Home » Warar

Sharciga Cusub ee Kalluumaysiga waa mid Lagu Baabi’inayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37

Jul 18, 2013
Baarlamaanka Soomaaliya oo la filayo in ay ka doodaan sharciga Cusub ee Kalluumaysiga oo ah Sharci badda Soomaaliya kusoo koobaya 12 miles, halkii ay ka ahayd 200 mayl-badeed… Wasiirka Khayraadka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa Arbacadii (July 17, 2013) waxa uu mar labaad Xubnaha Baarlamaanka u akhriyey Sharciga Cusub ee loo samaynayo Kalluumaysiga dalka Soomaaliya.... 
Halkudheg:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta oo Warbaahinta u Qabtay Muddo Shan iyo Afartan Casha ah oo ay Isku Diiwaan Galiyaan.

Jul 17, 2013
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdullaahi Ciil Mooge Xirsi oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Xeerkii Saxaafadda ee Dhawaanta Golaha Wasiiradu ay Gudbiyeen loona gudbiyay Golaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in Xeerkan uu yahay mid muddo dheer laga soo shaqaynayay isla markaana lagu Casuumay... 

Cali Khaliif Galayr, Cali Maxamed Geeddi iyo Cumar Cabdirashiid oo Beeniyay in ay Inqilaabayaan Dowladda Xasan Shiikh

Jul 16, 2013
Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Habeenkii Xalay ahaa Munaasibad Afur ah oo ay ka qayb galeen Siyaasiin Soomaali ah iyo kuwo kale ay ka dhacday Magaaladaas.Munaasibaddaas Afurka ah oo ay ka soo qayb galeen Rag hore Ra’iiusl Wasaarayaal uga soo noqday Xukuumadihii ku meel gaarka Soomaaliya ayaa ahayd mid sidoo kale ay ku sugnaayeen siyaasiin kale oo qaarkood Ajaaniib... 

Xukuumadda Kenya oo Iska Fogeysey Eedeyntii Qaramada Midoobay u soo Jeedisay ee Dhoofinta Dhuxusha Dekedda Kismaayo.

Jul 16, 2013
Afhayeenka u hadlay Ciidamada Kenya ayaa sheegay in la yaqaano Ciidamadooda sababta ay Soomaaliya u soo galeen taasoo ah buu yiri la dagaalanka Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.Wuxuu intaa ku daray in Ciidamadooda ay halkaa u yimaadeen sugidda Ammaanka sidaa darteedna aysan suurta gal ahayn in ay wax ka dhoofiyaan dhuxusha lagu eedeeyay taasoon haba yaraatee shaqadooda ahayn  Read More →

DFS waxay ka xuntahay shaqaaqooyinka ka dhacay Puntland

Jul 14, 2013
“Go’aanka dawlad goboleedka Puntland ee xal doonka ah waa talaabo loo qaaday dhinaca saxda ah,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu asagoo intaas ku daray in DFS ayadoo taageersan horumarinta dhinaca dimuqoraadiyaynta hadana ay tahay in wax walba ku socdaan hab nabadeed iyo rabitaanka shacabiga.  Read More →

Xukuumadda Kenya oo Lagu Eedeeyay in ay Maamulka Raaskambooni u Fududeysey in Si Sharci Darro ah Dhuxul uga Dhoofiyaan Magaalada Kismaayo

Jul 14, 2013
Warbixin dheer oo ay qortay Qaramada Midoobay Xafiiskeeda Degaanka ayaa lagu sheegay in Dekadda Magaalada Kismaayo Si Sharci darra ah looga dhoofiyo Dhuxushii hore loo Mamnuucay in laga dhoofiyo Dekadda Magaalada Kismaayo War bixinta ay qodhey Qaramada Midoobay ayay ku sheegtay in Maalintiiba laga dhoofiyo Dekddaas illa Boqol Kiish oo Dhuxul ah loona dhoofiyo Wadamada Carabta. War bixinta ayaa ku... 

