya halkaas ka digtoon tahay in QM ay sharciyadii hore dib u raacdo.

6- Waana in aysan caqabad ku noqon xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed.

Dowlada Kenya wali waxay digniin u diraysaa QM warkiina aad ayey u cadaysay, Kenya waxay istustay in murankaas uu keeni doono inay iyadu ku guulaysatay, xuduudo cusubna la dhigi doono, sidaa daraadeed waxay leedahay QM waa inaysan caqabad ku noqon oo diidin xuduudahaas cusub ee aaga lagu muransan yahay (Qalfoofka Badda hoos u sii gashan) iyo aaga Baddwaynta ee la kor dhin doono.

Hadaan soo koobno heshiiskan waa lagu jilaafeeyey Soomaaliya, waxaana laga saxiixay laba qodon in MURAN lagaliyey baddii horay ugu sharciyeys nayd, iyo arinta labaad oo ah inaysan kala cadayn ama cabir isku mid ah u cabiran yahay aaga May 13, 2009 la kordhin doono. Hadaba su'aasha is waydiinta leh waxay tahay Kenya maxay waxaas oo dadaal ah u bixinaysaa? Sadex sababood ayaa dadbadan aamin sanyihiin inay dhiira galinayaan Kenya. 1-Sanadihii ugu danbeeyey Kenya waxay waday sahamin xaga badda ah khaasatan xuduuda u dhow Soomaaliya, waxayna sahaminaysan Shidaal, aagaasna Khuburo badan ayaa qabta in shidaal kujiro,waxaa kaloo iyana aan qarsoonayn inay Kenya heshiis la gashay Shirkadaha shidaalka baara oo Shiiknuhu kamidyahay. 2- Somaaliya oo aysan kajirin Dowlad ilaashan karta ama awood u leh inay ilaaliso xudduudaheeda, siyaasad iyo ciidan midna. 3- Arinta sadexaad ayaa waxaa lagu macneeyey Doladaha dariska la ah Soomaaliya ee aan marnaba aqbali karin in Soomaaliya ay ka hana qaado Dowlad rasmi ah, sidaa daraadeed waa in jahawareen lagu ridaa iyadoo laga faa'iidaysanayo isku maqnaantooda.

Waxaa kaloo jira Su'aalo ka imaanaya dhinaca kale, Maxaa ku kalifay Dowladan curdanka ah oo cimrigeedu laba sano oo kaliya yahay inay ka hadasho arrimo waawayn sida kuwaan oo kale? Sidoo kale sadex jawaabood ayaa laga bixiyey.1- Dowladan waxay u muuqataa in ay raadinayso ictiraaf cidkasta oo aqoonsatana ama sidii dowlad rasmi ah ula dhaqantana waxay ka xishoonaysaa inay ka hortimaado, ama su'aalaan galiso. 2- Dowladaan Madaxdeedu uma dhaqmaan sidii madax khibrad leh, sidaa daraadeedna waxay u muuqdaan in wax badani si fudud uga hoos baxayaan. 3- Arrinta sadexaad ayaa ah arrmo aan si fudud loo sharxi karin, maxaa yeelay dood ayaa jirta oranaysa Dowladaan waa Dowladii ugu aqoonyahanka badnayd, marka lama oran karo garasha la'aan ayaa jirta.. Waxaa kaloo jira iyana cabashooyin ka soo yeerayey Aqoonyahanka iyo ruugcadaaga Soomaaliyeen oo oranaya Dowladaan waxaa loogu deeqay in iskaa wax u qabso loogu biiriyo wixii ka dhiman, Dowladana albaabkeedu waa xiran yahay. Sikastaba haloo dhigee Dowladaan waxay saxiixday heshiis is afgarad aysan ka fiirsan, waxaana muhiima inay ka fakarto sidii ay uga bixi lahayd sharciyan ee aysan isagii difaacin.

Waxaa kale oo laga waraystay Heshiiska is afgarad ee marunka dhaliyey Ku xigeenka afhayeenka Baarlamaanka Kenya:

Faarax Macallin, Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Kenya, oo Shaaca Ka Qaaday in Heshiiska Dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya La Saxiixay Dhawr Toddobaad Ka Hor...

"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Marka wax la isku deyi karo in ducfiga Soomaali lagaga faa'iidaystaa ma aha, ninkii isku dayana khasaaro ayaa ka imanaysa." Faarax Macallin..

Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Kenya, Faarax Macallin, oo ay waraysi la yeelatay idaacadda VOA ayaa sheegay in heshiiska dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya aan hadda la saxiixin ee la saxiixay dhawr toddobaad ka hor.

Idaacadda Codka Maraykanka (VOA) ayaa Faarax Macallin marka hore waxay weydiisay waxa uu ka iftiimin karo heshiis maalmahan soo shaacbaxay oo ay Soomaalidu walaac ka muujiyeen oo la xiriira heshiis ay kala saxiixdeen Kenya iyo Soomaaliya.

Faarax Macallin waxa uu ku jawaabay "Horta heshiiskaas wax hadda la saxiixay ma ahayn, dhawr toddobaad ayaa ka soo wareegtey". Waxana uu intaas ku daray: in wax lagu heshiiyey aysan jirin ee la doonayo in khadkii xadka dib loo raadiyo oo la mariyo meeshiisii xalaasha ahayd oo loogu talo galay markii horeba in uu maro oo waddan kasta u ogaado meesha xadkiisu ku eg yahay. Wax dawlad ay hadda badali karto ma aha. Waa wax tan iyo Talyaanigii dawladihii mustacmarka iyo dawladihii ka dambeeyey uu rikoodhkii wada yaalo (diiwaan koodi yaal). Meelkasta ayey taalaa UN-ka, latitude-kii iyo longitude-kii iyo bearing-kii oo dhan ayaa la hayaa (Dhigo, Lool iyo Xagasha ama jihada uu ku socdo xadku). Waa in sidaas loo xaqiijyo uun weeyaana, taasna waa dawladaha wax markastaba dhaca. Laakiin hadda wax cusub ma aha. Maadaama Soomaaliya aysan 18-sano dawlad ka jirin waxaa loo baahan yahay in meeshii xuduudku ahaa ee u horeysey hadda in la is tuso ayaa loo baahan yahay.

VOA waxay weydiisey: sida aad sheegtay Soomaaliya iyo Kenya ma aha laba dal oo maanta deris noqday, maxaa keenay in dib loo eego xuduudaha?

Faarax Macallin waxa uu ku jawaabay: Waaqaca hadda jira waa in la isu sheego, 20 sano ku dhaw Soomaaliya dawlad ma jirin, marka waxana waa wax iska imaginary ah, meelaha ay marayaan, dadkii way soo gudbaan, waa sii gudbaan, meeshii in la is tuso anigu hadda wax dhib ah uma arko. Aniga wax dhul ah oo hadda la isku haysto oo aniga aan ka war hayo ma jirto. Hadduu jirono waa wax aanan anigu ogeyn.

Maxaa hadda loogu baahdan in la is tuso xuduudaha, haddii ay ahaayeen xuduudo hore u jiray ayaa la waydiiyey?

Waxa uu Faarax Dawaara ku jawaabay: Waa kuu hor mariyey, waxaan waa imaginary weeyaan, Markaad Kenya galaysid oo Soomaaliya ka soo baxaysid iyo markaad Kenya ka baxaysid oo Soomaaliya galaysid waa in aad ogsoon tahay calaamadda, xarriiqada meesha ay marayso, waayo hadda dawlad rasmi ah ayaan is tusaynaa in ay Soomaaliya ka dhalatay. Hawl galkeena wuu soo bixi doona. Laakiin xuduudaha labada dhinac maadama aysan talis ka jirin labada dhinacba, hadda war meeshii intee ahayd aan xarriiqno oo waddo yar aanu marino oo markaad ka baxaysid oo dhanka kale galaysid ilaa dadka ku nool labada dhinac waa dad isku beel ah, taas way dhacdaa adduunkoo dhan wax dhib ah oo aan u arko ma laha, dabcan wax kale oo aan aniga ogayn oo adinka ogtihiin mooyee.

Marka Faarax ma waxaad leedahay xarriiqdaa mar walba u baahan in la cusboonaysiiyo, ayay waysiisay Caasha Ibraahim "Caasha Cuud" oo waraysiga u qaadaaysay VOA.

In la is tuso HAA HAA HAA way u baahan tahay, oo xitaa tan dhulka Kenya waxay maraysaa Longitude and Latitude (Lool iyo Dhig) ayey maraysaa oo wado yar oo loo kala hagaajinaayo, marmar muddo markii laga soo wareego oo dadka laba dhinac ay isku dadka yihiin waa lagu wareeri karaa. Kolley sida xalaasha ah oo dhabta ah oo aniga aan ogahay, waxaanan ogayn in aad idinku ogtihiin haddii uusan jirin. Haddii wax kale uu jirona kolley waa soo bixi doontaa, ayuu ku jawaabay.

VOA waxay markaas weydiisey: Welwelka Soomaali badan ay muujinaysaa waxa weeye maadaama Soomaaliya ay burbursan tahay muddo 20 sano ku dhawaad ah , welina dawlad xoog leh aanay ka jirin,  in ay dhici karto in daciif nimada dhinaca dawladnimada ee jirta in looga faa'iidaysto?

Waxa uu ku jawaabay: Horta dareenku waa iska dabiici oo bini'aadam oo dhan dareenka waa iska qabaa, laakiin meesha adiga aad joogtid haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (Waa jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Marka wax la isku deyi karo in ducfiga Soomaali lagaga faa'iidaystaa ma aha, ninkii isku dayana khasaaro ayaa ka imanaysa. Wax aniga aan ogahay oo dhanka dawladda Kenya ka socotana oo boob ahna ma jiro. Marka war jiraaba cakaaraaha ayuu imaan doonaa. Bearing-ka (jihada xadka) wax intaas taako qaado oo suulka iyo farta u dhaxaysa oo la boobi karo ma jiro.Sidii looga tagay tan iyo mustamarkii ayay noqonaysaa.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Heshiiska isfahamka Kenya

Sharaxaada Ra'iisul Wasaaraha uu ka bixiyey heshiiskii Kenya, qayb kamida hadlkii oo qoran. "Waxaa jirtay illaa iyo dowladihii lixdankii , wax la yiraahdo Contenantal Shelf oo ah hadba wadankasta dhulkiisa inta uu badda  hoosteeda gaaro, waxayna ahayd wax caadi ah oo  dowladihii hore oo dhan ay ay gaysteen sheegteen in dhulkoodu uu gaaro ilaa 200 oo mile, waxaa lasoo ogaaday Soomaaliya in dhulkeedu ka shisheeyo 200nm waxa la dhaho ee lagu xisaabtamo, sidaas darteed waqtigii waxaa la gaaray anga aan dib u codsan lahayn, in aan sheegano dhulkaas baaxada wayn ee biyaha ku fidsan, maadaama sharcigu wuxuu dhigayaa in hadii ay jiraan wax dowlado ah oo  ay xudduud yadoodu isgaaraan, in  dowladuhu ay isu  ogalaadaan inay wada sheegtaan dhulkaas 200 iyo wixii ka shisheeya. Laakiin taasi aysan ahayn in anaga xuduudkeena iyo dhulkeena taako intaas leegba alla ha ka dhigee, inaan uga baxayno ama usiidayno qofna......................... Waa jirtaa anaga iyo Kenya inaan isku hayno Xuduudka en biyaha hoose ee aanu en gudi usaari doono hadii illaahay yiraahdo laguna kala bixi doono maxkamaddaha aduunka..............Maadaama xuduudaheeenu isa soogaaraana aanu u sheegno  aduunku  in waxa naga dhaxeeya anaga an ku kala baxno si sharci ah............"

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxa uu yiri: 

  1. waxaa lasoo ogaaday Soomaaliya in dhulkeedu ka shisheeyo 200nm waxa la dhaho ee lagu xisaabtamo.
  2. Waa jirta in annaga iyo Kenya aan isku hayno xuduudka biyaha hoose, oo aannu guddi u saari doono haddii Ilaahay yiraahdo., laguna kala bixi doono maxkamadaha adduunka.
  3. sharcigu wuxuu dhigayaa in hadii ay jiraan wax dowlado ah oo  ay xudduud yadoodu isgaaraan, in  dowladuhu ay isu  ogalaadaan inay wada sheegtaan dhulkaas 200 iyo wixii ka shisheeya.
  4. Maadaama xuduudaheeenu isa soogaaraana aanu u sheegno  aduunku  in waxa naga dhaxeeya anaga an ku kala baxno si sharci ah.

Dowlad Aan garanayn Waxa saxiixayso iyo arrinta ay ka hadlayso

  • Waxaan isku dayeynaa inaan uga jawaabno si kooban hadalka Raysul wasaaraha maadaama aan faaladeenan arrimo badan kusoo ogaanay. Waxaan leenahay  hada lama ogaan in dhulka badeenu ka shisheeyo 200nm  ee waxaa la dhaqan galiyey in ku dhow 40-sanadood, akhri xeerkii Dowadii Soomaaliya

     "Dawladdii Soomaaliya si ay u xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay Sharci Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972: Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida waxaa ka mid ahaa qodobadkan:

Qodobka 1aad: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah."

