Home » Warar
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo faah faahin kooban ka bixiyay kulamadii maanta ee dowladda iyo maamulka Kismaayo
Kulanka ayaa lagu gorfeeyey qodobo ay ka mid ahaayeen sidii maamul rasmi ah loogu dhisi lahaa jubbooyinka, dhaqangelinta Nidaamka Federaalka, iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, gaar ahaana dakhliga ka soo xarooda Dekedda iyo Garoonka, iyo qodobo kale, waxaana Wasiirku uu sheegay in natiijada rasmiga ah ay warbaahinta u sheegi doonaan marka ay soo dhamaadaan kulamadan.
Read More →
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhoweeyey Kismaayo, lana kulmay maamulka magaalada
Kulankan oo soconayay muddo saacad ah ayaa lagu lafa guray sidii loo dardargelin lahaa sugidda amniga ee magaalada, iyo hagaajinta maamulka, waxayna labada dhinac is dhaafsadeen fikrado muhiim ah.
Kismaayo, March 26,2013——-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo...
Agaasimihii Hayadda Nabadsugida Soomaaliya oo iska Casiley Xilkii
islamarkaana Warqadii Istiqaaladda u Gudbiyey Madaxweynaha Dawlada Federaalka
Waxaa Magaalada Muqdisho Shir Jaraaid ku qabtey Agaasimhii Guud ee Ciidamada Nabdsugida Axmed Macalin Faqi kaasoo uu kaga waramayey Istiqaalad ama iscasilaad oo uu u Gudbiyey Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ,,wuxuuna sheegey in ay jirto Iscasilaadaasi ku aadan Xilka Agaasimaha Nabasugida.
Read More →
“U Dulqaadan mayno Askari Asluub daran, ma aqbali doono kufsi iyo shacabka in la dhibaateeyo” Madaxweynaha DFS
Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Dawladda Federaalka ayaa tibaaxay in Shiikh Xasan oo booqasho ku tagay Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Banaadir, lana hadlayey ciidamada in ayaa yiri “U Dulqaadan mayno Askari Asluub daran, ma aqbali doono kufsi iyo shacabka in la dhibaateeyo. Cidina kama sareyso Sharciga. Askarigii Dambi galena Maxkamad ayaa lasoo taagayaa, waxaana lala...
Madaxweynaha Soomaaliya ma wuxuu u ololaynayaa in Badda Soomaaliya lagu soo Koobo 12 mayl-badeed
Dhaqaale Soomaaliya la siiyo wxuu ku xiran yahay inay Soomaaliya ka tanaasusho xeerka Badda Soomaaliya ee Law No. 37, sidaax waxaa tibaaxay warsaxaafadeed UNka faafisay
Wareegtadii Golahii Wasiiradii DFKMG October 11, 2011 ay Roadmapka kaga saareen EEZ oo u muuqata inaysan weli gaarin xafiiska Madaxweynaha DFS.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii hore waxa uu magaalada London ka...
Khuburo ka socotey Jaamacada Oxford University oo Qaybaha Warbaahinta kala Qayb galey Dood ku saabsan Sharciga Saxaafadda.
Waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtey Dood ku saabsan Xeerka Saxaafada oo ay dhawaan soo gudbisey Dowladda Federaalka ,waxaana sida Wadajir ah Dooda u soo wada qaban qaabiyey Qaramada Midoobey,Wasaarada Warfaafinta , Ururka Sxaafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj waxaana goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Gaadiidka Cabdishakuur Cali Mire , Sharciyaqaano ka Socotey...
Golaha Wasiirada DFS oo ka dooday qorshe ku aadan dib u soo celinta hantida dowladda, gaar ahaan Warshaddihii dalka
Soomaaliya oo dooneysa in ay xubin ka noqoto Gudiga u Qaabilsan Xuquuqul Insaanka ee Qaramda Midoobay
…
Wasiirada ayaa ka dooday qorshe ku aadan dib u soo celinta hantida dowladda, gaar ahaana Warshaddihii dalka, wuxuuna xusay in ay isla garteen in la magacaabo Guddi Qaran oo ku magacaaban Dikreeto madaxweyne, isla markaana leh awood ay ku fuliyaan howlahooda. Taasoo sahleysa in si dhameystiran...
JOHANNESBURG: Tartan Qur’aanka ah oo ay Ku Tartameen Dumarka
Waxaa maalintii arbacada oo bisha ahayd 20/03/2013 ka dhacay madaradsada AL BAYAAN ee magaalada JOHANNESBURG dalka koofur afriko tartan Qur’aanka ah oo ay ku tartamaayeen ardayda dhigata qaybta gabdhaha waawayn ee dugsiga.
Read More →
Wariye Maxamed Cali Nuxurkeey Aaskiisii ka dib oo Saxaafada Sheegtey in ay sii Socon doonaan Howlaha Saxaafadda
Alle Ha u Naxariistee Wariye Maxamed Cali Nuxurkeey oo ka mid ahaa Dadkii Shalay ku Dhaawacmay Qaraxii Ex, Fiyoore oo Xalay ku Geeryooday Isbitaal Madiina ayaa saaka lagu Aasey Magaalada Muqdisho.Aaska Marxuumka oo ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ay Saxaafaddu u horeysey ayaa waxaa halkaa khudbado kala duwan ka soo jeediyay Mas’uuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed...
