Home » Archive Maalinta September 20th, 2014

Oslo: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaarahii hore ee Norway

Sep 20, 2014
Warsaxaafadeed ka soooo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha DFS ayaa tibaaxay in “Cabdiweli Sheekh Axmed uu la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norway Mudane Kjell Magne Bondavic,” ayagoo sida warsaxaafadeedku sheegay “ka wada hadlay xoojinta taageerada loo fidiyo hay’adaha kala duwan ee dawladda Soomaaliya.” Warsaxaafadeedkii oo dhan hoos ka akhri War-saxaafadeed:... 

Maxkamadda Sare ee Caddaaladda Caalamka oo dhawaan bilaabi doonta Dhagaysiga Dacwadda u Dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya ee Dhinaca Xuduud Badeedka

Sep 20, 2014
Wararka ka imaanaya Xarunta Maxkamadda Caalamiga ee The Huege ayaa sheegaya in ay socdaan hawlo ay Maxkamaddaas isugu diyaarinayso dhagaysiga Dacwadda u dhaxeeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaca Xuduudda labada Dal ah Soomaaliya ayaa Bishii aynu soo dhaafnay waxa ay Ashtako arrintaa ku saabsan u gudbisey Maxkamaddaas iyadoona weydiisatay in Maxkamadda adduunku ay soo faragaliso Muranka u dhaxeeya... 

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya o sheegey in ay Diyaarsadeen Qareeno iska Difaaca Dacwda Biyaha Badda ee Dowlada Soomaaliya Gudbisey.

Sep 20, 2014
Tan iyo markii Dawladda Soomaaliya Dacwadda u gudbisey Maxkamadda Sare ee Caalamiga weydiisatayna in la soo faragaliyo Muranka Dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeya Xukuumadda Kenya, waxaa soconayay dadaalo dhinacyo badan oo ay samayneysey Xukuumadda Nairobi Biyaha Sharciga ah ee Soomaaliya Xeer Ilaaliyaha guud ee Dalkaas ayaa shaaca ka qaaday in ay Diyaarsadeen Qareeno fara badan oo Kenyan iyo Ajaaniib... 
Halkudheg:

Labadii Urur ee Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo Midoobey.

Sep 20, 2014
Taariikhdu markey ahayd 18/09/2014ka ayaa waxaa Hal urur ku Midoobay labadii Urur ee kala ahaa Ururkii Midowga Indhoolayaasha Soomaaliyeed iyo Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed kuwaas oo wada qaatay magaca SOMALI ASSOCIATION BLIND (SAB) Midnimadaan ayaa waxay timid da daal dheeri ah oo ay sameyeen Xubnaha labadaas Urur. Xubnahaan ayaa gartay in aysan midnimo la,aanteed wax qaban Karin ugu horeyn... 

Xarunta Macluumaadka ee Ka Hortagga Burcad-Badeedda Soomaaliya oo Qabatey Kulan Dood Furan

Sep 20, 2014
WAR SAXAAFADEED “DHALLINYARADA OO HADASHAY” Xarunta Macluumaadka ee Ka hortagga Burcad-Badeedda Soomaaliya waxay ayadoo kaashanaysa Ururka Dhallinyarada Qaranka Soomaaliya soo agaasintay dood furan oo loo qabtay Dhallinyarada, taasoo lagu qaadaa dhigayay saamaynta iyo waxyeellada falalka Burcad-Badeenimadu ay ku yeesheen Bulshada Soomaaliyeed. Kulnakaan Dooda ah ayaa waxaa uu dhacay Sep 17-2014... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...