Home » Archive Qoraaga

Agaasimihii Hayadda Nabadsugida Soomaaliya oo iska Casiley Xilkii

Mar 26, 2013
islamarkaana Warqadii Istiqaaladda u Gudbiyey Madaxweynaha Dawlada Federaalka Waxaa Magaalada Muqdisho Shir Jaraaid ku qabtey Agaasimhii Guud ee Ciidamada Nabdsugida Axmed Macalin Faqi kaasoo uu kaga waramayey Istiqaalad ama iscasilaad oo uu u Gudbiyey Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ,,wuxuuna sheegey in ay jirto Iscasilaadaasi ku aadan Xilka Agaasimaha Nabasugida.  Read More →

“U Dulqaadan mayno Askari Asluub daran, ma aqbali doono kufsi iyo shacabka in la dhibaateeyo” Madaxweynaha DFS

Mar 24, 2013
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa tibaaxay in Shiikh Xasan oo booqasho ku tagay Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Banaadir, lana hadlayey ciidamada in ayaa yiri “U Dulqaadan mayno Askari Asluub daran, ma aqbali doono kufsi iyo shacabka in la dhibaateeyo. Cidina kama sareyso Sharciga. Askarigii Dambi galena Maxkamad ayaa lasoo taagayaa, waxaana lala... 

Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?

Mar 24, 2013
In badan oo Soomaali ah ayaa dhici karta in ay is weydiinayaan waa maxay faraqa u dhexeeya Territorial Sea iyo EEZ? Maxaa Dawladdii Soomaaliya ugu adkaaysaneysey Territorial Sea oo ah 200 mayl badeed, oo ay uga soo horjeedey nidaamka EEZ? Haddaba qoraalkan ayaan ku soo koobi doonaa aragtida guud ee arrimahaas jawaabta u ah:  Read More →
Halkudheg:

Madaxweynaha Soomaaliya ma wuxuu u ololaynayaa in Badda Soomaaliya lagu soo Koobo 12 mayl-badeed

Mar 23, 2013
Dhaqaale Soomaaliya la siiyo wxuu ku xiran yahay inay Soomaaliya ka tanaasusho xeerka Badda Soomaaliya ee Law No. 37, sidaax waxaa tibaaxay warsaxaafadeed UNka faafisay Wareegtadii Golahii Wasiiradii DFKMG October 11, 2011 ay Roadmapka kaga saareen EEZ oo u muuqata inaysan weli gaarin xafiiska Madaxweynaha DFS. Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii hore waxa uu magaalada London ka... 
Halkudheg:

Tacsi: Maxamed Cumar Faatax

Mar 23, 2013
Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun waxaa caawa magaalada boosaaso ku geeriyooday Maxamed Cumar Faatax(Gardheere) wuxuu cusbitaalka uu ku geeriyooday ku jirey laba beri geeriduna waa xaq nafkastana waa sugaysaa Illaahay Qabrigiisa haw nuuriyo Kitaabkiisana Illahay Midigta haka siiyo Ehelkii iyo qaraabadiina Illaahay samir iyo iimaan haka siiyo. waxaa tacsida diraya dhamaan bahweynta Cabdi koombe. Bootaan... 

Khuburo ka socotey Jaamacada Oxford University oo Qaybaha Warbaahinta kala Qayb galey Dood ku saabsan Sharciga Saxaafadda.

Mar 23, 2013
Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtey Dood ku saabsan Xeerka Saxaafada oo ay dhawaan soo gudbisey Dowladda Federaalka ,waxaana sida Wadajir ah Dooda u soo wada qaban qaabiyey Qaramada Midoobey,Wasaarada Warfaafinta , Ururka Sxaafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj waxaana goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Gaadiidka Cabdishakuur Cali Mire , Sharciyaqaano ka Socotey... 

Golaha Wasiirada DFS oo ka dooday qorshe ku aadan dib u soo celinta hantida dowladda, gaar ahaan Warshaddihii dalka

Mar 22, 2013
Soomaaliya oo dooneysa in ay xubin ka noqoto Gudiga u Qaabilsan Xuquuqul Insaanka ee Qaramda Midoobay … Wasiirada ayaa ka dooday qorshe ku aadan dib u soo celinta hantida dowladda, gaar ahaana Warshaddihii dalka, wuxuuna xusay in ay isla garteen in la magacaabo Guddi Qaran oo ku magacaaban Dikreeto madaxweyne, isla markaana leh awood ay ku fuliyaan howlahooda. Taasoo sahleysa in si dhameystiran... 

