Home » Maqaallo

Nina Hooskiisa Ma Harsado

Apr 12, 2013
Dadka halabuurka curiya intooda badan waxtarkooda ma helaan, waxaana suurtowda iyagoo ka saboolsan iney ka geeriyoodaan, dad kalena ay ka hodontoobaan fikirkooda. Halabuurayaasha curiya fikradaha siyaasada waxtar la,aanta waxaa u wehlisa eedeymo loo soo jeediyo iyo dhaliilo shaqsiyadiisa lagu dhaawacayo amaba naftiisa ay ka soo gaarto waxyeelo. Waxaa sida badan adag in fikir lagu sameynayo isbedel... 

Soomaaliya: Siyaasadda Geeska Afrika ee Maanta

Mar 21, 2013
Mahad Kooshin – Guud ahaan dalalka dunidu waxay leeyihiin dan ee ma leh saaxiib, asii ay danta daleed qeexayso in dalku uu yagleelo saaxiibbo badan oo joogto ah oo danaha lagu gabraarto. Siyaasaddu na waa wixii suurogal ah oo kula gudboon, ma aha wixii aad lexejeclo u qabto ee waa wixii had iyo goor dantu ku jirto, ayada ayaa waddo kuu jeexda ee adigu waddada uma jeexdid. Isla mar ahaantaas... 

Dilkii Sheekh C/Qadir Gacamey AUN Maxaa Looga Dan Lahaa?

Feb 23, 2013
Qore: Abdirahman Maxamed (Xiddig) Warku maqalkiisu wuu murugo iyo mashaqo waynaa. Wuuna Indo xumo iyo calool xumo badnaa. Qof walba oo Muslim ah naxdin iyo uur ku taalo ayuu ku reebay. Waligay ma sawiran sifo la mid ah. Una malayn maayo qalbi qof Muslima in uu ku soo dhici karo abid. Kuwii soo maleegay musiibo ayaa ku dhacday. Waana hubaal halaagooda in la arkayo. Alle waxaan ka baryaynaa adduunyada... 

Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Ku-simihiisa (Guddoomiyaha Baarlamaanka) Oo Dastuurka Jebiyay

Feb 16, 2013
Qore: Maxamed Xaaji Caddow – Intii u dhaxaysay 26 Janaayo ilaa 8dii Febraayo 2013 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ku maqnaa socdaal dalka dibaddiisa ah. Sida uu qabo Qodobka 94aad (1) ee Dastuurka Ku-meel Gaarka ah, ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, wuxuu sababta maqanaanshaha... 

Bal Ila Fiiri,Intaadan ku Farxin Valantine’s Day.

Feb 15, 2013
  Mahad oo dhan Rabbi ayay u sugnaatey. Nabi Muxammedna naxariis iyo nabad gelyo dushiisa allaha yeelo. Intaa ka dib. Ibnu cammad al-asfahaani ayaa laga soo weriyay hadal macnihiisu yahay: “Qof ma jiro qoraal sameynayo maalin, illaa waxaa la dhihi doonaa maalinta ku xigta: sidaan in lagu bedelo ayaa wanaagsanaan lahayd, in waxaasi lagudaro ayaa ficnaan lahayd, kan in lasoo hormariyo ayaa haboonaan... 

XIR AMA I DIL, WALLAAHI MA AAMUSAYO… !!

Feb 10, 2013
Caaqil dalmar Ma aha wax ku cusub dhegaha shacabka Soomaaliyeed in saxafi lagu dilo ama lagu dhaawaco gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo qorshaha laga leeyahay dilka wariyeyaashuna ay tahay caburin iyo in la aamusiyo saxaafadda Soomaaliyeed si loo waayo cid ka hadasha xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya. Tan iyo sanadkii 1991-kii, dilka saxafiyiintu waa uu soo taxnaa, xilligaasoo dalku uu ku jiray... 

Madaxa Ururka EASTADO oo soo dhaweeyay dhaq-dhaqaaqyo la rabo in looga qeyb qaato maamul goboleedka Jubbaland

Feb 8, 2013
Waxaan soo dhaweynayaa dhaq-dhaqaaqyada beryahaan socda oo ay qaar ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka ka wadeen gudaha iyo dibadda dalka. Waxaa jirta ifafaalo horumarineed oo horseedi kara taabagalka maamul goboleedka Jubbaland, waayo waxaa markii ugu horeysay muddo 21 sano ah maalmahaan dhanka fekerada ay ku kala gedisan yihiin isaga soo dhawaanaya mas’uuliyiin iyo... 

Saxafiyiinta Soomaalida Koonfur Africa oo Cambaareeyey Xariga Wariyaha Dalsan Radio oo in Muddo ah u xeran Dowlada Soomaaliya

Jan 30, 2013
Waxay u egtahay in ereyadii cambaareynta ay naga sii dhamaanayaan, si kasta oo aan u qeeylino ama u cabanayo, iyo codkeena si kasta oo uu u dheeryahay in aysan jirin cid dheg jalaq u siineysa, laakiin sidaasi oo ay tahay, cambaareynta waa xoriyadaha faro ku tiriska ah ee noo haray, gaar ahaan marka aan dalka dibasiisa joogno. Xariga wariyaha Dalsan Radio, ee magaalada Muqdisho, kaliya ma ahan xaq daro,... 

Ha U Soo Banaanbixin Dowlad-goboleedyo Dibeda Laga Maamulayo

Jan 23, 2013
  Gobolada dalka waxaa laga dareemaya ineysan ku xirneyn dowlada dhexe, taas oo loo macneysan karo in dalku uu yahay dowlad la’aan. Waxaa gobolada dalka ka curtay maamul-goboleedyo ku xiran dowladaha wadamada deriska oo ay u muuqato in dalalkaas laga maamulo. Maamulada degaankaas waxay la kufaan oo la kacaan siyaasadaha wadamada deriska, wuxuuna maamul walba qiil ka dhigtay cudurdaar beeleed... 

HAL BILYAN OO DOOLAR OO SADAQO AH IYO HAL BILYAN OO GUMUC RASAASEED AH !!!!!!

Jan 4, 2013
HORUDHAC : Islaamka wuxuu Allaah u soo dajiyey in uu Ruuxa Bani’aadamka ah uu horomar iyo baraaro gaarsiiyo, Ee uma soo dajin in lagu hoogo islaamka oo lagu dhibaatoodo . Allaah wuxuu Quraankiisa ku leeyahay asagoo Nabigiisa NNKH la hadlaaya : (مَا أَنزَلْنَا عَلَيْكَ الْقُرْآنَ لِتَشْقَى ) 20:1 Nabi muhamadoow Quraanka kuuguma aan soo dejinin in aad... 
Halkudheg:

Gen. Cadde Muuse Waa Wadani Ku Dayasho Mudan.

Dec 25, 2012
Nasiib uma yeelan in aan la kulmo intii uu hogaanka u hayay Puntland Maxamuud Muuse Gen.Cade ,hasa yeeshee maanta oo Sabti ah taariikhduna ay ku beegan tahay 22/12/2012 ayaan markii ugu horaysay aan la kulmay Maxamuud Muuse Xiri anniga oo ka mid ahaa Koox Saxafiyiin ah oo ugu tagay gurriga uu ka dagan yahay Bosaso,ka dib markii maanta uu soo gaaray magaalada Bosaso. Cade Muuse oo aan da’diisa... 
Halkudheg:

Puntland Ma Badbaaday Rabtaa Mise Baxnaano?

Dec 23, 2012
Waxaan maqli jiray maahmaah Soomaliyeed oo tiraahda: “Labaatan jir Mudug jooga Alle uma xil qarin”  Taas waxaa la mid ah cidii maanta Soomali hogaan u qabata.  Maxaa yeelay dadka Soomaaliyeed waa dad meheradoodii ka dhigtay siyaasad, dad habeen iyo dharaar wakhti ku dhumiya maxaa la yiri iyo maxaa la soo sheegay. Sidaa awgeed, qof kasta oo xil qabta waxaa sugaya imtixaan aduun oo ah in ficil... 
Halkudheg:

Marka Guurka Laguu Diido!

