Home » Archive Qoraaga
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Wadda Qorshe ay Wax Kaga Qabanayso Ammaanka Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Saxaafadda la hadlay ayaa ka Warbixiyay Kulan Saacdo dheer qaatay oo Golaha Wasiiradu ay ku yeesheen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in kulankii ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya looga dan lahaa sidii wax badan looga qaban lahaa Xaaladaha Amnidarro...
Warbixin hor-dhac ah oo laga soo saaray shilkii diyaaradeed ee ka dhacay garoonka Muqdisho
Guddigii loo xil saaray inay soo baaraan xog rasmi ahna ka keenaan qaabkii ay ku burburtay diyaarad ka soo degeysay garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cabdulle International, waxaana gudigan oo uu madax u ahaa Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire ay soo saareen warbixin horudhac ah, waxayna u qorneyd sidan:-
Dayuuradda oo ahayd Ethiopian Air Force, waxaa nooceedu ahaa Antonov An-12, waxaa...
Hooyo Amran oo Sheegtey in Ciidamo ku Labisan Dareyska Dowladda ay Xoog ku Kaxaysteen, islamarkaana lageeyey oo lagu Kufsadey Xero ay Degen yihiin Ciidamada AMISOM
Hooyo leh Afar Caruur oo mid ay Nuujineyso ayaa iyadoo oo Miyir La’ waxaa la keeney Isbitaalka Xayaad ee Magaalada Muqdisho ka dib markii Ciidamo ku labisan Dareyska Ciidamada oo ku sugnaa Agagaarka Isbitaalka SOS ay Joojiyeen maalinkii Koowaad ee Ciidul Fidriga markii lagu Amrey in ay qaado Niqaabka ama Indha Shareerka , markii ay iska qaadey ayaa lagu yiri waxaa laguu qabaa Dacwad ee waa in aad...
Maamulka Axmed Madoobe oo Col. Barre Hiiraale ku Eedeeyay inuu ku Biiray Xarakada Shabaab.
Afhayeenka Maamulka uu horkacayo Axmed Madoobe Raas-Kaambooni Cabdinaasir Seeraar ayaa ka hadlay Xaaladda guud ee Magaalada Kismaayom,Wuxuuna sheegay in Ammaanka Guud ee Magaalada Kismaayo uu haatan yahay mid la isku halleyn karo isla markaana ay wax badan ka qabteen.
Read More →
CIIDI WAA TAN AAD DALKAADA HOOYO KU DHEX CIIDO
Intaa kabacdi, aqristaha sharafta badanoow, inkastoo aan anigoo dalka mudo dheer ka maqnaa,aan Dalka gudihiisasanadkii tagay (2012-kii) kusoo ciidey, hadana ciidaha aan ka maqnaa dalkeeyga hooyo, oo aan Danta/Bannaanka ku ciidey waa dhowr iyo toban sano, kuwaasoo aan ka wada maqnaa waalidka &walaalaha, qaraabada, asxaabtii aan soo wada korney waxna soo wada baraney,iyo guud ahaan ummad weynteena...
Puntland oo Markab Turkish ah oo sidey Raashin dib ugu Celisey Muqdisho
Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa tibaaxay in markab raashin sidey oo Turkey ah oo ka yimid Muqdisho in dib looga celiyey Dekeda Boosaaso, waxaana warsaxaafadeedku sheegay in raashinka uu sidey markabkaasi “uu qeyb ka yahay siyaasad jahwareersan oo Dowladda Federaalka ay ka wado gudaha Soomaaliya, taasoo khilaafsan Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo jiritaanka iyo Dastuurka...
Mutamarkii 13aad ee Masjidka Abubakar As-Saddique Islamic Center ee Minneapolis, Minnesota: August 30, 31 iyo Sept 1st, 2013
OGAYSIIS: Waxaan ugubishaaraynayaa bulshawaynta Somaliyeed ee ku nool Waqooyiga Amerika in Abubakar As-Saddique Islamic Center iyo Golaha isutaga Culimada Soomaaliyeed ee waqooyiga Amerika ay soo qaban qaabiyeen Mu’tamarkii 13aad ee sanadalaha ahaa oo Hal ku dhigiisu yahay
Read More →
Ra’iisul Wasaaraha oo la ciiday Ciidanka iyo Naafadii xoogga dalka
Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyada Ciida u diray shacabka Soomaaliyeed
— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa maanta booqasho ku tegay xarumo ay ka mid yihiin Isbitaalka Martino ee ay ku nool yihiin Naafada ciidanka xoogga, Wasaaradda Gaashaandhigga, Dugsiga tababarka ee Jazeera, iyo xarunta Villa Baydhabo ee taliska ciidanka...