Madaxweyne Xasan oo kulan la qaatay Guddiga New Deal

Jul 14, 2013
“Qorshaha COMPACT oo aad diyaarineysaan waa inaad si taxadar ah uga fikirtaan oo dhammaan hay’adaha dowliga ah ay idinkala qeybqaataan, si qorshaha la gudbinayo uu u noqdo mid la jaanqaadi kara baahida shacabka Soomaaliyeed. Bacdamaa dib-u-dhiska dalka uu u baahanyahay uu aad iyo aad u tiro badan yahay haddana waa in shacabka lagala tashtaa waxyaabaha ay rabaan in mudnaanta gaarka ah loo siiyo,... 

Ra’iisal Wasaaraha oo dhaleeceeyay kana tacsiyeeyay khasarihii weerarka is-miidaamintaa ee lala beegsaday baabuurta AMISOM

Jul 13, 2013
“Waan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii dadka rayidka ah ee ku wax yeeloobay weerarkii nabad diidku maanta ka fuliyeen Muqdisho. In micno daro lagu gumaado shacbiga Soomaaliyeed waa nasiib daro aad u weyn, dawladuna dadaal dheeri ah ayay ugu jirtaa in laga hortago dhagar qabayaash, fuliya gumaadyada noocan oo kale ah,” ayuu yiri Ra’iisal Waxaaruhu.  Read More →

Madaxweynaha Soomaaliya oo la Kulmay Wasiirkii hore ee Horumarinta Iskaashiga Caalimga ee Norway

Jul 11, 2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub oo kala ahaa Erik Solheim oo horey u ahaa Wasiirkii hore ee Horumarinta Iskaashiga Caalimga ee Norway, haddana Midowga Yurub u xilsaaray arrimaha Shirka 16ka September 2013 ka dhacaya Brussels iyo Safiirka Midowga Yurub ee u fadhiya Soomaaliya... 

Ku Simaha Madaxweynaha Oo Shacabka Ugu Hambalyeeyey Bilashada Bisha Ramadaan, Ganacsatadana U Diray Fariin Gaar Ah “Cod”

Jul 10, 2013
“waxaan rabaa ugu horeyn inaan halkaan ugu Bishaareeyo shacabka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed meel kastaba caalamka haka joogaanee waxaan idinkugu hambalyeeynayaa bisha Ramadaan ee inoo bilatay,waa bil cibaado,waa bil dambi dhaaf,waana bil naxariis “RAMADAAN KARIIM”ayuu fariintiisa ku bilaabay Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan... 

Madaxweynaha Soomaaliya oo casho sharaf la qaatay Madaxweynaha Koofurta Suudaan iyo Madax Kale

Jul 9, 2013
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa caawa casho sharaf uu sameeyey Madaxweeynaha dalka Koofurta Suudaan ka qeybgalay. Xafladdan casho sharafta ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee dalka Koofurta Suudaan, waxaana ka soo qeybgalay Madaxweynaha Bostwana, Madaxweyne ku xigeenka, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha... 

Suuqyada Magaalada Muqdisho oo si Weyn Looga Dareemayo u Diyaargarowga Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Jul 8, 2013
Iyadoo Waqti yar oo faro ku tiris ah ay naga xigaan Bilashada Bisha Kheyrka badan ee Ramadaan ayaa guud ahaan Magaalooyinka waa weyn ee Dalka Soomaaliya waxaa laga dareemaya Diyaargarow xooggan oo Bishaas loogu Diyaargaroobayo oo halkaa ka soconaya. Suuqyada waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa Dadweyne aad u fara badan oo ku hawlan Diyaargarowga Ramadanka iyagoo Badeecooyin kala duwan... 

Ururka Dhaqaatiirta Qaaradaha oo Deeq Dawo iyo Qalab Caafimaad ku wareejiyey Wasaarada Adeega Guud ee Dowladda Federaalka

Jul 8, 2013
Manaasabad Si heer Sare ah loo soo Agaasimey islamarkaana ahayd Wareejinta Deeq Dawo iyo Qalab Caafimaad oo ka timid Ururka Dhaqaatiirta Qaaradaha ayaa waxay ka dhacdey Dekedda Weyn ee Magaaladda Muqdisho waxayna Ururka Dhaqaatiirta Qaaradaha Deeqdaas ay ugu Talagaleen Shacabka Soomaaliyeed ee la Xanuunsanayo Cudurada kala Duwan , waxaana Munaasbadaas Wareejinta Goob Joog ka ahaa , Wasiirada Wasaarada... 