JOHANNESBURG: Tartan Qur’aanka ah oo ay Ku Tartameen Dumarka

Mar 21, 2013
Waxaa maalintii arbacada oo bisha ahayd 20/03/2013 ka dhacay madaradsada AL BAYAAN ee magaalada JOHANNESBURG dalka koofur afriko tartan Qur’aanka ah oo ay ku tartamaayeen ardayda dhigata qaybta gabdhaha waawayn ee dugsiga.  Read More →

Dalkan Britain iyo isbadalada dhacaya bisha April ee sanadkan

Mar 21, 2013
Bedroom tax: – laga bilaabo April 2013ka waxaa lasoo rogayaa sharci oranaya qof walboo heysta ama reer walboo heysta qolal ka badan baahidooda, in lagu amrayo in ay raadsadaan guri ku filan baahidooda ama qol walbaa oo dheeraad ah laga jarayo lacag. Tusaale ahaan qofkii heysta 2 qol oo ay baahidiisu tahay 1 qol kaliya qolka kale waxaa laga jarayaa todobaadkiiba lacag dhan boqolkiiba 14%. Haddii... 

Soomaaliya: Siyaasadda Geeska Afrika ee Maanta

Mar 21, 2013
Mahad Kooshin – Guud ahaan dalalka dunidu waxay leeyihiin dan ee ma leh saaxiib, asii ay danta daleed qeexayso in dalku uu yagleelo saaxiibbo badan oo joogto ah oo danaha lagu gabraarto. Siyaasaddu na waa wixii suurogal ah oo kula gudboon, ma aha wixii aad lexejeclo u qabto ee waa wixii had iyo goor dantu ku jirto, ayada ayaa waddo kuu jeexda ee adigu waddada uma jeexdid. Isla mar ahaantaas... 

Dawladda Cusub ee Soomaaliya iyo Noocyada Shacabka

Mar 21, 2013
Maqaalkan waxaa igu dhaliyey inaan qoro markaan maqlay dad dhahaya wadaadada siyaasadda galay iyo kuwa dagaalamaya ayaa waxay dadka nacsiinayaan diinta Islaamka. Dadka sidaa dhahaya waxaan u kala soocnayn diinta Islaamka iyo dadka aaminsan. Diinta Islaamka waa diin sax ah oo kheyr kaliya keenta laakiin dadka aaminsan ee muslimiinta waxay isugu jiraan kuwa diinta ku dhaqma ee ka run sheega iyo kuwa... 

Cali Samatar: Halyey Soomaaliyeed

Mar 21, 2013
Waxaa in dhowayd mareegaha Soomaaliyeed ka soo shaacbaxayay eedo iyo aflagaaddooyin aan loo meel dayin oo lagu oogay Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo ku saabsan dad ay waxyeello ka soo gaareen dagaalladii dalka ka qarxay siddeetameeyadii. Jeneraal Cali Samatar waxa uu xubin sare ka ahaa hoggaankii sutiga dalka hayay ‘70dii iyo ‘80dii. Waxa uu hawlo ka soo qabtay Golihii Sare ee Xisbigii Hantiwadaaggii... 

Wariye Maxamed Cali Nuxurkeey Aaskiisii ka dib oo Saxaafada Sheegtey in ay sii Socon doonaan Howlaha Saxaafadda

Mar 20, 2013
Alle Ha u Naxariistee Wariye Maxamed Cali Nuxurkeey oo ka mid ahaa Dadkii Shalay ku Dhaawacmay Qaraxii Ex, Fiyoore oo Xalay ku Geeryooday Isbitaal Madiina ayaa saaka lagu Aasey Magaalada Muqdisho.Aaska Marxuumka oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay Saxaafaddu u horeysey ayaa waxaa halkaa khudbado kala duwan ka soo jeediyay Mas’uuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed... 

