MASJID ABUBAKAR AS-SADDIIQ

Mutamarkii 13aad ee Masjidka Abubakar As-Saddique Islamic Center ee Minneapolis, Minnesota: August 30, 31 iyo Sept 1st, 2013

OGAYSIIS: Waxaan ugubishaaraynayaa bulshawaynta Somaliyeed ee ku nool Waqooyiga Amerika in Abubakar As-Saddique Islamic Center iyo Golaha isutaga Culimada Soomaaliyeed ee waqooyiga Amerika ay soo qaban qaabiyeen Mu’tamarkii 13aad ee sanadalaha ahaa oo Hal ku dhigiisu yahay

 يآءَيهاالدينءَآمنوادخلوفي السِّلم كآفة

http://youtu.be/LHD-GelDeQI 

Waxaan ugubishaaraynaynaa bulshawaynta Somaliyeed ee ku nool waqooyiga Amerika iyo nawaaxigeeda khaas ahaan Magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis, St Pual iyo nawaaxigooda in Masjidka Abubakar As-Saddique Islamic Center iyo Golaha isutaga Culimada Soomaaliyeed uu sanadkaan soo qaban qaabiyeen Mu’tamarkii 13aad kaa soo sanadwalba laqabjiray shicaarkiisu yahay

 يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱدۡخُلُواْ فِى ٱلسِّلۡمِ ڪَآفَّةً۬ وَلَا تَتَّبِعُواْ خُطُوَٲتِ ٱلشَّيۡطَـٰنِ‌ۚ إِنَّهُ ۥ لَڪُمۡ عَدُوٌّ۬ مُّبِينٌ۬.

Mu’tamarka ayaa waxaa uu dhicidoonaa Bishan aan ku jirno dhamaadkeeda oo ku beegan August 30, 31 iyo Sept 1st, waana Sadex maalmood oo ah Jimco, Sabti iyo Axad. Mutamarka ayaa waxa uu yeelan doonaa sidii aad horayba uga barateen Barnaamijyo iskugujira Muxaadaroyin Afsomali iyo English ah. Bandhig Quraanka Kariimka ah. Su’aalo iyo Jawaabo, workshops loogu tala galay dhalinyarada-gabdho iyo wiilalba. Iyo Barnaamijgaar ah oo loogu talagalay bulshada Somaliyeed ee ku nool magaalooyinka Mataanaha ah ee Minneapolis, St Pual iyo nawaaxig00da.

Mutamarka waxaa nagala soo qaybgalidoona Culimo waaweyn oo Somali, Arab iyo Maraykan iskugu jirta. Waxaana kamid ah Sh. Moham Idris Ahmed, Sh. Abdirahman Sh. Cumar oo ah Gudoomiyaha Golaha Iskutaga imaamyada ee Waqooyi America, Sh. AhmedNur oo isna ah Imaamka Masjidka weyn ee Magaalada Seatlle, WA ee Masjidka wayn ee Abubakar iyo Sidoo kale Sh. Abdulbary Yahya oo ah Imaamka Masjidka Jaamiul Muslimeen Magaalada Seattle, WA, waxaa sidoo kale imaan doona Culimo badan oo kala ah sidatan.

  • Sh. Abdirizak Hashi (Imamka Masjidka Abubakar As-Sadddique Islamic Center)
  • Sh. Mohamed Abdi Umal ( Live Video Conference )
  • Sh. Mohamud Shibile (Live Video Conference)
  • Sh. Abdullahi Ibrahim
  • Sh. Abdullahi (Abu Fadli) (Masuulka Golaha Isutaga aimada Somaliyeed ee Waqooyiga Amerika)
  • Sh. Ahmed Tajir
  • Sh. Khadar Jama
  • Sh. Nageye Ahmed Nadir
  • Sh. Abdirizaq Sancani
  • Sh. Dr. Waleed Idrees Al-Maneese
  • Qaybta Englsihka
  • Sh Abdulbary Yahye
  • Sh. Siraj Wahaj
  • Sh. Usamah At-Thahabi
  • Sh. Yusuf Abdulle
  • Sh. Mohamed Diini
  • Sh. Mohamed Jabeer

Hadaba Nafteena iyo Ehelkeenaba aan u faa’idayno annagoo ka wada fa’idaysanayna Kulankaan aadka muhiimka u ah iyo culimada Safarka noosoo gashay si ay noogufaa’ideeyaan.


Mohamud Ahmed Guled (Suheyb)
Executive Director
Abubakar As-Saddique Islamic (AAIC)
2824 13th Ave South
Minneapolis, MN 55407
612-871-8600 Ext:3
Cell: 612-423-1176
Fax: 612-436-0259
Email:aaic@abuubakar.org


 

 

 

 

 

 

 

 



 

(C) SomaliTalk.com | Daabacaad: August 14, 2013