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo soo Dhaweeyay Qabashada Xasan Daahir Aweys.

Jul 7, 2013
Nicolas Kay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo iminka booqasho gaaban ku Jooga Dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay Xarigga Xasan Daahir Aweys oo Todobaadkii labaad ku jira Gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya.Mr Kay ayaa sheegay in Xasan Daahir uu qayb ka ahaa wax uu ku sheegay Kooxaha Argagixisada taasina ay hore Qaramada Midoobay Sharci uga soo saartay isagoona Xusay in Wadaadkaas uu ku jiro... 

Maxjarka Jaziira oo Mar Qura Hoysiin kara Xoolo gaaraya 220,000 oo Ari ah, 20,000 oo Lo’ ah, 10,000 oo Geel ah

Jul 6, 2013
Waxaa noo Suurta gashey in aan Booqano Maxjarka Jasiira ee Duleedka Magaalada Muqdisho faoo muddo Sanad ah jirsadey kaasoo loogu talagaley in Xoolaha la Dhoofinayo lagu sii Hakiyo , waxaana halkaas ku soo aragney qaabka Xoolha loogu Xanaaneynayo iyo sida ay Dhaqaatiirta Xoolaha ula socdaan Caafimaadka Xoolaha, waxaana halkaas ku Xareysnaa Xoolo isugu jira Geel iyo arri waxayna Maamulka Maxjaralka uu... 

Ra’iisul wasaaraha ayaa daah-furay qorshe wax looga qabanayo Amaanka Muqdisho

Jul 4, 2013
iyo Ra’iisul Wasaare Saacid oo Booqdey halka lagu Hayo Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Ra’iisul Wasaarah oo boqday dakadda iyo garoonka diyaradaha ee Muqdisho Muqdisho, 04, July, 2013….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ( Saacid) oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada, Gudoomiyaha gobolka banaadir, Taliyayaasha ciidamada, iyo gudoomiyeyaasha... 

Shirweynihii shuurada caamka ah ee Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaabi Wasshunnah oo maanta ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

Jul 4, 2013
Shirweynihii 18aad ee golaha shuurada Jamaacada Al-ictisaam Bil-kitaab Wassunnah oo halkudheggiisu ahaa “Aan wada xaqiijino horukac dacwadeed ” ayaa maanta ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho. Shirweynahaan waxaa ka soo qaybgalay madaxda Jamaacada, culumadeeda iyo aqoonyahankeeda oo isaga yimid dalka gudihiisa iyo dubadiisa, waxaana lagaga hadlay arrimo badan oo khuseeya diinta iyo... 

Col. Barre Hiiraale oo Sheegay in Isaga iyo Shabaab ay Hal Cadow Wada leeyihiin.

Jul 4, 2013
Barre Aadan Shire oo ka mid ahaa Raggii Sheeganayay Madaxweyninimada Maamulka Jubbaland oo Saxaafadda qaarkeed la hadlay ayaa sheegay in xiligan uu ku sugan yahay Duleedka Magaalada kismaayo waliba qiyaas Magaalada u jirta Illaa Shan Kiilo Mitir. Barre Hiiraale ayaa intaa ku daray in halkaas uu ka wado abaabul Ciidan dhawaana uu doonayo in maadaama Magaalada Kismaayo Dagaal looga soo saaray inuu isaguna... 

Ciidamada Dalka Kenya oo Magaalada Kismaayo ka Masaafuriyay Illaa Seddax Mas’uul oo Sheeganayay Madaxtinimada Maamulka JubbaLand

Jul 3, 2013
Warar ku dhow dhow Maamulka Amisom ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in illaa Seddax Mas’uul oo ka tirsanaa Ragga Sheeganayay Madaxweyninimada maamulka Jubbaland in Habeenkii Xalay ahaa Ciidamada kiinyaanku ay ka soo Masaafuriyeen Magaalada Kismaayo isla markaana la soo saaray Diyaaradihii Dhaawaca u soo qaaday Habeenkii xalay ahaa magaalada Muqdisho.  Read More →

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka Laabtay Go’aankii Sharciga Badda ee ay Gaareen June 6, 2013?