Dec 4, 2012
Waad salaamantihiin walaalaha qeymaha badan ee kuxiran websitekan qaaliga ah. Maanta iyo maqaalkeena wuxuu kusaabsanyahay caado aad ufool xun Quursi oo ubaahan in la’iska kaashado cirib-tirkeeda. Quursi? Waa qofka oo isku qanciyo inuu qofka kale kaga fiicanyahay isir,midib,diin, qaabka Allah usameeyey,lab iyo dhadig kuu yahay! Quursiga waa cudur da’ weyn oo lakowsaday Aadamaha maalintii... 
Halkudheg:

HUBSIIMO HAL BAALA SIISTAY

Dec 1, 2012
(Waxa qoray Cabdalla Xaaji Cusmaan) Waxa dhawaan degellada Soomaalida qaarkood  ku soo baxay maqaal uu qoray qoraageenna Yuusuf Ibraahim (Hawd). Maqaalkaas oo cinwaan kiisu ahaa « Daraawiishi yaa ay ahayd ? »uuna kaga hadlay Ina Cabdille Xasan iyo daraawiishtii uu hoggaaminayey iyo aragtiyaha kala duwan ee laga qabo.Qoraagu bilawga maqaalkiisa waxa uu ku sheegay inuu soo  akhriyey buug dhawaan... 

SAFARKEEYGII HARGEEYSA, IYO SIRTII AAN SOO HELEY!

Nov 25, 2012
“Nimaan Dhul Marin, Dhaayo Maleh”  HORDHAC/GOGOL-DHIG Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi, Akristaha sharafta badanoow, safarkeygii aan dhawaan wadankeenii  hooyo ku tagay (August 6, 2012-illaa-September 6, 2012). Waxaan ku so booqdey qeeybo ka mid ah gobollada dalka, oo eey ku jiraan gobollada waqooyi ee Soomaaliya-Caalamiyan-,ee... 
Halkudheg:

Barbaarinta ubadka waa waajib ina wada saaran si looga baxo dhibka aan ku jiro

Nov 25, 2012
Ma jirto Ummad samaysay horumar la hareer sima ummadaha kale aqoon la’aan! Shakina kuma jiro in  jiritaanka shacuubtuna uu ku dhisan yahay aqoon awoodiisuna ay san jirayn aqoon la aan ama mid dul saar ah . Awooddu waxay imaaddaa marka la helo wax-aqoon dhisa , nabaddu waxay jiri kartaa marka  tacliin leeyihiin dadka meel ku wada nool , caafimaadku suura gal ma noqon karo aqoon la’aan... 

Amiin Yuusuf Khasaaro Hambalyo iyo Bogaadin u Direy Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka Kubada Cagta Dalka Jabuuti

Nov 13, 2012
Amiin Yuusuf Khasaaro oo ka mid ah Bahda Sporti-ga ahna Qoraa Dhinaca Ariimaha Bulshada ,Siyaasada iyo Sportiga ayaa Hambalyo u direy Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka Kubada Cagta ee Dalka Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi oo dhawaan ku Guuleystey Doorasho Cadaalad ah oo ka dhacdey Dalka Jabuuti taasoo ay Goob Joog ka ahaayeen FIFA , CAF iyo CECAFA Gudoomiyaha Cusub ee Xiriirka Kubada Cagta Jabuuti... 
Halkudheg:

ISBADALKA HANAQAADKA DOWLADNIMADA IYO DIMUQRAADIYADA SOOMAALIYA

Nov 13, 2012
Waxaan ka mid ahay in yar oo mar walba diida dhinacna iskaga riixa, aragtiyo in badan oo Soomaaliyeed u guuxaan amase ka guuxaan, anoo aanan ku faaneyn in aan ahay nin wax walba og, uusanna iga maqnayn caqligeenii Soomaaliyeed ee aan wada naqaanay, ayaanse is ogahay, oo aan diidaa LAFTA JECLI, LUDA JECLI, ama LAJIIFIYAANA BANAAN, LAJOOJIYAANA BANAAN iyo sidoo kale halheyskeenii cusbaa CADYAHOW KU CUNAY... 
Halkudheg:

Federaalka Soomaaliya:daawo halis badan oo gacanta loo geliyey aabbe masuul ah!