Dawladda Federaalka oo Cambaaraysay Qaraxii Muqdisho ee ay ku dhinteen 10 qof

Mar 19, 2013
Warsaxaafadeedyo ka soo baxay xafiisyada Shiikh Xasan, Shirdoon iyo Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, ex-Fayora kuna dhagan xarunta Tiyaatarka ee degmada Xamerweyne. Qaraxaan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 10 qof, ayna ku dhaawacmeen 15 qof. Waxaana DFS ay qaraxaas ku eedaysay in ay ka dambeeyaan Kooxda Al-shabaab.  Read More →

Maxakamda Sare oo Xukuntey in Wariye Cabdicasiis Koronto Dib loogu Celiyo Xoriyadiisa

Mar 18, 2013
Maxkamada oo Go’aamisey in aan wax Mag dhow ah la Weydiisan Karin Hayadihii ku Lugta lahaa Dacwdaan Waxaa maanta, Axad March 17, 2013, Mar kale Maxkamadda Sare ay u farsiisatey Dacwadii Wariye Cabdicasiis Koronto ka dib markii Qareenadda u doodaya Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim ay Racfaan ka qaateen Xukun ay Ridey Maxkamadda Racfaanka taasoo Wariye Cabdicasiis Koronto ay ku Xukuntey Lix Bilood oo... 

Wariye Amiin Yuusuf Khasaaro oo Daah furey in loo Gurmado Xabsiga Dhexe iyo Maxaabiista

Mar 16, 2013
“Marnaba ma fileyn in Qoraalkii Amiin ka Qorey Xabsiga Dhexe uu kale kulmayo Cannaan iyo Caga jugleyn,maxaa wacay Weriye waa Toosh u Shidan Shacabka,waana Qareen u dooda Dadka aan Codkooda la maqlin,Qalinkii Weriye Amiin wuxuu Dhalay mire Siyaasadeed iyo mid Dhaqaale,waxaa Qoraalkaas ku toosey Dad ka Hurday wixii loo idmaday,wuxuuna Badbaadiyay Naf qaali ah oo qiima badan,Wariyuhu waa Waardiyaha... 

Ra’iisul Wasaare Shirdoon oo soo Eegey Xaalada Nolosha ee Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar

Mar 16, 2013
Waxaa Xabsiga dhexe Magaalada Muqdisho Booqdey Raiisul Wsaaraha Dowladda Federaalka Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay weliyaan Masuuliyiin ka tirsan wasaarada cadaalada iyo Garsoorka , wuxuuna Kormeerkaasi ahaa mid uu Raiisul Wsaaraha ugu Kuur galayey Xaaladda Xabsiga Dhexe ka dib markii dhawaan ay Xabsiga Dhexe ay ka soo yeertey Qayla dhaan la Xiriirta Xaalad Caafimaaddaro.  Read More →

Guddiga Ammaanka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Sheegay in ay la Xisaabtami doonaan Hay’adaha ammaanka Dowladda ka dib markii la laayey Maxaabiis la hayey

Mar 15, 2013
Labadii Maalmood ee la soo dhaafay Siyaabo kala Duwan Dilal loogu gaystay gudaha Magaalada Muqdisho Dad tiradoodu ay gaarayso illaa Tobaneeyo isla markaana la sheegay in Dadkaas qaarkood ay ka mid ahaayeen Maxaabiis Ciidamada Dawladdu gacanta ku hayeen ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga ammaanka barlamaanka Federaalka Soomaaliya Daahir Amiin Jeesoow. Xildhibaan Jeesoow oo... 

Qareen Xaawo Sabriye “In aan Qareen ka Noqdo Dacwada TV-ga Universal waxaa ii soo Wakiishey C/qaadir Baariyow”

Mar 15, 2013
Baariyow waxaa uu sheegey in dib u soo celinta Hantidiisa uu u mari doono Hab Sharciga Waafaqsan… Si aan wax badan uga ogoono Dacwad la sheegey in ay ka taagan tahay Milkiyada Telifishinka Afka Soomaaliga ku hadla ee Universal ayaa waxaa noo Suurata gashey in aan arrintaa ka Wareysano Qareen Xaawo Xaaji Sabriye oo Qareen u ah Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyow oo isagu sheeganaya Milkiyada Telifishinka... 

Somaliland oo Puntland ku wareejisey Maamulihii Shirqoolkii lagu dilay Sh. Cabdulqaadir, oo Garoowe la keenay

Mar 14, 2013
Maamulka Somaliland ayaa ku wareejiyey maamulka Puntland Cabdullaahi Cismaan Axmed (Caynte) oo Laascaano u baxsaday kadib markii, sida xogta lagu helay, uu fulay dilkii Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax loogu gaystay isagoo Salaada Casar ku jira Masaajidka Badar ee Magaalada Garoowe.  Read More →

Muqdisho oo Hadal Haynta ugu Balaaran ay Noqotey markii Xaafadaha Muqdisho la soo Dhigey Maydadka Dhowr Qofood

Mar 14, 2013
Hadal heynta ugu Balaaran Shaley iyo Maanta ee Magaalada Muqdisho waxay tahay markii dadka Muqdisho Shaley iyo Maanta ku soo Waabiriisteen Maydka dad Dhalinyaro ah oo inta la soo diley kadib loo qaybiyey Xaafadaha Magaalada Muqdisho waxaana Goobihii la soo dhigey Maydadkaasii ku soo xoomey dad aad u fara badan oo qaarkood ay ka muuqtey wajiyadooda Carro aad u weyn waayo maalmahan Magaalada loogama... 

Baarlamaanka Soomaaliya waa in ay sharci Degdeg ah ka soo saaraan in Soomaaliya aysan ka tanaasulin Sharcigii Badda ee 1972 iyo Xuquuqdii Baddeeda

Mar 13, 2013
Boobka Lagu Hayo Badda Soomaaliya Sideen uga Badbaadnaa?!! waa In Baarlamaanka KMG Soomaaliya shir degdeg ah ka yeesho arrinkan kana soo saaro go’aano diidmo cad ah oo uu ku cadeynayo inaysan jirin cid ka tanaasulikarta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed heshiiskii xadidayey biyaha Soomaaliyana ee 10/9/1972-  Read More →
Halkudheg:

Xaaladda Caafimaad ee Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho oo si weyn Laga Deyrinayo

Mar 13, 2013
Waxaa ku xiran in ka badasn 2 kun oo Maxbuus — Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa xiligan waxa uu yahay mid la Ciir Ciiraya Maxaabiis aad u fara badan oo tiradoodu ay gaarayso illaa Laba kun oo Maxbuus.Xaaladan Buux Dhaafka ah ee Xabsiga ayaa waxa ay keentay in halkaasi uu ka dillaaco Cudurka Shuban Biyoodka isla markaana uu cudurkaasi u dhinto mid ka mid ahaa Maxaabiista halkaa ku xiran.  Read More →

Xaflad ku Aadan Ardey ka Qalin Jabisey Jaamacada Hope University oo ka Dhacdey Muqdisho

Mar 12, 2013
Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad Qalin Jebin ah ee Jaamacada Hope University ee la Ologga ah (Partner) Jaamacadda Kampala University waxa ay Xafladaasi ay ahayd Qalin jabinta Master Degree-ga, waxaana Xafladaasi ka Qayb galey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari , Gudoomiye ku Xigaanka Baarlamaanka Mahad Cawad Cabdalla , Wasiiro... 

Qaar ka mid ah Macaamiisha Shirkadda Central Air oo Ka Cabanaya Dib u Dhacyo Dhowr ah oo Duulimaadkii Diyaaradda Shirkaddaas ku Yimid.

Mar 12, 2013
Shirkadda Diyaaradda Central Air oo ka mid ah Shirkadaha adeegyada Bulshada ka Fuliya Gudaha Dalka kana mid ah Shirkadihii dhawaan ka hawl bilaabay Duulimaadyada Gudaha ayaa durbaba waxa ay kasbatay Macaamiil fara badan.Shirkaddan oo ay u shaqayso Hal Diyaarad ayaa waxa ay safaro ku tagtaa qaybo ka mid ah Gobolada dalka sida gobolada dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya taasoo Todobaadkii samaysa...