Jul 2, 2013
Xukuumadda Shirdoon oo Baarlamaanka Soomaaliya u Gudbisey Xeerka Kalluumaysiga kaasoo Badda Soomaaliya kusoo koobaya 12 miles, laguna tirtirayo Xeerkii Badda Soomaaliya ee Law No. 37 Sida ku cad qoraal ay xukuummada Fedaraalka Soomaaliya u gudbisay Baarlamaanka, ayaa badda Soomaaliya kusoo koobaya 12 mayl baddeed oo kaliya halkii ay ka ahayd 200 oo mayl baddeed oo Territorial Waters ah.  Read More →

“Waxaan Rabaa Inaan Kuu Sheego, Garsoorka Waligiis Ma Soo marin 4.5 iyo 3.5…” Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Bannaadir Avv. Xaashi Cilmi Nuur oo Wareysi Xasaasi Ah Siiyey Somalitalk

Jul 2, 2013
Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Bannaadir Avv. Xaashi Cilmi Nuur oo wareysi gaar oo dhinacyo kala duwan taabanaya siiyey somalitalk mar uu transit ku ahaa dalka Jabuuti isagoo ku sii jeedey dalka Faransiiska ayaa waxaa uu ka Hadley u jeedadda safarkiisa, waxa ay soomaaliya ka faa’ideyso siminaar dhinaca garsoorka ah oo lagu qabtey dalka Faransiiska islamarkaana looga hadlayey shuruuc ku saabsan lacagaha... 

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo Tacadi iyo Xadgudub weyn u geystey Ergadii Muqdisho u soo ka Xaysey Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Jul 1, 2013
iyo Banaanbax looga soo Horjeeda Xariga ShiikhDaahir Aweys oo ka dhacay Muqdisho – Markii magaalada Muqdisho la keenayay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa Saraakiisha Xarakada Alshabaab ayaa Ergeadii ka soo wadey Magaalada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb kuwaas oo isgu jirey Xildhibaano, Siyaasiyiin , Saraakiil, Nabadoono iyo Ugaasyo ayaa markii ay ka soo degeen Garoonka waxaa Diyaardii... 

Xildhibaan Xiddig oo Dagaalada Kismaayo ku Eedeeyay Dawladda Federaalka Soomaaliya

Jul 1, 2013
iyo Maxamed Cabdi Kaliil oo ku Eedeeyey Ciidamada Kenya in ay Dhinac la Safteen Beelaha isku haya Kismaayo… Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo mar ahaa Wasiir ku Xigeenka Gaashaandhigga Xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ayaa si kulul uga jawaabay Eedeyn Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dawladda Kenya ay ku Eedeysey in ay qayb ka noqotay Dagaaladii ka dhacay Magaalada kismaayo ee Gobolka... 

Xukuumada oo ku baaqday in ciidamada AMISOM Sector 2 ee Kismaayo lagu badalo kuwo dhex-dhexaad ah

Jul 1, 2013
“Ciidamada AMISOM Section 2 ama taliska labaad loo yaqaano waxay xireen taliyihii ciidamada dawladda ee Kismaayo Col. Cabaas Ibrahim Gurey, oo aan xarigiisa wax wargelin ah laga soo siin dawladda,” ayuu yiri Wasiirka oo xusay in sidoo kale ciidamadani ay duqeyn dhimasho iyo dhaawacba sababtay u geysteen xarunta ciidamada dawladda ee Kismaayo.  Read More →

Warar Dheeraad ah oo ku saabsan Xarigga Shiikh Xasan Daahir Aweys

Jul 1, 2013
Salaaddii Cishaha wax yar uun ka hor ee xalay ayaa Diyaraddii siday Xasan Daahir Aweys ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho. Ka hor intii aysan Diyaaraddu soo caga dhigan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa halkaa ku sii sugnaa Xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirada arrimaha Gudaha iyo Gaashaa dhigga iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya.  Read More →