  • Hadalka labaad ee Raysul Wasaaraha wuxuu sheegay marunkii Kenya galisay Badda Soomaaliya, waxaa su'aal ah goormuu muran xaga badda ah noo dhaxeeyey? goormay jirtay inaan is xuduudaha badda isku hayno? Muhiimmadu waxay tahay Cumar wuxuu meel mariyey sidii Kenya rabtay ama ha loo hoos galiyo ama ku tala gal ha ka ahaatee. Markasta waa inaan niyada ku haynaa danta ugu wayn ee Kenya lahayd waa inaan aqblo inaan badda ku muran sanahay oo naloo garnaqo. 
  • Arinta sadexaad ee Raysul wasaaruhu sheegay oo ah "sharcigu wuxuu dhigayaa in hadii ay jiraan wax dowlado ah oo  ay xudduud yadoodu isgaaraan, in  dowladuhu ay isu  ogalaadaan inay wada sheegtaan dhulkaas 200 iyo wixii ka shisheeya"  Arintaas  majiro sharci oranaya dowladuhu waa inay isu ogalaadaan inay wada sheegtaan wixii ka baxsan 200 oo mayl badeed. Sharcigu wuxuu leeyahay Dowlad kasta iyadoo raacaysa Qodobka 76-aad ee QM waa inay xogteeda usoo gudbisaa gudiga QM ugu tala gashay Xadaynta baddaha. Hadii sharci kale oo shardi ka dhigaya ama qasab ka dhigaya uu jiro waan soo dhawaynayaa in Dowladu soo bandhigto. Heshiis waa la gali karaa qasabse ma'ahan si xogta kordhina Qalfoofka badda loo aqbalo (350nm)
  • Waxaa layaab iyo naxdin leh ummad aqoon yahankeedii sidaan u dhaqmayo, oo ay yiraahdaan "Maadaama xuduudaheeenu isa soogaaraana aanu u sheegno  aduunku  in waxa naga dhaxeeya anaga an ku kala baxno si sharci ah." Cumar wuxuu ka dhigayaa Soomaaliya iyo Kenya laba wadan oo hada Khariirada aduunka kusoo biiray ama baddi u dillaacday, sidaan in badan ku celcelinay, faalladaana in badan aad ku aragteen ama ka maqasheen Faarax Macalin oo Keenyaan ah, Soomaaliya iyo Kenya waxaa xuduud dooda loo kala calaamadiyey xiligii gumaysigii ( 1924.) Si arintaas loo fahmo waxaan waxaan inyar kasoo qaadanaynaa naa Cilmi baaristii Dhul-baddeedka.

Kenya oo Calaamadsatay Dhul-Badeedka Soomaaliya: 

Warbixinta qaybteeda sare markii aan dhamaynay, una gudbinay xubno ka tirsan Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya (DFKMG), ayaa waxaa bogga Qarammada Midoobay 10kii Maarso 2009 lagu daabacay qoraal ay Kenya u dirtay UN-ta qaybta u qaabilsan Xadaynta Badaha. Qoraalkaas oo ay la socdaan cabbiro iyo khariidado muujinaya in Kenya ay xadkeeda ku darsatay dhul-badeed ballaaran oo ah badda Soomaalida.

Dhul-badeedka Soomaaliya ee ay Kenya baddeeda ku darsatay, si xeel dheer si loogu fahmo waxaan qaybtan gogoldhig uga dhigaynaa heshiisyadii[24] dhexmaray Ingriiska iyo Talyaaniga ee xadka loogu sameeyay dhulka Soomaalida.

Boqortooyadii Ingriiska iyo Talyaaniga ayaa waxaa dhex maray heshiis  dhacay 15kii July 1924, laakiin ay isku raaceen 17kii December 1927, heshiiskaas oo ku saabsanaa calaamadinta xadka Soomaaliya iyo Kenya. Xadayntaas waxaa ku cad in shanta (5) jasiiradood ee loo yaqaan LAMA SHAAQA[25] ay leedahay Soomaaliya, jasiiradahaas oo Koonfur ka xiga Raas Kambooni - macnaha ay arrintaasi u leedahay xadaynta badda gadaal ayaan ka arki doonaa. (FG: Xadka laga hadlayay waxa uu NFD[26] raacinayay dhanka Kenya. Soomaaliduna ma aqoonsanayn taas maadaama NFD ka maqan tahay, laakiin sida aan warbixinta hoose ku arki doono, Kenya waxay hadda kusoo xad gudubtay xadkii xilligaas loo kala calaamadiyey Somalia iyo Kenya).