R.Wasaaraha ayaa u diraya hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga dhamaan shacabka Soomaaliyeed
Kulu Caam Wa-antum Bikhayr. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa halkaan caawa Hamabalyo uga diraya dhamaan shucuubta islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Read More →
Hayadda HARO oo Sakaatul Fidri u Qaybisey Dad Indhoolayaal ah iyo kuwa Barakacayaal ah oo ku sugan Gobolada Banaadir iyo Jubbada Hoose.
Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) ayaa Gargaar Raashin Sakaatul Fidri ah ka qaybisey Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmada Wadajir iyo Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Magaalada Kismaayo, waxaana Sakaatul Fidrigaas loo qaybisye Dad Danyar iyo dad Lixaadkoodu Dhiman yahay , waxayna Gargaarkaan oo ay qaybisey Hayada HARO ayaa waxaa uu ka koobnaa Bur , iyo Bariis.
Read More →
Dawladda Federaalka oo Heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration ltd oo fadhigeedu yahay dalka UK
Shirkaddan waxaa UK laga diiwaan geliyey 15 cisho ka hor, taariikhdu markay ahayd 22/07/2013 (July 22, 2013). Sidoo kale website shirkadda waxaa la diiwaan geliyey March 26, 2013.
Read More →
Ururka Women , Children And Elders Aid Organization (WCEAO) oo Maalmaha Ciidda London ku Qaban doono Barnaamij Taburucaad ah
Ururka Women , Children And Elders Aid Organisation (WCEAO) oo ka Dhisan Dalka Gudihiisa iyio Dibadiisa ayaa waxaa uu Qabanayaa Barnaamij uu Ugu Magacdarey CAAWI ILAAH HA KU CAAWIYE kaasoo Ururku ugu Tala galey in Maalmaha Ciida uu sameeyo Barnaamijkaas oo lagu Ururin doono Tabarucaad ah oo Ururka uu ugu talagaley in lagu Caawino dadka Soomaaliyeed ee Dhibaateysan gaar ahaan caruur Caafimaadaro la...
Dr. Cabdiraxmaan Daqare Oo Fariin u Diraya Dowladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada Dalka
C/raxmaan C/laahi Dhubad (Daqare) oo ka tirsanaa Bulshada Rayidka ah kana mid ahaa Xubnihii Bulshada Rayidka ahaa ee ka qeyb galay Road Mapkii Dalka looga saaray KMG ee Garoowe 1 iyo Garoowe 2 , kana tirsanaa Golihii Ansaxinta Dastuurta, horayna uga mid ahaan jiray Xildhibaanaddii Golaha Deegaanka G/Banaadir , ayaa fariin u diray Madaxweynaha iyo Maamul Gonoleedyada Dalka iyo Shirweynaha Midowga Yurub...
Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Shaaca ka Qaaday in Ammaanka Magaalada Muqdisho Gacanta uu ka Baxay
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka waramay xaaladda Amni ee Magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in iminka faraha ay ka baxday, ka dib markii ay ku soo bateen Qaraxyada iyo Dilalka
Xildhibaan Maxamed Iidle oo ka mid ahaa Xildhibaanadii shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa si cad Afka ugu Bayaanshey in Amniga Magaalada Muqdisho...
Puntland oo Xiriirka u Jartay Dawladda Federaalka Soomaaliya
Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa tibaaxay in Puntland ay joojisey gebi ahaanba wada shaqayntii iyo xiriirkii kala dhaxeeyey Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeedkaas oo ku qornaa Ingriisi – Official Position of Puntland Government on Relations with Federal Government of Somalia
PRESS RELEASE
05 August 2013
Read More →
Shirar uu soo abaabulay Xafiiska R. Wasaaraha oo lagu dhamaystirayo “Human Rights Road Map”
Muqdisho, 05 Augst, 2013.. Shalay shir ka dhacay xarunta Madaxtooyada oo ay isugu yimaadeen Xooghayaha Golaha Wasiirada & Baarlamaanka Mudane Calas Maxamuud Jamac Juge, Agaasimayaasha Guud ee Wasaradaha Dowladda, Guddiga KMG Madaxa Bannaan ee Xaqiiqa Raadinta Tacadiyada ka Dhanka ah Xuquuqal Insaanka (Human Rights Task Force) iyo Danjiraha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya u fadhiya Xafiiska...
Shirkii Kampala oo la soo gabogabeeyey iyo Madaxweyne Xasan oo Museveni ku ammaanay doorkiisa hoggaamineed ee Soomaaliya
KAMPALA: Madaxda Somalia, Kenya, Ethiopia iyo Uganda oo kulan wada qaatay –
Kulanka Madaxda waddamada Somalia, Kenya, Ethiopia, iyo Uganda ayaa lagu soo qaaday in dowladda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysey dalka, hase yeeshee ay jiraan caqabado fara badan oo u baahan in xal guud oo waara loo helo, kuwaas oo ka mid ah sidii Al-Shabaab loo soo afjari lahaa, sidii ciidadamada Dowladda...
