Home » Warar

Max’ed Dheere “Inta hadda joogto waxaa lagu ilaaliyaa kaare, sidaas darteed nama wada gaaro kaaruhu”

Nov 14, 2009
Max’ed Dheere “Inta hadda joogto waxaa lagu ilaaliyaa kaare, sidaas darteed nama wada gaaro kaaruhu” Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo mudooyinkaan warkiisa laga waayay warbaahinta ayaa mar kale codkiisa la maqlay, waxaana wax laga weydiiyey sida uu u arko joogitaanka ciidamada AMISOM, waxa uuna sheegay Max’ed Dheere in aysan waxba soo kordhineyn marka la eego... 
Halkudheg:

Ciidamada badda ee Norway oo kulankii ay wada qateen Madaxda Puntland ugu Waramay Warbaahinta Soomaalida

Nov 14, 2009
Ciidamada badda ee Norway oo ugu Waramay Warbaahinta  kulankii ay wada qateen Madaxda Puntland Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah Kulan aad u balaaran ayaa waxa uu dhaxmaray Ciidamada Markabka Dagaalka ee Norway oo howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda Somalida u Joga Biyaha Somaliya iyo Masuliyiin ka socota Maamulka puntaland, Kulankaasi ayaa waxa ay isla so Qadeen oo ugu Muhiimasanaa Arimaha la... 
Halkudheg:

Birmingham: Warbixin oo soo dhoweyn Madaxa Ururka caawiye Foundation Trust ee soomaaliya.

Nov 14, 2009
Kulan warbixin iyo soo dhoweyn ka dhacay magaalada Birmingham laguna soo dhoweynayey Madaxa Ururka caawiye Foundation Trust ee soomaaliya. Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah Waxaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 08/11/2009 ka dhacay magaalada Birmingham Kulan ay soo qabanqaabiyeen Ururka samafalka ee Caawiye Foundation Trust, kaasoo lagu soo dhoweynayey  wakiilka Ururka ee dalka Soomaaliya Mudane... 
Halkudheg: ,

Casho sharaf loogu sameeyay dadkii ka soo shaqeeyay cayaarihii Somali Week London Hotel Ramada Wembley

Nov 14, 2009
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah London 14/11/2009. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtey Hotelka Ramada oo ku yaal Galbeedka xaafada Wembley, xafladaas ayaa waxaa soo agaasimay maamulka cayaaraha Somali Week London 2009 islamarkaana casho sharaf u sameeyay dadkii gacanta weyn ka gaystey tartankii lagu qabtey magaalada London ee Somali Week London. Xaflada ugu horeyntii... 
Halkudheg:

Nairobi: Kulankii Sheikh Shariif iyo C/raxmaan Faroole oo Fashil ku dhammaaday

Nov 13, 2009
Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Faroole oo kullan ku dhaxmaray magaalada Nairobi uu fashil ku dhamaaday. iyo Sheikh Shariif oo kulankii C/raxmaan Faroole kaddib u dhoofay Itoobiya Madaxweynaha dowladda KMG iyo madaxwynaha maamul goboleedka Puntland ayaa Jimcadii Nov 13, 2009 Kulan xasaasi ah oo ay albaabada u xirnaayeen ku yeeshay Magaaladda Nairobi... 
Halkudheg:

Beesha Maxaad-Barre oo soo saartay Bayaan ay ku Cambaaraynayaan in…

Nov 12, 2009
(Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu)  Ku: Salaadiinta,odayaasha iyo waxgaradka Beesha Habar-Yoonis/Isaaq. Ka: Salaadiinta,Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Maxaad-Barre/Madhibaan.  Bayaan:(Beesha Maxaad-Barre, bayaankan waxay soo saartey markii ay u adkaysan wayday beenta laga sheegayo isirkeeda(halka ay ka soo jeedo) ama abtirkeeda iyadoo wada tashiyo badan oo khadka taleefanka ah la samaysan... 
Halkudheg: ,

Unicef: Ololaha Caafimaadka Carruurta oo la Gaarsiiyey Afgooye iyo guddiga Jaaliyada Ingriiska oo….