Dawladda Federaalka oo Cambaaraysay Qaraxii Muqdisho ee ay ku dhinteen 10 qof
Warsaxaafadeedyo ka soo baxay xafiisyada Shiikh Xasan, Shirdoon iyo Jawaari ayaa si kulul u cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, ex-Fayora kuna dhagan xarunta Tiyaatarka ee degmada Xamerweyne. Qaraxaan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 10 qof, ayna ku dhaawacmeen 15 qof. Waxaana DFS ay qaraxaas ku eedaysay in ay ka dambeeyaan Kooxda Al-shabaab.
Read More →
Maxakamda Sare oo Xukuntey in Wariye Cabdicasiis Koronto Dib loogu Celiyo Xoriyadiisa
Maxkamada oo Go’aamisey in aan wax Mag dhow ah la Weydiisan Karin Hayadihii ku Lugta lahaa Dacwdaan
Waxaa maanta, Axad March 17, 2013, Mar kale Maxkamadda Sare ay u farsiisatey Dacwadii Wariye Cabdicasiis Koronto ka dib markii Qareenadda u doodaya Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim ay Racfaan ka qaateen Xukun ay Ridey Maxkamadda Racfaanka taasoo Wariye Cabdicasiis Koronto ay ku Xukuntey Lix Bilood oo...
Wariye Amiin Yuusuf Khasaaro oo Daah furey in loo Gurmado Xabsiga Dhexe iyo Maxaabiista
“Marnaba ma fileyn in Qoraalkii Amiin ka Qorey Xabsiga Dhexe uu kale kulmayo Cannaan iyo Caga jugleyn,maxaa wacay Weriye waa Toosh u Shidan Shacabka,waana Qareen u dooda Dadka aan Codkooda la maqlin,Qalinkii Weriye Amiin wuxuu Dhalay mire Siyaasadeed iyo mid Dhaqaale,waxaa Qoraalkaas ku toosey Dad ka Hurday wixii loo idmaday,wuxuuna Badbaadiyay Naf qaali ah oo qiima badan,Wariyuhu waa Waardiyaha...
Ra’iisul Wasaare Shirdoon oo soo Eegey Xaalada Nolosha ee Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar
Waxaa Xabsiga dhexe Magaalada Muqdisho Booqdey Raiisul Wsaaraha Dowladda Federaalka Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay weliyaan Masuuliyiin ka tirsan wasaarada cadaalada iyo Garsoorka , wuxuuna Kormeerkaasi ahaa mid uu Raiisul Wsaaraha ugu Kuur galayey Xaaladda Xabsiga Dhexe ka dib markii dhawaan ay Xabsiga Dhexe ay ka soo yeertey Qayla dhaan la Xiriirta Xaalad Caafimaaddaro.
Read More →
Guddiga Ammaanka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Sheegay in ay la Xisaabtami doonaan Hay’adaha ammaanka Dowladda ka dib markii la laayey Maxaabiis la hayey
Labadii Maalmood ee la soo dhaafay Siyaabo kala Duwan Dilal loogu gaystay gudaha Magaalada Muqdisho Dad tiradoodu ay gaarayso illaa Tobaneeyo isla markaana la sheegay in Dadkaas qaarkood ay ka mid ahaayeen Maxaabiis Ciidamada Dawladdu gacanta ku hayeen ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga ammaanka barlamaanka Federaalka Soomaaliya Daahir Amiin Jeesoow.
Xildhibaan Jeesoow oo...
Qareen Xaawo Sabriye “In aan Qareen ka Noqdo Dacwada TV-ga Universal waxaa ii soo Wakiishey C/qaadir Baariyow”
Baariyow waxaa uu sheegey in dib u soo celinta Hantidiisa uu u mari doono Hab Sharciga Waafaqsan…
Si aan wax badan uga ogoono Dacwad la sheegey in ay ka taagan tahay Milkiyada Telifishinka Afka Soomaaliga ku hadla ee Universal ayaa waxaa noo Suurata gashey in aan arrintaa ka Wareysano Qareen Xaawo Xaaji Sabriye oo Qareen u ah Cabduqaadir Maxamed Aadan Baariyow oo isagu sheeganaya Milkiyada Telifishinka...
Somaliland oo Puntland ku wareejisey Maamulihii Shirqoolkii lagu dilay Sh. Cabdulqaadir, oo Garoowe la keenay
Maamulka Somaliland ayaa ku wareejiyey maamulka Puntland Cabdullaahi Cismaan Axmed (Caynte) oo Laascaano u baxsaday kadib markii, sida xogta lagu helay, uu fulay dilkii Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax loogu gaystay isagoo Salaada Casar ku jira Masaajidka Badar ee Magaalada Garoowe.
