Home » Archive Maalinta March 21st, 2013

JOHANNESBURG: Tartan Qur’aanka ah oo ay Ku Tartameen Dumarka

Mar 21, 2013
Waxaa maalintii arbacada oo bisha ahayd 20/03/2013 ka dhacay madaradsada AL BAYAAN ee magaalada JOHANNESBURG dalka koofur afriko tartan Qur’aanka ah oo ay ku tartamaayeen ardayda dhigata qaybta gabdhaha waawayn ee dugsiga.  Read More →

Dalkan Britain iyo isbadalada dhacaya bisha April ee sanadkan

Mar 21, 2013
Bedroom tax: – laga bilaabo April 2013ka waxaa lasoo rogayaa sharci oranaya qof walboo heysta ama reer walboo heysta qolal ka badan baahidooda, in lagu amrayo in ay raadsadaan guri ku filan baahidooda ama qol walbaa oo dheeraad ah laga jarayo lacag. Tusaale ahaan qofkii heysta 2 qol oo ay baahidiisu tahay 1 qol kaliya qolka kale waxaa laga jarayaa todobaadkiiba lacag dhan boqolkiiba 14%. Haddii... 

Soomaaliya: Siyaasadda Geeska Afrika ee Maanta

Mar 21, 2013
Mahad Kooshin – Guud ahaan dalalka dunidu waxay leeyihiin dan ee ma leh saaxiib, asii ay danta daleed qeexayso in dalku uu yagleelo saaxiibbo badan oo joogto ah oo danaha lagu gabraarto. Siyaasaddu na waa wixii suurogal ah oo kula gudboon, ma aha wixii aad lexejeclo u qabto ee waa wixii had iyo goor dantu ku jirto, ayada ayaa waddo kuu jeexda ee adigu waddada uma jeexdid. Isla mar ahaantaas... 

Dawladda Cusub ee Soomaaliya iyo Noocyada Shacabka

Mar 21, 2013
Maqaalkan waxaa igu dhaliyey inaan qoro markaan maqlay dad dhahaya wadaadada siyaasadda galay iyo kuwa dagaalamaya ayaa waxay dadka nacsiinayaan diinta Islaamka. Dadka sidaa dhahaya waxaan u kala soocnayn diinta Islaamka iyo dadka aaminsan. Diinta Islaamka waa diin sax ah oo kheyr kaliya keenta laakiin dadka aaminsan ee muslimiinta waxay isugu jiraan kuwa diinta ku dhaqma ee ka run sheega iyo kuwa... 

Cali Samatar: Halyey Soomaaliyeed

Mar 21, 2013
Waxaa in dhowayd mareegaha Soomaaliyeed ka soo shaacbaxayay eedo iyo aflagaaddooyin aan loo meel dayin oo lagu oogay Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo ku saabsan dad ay waxyeello ka soo gaareen dagaalladii dalka ka qarxay siddeetameeyadii. Jeneraal Cali Samatar waxa uu xubin sare ka ahaa hoggaankii sutiga dalka hayay ‘70dii iyo ‘80dii. Waxa uu hawlo ka soo qabtay Golihii Sare ee Xisbigii Hantiwadaaggii... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...