Nov 12, 2009
War Saxaafadeed Markii ugu horreysey ayaa Ololaha Maalmaha Caafimaadka Carruurta la Gaarsiiyey Bulshooyinka Barokacay ee Afgooye, Koonfurta Soomaaliya NAYROOBI, KENYA, 11 Nofembar 2009: Carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed ayaa heley adeeg caafimaad oo saameyn sare leh oo nolosha lagu badbaadiyo intii uu Ololaha Maalmaha Caafimaadka Carruurta ka socdey waddada Afgooye, oo ah waddo dhererkeedu gaarayo... 
Halkudheg:

Puntland oo Sheegtay inay usoo Qab qabatay Rag dilkii Musuliyiintii la dilay iyo Masuuliyiintii ladilay oo la Aasay .

Nov 12, 2009
Bosaaso:Somalitalk: AllAH U Naxariistee Gudoomiyaha Maxkamada Darajada kowaad ee Gobolka bari maxamed Cabdi Awaare iyo xildhibaan ibraahim warsame oo labadu ah kuwa bulshada reer puntland magac ku lahaa ayaa maanta lagu Aasay Labada Magaalo ee Garowe iyo Bosaaso. Aaska labada Masuul ayaa waxa kasoo qayb galay dad aad u fara badan iyo  Masuliyiinta puntland oo uu ugu horeeyo madaxwayne ku xigeenka... 

Puntland: Faroole oo kahadlay Dilalkii ka dhacay PL, iyo wararkale oo ku saabsan PL

Nov 12, 2009
Madaxwayne Faroole oo ka hadlay Dilalkii ka Dhacay Puntland. Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa waxa uu ka hadalay Dilalkii loo gaystay mid kamid ah Xildhibaanada Puntland oo lagu Magacaabo Ibraahim Cali Daad iyo Gudoomiyaha Maxakamada Darajada Kowaad ee Gobolka Bari Maxamed Cabdi awaare oo labaduba lagu dilay Magaalooyinka Garowe iyo Bosaaso. Madaxwayne C/raxmaan Faroole ayaa isaga... 
Halkudheg:

Sh. C/raxmaan oo laga qaaday Xanibaadii Socdaalka

Nov 11, 2009
Minneapolis: Somalitalk: Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo ah Imaamka Masaajidka Abubakar iyo Masuulka Golaha Imaamyada oo inta badan gacanta ku haya Maraakista Dacwada ee Soomaalidu leedahay, ayaa horay xanibaad looga saaray inuu ku safro dhinaca hawada. Sh. C/raxmaan ayaa mar Somalitalk la xiriirtay u xaqiijiyey in laga qaaday xanibaadii saarayd ee dhinaca socdaalka. Sh. C/raxmaan oo arintaas ka hadlaya... 
Halkudheg:

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka banaadir oo xilkii la wareegay

Nov 11, 2009
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka banaadir oo maanta si buuxda xilkii Gobolka Banaadir uga wareegay Gudoomiyihii hore Maxamed Cusmaan Cali (dhagaxtuur) Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah   Waxaa maanta xarunta Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad balaaran oo ay xilka ku kala wareegayeen Gudoomiyihii hore iyo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ee xilkaasi loo magacaabay.   Munaasabnadaan... 

Dilal Toogasho ah oo loo gaystay Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Bari iyo Xildhabaan ka Tirsan Barlamaanka Puntland.

Nov 11, 2009
Somalitalk:Bosaaso:Waxaa Maagalatan Bosaaso Dil loogu Geestay Gudoomiyaha Maxakamada Darajada Kowaad ee Gobolka Bari Maxamaed Cabdi Awaare, isagoo ka soo baxay Masaajidka Suuqa bartanaha ee Magaaladatan Bosaaso kadib Salaadii Maqribnimo. Dilka loo geestay Gudoomiyaha Maxakamada Darajada kowaad ee Gobolka Bari ayaan wali cidi sheegan balse waxaa ay dad Goob jooogayaal ah ay sheegeen in Nin Afka u duuban... 
Halkudheg:

Stockholm: Wasiiru-dowlaha Dimoqraadiyada & arimaha Federaalka Puntland oo ka qayb galay shirweyne

Nov 11, 2009
Waxaa magaala madaxda wadanka Sweden ee Stockholm ka dhacay taariikhdu kolkii ay ahayd 9-ka november 2009-ka, shirweyne uu kasoo qayb galay Wasiiru-Dawlaha Dimoqaraadiyeynta & Arrimaha Fedaraalka ee dowlad goboleedka puntland, H.E Abdi Hassan Jimale. Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah | Qaybta labaad Dr jimcaale waxaa wasiirnimada u dheer isagoo ka mid ah aqoonyahanda soomaaliyeed,wuxuuna haystaa... 