Nov 12, 2012
Federalka Soomaaliya dastuurkeeda lagu dhigey waan garaneynaa duruuftuu ku yimid iyo sida lagu keeney. Ma aheyn arrin si sax ah oo bulshadu ku wada qanacsantahey oo afti loo qaadey ku timid. Waa wax ku yimid gacan maroojin ka timid soomaalida qaar iyo shisheeye is kaashadey iyadoo laga faa,iideystey kala daadsanaanta iyo midba gees taagnaanta ku dhacdey bulshada soomaaliyeed. Laguma eedeyn karo ayaan... 
Halkudheg:

QAYLA DHAAN: Waa ayo dadka ‘AF-SOOMAALIGA’ ku hadla? (Qalinkii Maxamed Xaaji)

Nov 2, 2012
Dalka Soomaaliya oo tan iyo burburkii kusoo baxay dal bilaa walaal, bilaa saaxiib ah ayay taasi keentay inay dunidu nagu nacayso erayga dal fashilmay ( A failed state) oo taxa ama liiska lasoo saaro aan sanadkiiba safka hore ka cariirsanno balse mida calool xumada lihi intaa oo dhan maahee waa dadkii Soomaaliyeed oo iyagoo aan nasteex caalami ah lahayn iyagii is necbaystay. Waxaan doonayaa inaan maqaalkan... 

Midnimo Halkay Taal

Oct 24, 2012
W/Q: Mubarak Mohamud Saleban (Mubarak Hadi) – Ummamka dunida ka jiraa xoogoodu wuxuu ku dhisanyahay midnimadoodu inta ay le’egtahay, sidaa daraadeed baa waxaa la yiraahdaa, midnimadu waa waxa ay ummaduhu ku gaaraan meesha sare ee sharafta leh. Waa waxa ay dantooda ku gaari karaan. Waa waxa keena iney bulsho noolaato iyadoo deggan oo xasiloon. Waa waxa keena ummadi ineey noqoto dad laga cabsado,... 

“Ilma adeerayaalow Cali Raage hakaraacina Nabiga Ilaahey”

Oct 17, 2012
Assalaamu alaykum.Waad salaamantihiin dhamaan walaalaha qeymaha badan ee ku xiran websitekan qaayaha badan. Maanta iyo maqaalkeena,wuxuu kusaabsanyahay hadal aan ka soo xigtey Sheekha Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh Maxamuud shibilli ee kusugan magaalada Nairobi, mar aan tagay masjid muxaadaro uu ka jeedinaayey masjidkiisa Al-Hidaayah. Sheekha waxaa su’aal ahaan loo weydiyey waxa ay diinta ka... 
Halkudheg:

Maxaa shacabka Soomaaliya ka filaya xukuumada cusub marba haddii la magacaabay Ra’iisal Wasaare

Oct 13, 2012
Qore Abdulkadir Mohamoud Walayo Saxafi Soomaaliyeed October 6, 2012 Shacabka Soomaalida oo muddo ka badan 20 sano la daala dhacayay dhibaatooyin uga imanaya dawlad la’aan horseeday dagaalo sokeeye oo dalka iyo dadka u soo jiiday dhiig bax naf iyo maalba leh kuwasoo ay geesteen isla dad Soomaali ah waxayna taa u nugleysay in cadaawaha Soomaalida uu sidoo doonto ka yeesho dalka kiiyo ku marmarsoonaya... 
Halkudheg:

Xubno ka Tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Melbourne (Australia) oo Taageero iyo Talooyin u Direy Madaxweyne Xasan Shiikh

Sep 20, 2012
Waxaa Qoraal Hambalyo ah naga soo gaartey Xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaaliya ee wadanka Australia, gaar ahaan Magaalada Melbourne waxayna Hambalyadooda ku aadaneyd Caleemo saarkii Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Prof Xasan Shiikh Maxamuud , waxayna Ilaah uga baryeen in uu la garab galo Xilkaas Culus ee loo doortey . “Anagoo Jaalliyada Soomaaliya ee wadanka Australia Magaalada Melbourne waxaan... 

Rajo Caqabad Wadata

Sep 15, 2012
Somaliya waxey soo martay cadaab ay iska kaashadeen koox diimeedyo raba xukun ay xoog ku qabsadaan, hogaamiye dhaqameedyo qabiil raba in qabyaalad wax lagu xukumo, ganacsato burcada oo maalgelinaya shaqsiyaad dowlada uga dhex adeega, wadamada deriska oo raba in siyaasada gudaha ee Soomaaliya ay taladooda yeeshaan, bulshada caalamka oo dooneysa in deeqda Soomaaliya la siiyo inta badan ay dib u boobaan... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...