Home » Warar
Xarakadda Al-Shabaab oo Degmadda Baardheere ku soo Bandhigey Saddex Qofood oo u Dhashey Wadanka Kenyan
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxay sheegayaan in Xarakadda Alshabaab ay halkaa ku soo bandhigeen Saddex Qof oo u dhashey Wadanka Kenya iyo Gaarigii lagu soo qafaashey , waxaa kaloo halkaa laguu soo badhigey Hub la sheegey in laga soo qaatey Xero ay degenaayeen Cii damadda Kenya
Sedexdaan Qof ayaa markii la soo qafaashay ayaa Goobtii laga soo qafaashey lagu diley Saddex...
Kulan aad u Balaaran oo Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, kulankaasi oo ahaa midkii ugu weynaa oo odayaasha iyo waxgaradka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay marxaladad guud ee uu wadanku marayo maanta.
Kulanka oo ahaa mid odayaashu uga doodeen saddex qodob oo kala ah:- Howsha odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed...
Magaalada Wajeer Weerar ka dhacay oo lagu diley Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Wajeer ee Waqooyiga Bari ee Dalka Kiinya ayaa sheegaya in barqanimadii maanta Kooxo Hubaysan ay weerar ku qaadeen Ciidamo Kiinyaan ah oo Magaaladaas ku sugnaa.
Weerarkan ayaa sida la sheegay waxaa ku dhintay Illaa Seddax Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Kiinya halka tiro intaa ka badanina ay ku dhaawacmeen.
Afhayeenka Xukuumadda Kiinya Mr Ereg oo goor dhaweyt Saxaafadda...
Ra’iisul Wasaaraha DFKMG oo la kulmay Madaxwynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaare Dileyte
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFKMG:
Ra’iisul Wasaarahe Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Djibouti ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelle. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahadceliyey sida uu isaga, dowladiisa iyo shacabka Djbiouti ay marwalba ugu heelan yihiin una garab istaaganyihiin...
Ururka Midowga Afrika oo Ku Baaqay in la sii Xoojiyo Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku Sugan
Ururuka Midowga Afrika ayaa la sheegey in xiligan uu dadaal ugu jiro sidii loo kordhin lahaa tirada Ciidamada amisom iminka ka jooga Soomaaliya loona gaarsiin lahaa illaa labaatan Kun oo Askeri.
Ururka ayaa sidoo kale wada dadaalo uu ku doonayo sidii qaramada Midoobay ay u siin lahayd Ciidamadaas waxyaabaha Tashiilaadka ah ee ay u baahan yihiin kana mid yihiin Diyaaradaha Helikobtariska ah.
Guddoomiyaha...
Xildhibaan Mowliid Macaani oo Been Abuur ku Tilmaamey War Murtiyeedkii ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ee lagu Taageerey Shariif Xasan
Xildhibaan Mowliid M acaani oo ka tirsan Xildhibanadii dhawaan xilka ka qaaday Guddoomiyaha Barlamanka ayaa wa raysi uu siiyay warbaahinta wuxuu kaga hadlay Go’aan la sheegey in uu ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD oo ku baaqayay in xil ka qaadistii Guddoomiyaha Barlamanku aysan ahayn mid sharci ah.
Xildhibaan Macaani ayaa sheegey in baaritaano dheer oo ay sameeyeen iyo waliba xiriir ay la sameeyeen...
Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo mar kale Duqeeyey Deegaanka Hosingow
Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in shalay gelinkii danbe duqeyn dhinaca Cirka ah in lagu qaaday degaanka Hoosiinggoo ee Gobilka Jubada Hoose.
Diyaaradaha Dagaalka ee Dalka Kiinya ayaa la sheegey in Weerar dhinaca Cirka ah ay ku qaadeen degaankaas iyagoona halkaa dhowr Madfac ku dhuftay.
Weerarka diyaaradahan oo ahaa nooca loo yaqaano Miigga ayaa ahaa mid illaa laba goor...
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Djibouti
Warsxaafadeed kasoo baxay DFKMG ayaa ku bilwoday sidan:
Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta gaaray magaalada Djibouti oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa gegida caalamiga ah ee dayuuradaha ee Djibouti si heer sare ah ugu soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed...
Ururka Xaquuqda Dhalinyarada Soomaaliyeed (SOYRO) oo u qabtey Siminaar ku saabsan ka Wacyigelinta Dhalinyarada Dagaaladda
Ururka Xaquuqda Dhalinyarada Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SOYRO (Somali Youth Rights Organization) Ayaa Siminaar socdey Muddo Laba Maalmood ah ku qabtey Xarunta SSU (Somali Students Union) Magaaladda Muqdisho waxaana ka qayb galey Dhalinyaro laga soo xuley Degmooyinka Gobolka Banaadir
Siminaarka ayaa l;agu baranayey Barnaamijyo la xiriira Nabadda , Xaquuqda Aaadanaha , Dib u heshiisiinta,Xalinta...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Baaq u soo jeediyay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee Khilaafka u Dhaxeeya
Iyadoo weli uu jiro Khilaafkii Baarlamanka Soomaaliya ayaa markii u horeeyay waxaa arrintaa ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamanka Jabuuti Idiris Aruna Cali isagoona ugu baaqay xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya in khilaafkooda ay ku dhameeyeen wada hadal Siyaasadeed.
Mr Idiris ayaa sheegey in ay aad uga xun yihiin khilaafka soo kala dhex galay Mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya isagoona intaa raaciyay...
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyed ee PuntLand ayaa ugu Baaqay Odoyaasha Soomaaliyeed in ay soo Xulaan Xildhibaano u Qalma Barlamaanka
Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud Faroole oo ka hadlayay Munaasibad lagu xusayay Sanad Guuradii 3aad ee ka soo wareegtay Markii Talada qabtay ayaa halkaa ka jeediyay Khudabad dhinacyo badan taabanaysey.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii amaanay maamulkiisa kaasoo uu sheegey in uu soo celiyay wax badana ka qabtay arrimaha dhaqaalaha Siyaasadda iyo dib u dhiska PuntLand.
Cabdiraxmaan faroole ayaa dhaliilay...
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Eedeymo Kulul u soo Jeediyay Shiikh Shariif iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Xildhibaano ka tirsan Barlamaanaka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku qaatay gudaha magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha dawladda Federaalka KMG Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaarihiisa ku Eedeeyay in ay meel uga dhaceen Xeer Hoosaadkii Barlaamanka Soomaaliya.
Xildhibaanadan ayaa sidoo kale sheegey in madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha KMG maalmihii u danbeeyay ay wadeen fara gelin ka dhan ah go’aanka...
Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Soddon Neef Ari ah ku diley Deegaanka Daable ee Gobolka Gedo
Wararka naga soo gaaraya Gobolka gedo ee Koofurta Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Diyaaradaha dagaalka ee Dalka Kiinya ay mar kale Duqeeyeen Degaanka Daable oo hoos yimaada Degmada Garbahaareey.
Duqeyntaan diyaaradaha dagaalka Kiinya ayaa la sheegey in ay ku dhaawacmeen laba Ruux oo Rayid ah isla markaana ay ku dhinteen illaa Soddon Neef oo Ari ah.
Warku wuxuu intaa ku daray in duqeyntaasi sidoo...
MASUULIYIINTA WARBAAHINTA MUQDISHO OO KULAN WADA TASHI AH YEESHAY,GO’AANANA KA SOO SAARAY
Kulan wada tashi ah oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Qaran ee
Suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ, isla markaana ay qabashadiisa suurto
gelisay Ururka Dhalinyarada ee u Dooda xuquuqda Dhalinyarada ee SYAO,
ayna ka soo qeybgaleen agaasimayaasha Idaacadaha, Telefishinada,
suxufiyiin magac ku leh bulshada dhexdeeda iyo mauuliyiin ka socday
hay’ado saxaafadeed ayaa maanta lagu qabtay hotel Saxafi KM4 ee
Magaalada...
Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka oo Wasaaradda Maaliyadda Ku Amray in la Xayiro Dhaqaalihii ku Bixi Jiray Xafiiska Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka .
Xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali oo ka tirsan Guddiga Maliyadda ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa baaq u diray Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya.
Xildhibaan Cusman oo sheegey in uu xubin ka yahay Gudiga Maaliyadda ee Baarlamanka ayaa sheegey in loo baahan yahay in la joojiyo dhaqaalihii ku bixi jiray Xafiiska Guddoomiyahii hore Baarlamanka Shariif Xasan gaar ahaana dhaqaalaha...
Raiisul Wasaaraha DFKMG iyo Wafidi uu hogaaminayo oo booqday B/weyne
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan:
Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho hal maalin ah ku tegay magaalada B/weyne kulamona la qaatay qeybaha Bulshada iyo saraakiisha Ciidamada
Muqdisho, January 6, 2012——Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo...
Warsaxaafadeed Gudiga Amniga Qaranka oo kulan ka yeeshay khilaafka barlamaanka (Muqdisho, 05-Janaayo, 2012)
Kulankii caadiga ahaa ee ay shalay isugu yimaadeen Gudiga Amniga Qaranka oo looga hadlay xaaladda amni ee dalku ku suganyahay iyo qalalaasaha siyaasaddeed ee ka aloosan Golaha Baarlamaanka, uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay kasoo qeyb galeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha Xukuumadda,K/xigeenka Ra’isul wasaaraha...
Madaxweyne Shariif Oo Ka qeybgalay Munaasabad Lagu Soo Bandhigayay Waxqabadka Maamulka G/Banaadir Ee Sanadkii Tagay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka maamulka gobolka Banaadir ee sandkii tagay.
Xafladda Mudaanasabadda oo ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta maamulka gobolka Banaadir isla markaana uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Shariif, wasiiro, xildhibaano, saraakiil...
Ra’iisul Wasaare Gaaz oo Sheegay in Dalka ay Ka Dhici Doonto Doorasho Baarlamaan Bisha Juun ee Sanadkan
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in Dalka ay ka dhaqan geli doonto Doorashada Baarlamanka gaar ahaana Bisha Juun ee Sanadkan.
Cabdiweli Maxamed Cali oo Shalay la hadlayay Guddiga Dastuurka ee isku dhafka ah ayaa sheegey in Bisha May ee soo socoto ay kulmi doonaan Guddigaas muddo Todobaad ahina ay fadhin doonaan kuwaasoo ansixin doona Dastuurka...
Madoobe Nuunow Maxamed oo Loo Doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
Kulan ay xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho maanta (Arbaca Janaayo 4, 2012) ayaa baarlmaanku ku doortay guddoomiye cusub oo ah Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed.
Xildhibaanada soo xaadiray madasha shirka ayaa cod u qaaday musharaxiintii xilkaas isu sharaxay oo tiradoodu ahayd 6 musharax, codbixin kaddib waxaa xilka ku guulaystey guddoomiyaha cusub Xildhibaan...
Xildhibanada Baarlamaanka oo Sheegay in aanu waxba Iska Bedelin Mowqifkoodii ay Xilka kaga qaadeen Shariif Xasan .
Iyadoo maalintii shalay markii Sedaxaad Fadhi Barlamaanka ka socday guduhiisa Xildhibaanadu isku fara saareen ayaa hadaana waxaa mowqifkooda ka hadlay xildhibaanadii dhawaanta Xilka ka Xayuubiyay Guddoomiyihii Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan.
Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guuleed gacma dheere oo ah Guddoomiyaha Gudiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la hadlay warbaahinta...
Xukuumadda Itoobiya oo Sheegtay in Gelitaankii Soomaaliya uu ka Danbeeyay Codsi uga Yimid Urur Goboleedka IGAD iyo Dowladda Federaalka
Sarkaal ka tirsan Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Itoobiya ee magaciisa ka gaabsaday oo waraysi siiyay warbaahinta Caalamka ayaa ka war bixiyay gelitaanka Ciidamadooda ay galeen gudaha Soomaaliya gaar ahaana Magaalada Beled Weeyne ee Gobolka Hiiraan.
Sarkaalkan ayaa sheegey in gelitaanka Soomaaliya ee Itoobiya uusan ahayn mid iska yimid balse ay jireen codsiyo uga yimid Urur Goboleedka IGAD wadamada...
Hay’ada HARO oo Gacan Ka heleysa Hay’ada WAMY oo Deeq Raashin kala duwan Gaarsiiyey Laba Kaam oo ku yaala Degmadda Boondheere
Hay’addaha Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo Gacan ka heleysa Hayadda World Assembly Of Muslim Youth (WAMY) ayaa deeq noocyo kala duwan ah gaarsiisey dadka Barakacayaal ah oo ku nool laba kaam oo ku yaal Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Kaam lagu magacaabo Webi Shabeele ayaa waxaa Deeq raashin ah la siiyey Qoysas Tiradooda gaareyso Kun Qoys waxaana qoys kasta la siiyey 25...
Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ee lagu Dooran lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ku Dhamaadey Buuq iyo Feer Jilib
Xildhibaano Maanta oo isniin ah kulan ku lahaa Xarunta Golaha Shacabka kuwaas oo 12 ka bishii hore Xilka ka qaadey Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana kulankaan shir Gudoominayey ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Axmed Rooble Casoowe waxaana laga doodayey qaabka loo dooran lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana lagu guda...
Qaraxyo Iyo Toogasho Xalay ka Dhacday Gudaha Magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari ee Kenya.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada gaarisa ayaa sheegaya Magaaladaasi ay ka dhaceen qaraxyo iyo Toogasho loo gaystey Dad ay Soomaal ka mid ahaayeen.
Falka Toogashada ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Bartamaha Magaalada Goob ay ku caweynayeen dad u dabbaal degayay Xuska Sanadka Cusub halkaasoo la sheegay in ay yimaadeen Rag Gaari wata kaddibna ay ku Fureen Rasaas aan loo kala aaba yeelin.
Raggaas...