Warbixinta Kooban ee Saddex-biloodlaha ee Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada: Siinaysa Fiiro Gaar ah Hor-u-Digidda Xilliga Deyrta

Nov 10, 2009
Saaxiibayaal, Hayadda Falanqaynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada (FSNAU) waxay hadda baahisay Warbixinta Kooban ee Saddex-biloodlaha ee Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada: Siinaysa Fiiro Gaar ah Hor-u-Digidda Xilliga Deyrta. Warbixintan koobani waxay xog ka bixinaysaa qaybaha kala ah Cimilada, Colaadda Sokeeye, Beeraha, Xoolaha, Suuqyada iyo Nafaqada iyo waliba xogta muhiimka ah ee isbeddellada cusub: ·... 

Ujeedo: Baaq nabadeed oo ku socoda Dawladda KMG iyo Xogaga ka soo horjeeda

Nov 10, 2009
BAAQ Ujeedo: Baaq nabadeed oo ku socoda Dawladda KMG iyo Xogaga ka soo horjeeda Ururka nabadda iyo horumarinta Soomaliyeed ee dalka Sweden wuxuu baaq nabadeed u dirayaa Dowladda KMG iyo xoogagga ka soo horjeeda. Waxaan wada ognahay in shacbiga somaliyeed ay muddo dhan 19 sano ay ku jireen dhibaatooyin ay mid yihiin dagaalo sokeeye, barakicin, dil kufsi iyo ku tiirsanaan gargaar baniadan nimo... 

Xildhibaan Qanyare: Reer Yurub oo Cumar Cabdirashiid ka dalbaday in..

Nov 8, 2009
Hadalkii Qanyare ka dhegeyso Halkan Xildhibaan Qanyare: Waxaad ka hadleysaan qayb Baddii Soomaaliya oo la bixiyey waxaad ogaataan in Baddii Soomaaliya lala wareegey Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo November 8, 2009 magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu hayo nuqul heshiis qarsoodi ahaa oo dhex maray xukuumaddii Nuur Cadde iyo dalalka reer Yurub, heshiiskaas oo la saxiixay... 
Halkudheg:

Bayaan: Cambaarayn ku aadan Falkii Foosha xumaa ee Madaxda Puntland ku qabqabteen dad Soomaaliyeed islamarkaasna ay ugu Gacan galiyeen Cadawga Itoobiya

Nov 8, 2009
Kulan ay isugu yimaadeyn Jaaliyada Puntland ee ku dhaqan dalka Kenya Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah ee kulankii Nairobi Warkan waxaa soo tebiyey Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman” iyo C/salaan Maxamed Cali (najax) Kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen waxgaradka ,aqoonyahanada, culuma u diinka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha Puntland ee ku dhaqan Magaalada Nairobi, kulankaas... 
Halkudheg: , ,

Gudoomiyaha Daladda Ururada Bulshada Rayidka ee Deegaanada Banaadir oo maanta Muqdisho lagu doortay

Nov 8, 2009
Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah Xaflad si weyn loo soo agaasimay isla markaasina lagu dooranayay Guddoomiyaha cusub ee degaanada Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacday Hotelka Naasahablood-2. Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen, qeybaha bulshada Muqdisho, gaar ahaan nabadoonada, aqoonyahanada, culumaa’udiinka, haweenka iyo Saxaafadda ayaa waxaa Guddoomiye loogu doortay inuu u noqdo ururrada... 
Halkudheg:

Wafti Soomaaliyeed oo ka qayb galay Shirweynaha dhaqaalaha COMCEC ee ka soconaya Istanbuul, Turkey

Nov 7, 2009
Soomaaliya oo wafdi heersare uga qeybgashay Shirweynaha dhaqaalaha COMCEC iyo Shirka guddiga Joogtada ah ee dhaqaalaha iyo iskaashiga ganacsiga ee Wadamada ku bahoobay ururka islaamka OİC oo ka dhacay magaalada İstanbuul ee cariga Turkey 9-ka November 09. Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah Shirka saraakiisha sarsare ee wadamada ku bahoobay Ururka İslaamka oo uu ku xigay shırka wasiirada ganacsiga... 
Halkudheg:

