SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYA

Sharciga Cusub ee Kalluumaysiga waa mid Lagu Baabi'inayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37

Baarlamaanka Soomaaliya oo la filayo in ay ka doodaan sharciga Cusub ee Kalluumaysiga oo ah Sharci badda Soomaaliya kusoo koobaya 12 miles, halkii ay ka ahayd 200 mayl-badeed...

Wasiirka Khayraadka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa Arbacadii (July 17, 2013) waxa uu mar labaad Xubnaha Baarlamaanka u akhriyey Sharciga Cusub ee loo samaynayo Kalluumaysiga dalka Soomaaliya. Waxaa kulanka soo xaadiray 150 xildhibaan, waxaana shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur iikar.

"Guddoonka Baarlamaanka DFS ayaa Guddiga ku shaqada leh hindise sharciyeedkan ku amray in ay dib u eegis ku sameeyaan sharcigan, ayna baarlamaanka soo hordhigaan maalinta Sabtida (July 20, 2013) ah si looga doodo", sidaas waxaa sheegtay idaacadda ku hadasha codka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sharcigan cusub ee Kalluumaysiga ee xukuumaddu doonayso in ay baarlamaanka marsiiso waxaa ku qeexan sidan: "Dhulka Badda: Macnihiisu waa dhulka biyaha badda ee ilaa 12 mayl (12 miles) u jira xeebta Soomaaliya." (Waa sida ku Qeexan Sharciga cusub ee Kalluumaysiga ee horyaalla baarlamaanka Soomaaliya).

Waxaa kale oo sharcigan cusub ku qeexan sidan "BAABI'IN: Waxaa la baabi'iyey sharci kasta oo ka hor imaanaya ama aan lasocon karin xeerkan kalluumaysiga ee Dowlada Fedaraalka Soomaaliya waa la tirtiray. "

Qodobadaasi waxay si toos ah u baabi'inayaan, ugana hor imanayaan sharciga Badda Soomaaliya, Law No. 37 ee soo baxay 10-kii September 1972, kaas oo dhigaya in Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) yahay 200 mayl badeed (nautical miles).

Waxaa kale oo qodobadaasi ka hor imanayaan go'aankii Golaha Wasiiradda DFS ee June 6, 2013 ee "ku aadanaa dhererka xadka badda Soomaaliya", kaas oo dhigayey "Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran."

Waxay ahayd June 5, 2013 markii sharcigan cusub ee Kalluumaysiga lasoo hor dhigay golaha wasiirada, sharcigaas oo ay ku qeexan tahay in dhulka badda Soomaaliya yahay 12 miles. Laakiin maalintii xigtey June 6, 2013 warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Wasiirada DFS oo uu shir guddoominayey Shirdoon ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya aqoonsan tahay sharciga Law no. 37 ee dhigaya in badda Soomaaliya Territorial Waters ay tahay 200 maylbadeed.

Halkii laga filayey in sharcigan cusub ee Kalluumaysigu uu qeexo sida uu dhigayey Law no.37 laguna qeexo in badda Somaliya Territorial waters ay tahay 200 maylbadeed, taasi ma dhicin, balse June 9, 2013 ayaa ra'iisul wasaaraha DFS waxa uu saxiixay sharciga cusub una gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, sharciga uu ra'iisul wasaaruhu gudbiyey waxa uu dhigayaa in "Dhulka badda Soomaaliya yahay 12 miles".

June 22, 2013 ayaa markii ugu horeysey sharcigaas cusub ee Kalluumaysiga waxaa Baarlamaanka ka hor akhriyey Wasiirka Khayraadka. Waxaana sharcigaasi hadda horyaal baarlamaanka oo la filayo in ay ka doodaan Sabtida July 20, 2013.

Haddaba, Baarlamaanka Soomaaliya waxaa la gudboon in ay muujiyaan geesinimadii ay muujiyeen baarlamaankii ka horeeyey ee la marsiin waayey in la duudsiiyo badda Soomaaliya. Sidaas daraadeed aysan ansixin sharci uu ku hoos jiro in badda Soomaaliya lagu soo koobayo 12 miles, ama aysan meel marin wixii ka duwan in Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) yahay qayb kamid ah badda oo gaaraysa 200 mayl badeed (nautical miles).

Sidii golaha wasiiradu hore u caddeeyeen "Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed. Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran." Sidaas daraadeed waa in aan baarlamaanku aqbalin taas wax ka duwan, loona hoos gelin EEZ iyo 12 miles iyo erayo xeeladaysan. Kelmedda muhiimka ah waa 200 maylbadeed oo ah“territorial water” ee badda Soomaaliya.

-- Sharciga cusub ee Kalluumaysiga ee horyaalla baarlamaanka halkan ka eeg

-- Halkan ka daawo Kulankii Baarlamaanka ee July 17, 2013

##

UN REPORT: July 2013

  • In this way, Norway’s development assistance to Somalia may therefore be used as a cover for its commercial interests there. Norway’s Minister of International Development, Heikki Eidsvol Holmås has, however, publicly denied any link between Norway’s assistance to Somalia in establishing its continental shelf rights and any commercial oil interest. See page 250 of theh report
  • http://www.un.org/ga/search/view_doc.asp?symbol=S/2013/413

Sharciga cusub ee Kalluumaysiga ee horyaalla baarlamaanka halkan ka eeg

Sharciga cusub ee Kalluumaysiga ee horyaalla baarlamaanka halkan ka eeg

Faafin: SomaliTalk.com |  July 18, 2013

Jariidadda Standard oo soo Bandhigtay Caddaynta Saxiixii Labada Wasiir (Fowsiya & Aamina), kuna tilmaantay MoU ay kala saxiixdeen labada wasiir ee Arrimaha Dibadda

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: