Home » Archive Qoraaga
Fadliga Bisha barakaysan ee Ramadan
Fadaaisha ay leedahay Bisha Ramadaan ma, aha wax lagu soo koobi karo qoraal ama dhowr maqaal, waxaa laga qoray kutub aad u waaweyn, hadabba waxaan isku dayeenaa in aan ka tilmaano waxooga ka mid ah fadaaishaas:
xikamta Rabbaanigaa waxaa kamid ah in uu Allaha kala fadilo waqtiyada, amaakinta, wuxuu ka fadilay Bisha Ramadaan dhammaan bilaha kale ee Sanadka,wuxuu ku gaaryeelay Bishan fadli aad u wayn...
Madaxweyne Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus
Muqdisho, Maarso 16, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Soomaaliyeed ilaalinta badqabka caafimaad ee dalka.
Madaxweynaha ayaa xusay in caabuqan oo ku faafay dalal badan ay diiwaan gelisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda...
Kenya ma waxay shacabkeeda u diyaarineysaa in ay ku guul daraysatay damaceedii Badda Soomaaliya
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Kenya, Moses Wetangula, oo ahaa kii bilaabay in muran la geliyo qayb kamid ah badda Soomaaliya, oo February 18, 2019 waraysi siiyey TVga KTN ayaa muujiyey in Kenya looga guulaysanayo dacwadda badda ee jawaabteeda looga fadhiyo maxkamadda adduunka.
Isagoo ka hadlayey sidii Soomaaliya dacwadda u gudbisey, waxa uu muujiyey in Soomaaliya ay mar dambe caqlisatay oo lagula...
7 Saacadood ayaa Dhallinyarada Soomaaliyeed Ku Lumiyaan Internetka Maalin kasta
Dadka ilaa hadda ka qayb qaatay codbixinta ku saabsan waqtiga ku luma internetka ayaa tibaaxay in celcelis ahaan ay maalin kasta kaga lunto 4 saacadood.
Codbixinta oo weli furan (halkan riix) waxay muujineysaa in dadka badankoodu ay internetka ku lumiyaan celeclis ahaan 7 saac, 4 saac, iyo 2 saac.
Read More →
Immisa Saacadood ayaa Maalintii Kaaga Luma Internetka?
Waqtigii lagu lumin jirey in la iska fadhiyo makhaayadaha shaaha laga cabbo waxaa bedeley in internetka lagu lumiyo saacado badan, gaar ahaan goobaha bulshada (Facebook, Twitter, WattsApp, iwm). Haddaba maadaama aysan jirin cilmibaaris dhab ah oo lagu sameeyey internetka daalacashadiisa waqtiga kaga luma bulshada Soomaalida, ayaan waxaan su’aashan usoo bandhignay inaan wax ka ogaano arrintaas....
Kulan-howleed ku saabsan Hannaanka Maaliyadda ee Federaalka ee la waafajinayo Dastuurka oo la soo gabagabeeyay
Kulan howleedkan oo ku saabsanaa hannaanka maaliyadda ee federaalka iyadoo loo eegayo dib-u-eegista Dastuurka oo muddo laba maalin ah ka socday magaalada muqdisho ayaa la soo gabagabeeyay, waxaana kulankan soo wada qabanqaabiyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Maaliyadda XFS.
Ujeedada kulankan ayaa ahayd sidii loo heli lahaa hannaan maaliyadeed oo ku salaysan nidaamka federaalka si loogu...
Duqa Muqdisho oo Xarunta D/Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga
Muqdisho, December 11, 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo Xafiiskiisa Xarunta Dawladda Hoose ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz ayaa adkeeyey xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeysa labada dal.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu horreyn ku soo dhaweeyey Danjiraha Cusub...
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay dib-u-dhiska Madxafka Qaranka
Muqdisho, December 09, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay dib-u-dhiska Xarunta Madxafka Qaranka oo ka mid ah goobaha danta guud ee dib loogu dhisayo Barnaamijka Isxilqaan.
Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in dadka Soomaaliyeed aysan sugin gacmo shisheeye oo u dhisa dalkooda ee taas baddalkeeda ay isku tashadaan,...
Amazon KDP oo Joojinaya Daabacaadda Buugaagta Ku Qoran Af-Soomaaliga
Amazon ayaa shaaciyey in qaybta buugaagta lagu daabaco ee CreateSpace loo rarayo adeeg cusub oo ah KDP (Kindle Direct Publishing), ayadoo meesha laga saari doono CreateSpace, wixii hadda ka dambeeyana buugaagta lagu daabacan karo KDP.
Read More →
Wasiir hore Drs. Maryan Qaasim & Khudbada xaflada ONLF
Ex. wasiir Drs. Maryan Qaasim oo khudbad ka jeedisey xaflad ONLF … daawo video
Read More →
BANDHIGGA BUUGGAAGTA MUQDISHO WAA MADAL-AQOONEED
In muddo ah ayaa la sugi la’aa, Xiiso iyo jaceyl gaar ah ayaa loo qabay, shaqsi walba waxa uu ku haminayay inaan looga sheekeyn ee uu goobjoog ka noqdo, wax badan ayaa la is-weydiiyay goorma ayaa la furayaa bandhigga buuggaagta Muqdisho, dadka Soomaaliyeed waxaa horey raad xusuus leh ugu reebay bandhigyadii hore loo qabtay, sugitaan dheer kadib waxaa 15-kii Agoosto 2018-ka lagu najaxay in si rasmi...
Madaxweyne Farmaajo oo dib u habeyn ballaaran ku sameeyay hay’adaha amniga dalka
Muqdisho, 16ka Ogoosto, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib u habeyn ballaaran ku sameeyay qaar kamid ah hay’adaha amniga dalka iyo Agaasinka Madaxtooyada Qaranka
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa magacaabis iyo xil ka qaadis lagu sameeyay masuuliyiinta hoos ku xusan;
1. Dr. Aamina Siciid Cali waxaa loo magacaabay...
MIDBA MARKIISAA LA WAREYSTEY !!
Waxay ii ahayd Farxad in aan booqdo Xarunta Jaamacada ummada Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdishoo oo aan ka baxay Sannadkii 1989 kii, gaar ahaan Kulliyadda Saxaafadda, markii aan galey Hoolkii Jaamacadda markiiba waxay Indhaheyga qabteen Gabar Da’a yar oo Kaamiro wax ku duubeyso.
Waxaan u qaatey in ay ka mid tahay Suxufiyiinta loogu yeerey in ay Dhaqaajiyaan Barnaamij Jaamacada ka socdey hase yeeshee...
CIID MUBAARAK – Bahda SomaliTalk waxay Muslimiinta u dirayaan Hambalyada Ciidul Adxaa
CIID MUBAARAK –
Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr –
Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa u soo tebino dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.
Waxaan halkan hambalyo uga tebineynaa dhammaan ummadda Islaamka ah oo maanta ku ciidaya daafaha dunida.
Waxaan xujeyda sannadkan 1440 (2019) u rajaynaynaa baraare iyo barwaaqo iyo in Allah ka aqbalo...
Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
“…nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya”
… Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Af-Soomaali loo rogey::: Waa qoraalkii ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya, waxaana uu qeexaya ujeedada dhabta ah iyo siyaasada Itoobiya ay ka leedahay dalka Soomaaliya….
Read More →
The Illegal Detention and Refoulement of Mr Abdikarin Sh Muse to Ethiopia
ONLF Press Release
August 30, 2017
The regional security of the Galkacyo, Galmudug regional state in central Somalia detained on August 23, 2017 Mr Abdikarin Sheikh Muse, an Executive committee member of ONLF, who was residing in Mogadishu for the last three years. Mr Abdikarin Sh Muse whole family were wantonly killed by the TPLF led regime of Ethiopia. He went to Galkacyo to bring back his young...
Munaasabad isugu jirtey Xiritaanka Sannad Dugsiyeedka 2016 iyo 2017 iyo Furitaanka Sannad Dugsiyeed 2017-2018 oo lagu qabtey Dugsiga Mocaasir
Waxaa Dugsiga Mucaasir ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabado isugu jirtey Xiritaanka Sannad Dugsiyeedka 2016 iyo 2017 iyo Furitaanka Sannad Dugsiyeed 2017-2018 iyo Qalin jabinta Dafcadii Labaad Dugsiga sare, waxaana Xafladaas ka qayb galey Bahda Waxbarashada, Ururada Bulshada, Ganacsato, Shirkaddaha gaarka loo leeyahay, Macalimiin,Waaladiin, ardeyda Dugsiga iyo marti sharaf kale oo lagu casuumey...