Read More →
Muqdisho oo Hadal Haynta ugu Balaaran ay Noqotey markii Xaafadaha Muqdisho la soo Dhigey Maydadka Dhowr Qofood
Hadal heynta ugu Balaaran Shaley iyo Maanta ee Magaalada Muqdisho waxay tahay markii dadka Muqdisho Shaley iyo Maanta ku soo Waabiriisteen Maydka dad Dhalinyaro ah oo inta la soo diley kadib loo qaybiyey Xaafadaha Magaalada Muqdisho waxaana Goobihii la soo dhigey Maydadkaasii ku soo xoomey dad aad u fara badan oo qaarkood ay ka muuqtey wajiyadooda Carro aad u weyn waayo maalmahan Magaalada loogama...
Baarlamaanka Soomaaliya waa in ay sharci Degdeg ah ka soo saaraan in Soomaaliya aysan ka tanaasulin Sharcigii Badda ee 1972 iyo Xuquuqdii Baddeeda
Boobka Lagu Hayo Badda Soomaaliya Sideen uga Badbaadnaa?!! waa In Baarlamaanka KMG Soomaaliya shir degdeg ah ka yeesho arrinkan kana soo saaro go’aano diidmo cad ah oo uu ku cadeynayo inaysan jirin cid ka tanaasulikarta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed heshiiskii xadidayey biyaha Soomaaliyana ee 10/9/1972-
Read More →
Xaaladda Caafimaad ee Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho oo si weyn Laga Deyrinayo
Waxaa ku xiran in ka badasn 2 kun oo Maxbuus —
Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa xiligan waxa uu yahay mid la Ciir Ciiraya Maxaabiis aad u fara badan oo tiradoodu ay gaarayso illaa Laba kun oo Maxbuus.Xaaladan Buux Dhaafka ah ee Xabsiga ayaa waxa ay keentay in halkaasi uu ka dillaaco Cudurka Shuban Biyoodka isla markaana uu cudurkaasi u dhinto mid ka mid ahaa Maxaabiista halkaa ku xiran.
Read More →
Xaflad ku Aadan Ardey ka Qalin Jabisey Jaamacada Hope University oo ka Dhacdey Muqdisho
Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Xaflad Qalin Jebin ah ee Jaamacada Hope University ee la Ologga ah (Partner) Jaamacadda Kampala University waxa ay Xafladaasi ay ahayd Qalin jabinta Master Degree-ga, waxaana Xafladaasi ka Qayb galey Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari , Gudoomiye ku Xigaanka Baarlamaanka Mahad Cawad Cabdalla , Wasiiro...
Haweeneydii ugu Horeysey oo Xildhibaan ka Noqota Soomaaliya oo ku Geeriyootey Magaalada Muqdisho.
Waxaa Habeenkii Xalay ahaa Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ku Geeriyootay Marxuum Xaawo Cawaale Abtidoon (Xaawo Yareey )oo ahayd Gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horeysey ee Dibutaati ama Xildhibaan ka Noqota Baarlamaan Soomaaliyeed.
Xaawa yareey oo magac ku lahayd Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku dhalatay Magaalada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud sanadkii 1925kii sida ay Warbaahinta u sheegtay...
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Daah Furaya Dib U Eegista Dastuurka Dalka
Jawaari: “dib u eegista uu Golaha Shacabku ku sameynayo Dastuurka Dalka waa mid inoogu fadhiga muhiimad weyn….”
Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinnimada Sabtida si rasmi ah u daah furaya dib u eegista ay ku sameynayaan Dastuurka Dalka kaasi oo ay horey si KMG ahaan ugu ansixiyeen ergo gaareysay 750 xubnood.
Read More →
Bayaankii Culimmadu kasoo saartay Nadwadii ka socotay Masjid Rowda
Waxaa kusoo gabagaboobay Masaajidka Rowda ee magaalada Boosaaso ee Puntland, Nadwo cilmiyeed socotay afar habeen, cinwaan keeduna ahaa “ Iska jira Xadgudubka” (quliwiga) Nadwadaas ayaa ka hadlaysay Xadgudubka fahamka diinta iyo noocyadiisa, sida; muuqaaladiisa, sababihiisa, raadkiisa iyo daawadiisa. Waxaa ka qayb qaatay culimmo kala duwan, waxaana aad looga digay, lana cadeeyey xadgudubka Kooxda...
Ra’iisul Wasaare Shirdoon Oo Ka Warbixiyey Safarkii uu Ku Tagay Gobolada Dhexe
“Aad ayaan u soo dhaweynaynaa in laga qaado Soomaaliya cuna qabataynta hubka, waana dadaal ay dowladu samaysay mudadii yarayd ee ay jirtay, taas macnaheedu maahan in hubka dowlada gacanteeda soo gala loo maamulayo qaab qaldan,….
Khamiis, Mar, 07, 2013…Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa galabta Shir Jara’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa...
Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigii uu hogaaminayay oo gaaray Degmada Cadaado
Waftiga uu hoggaaminayey Shirdoon ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho kaddib booqasho ay ku tageen magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb iyaga oo ka soo kicitimay magaalada Caabduwaaq ee isla gobolka Galgaduud.
Read More →