16kii iyo 26kii June 1925 xiriir dhexmaray safiirkii Boqortooyada Ingriiska u fadhiyay magaalada Rooma iyo madaxa dawladda & Wasiirka Arrimaha dibadda ee Boqorkii Talyaaniga ayaa waxay isku raaceen halka la marinayo xadka dhanka Koonfureed ee Soomaaliya-Kenya. Waxaana heshiiskaasi dhigayey in "Raas kambooni iyo jasiiradaha u dhaw ay hoos tegayaan dhanka Soomaaliya".

Guddi labada dal (Ingriis-Talyaani) waxay xilligaas u xilsaareen arrinta xadaynta waxay ogaadeen in ay jiraan lix jasiiradood oo ku dhaw Raas Kambooni. Mid jasiiradahaas kamid ah waxay ku dhagan tahay Raas Kambooni, 5-ta kale waxay qiyaastii 2km dhanka Koonfur-Galbeed kaga aaddan yihiin Raas Kambooni, waxaana loo yaqaan Lama Shaaqa (Isolotti Lamasciaca ama "Diua Damasciaca"). Jasiiradahaas tan Koonfurta ugu xigta waa dhagac weyn oo cabbirka dhexroorkiisu yahay 50 mitir. Heshiiskaas waxaa si qeexan ugu qoran in "Jasiiradaas yar ee Koonfurta ugu xigta 5-ta jasiiradood ay tahay barta xadaynaysa badda Kenya iyo Soomaaliya. (Waa haddii marka hore aan laga hadlin NFD oo xadku halkaas dhanka Koonfureed ka sii xigi karo.)

Qoraal kale oo ay is dhaafsadeen Talyaaniga iyo Boqortooyada Ingriiska, 22kii November 1933, ayaa sii xaqiijiyay xarriiqda iyo barta xadayneysa badda Kenya-Soomaaliya, waxaana qormadaas (Italy-Britain) ku qeexan in: xarriiqda xadaynaysa badda (Soomaaliya-Kenya) waxay dhanka Galbeed ka maraysaa cirifka Koonfureed ee jasiiradda Koonfurta ugu xigta 5-ta jasiiradood ee LAMA SHAAQA. Waxayna xarriiqdaasi u soconeysaa jihada Koonfur-Bari, waana xarriiq toos ah oo xagal qumman (90°) ugu qotonta jihada ay xeebtu ku dherersan tahay (taas macnaheedu waa: maadaama barta xadka kaga beegan xeebta ay jihadeedu tahay WaqooyiBari - KoonfurGalbeed, markaas xagasha taas ku qotonta jihadeedu waa dhanka KoonfurBari, sida aan ku soo aragnay dhanka sare ee warbixintan).

Dowladii Somaaliyana waxay xiligeedii ma dhaafin cabirkii  (Italy- Britain) ay waagaas sameeyeen. Waxaa xusid mudan in labada dalba lagumaystay oo wadanka Soomaaliyana xornimmada ka hor qaaday Kenya, waxaa kaloo jirtay in wadanka Soomaaliya xornimmadii kadib, uu wadanka Kenya xaga Military-ga uu aad uga horeeyey, ama aad uga xoogbadnaa, laakiin labadaas arrimood ma keenin in wadanka Soomaaliya ku xadgudbo xuduud-beenaadka gumaysigu sameeyeen oo Kenya loogu sadburiyey. Mana dhicin inuu iska cabirto badda waagaas Kenya loo qoondeeyey,  waxaanse marnaba reebanayn sheegashada iyo doonista in dalka xooga laga gooyey uu kamid yahay Soomaaliya, inuu dib ula soonoqdana ay ka go'antahay. 

Maxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed heshiiska is afgarad kadib?