Gudoonka Baarlamaanka oo looga digey in uu Farageliyo Go’aankii Maxkamada ka gaartey Sideedii Kursi
Waxaa magaalada Muqdisho kullan ku yeeshay Odayaal, Nabadoono, Boqoro, Salaadiin, Ugaasyo iyo Waxagarad ka soo jeeda sideedii Xildhibaan ee dhawaan Maxamadda Sare go’aan ka gaartay ee ahaa in Kuraastaas dib loogu laabto madaama si cadaalad daro ah ay ku dhacday doorashadooda.
Ugu horeyntii waxaa kullankaasi ka hadlay Malaaq Ibraahim Macalin Cali, waxa uuna soo dhaweeyey go’aankii Maxkamadda sare...
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo sagootiyay Safiirka Sweden oo muddo xileedkiisa shaqo ay ka idlaatay
Muqdisho, 19 Luulyo 2017; Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa munaasabad saagootin ah loogu qabtay Safiirkii dalka Sweden Mr. Mikael Lindvall oo muddo gaaraysa 5 sano ka shaqaynaayey dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiisha Madaxtooyada ayaa Safiirka qado sharaf...
Madaxweyne Farmaajo “Waa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojiyaa dagaalka ka socda Xeeraale ”
Muqdisho, 21 Luulyo 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka kataagan agagaarka deegaanka Xeeraale ee Gobolka Gal-guduud.
Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in colaaddaan ay tahay arrin foolxun, nasiib darro ah oo aan loo dulqaadan karin in ay sii socoto.
Madaxwaynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka...
Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimaha amniga, hindise sharciyeedyada, waxqabadka wasaaradaa Gargaarka iyo arrimo kale
Muqdisho, 20 July 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Amniga, hindise sharciyeedyada, waxqabadka wasaaradda Gargaarka iyo arrimo kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasiirada Amniga, Difaaca iyo...
Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Warbaahinta Madaxa Bannaan.
Muqdisho (05 Maars0, 2017)- Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay maamulka iyo tifaftireyaasha warbaahinta madaxa bannaan ee dalka iyo ururrada ay ku midaysanyihiin suxufiyiinta.
Madaxweynaha oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in warbaahinta madaxa bannaan ay kusoo shaqeeysay duruufo aad u adag, isaga oo...
Ra’iisal Wasaaraha cusub oo xilka kala wareegay R. Wasaarihii hore
Muqdisho, March 2, 2017——Munaasabad ka dhacday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa xilka kula kala wareegay Ra’iisal Wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisal Wasaaraha xilka ka degay Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, waxaana goob joog ka ahaa xubnaha golaha Wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole wasiiro oo cusub.
Ra’iisal Wasaarihii...
Bayaan ka soo Baxay Ganacsata Soomaaliyeed oo ku saabsan Doorashada Rugta Gancsiga
Waxaa Xarunta Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir ee Magaalada Magaalada Muqdisho ka soo baxay Bayaan ku aadan Shirweynaha Rugta Gancsiga oo dhawaan lagu qaban Magaalada Muqdisho waxaana Bayaankaas Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta u Akhriyey Bile Cabdi Siyaad oo ah Afhayeenka Ganacsatada Soomaaliyeed wuxuuna u Qornaa Sidatan;
Anagoo ah Madaxda Qaybaha kala duwan ee Suuqyada Banaadir, Shirkadaha kala...
Aamin Ambulance waxay u Baahan tahay
Sida aan wada ognahay Aamin Ambulace waxay caan ku tahay u gargaarida Qof kasta oo u baahan gargaar Deg deg sida Dadka ku waxyeelooba Qaraxyada, dhaawacyada Xabadaha nool nool, Shilalka Gawaarida, Hooyooyinka Fooshu hayso, ilmaha Shubmaya iyo qof kasta oo ay la soo gudboonato xaalad Caafimaad oo deg deg ah Goob kasta iyo goor kasta.
Aamin Ambulance mudadii ay shaqeyneysay waxay u gargaartay 17645 qof...