Ra’iisul Wasaaraha oo xalay Saq-dhexe socod kumaray isgoys-yada magaalada Muqdisho
Muqdisho August 4, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay Saq-dii dhexe ee 12:00am saacadda geeska Afrika, waxaa uu socod lug ah ku maray degmooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaana Isgoys-yada Beexaani, Sanca, Fagax, Cali-kamiin, Laba-dhagax, Baar-ubax, Black sea, Al Barako, iyo isgoyska Banaadir, waxaana socdaalkani...
Xukuumadda Ereteriya oo Aqoonsatay Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Xasan Shiikh
In ka badan Labaatan Sano ayaa markii u Horeeyay Xukuumadda Eritireeya waxa ay si Buuxda u aqoonsatay Dawladda Federaalka Soomaaliya.Wakiilk Joogtada ee Xukuumadda Eritereya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa halkaa ka sheegay in Xukuumaddiisu ay Aqoonsatay DawladdaFfederaalka Soomaaliya.
Wakiilka ayaa ugu horenba Qaramada Midoobay ka sheegay in Dalkiisu aqoonsan yahay isla markaana la shaqaynayo Dawladda...
Musaveni oo Dhex Dhexaadinaya Xasan Shiikh iyo Uhuru Kenyatta
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kamala ee dalka Ugandha ayaa sheegaya in Madaxweynaha Uganda Musavini uu u kala dab qaadayo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta kuwaa oo si aad ah isugu qabtay Xaaladda Magaalada Kismaayo. Iyo qaabka Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Amisom ay uga hawl galayaan Soomaaliya kaddib markii Dagaalo dhawaan ka dhacay Kismaayo ay garab siiyeen...
Puntland oo ka soo Horjeestay Heshiiskii Dhex Maray Dawladda Federaalka iyo Shirkadda Atlantic Marine And Offshore Group.
Eng. Siciid Maxamed Raage oo ah Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo la Dagaalanka Burcad Badeedka ee Maamulka Puntland ayaa xafiiskiisa ka soo saaray Warsaxaafadeed si aad uga hadlaya Heshiis dhex maray 30kii Bishii ina soo dhaaftay ee Luuliyo dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhigga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud fiqi iyo Shirkad laga leeyahay dalka Holland oo lagu...
Sidee Bulshadda u Arkaan Shirkada Atlantic Marine And Offshore Group ?
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Heshiis la Saxiixatay Shirkad ilaalisa Xeebaha oo lagu Magacaabo The Atlantic Marine and Offshore Group Taasi oo Fadhigeedu yahay Dalka Holland, Qodobada Heshiiska ay wada gaareen Dowlada Soomaaliya iyo The Atlantic Marine and Offshore Group ayaa inta aan u guda gelin waxa ay Bulshadu ka qabto bal aan eegno Qodobada lagu Heshiiyey
Read More →
Fidrada Sida Loo Bixin Lahaa
Fidrada waajibnimadeeda waxa cadayn u ah –
Ibanu cabaas wuxuu yiri (alaha ka raali noqdo)nabiga CSW wuxuu nagu waajibiyay fidrada wuxuuna yiri waxay daahirinaysaa qofki soomanaa qaladyadi ka dhacay sida hadaladii macna la’aanta ahaa iyo caayda iyo wixii la mid ah –
Read More →
Qaarada Yurub oo kasoo kabaneysa hoos u dhicii dhaqaalaha
Guud ahaan dhaqaalaha wadamada yurub ayaa sanadihii ugu dameeyey ahaa mid aan wanaagsanayn. Wadamo badan ayaa waxaa soo wajahay jahwareer dhaqaale. Waxaa kordhay cadadka dadka aan shaqo haysan, waxaa hoos u dhac ku yimi qiimaha lacagta ee wadamo badan. Waxaa yaraaday wax soo saarkii guud ee wadamo badan. Waxaa meesha ka baxday kalsoonidii ay dadka caadiga ah iyo shirkaduhu ku qabeen in dhaqaaluhu...
Golaha Wasiirada DFS oo Ogolaaday heshiis shirkad lagu magacaabo Bureau Veritas Pre-Inspection, taasoo ka shaqeyn doonto hubinta tayada raashinka dibadda laga keeno iyo weliba daawooyinka
Afhayeenka Xukuumada Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in Golaha Wasiirada DFS “ay fasaxeen heshiiska shirkad lagu magacaabo Bureau Veritas Pre-Inspection, oo ay horay u saxiixday dawladdii KMG aheyd, taasoo ka shaqeyn doonto hubinta tayada raashinka dibadda laga keeno iyo weliba daawooyinka, waxayna shirkaddani ka howlgashaa 120 dal oo caalamka ah, waxaana adeega shirkadani uu...