Ummada Soomaaliyeed wixii lagudboon Cilmi baarista shanta qodob ee ugu horeeya ayaa  SomaliTalk ugu sheegtay, waxay kaloo Warbixintu digniin culus u dirtay Dowlada Kumeelgaarka ah, inaysan ku dag dagin heshiis aan laga fiirsan sida hada dhacday, dignaantaasna waxay u qornayd sidan;

5- SomaliTalk waxay ka digaysaa in aan cidina saxiixin xeerka cusub ee (Xadaynta) Badaha Soomaaliya haddii aysan Soomaaliya waddan ahaan buuxin shuruudaha laga rabo, gaar ahaan Dowladda Kumeelgaarka ah waxaan si gaar ah u xasuusinaynaa inaysan qaadin wadadii qaar kamid ah maamulladii ka horeeyey ay qaadeen, kaas oo ahaa inay saxiixaan arrimo culculus oo Soomaaliya ay ka dhaxli karto cawaaqibxumo iyo hagardaamo muddo dheer jirta. Sidoo kale waxaan ku baraarujinaynaa inay aad u dhuuxaan xeerkii hore ee baddaha Soomaaliya, kaasoo qorayey inay Qarammada midoobay Soomaaliya oo qura ay Dalalka Afrikada bari uga aqoonsanayd (370 km) halka Wadammada kalena loo aqoon sanaa (22km) xogtaas iyo kuwa kale oo farabadan waxay kuxusan yihiin warbixintan.

Waxaa xusuusin Muddan marka laga soo tago xiriirka tooska ah ee dhex maray SomaliTalk iyo Dowlada, cilmi baarista waxaa la daabacay April 4, 2009. Dowladuna heshiiska is afgaradka waxay saxiixday April 7, 2009. Halkaan waxaa noogu cad in dowladu ay haysay xogta oronaysa Kenya waxay calaamadsatay Badd Soomaaliyeed. Arintaas oo wadatay cadaymaheeda sida aad warbixinta ku aragteen.

Hadaba hadaan toos uga jawaabno Heshiiska ka dib maxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed? Waxaa la gudboon inay sameeyaan oo diyaariyaan gudiga Badbaadinta badda Soomaaliyeed. Gudigaas oo diyaarinaya khuburo ku takhasusay Cilmiga Badda gaar ahaan dhinaca Shuruucda baddaha Caalamiga ah iyo dhinaca Juqoraafiga Badda. Si gaar ah waxaan  xil u saaraynaa Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee  Dibada jooga, anagoo ku sababaynayna aqoonta, dhaqaalaha iyo Xiriirka ay si sahlan u samayn karaan.  

Waxaa kaloo aad muhiim u ah in Dowlada Soomaaliyeed loo sharxo heshiiskan dhibaatadiisa laguna qasbo inay ka noqdaan sida ugu dhakhsaha badan. Waxaa kaloo muhiima Dowladu inay aqbasho Talada iyo Cabashooyinka ummadda Soomaaliyeed ee ay matalayso.Sidoo kale Dowladu Inay ku dadaasgo sidii ay QM ugu qancin lahayd in xadaynta badda Soomaaliya dib loo dhigo. Sababtoo ah waqtiga oo dhaw (May 13, 2009) iyo arrinta oo dhaqaale, waqti iyo dowlad awood leh u baahan. Shacabka Soomaaliyeedna in aysan aqbali karrin xiligan waxyaabo baddan oo xasaasiyad laga qabo. Xikmad Soomaaliyeed ayaa ah “Dheef waa la isa siiyaa  dhulse la isma siiyo”. 

Lagu Maqan Isku Maqan (Soomaali)

Ugu danbayntii Dowlada iyo ummada Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay isu tanaasulaan, wada hadlaan, heshiiyaan, iscafiyaan, hadii ay doonayaan inay bad baadiyaan Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Waxaa noo muuqda in buuro dhaadheer la kala saaran yahay qolo inay soo dhaadhacdo doonaysana aysan jirin ee loo baahan yahay Buundo, waxaan soo jeedinaynaa hadaan nahay (Bahda Somalitalk.com) buundadu waa Diinta iyo danta guud, danta ummadda Soomaaliyeed ee aad wada sheeganaysaan inaad iyada matalaysaan ama u danaynaysaan, Danta Dalka, Danta Baddaha iyo Barriga wadanka. Hoos ha loo soo dago oo dhamaan garabyada iska soo horjeeda  tanaasul dhab ah oo dag dag ah ha gaareen si loo badbaadiyo Dadka iyo Dalka inta ka hartay.


Jawaab celin, Talo soojeedin iyo Faah faahin intaa dheer, fadlan lasoo xiriir:

www.Somalitalk.com | Eng. Maxamed Cali | Xasan Dhooye | webmaster@somalitalk.com ama somalitalk@gmail.com | Waqooyiga Ameerika.

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2009
 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

 
 

Copyright © 1999-2009 SomaliTalk.com All rights Reserved.