Home » Archive Maalinta February 1st, 2012

Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Magaaladda Beled weyne oo dad Rayid oo ay ku jiraan Ardey ku laayey Magaaladaas

Feb 1, 2012
Magaalada Beled weeyne ee Gobolka Hiiraan Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaa ku sugan ay Maanta Feb 1, 2012 Siddeed Ruux ku Dileen Xaafadda Nuur Xawaad ee Magaalada Beled Weeyne. Mashaqadan xasuuq ah ayaa timi ka gadaal markii Kolonyo Baabuur ah oo ay wateen Ciidamada Itoobiyaanka lagu Weeraray Bambooyinka gacanta laga Tuuro iyo Miino Dhulka loogu Aasay.... 
Halkudheg: ,

Dowladaha Talyaaniga iyo Masar oo Dadaal ugu jira sidii ay u Fashilin lahaayeen Shirka Soomaalida ka dhacaya 23-ka bishan Magaalada London.

Feb 1, 2012
waxaa la filayaa 23-ka bishan Magaalada London lagu qabto shir loogu yeeray dib heshiisiin, waxaana la filayaa in loo qabto qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed, waxaana shirkaani qabanqaabadiisa wada Dowladda Ingiriiska oo horey u sheegtay in ay dooneyso in ay wax ka qabato xaaladda Siyaasadda Soomaaliya, Burcad Badeeda iyo wax ay ugu yeertay la dagaalanka kooxaha Argagixisada, hase yeeshee... 
Halkudheg:

Dowladda Kenya oo u Codsatey Amisom Diyaarado Dagaal si loogu Duqeeyo Deegaano ka tirsan Soomaaliya

Feb 1, 2012
Yuusuf xaaji oo ah Wasiirka Gaashaan Dhigga ee Dalka Kiinya iminka ka qayb galaya Shirka Midowga Afrika ee Magaalada Addis ababa ayaa ka hadlay arrinta Soomaaliya.Wasiirka ayaa ka war bixiyay Duulaankii Ciidamada Kiinya ay ku galeen Gudaha Dalka Soomaaliya kaasoo uu sheegey inuu ahaa mid loo baahnaa in Kiinya ay ku tallaabsato. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Ciidamada Kiinya... 
Halkudheg:

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga

Feb 1, 2012
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga Rome ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti. Labada Ra’iisul Wasaare oo labadaba ah Professoro dhanka Dhaqaalaha ah... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...