Home » Warar
Shirar uu soo abaabulay Xafiiska R. Wasaaraha oo lagu dhamaystirayo “Human Rights Road Map”
Muqdisho, 05 Augst, 2013.. Shalay shir ka dhacay xarunta Madaxtooyada oo ay isugu yimaadeen Xooghayaha Golaha Wasiirada & Baarlamaanka Mudane Calas Maxamuud Jamac Juge, Agaasimayaasha Guud ee Wasaradaha Dowladda, Guddiga KMG Madaxa Bannaan ee Xaqiiqa Raadinta Tacadiyada ka Dhanka ah Xuquuqal Insaanka (Human Rights Task Force) iyo Danjiraha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya u fadhiya Xafiiska...
Shirkii Kampala oo la soo gabogabeeyey iyo Madaxweyne Xasan oo Museveni ku ammaanay doorkiisa hoggaamineed ee Soomaaliya
KAMPALA: Madaxda Somalia, Kenya, Ethiopia iyo Uganda oo kulan wada qaatay –
Kulanka Madaxda waddamada Somalia, Kenya, Ethiopia, iyo Uganda ayaa lagu soo qaaday in dowladda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysey dalka, hase yeeshee ay jiraan caqabado fara badan oo u baahan in xal guud oo waara loo helo, kuwaas oo ka mid ah sidii Al-Shabaab loo soo afjari lahaa, sidii ciidadamada Dowladda...
Ra’iisul Wasaaraha oo xalay Saq-dhexe socod kumaray isgoys-yada magaalada Muqdisho
Muqdisho August 4, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay Saq-dii dhexe ee 12:00am saacadda geeska Afrika, waxaa uu socod lug ah ku maray degmooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaana Isgoys-yada Beexaani, Sanca, Fagax, Cali-kamiin, Laba-dhagax, Baar-ubax, Black sea, Al Barako, iyo isgoyska Banaadir, waxaana socdaalkani...
Xukuumadda Ereteriya oo Aqoonsatay Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Xasan Shiikh
In ka badan Labaatan Sano ayaa markii u Horeeyay Xukuumadda Eritireeya waxa ay si Buuxda u aqoonsatay Dawladda Federaalka Soomaaliya.Wakiilk Joogtada ee Xukuumadda Eritereya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa halkaa ka sheegay in Xukuumaddiisu ay Aqoonsatay DawladdaFfederaalka Soomaaliya.
Wakiilka ayaa ugu horenba Qaramada Midoobay ka sheegay in Dalkiisu aqoonsan yahay isla markaana la shaqaynayo Dawladda...
Musaveni oo Dhex Dhexaadinaya Xasan Shiikh iyo Uhuru Kenyatta
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kamala ee dalka Ugandha ayaa sheegaya in Madaxweynaha Uganda Musavini uu u kala dab qaadayo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta kuwaa oo si aad ah isugu qabtay Xaaladda Magaalada Kismaayo. Iyo qaabka Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Amisom ay uga hawl galayaan Soomaaliya kaddib markii Dagaalo dhawaan ka dhacay Kismaayo ay garab siiyeen...
Puntland oo ka soo Horjeestay Heshiiskii Dhex Maray Dawladda Federaalka iyo Shirkadda Atlantic Marine And Offshore Group.
Eng. Siciid Maxamed Raage oo ah Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo la Dagaalanka Burcad Badeedka ee Maamulka Puntland ayaa xafiiskiisa ka soo saaray Warsaxaafadeed si aad uga hadlaya Heshiis dhex maray 30kii Bishii ina soo dhaaftay ee Luuliyo dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhigga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud fiqi iyo Shirkad laga leeyahay dalka Holland oo lagu...
Sidee Bulshadda u Arkaan Shirkada Atlantic Marine And Offshore Group ?
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Heshiis la Saxiixatay Shirkad ilaalisa Xeebaha oo lagu Magacaabo The Atlantic Marine and Offshore Group Taasi oo Fadhigeedu yahay Dalka Holland, Qodobada Heshiiska ay wada gaareen Dowlada Soomaaliya iyo The Atlantic Marine and Offshore Group ayaa inta aan u guda gelin waxa ay Bulshadu ka qabto bal aan eegno Qodobada lagu Heshiiyey
Read More →
Fidrada Sida Loo Bixin Lahaa
Fidrada waajibnimadeeda waxa cadayn u ah –
Ibanu cabaas wuxuu yiri (alaha ka raali noqdo)nabiga CSW wuxuu nagu waajibiyay fidrada wuxuuna yiri waxay daahirinaysaa qofki soomanaa qaladyadi ka dhacay sida hadaladii macna la’aanta ahaa iyo caayda iyo wixii la mid ah –
Read More →
Golaha Wasiirada DFS oo Ogolaaday heshiis shirkad lagu magacaabo Bureau Veritas Pre-Inspection, taasoo ka shaqeyn doonto hubinta tayada raashinka dibadda laga keeno iyo weliba daawooyinka
Afhayeenka Xukuumada Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in Golaha Wasiirada DFS “ay fasaxeen heshiiska shirkad lagu magacaabo Bureau Veritas Pre-Inspection, oo ay horay u saxiixday dawladdii KMG aheyd, taasoo ka shaqeyn doonto hubinta tayada raashinka dibadda laga keeno iyo weliba daawooyinka, waxayna shirkaddani ka howlgashaa 120 dal oo caalamka ah, waxaana adeega shirkadani uu...
Dawladda Federaalka oo Qandaraas ku saabsan Difaaca Xeebta la gashay Shirkad lagu magacaabo Atlantic Marine and Offshore Group
Warsaxaafadeed uu maanta July 30, 2013 faafiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa tibaaxay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Qandaraas la gashay shirkad lagu magacaabo “Atlantic Marine and Offshore Group”, shirkaddaas oo warbixintu sheegtay in xarunteedu tahay dalka Holand (Netherlands) waxaa loo igmaday in ay Soomaaliya u soo diyaariso ciidan ilaalada xeebta (Coast Guard),...
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud oo ku Baaqay Dar Dargelinta Xeerka Saxaafadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho qaybaha kala duwan ee Warbaahinta ee ka Howlgasha dalka waxaana Kulankaas soo qaban qaabiyey Qaybta Warbaahinta ee Madaxtooyada Dowladda Federaalka
Read More →
Hayadda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta oo Howlo Samafal oo ku Aadan Bisha Ramadaan ka Fulisey Dalka Soomaaliya.
Waxaa noo Suurta gashey in aan Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku Booqano Gudoomiyaha Hayadda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta Mudane Shariif Maxamed Cabdalla waxaan wax ka weydiiney Howlahii Samafal ee aya Hayadda ka Fulisey Dalka Soomaaliya inta lagu Guda jira Bisha Barakeysan ee Ramadaan wuxuuna Sheegey in tan markii ay dhalatey Bisha Ramadaan in Dad aan heli Karin wax ka Furaan ay Hayada u sameysey...
Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib oo Iska Fogeeyay Eedeymo ay u soo Jeediyeen Guddiga Daba Galka Cuna Qabataynta Hubka Somaliya iyo Eritireeya
Taliyihii Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Xiligii Xukuumaddii Dhexe ee Milateriga ahayd ayaa markii u horeeyay wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo la xirira Xaalada Soomaaliya mar uu la hadlayey Idaacadda Afka Soomaaliga ee BBC-da Qaalib ayaa ugu horeynba ka hadlay Eedeyntii Guddiga Qaramada Midoobay u xil saaran daba galka arrimaha Hubka Dawladaha Somaliya ee Eritireeya ay ku eedeeyeen inuu Ajente...
Hayadda HARO oo Degmada Wadajir ka Qaybisey Deeq ay soo Dhiibeen Walaalaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika
Hayadda Humanitarian Afrikan Relief Organization (HARO) oo inta badan Gacansiisa Dadka tabaaleysan ayaa waxaa Horaantii Bisha Ramadaan Ka bilowdey qaar ka mid ah Gobolada Soomaaliya Mashruuc ay ugu Magacdartey Afurinta Dadka Masaakiinta ah ee aan heli Karin wax ay ku afuraan , wuxuuna ahaa Mashuuraacan mid ay horey ay Hayadda u sameyn jirtey marka la gaaro Bisha Ramadaan.
Read More →
Golaha Wasiirada oo meel mariyay Miisaaniyad gaar ah oo loogu talogalay Mushaaraadka Ciidanka
iyo Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Xaruntii shaqaalaha Turkida ee la qarxiyay, una tacsiyadeeyey
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqday xaruntii shalay kooxaha nabadiidku ay la beegsadeen qaraxa taasoo ay deganaayeen shaqaale u dhashay dalka Turkiga oo howlo samafal caafimaad ugu fidin jiray shacabka Soomaaliyeed.
Read More →
Muqdisho: Weerar lagu qaaday Xarun Caafimaad oo ay Maamulaan Turkigu
iyo Ra’iisul Wasaaraha oo kulan Amniga looga hadlayo la yeeshay Taliyeyaasha ciidamada iyo Gudoomiyeyaasha 17-ka degmo
Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa cambaareeyey weerarkii gelinkii dambe ee Sabtidii lagu qaaday xarun caafimaad ee ay maamulaan Turkigu.
Shirdoon “ayaa fal fuleynimo ku tilmaamay weerarkii galabta lala beegsaday goob caafimaad oo ay maamulaan dhaqaatiir...
Golaha Wasiirada oo Meel Mariyey Heshiis Dhexmaray Wasaaradda Kheyraadka DFS iyo Shirkad lagu magacaabo FishGuard
Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha xumuumadda DFS ayaa tibaaxay in “Golaha Wasiirada ay meel mariyeen heshiis adeeg oo dhex maray Wasaaradda Kheyraadka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo shirkad lagu magacaabo FishGurad [sic] oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana heshiiskan uu sahli doonaa in horumarinta kalluumeysiga dalka iyo kheyraadka kale ee dalka. Waxayna...
Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Baarlamaanka oo Walaac ka Muujiyay Xaaladda Amniga ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Amniga ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho oo maalmahaan si aad ah uga dareysey Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ku fashilantay isla markaana ay wax ka qaban weyday falalka Qaraxyo oo muddooyinkii dambe ku soo badanayay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Read More →
Madaxweyne Xasan “Midowga Yurub waxaan u siinay dhulka inay xafiisyadooda u soo guuraan Dalka Gudihiisa”
“Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan idin siino dhul si aad xafiisyadii Midowga Yurub ay uga howlgalaan dalka gudihiisa oo ay shacabkii Soomaaliyeed u soo dhowaadaan.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii dhul bixinta guddoonsiiyey Nick Westcott oo ah Agaasimaha guud ee Afrika ee Midowga Yurub, si Midowga Yurub ay xafiisyadooda...
Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Jawaab ka bixisay Warbixintii Guddiga Qaramada Midoobay (UN Contact Group)
Soomaaliya waxey ku baaqeysaa Guddi Dhex-dhexaadin ah in loo sameeyo warbixinnada soo socda ee Guddiga QM
Muqdisho, 23 July 2013 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wallaac ka muujisey warbixintii ay dhowaan guddiga dabagalka Xayiraadka Hubka Soomaaliya iyo Eretria oo khaladaad fara badan oo qaarkood iska horimaanaya iyo arrimo aan sax aheyn ay key jireen, kuna baaqay in wadatashi lala sameeyo...
Cabdulqaadir Xaaji Ibraahim oo Mashruuc Dhaqashada Geela ka Hirgeliyey Duleedka Muqdisho
(Shirkadda DHAAY GEEL Waxaa si Fudud uga Heleysaa Caano Geel oo markaas la soo Lisey)
Waxaan ahayn Koox Wariyayaal ah oo loo qaadey meel Duleedka ka Magaalada Muqdisho una Dhow Ex- Kontrool Afgooye halaas lagu Dhaqo ama lagu Xanaaneeyo Geel loogu talagaley in ay Caanihiisa laga Iibiyo dadka ku Nool Magaalada Muqdisho si ay u helan Caano Geel oo Dhaay ah oo markaas la soo Lisey, waxaana Xeradaan Aas-Aasey...
Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?
Haddii Soomaaliya aqbasho EEZ waxay waayeysaa gebi ahaanba dhul-badeedka la isku haysto –
Warbixin ay July 12, 2013 soo saartay kooxda Contact Group ee Qaramada Midoobay ayaa si qayaxan u cadaysay cawaaqibka ka dhalanaya haddii Soomaaliya aqbasho nidaamka xadaynta badda ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone for Somalia), taas oo ah in Soomaaliya waayeyso gebi ahaanab badda muranka la geliyey...
Ciidamadda Dowladda oo ku soo Ururey Ilaalo Shaqsi !!
Magaalada markaad Dhex Socoto waxaa Waddo kasta kugu Dhaafaya Ciidamo Milatari ama Booliis oo Saaran Gawaarida Dagaalka ee loo yaqaan Tiknikadda kuwaas oo ilaalo ka ah Madaxweyne ,Gudoomiye Baarlamaan , Raiisul Wasaare , Wasiir, Xildhibaan , Agaasime Guud, Maareeye , Generaal Ciidan , Gudoomiye Degmo, Siyaasi Madaxbanaan ,Horjooge NGO, Agaasime Idaacadeed ,Qabqable Dagaal oo hore,Shirkado Shisheeye...
Baarlamaanka Soomaaliya oo si kulul uga dooday Sharciga Cusub ee Kalluumaysiga iyo Xeerka Badda Soomaaliya ee Law No. 37
“Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Arbacadii July 17, 2013 si adag uga dooday Xuduud Badeedka Soomaaliya oo qayb ka ah Hindise Sharciyeedka Kalluumaysiga ee dhowaan ay baarlamaanka usoo gudbisey wasaarada Khayraadka,” sidaas waxaa faafiyey Telefishanka SomaliChannel.
Waxaana xildhibaanadu su’aalo kulul weydiiyeen Wasiirka Khayraadka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar...
Admiral Faarax Qare “Soomaaliya Waxay ku Waayeysaa 97% xuquuqdeeda Badda ay haysato hadda, Haddii la tirtiro Law no. 37”
“… 12-mayl haddii aanaan diidi lahayn waxay noqon lahayd in riigagga batroolka laga qodo Xamar dushiisa meel aad arkeysid haddii aad xeebta istaagtid. Kalluunkii in laga dabto ayey noqon lahayd, qashinka in lagu shubo ayey noqon lahayd, Arrintaasi mid la qaadan karo ma ahayn….” “arrrintaas waa ka gariirnay, waxay noqotay ugu dambayntii in naloo soo jeediyo cudurdaar...