Puntland oo soo Dhaweysay hadalkii Boqortooyada Sacuudiga, wasiirka caafimaadka oo tababaar ka furay Garoowe iyo Qaahira oo xiriirka k/kolayga…

Nov 7, 2009
Garoowe: Wasiirka Caafimaadka DPL oo tabar ka furay xarunta wasaaradda… Puntland oo soo Dhaweysay hadalkii ka soo yeeray Dowlada Boqortooyada Sacuudiga Xiriirka K/Koleyga Somalia Oo Balanqaad Ka Helay Guddoomiyaha XKKJ/Carabta Wasiirka Caafimaadka DPL oo Sabtidii November 7 tabar muddo 2 maalmood ah soconaya ka furay xarunta wasaaradda caafimaadka ee magaalada Garoowe. Halkan ka daawo sawirro... 
Halkudheg: , ,

Shirkadda Golis oo Daahfurtay Adeegga cusub ee Sahal

Nov 7, 2009
Shirkadda Golis oo Daahfurtay Adeegga cusub ee Sahal. Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah Habeenimadii jimcaha ee bishu ahayd 06/11/2009 Shirkadda Golis Telecom Somalia waxay soo bandhigtay adeeg casri ah oo aan horay dalka looga aqoon looguna magacdaray adeegga sahal . adeeggani wuxuu qofka wata mobilka Golis u suurta gelinayaa inuu mobilkiisa u isticmaalo siyaabo badan sida isagoo lacag ku kaydsan... 

Warbixin Guud ee Xerada Qaxootiga Al-Kharas Yeman iyo Tahriibka | Ibraahim Baaffo

Nov 6, 2009
Video Hoos ka daawo: Ibraahim Cumar Baaffo oo booqasho ku tegey Xerada Qaxootiga ee Al-Kharas ee dalka Yemen ee ay ku jiraan Soomaalida ka soo tahriibey ayaa waxa uu ka soo duubay Video caloolxumo iyo walbahaar ku abuuraya qof kasta oo Soomaali ah oo daawada. Waxa kale oo uu soo waraystay dadka sooo tahriibaey oo ka sheekaynaya rafaadka ku haysta xeradaas. “(Dawarsiga ama tuugsiga) waxaa igu... 
Halkudheg:

Warar Goos-Goos ah: Mandeera iyo Maxkamada Qaadiga, Tiiceey iyo kormeerka Ximan & Xeeb, Dugsiga Gambool ee Garoowe iyo warar kale

Nov 6, 2009
– Guddoomiye kuxigeenka Mandheera oo gaashaanka ku dhuftey is badal lagu sameeyo maxkamadda qaadiga ee Muslimiinta Kenya – Kormeerka Guddoomiyaha maamulka Ximan iyo Xeeb Mudane Maxamed Aadan Cabdullaahi “Tiiceey” – Wasiirka waxbarasadda DPL oo kulan la qaatay guddiga waalidiinta ee iskuulka Gambool Secondary school ee Garoowe. -Guddoomiyaha GOS oo dalka dib ugusoo laabtay – Muqdisho –... 

Axmed Walad Cabdalla: Warqad ku socota Soomaalida Qurbaha ku nool (No. 19)

Nov 6, 2009
Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Siyaasada Soomaaliya (UNPOS) Warqad ku socota Soomaalida Qurbaha ku nool (No. 19) Nayroobi, 06 November 2009 As-salaamu Alaikum, Saaxiibayaal iga gudooma dhamaantiin salaan diiran . 1. Sida caadadu ahayd, hal bil ayey dib u dhacday warbixintaan idin siin jirey taasoo ay ugu wacan tahay howlo badan oo jirey bishii la soo dhaafay. Marmar waxaa la moodaa... 
Halkudheg:

Xafiiska Walad Cabdalla oo Qiray inaan Heshiiska Is-afgarad Lagu Qasbin Dowlada Kumeelgaarka ah iyo Norway Shidaal ka baari doonta Xadka marka lacabiro

Nov 5, 2009
Soomaalida shardi kuma ahayn, mana jirto cid ku khasabtay (in ay saxiixdo heshiiska is afgarad ee Soomaaliya iyo Kenya): Xafiiska Ergeyga Gaarka ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya… SomaliTalk.com | November 6, 2009 Xog laga soo xigtey saraakiisha Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay (QM), Axmed Walad Cabdalla, ayaa sheegaysa in heshiiskii Is-afgarad ee xuduudaha... 
Halkudheg: