Home » Warar
Hayadda AVRO oo 160 Ardey oo Bartey Xirfado kala Duwan Gudoonsiisey Shahaadooyin.
Waxaa Hotelka Safari ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku aadaneyd Xiritaanka Tababar Muddo u soo Socdey 160 Dhalinyaro oo isugu jirey Gabdho iyo Wiilal kaasoo soo Bilowdey Bishii Abriil ee Sannadka waxaana Dhalinyaradaas la soo Barey Lix Xirfadood oo kala ah Barashada Harqaanka , Fuundanimo, Fasamayaqaan Dhinaca Alaabta(Faryaamo), Dacatirka Mobile-lada , Cilaan Saarka iyo Qurxinta Timaha...
Warsaxaafadeed: Kulankii golaha Wasiirada oo diirada lagu saaray adeegga Asaasiga ah ee caafimaadka dalka
Muqdisho, October 17, 2013—–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya yaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan diirada lagu saaray qorshaha adeega Caafimaadka ee Aasaasiga ah, heshiis Millateri oo ay kala saxiixdeen dawladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo warbixin...
Baarlamaanka: “waa waxba kama jiraan in aan Ra’isulwasaaraha ku amarnay inuu codka kalsoonida nasoo weydiisto” “DAAWO VIDEO”
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamayaa war been abuur ah oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha qaarkood kaasi oo ku saabsanaa in Gudoonka Baarlamaanka uu u qoray Ra’isulwasaaraha Xukuumadda warqad looga dalbanayo inuu Baarlamaanka soo weydiisto codka kalsoonida.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux)oo saxaafadda la hadlay...
Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo kulan dardargelinta Amniga la qaatay howlwadeenada Amniga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargelinta amniga dalka, waxaana kulankan goob joog ka ahaa mas’uuliyiinta hay’addaha amniga, gaar ahaana Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Taliyeyaasha kala duwan ee ciidanka Qalabka sida, Wasiir kuxigeeno, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir...
Shirkii Madaxda Midowga Afrika oo la soo gabogabeeyey
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya:
Addis Ababa, 12 October 2013 – Shirkii Madaxweynayaasha Midowga Afrika ayaa la soo gabogabeeyey iyadoo go’aanadii ka soo baxey ay ka mid ahaayeen in Madaxda Midowga Afrika ay isku raaceen inaan Madaxweyne ama ku sime madaxweyne aan looga yeeri karin Maxkamadda Denbiyada Caalamiga ah oo lagu xishmeeyo mudada ay kursiga madaxtinimo...
Shirkadda Vavori oo Garoonka Muqdisho kala wareegtey shirkadda SKA
Warsaxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa tsheegay in shirkadda Vavori ay si rasmi ah ay ula wareegtay maamulka iyo socodsiinta howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, taasoo kala wareegtay shirkadda SKA oo horay u maamuli jirtay.”
Warsaxaafadedka oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:
Warsaxaafadeed: Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo kala duwan
Muqdisho, October 10, 2013—-Golaha...
Dawladda Soomaaliya oo soo Dhaweysey Weerarkii uu Mareykanka uu ku qaadey Magaaladda Baraawe
Iyadoo Kulan xasaasi ah ay Xarunta barlamaanka ku yeesheen Guddiga Ammaanka Barlamaanka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kulankaas kaddib waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi.Wasiirka oo Waraysi gaar ah siiyay Saxaafadda isla markaana ka warbixiyay Kulankii ay la yeesheen Guddiga Ammaanka ayaa sheegay in ay isla soo...
Aqoon Isweydaarsi ay si Wadajir u soo Qaban qaabiyeen Machadka Heritage iyo Internews in Somaliia oo looga Doodey Sharciigga Saxaafadda.
Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaaladda Muqdisho lagu qabtey Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Hindise Sharciyeedka Saxaafadda oo Dhawaan ay Ansaxiyeen Golaha Wasiirada , waxaana Doodaan soo qaban qaabiyey Machadka Cilmi Baarista (The Heritage institute For Policy Studies) iyo Hayadda Internews in Soomaaliya waxaana ka qaybgaley Masuuliyiin ka soctey Dowladda Federaalka , Maamuladda Dalka ka jira Qaybaha kala...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegey in Aminidarada ka jirto Muqdisho laga soo Abaabulo qaar ka mid ah Dagmooyinka G/Banaadir.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa ka hadlay Xaaladaha amnidarro ee ka jirta Magaalada Muqdisho. Tarzan ayaa sheegay Qaraxyada iyo Dilalka ka dhaca Gudaha Magaalada Muqdisho in intooda badan laga soo Abaabulo Degmooyinka uu Gobolku ka kooban yahay isla markaana aysan ahayn mid ka yimaada Magaalada Banaankeeda.
Guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa intaa ku daray in haddii...
Axmed Madoobe oo Shir Jaraa’id ku Qabtay Kismaayo oo ku Celiyay Inaysan ka Qayb Galeyn Shirka Muqdisho ee Dib u Heshiisiinta
Hoggaamiyaha ku Meel gaarka Jubba Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada kismaayo, oo dhawaan ka soo laabtay Safaro uu Dibadda ugu maqnaa ayaa ugu horeynba waxaa uu Shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay Wadamadii uu soo maray iyo Jaaliyaddii Jubbooyinka ee uu halkaa kula soo kulmay.
Hoggaamiyaha Maamulka ku meel gaarka Jubba ayaa sheegay in Jaaliyadaha Gobolada...
Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay waxqabadka Xukuumada mudada halka sano
Shirdoon ayaa shir jaraa’id ugu qabtay bahda warfaafinta gudaha iyo dibadda, kadib markii ay u buuxsantay hal sano oo uu hayay xafiiska.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii ku bilaabay khudbadiisan mahad-celin uu u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari. iyo goleyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumada sida dhow isla...
Wasaaradda Difaaca Maraykanka oo Qiratay in ay ka Dambaysey Weerarkii Lagu Qaaday Magaalada Baraawe
iyo Shabaab oo soo Bandhigey Qalab ay ka tegeen Ciidamada Mareykanka iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Xeebaha Italia
Wasaaradda Difaaca Dalka Maraykanka Qoraal ay soo Saareen ayay ku sheegeen in Ciidamo ka tirsan kuwa Badda ee sida gaarka ah u Tababaran in ay Weerar ku qaadeen Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Saraakiil u hadashay Wasaaraddaas ayaa sheegey...
Madaxweyne Xasan “Booliiska waa inuu dishibiliinka adkeeyaa si shacabka kalsooni looga helo”
iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tacsi u diray ehelada Soomaalidii ku geeriyootay Jaziiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga
“Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha, qurbajoogtii Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabanaya dalkooda si ay ug qeyb qaataan dib u dhiska, mana haboonna in xiligan loo haajiro dalal kale” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Ethiopia oo Sheegey in ay weli jirto Cabsi Gobolka ah oo ku Aadan Xarakadda Alshabaab.
Haile Mariam Deselegn oo ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka Warbixiyay Ammaanka Gobolkan Geeska Afrika. Ra’iisul Wasaaraha ayaa farta ku fiiqay in Gobolka weli ay ka jirto Cabsi laga qabo Dagaalyahanada Xarakada Shabaab kuwaasoo uu sheegay in dhawaan Duulaan ay ku qaadeen Gudaha Magaalada Nairobi ee Dalka kenya.
Read More →
Golaha Wasiirada oo Ogolaaday Heshiiskii ay Dawladda Federaalku la gashay shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas
“Golaha Wasiirada ay ogolaadeen heshiis shidaal Sahmin ah oo ay Wasaaradda Kheyraadka dalka la gashay shirkad lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration, taasoo sahmin ku sameyn doonta qeybo ka mid ah badda iyo berriga oo baaxadiisu dhan tahay 60’000 oo KM Square.”
Read More →
Daladda Waxbarashada SAFE oo u Qaybisey 25 Kun oo Buugaag Cilmiyo kala Duwan Dugsiyo Gaaraya ilaa 81 Dugsi
Waxaa Hotelka Ambasadoor ee Magaaladda Muqdisho ka dhacdey Munaaabada si heer Sare ah loo soo Agaasimey taasoo ku saabsaneyn Qaybinta Buug Cilmi ah oo gaaraya ilaa 25 Kun oo Buugaag ah , waxaana Manaasabadaan soo Agaasimey Dalladda Waxbarashada Ahliga ee SAFE oo iyadu ahayd Daladii Buugaagta soo gaarsiiyey Dalka ka dib markii Buugaagtaan ugu Deeqdey Hayad fadhigeedu yahay Cariga Mareykanka oo lagu...
Bayaanka & fatwada gunaanadka nadwo sanadeedda 6aad ee magaalada Garoowe 2013
Kulancilmiyeedka oo muddo lix cisho ah ka socday masjidka weyn ee Alhudaa ee magaalada
Garoowe waxaa ka qaybqaatay qaar ka mida culimada magaalada iyo culimo ka timid
magaalooyinka kale ee dalka. Intii kulan-cilmiyeedku socday culimadu waxay muxaadarooyin
kala duwan ka jeediyeen goobaha waxbarashada sida jaamacadaha, macaahidda sharciga ah iyo
dugsiyada sare ee magaalada, iyagoo culimadu siiyay muxaadaraat...
Boliiska Gobolka Hiiraan oo Baaritaan ku Haya Aabbe Afar Caruur oo Wiilal ah oo uu Dhaley ku Gowracay Deegaan ku Dhow Magaalada Beled Weyne.
Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ka Warbixiyay Aabbe Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cumar Shire Xuseen oo Afar Caruur ah oo uu Dhalay Maalintii Shalay ku Bireeyay Degaan Magaalada Beled Weyne u jira illaa Soddon Kiilo Mitir oo lagu Magacaabo Gal Xamur
Col Isaaq ayaa ugu horeynba Xaqiijiyay...
Maamulka ku Meel Gaarka Jubba iyo Dowladda Federaalka oo mar kale uu Khilaaf soo kala Dhex galey.
Afhayeenka Maamulka ku Meel gaarka ee Jubba Cabdinasir Seeraar oo la Hadlayey Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in uusan Maamulkooda marnaba ka qayb galayn Shirka la sheegey in Shanta Bishaan uu ka Dhacayo Magaalada Muqdisho.
Seeraar ayaa Shirkaas ku sheegay mid aan Waafaqsanayn Heshiiskii Bishii hore lagu soo kala saxiixday Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata...
Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhoweeyey Muqdisho
Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka Aadan-cadde International ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa safarkiisii ugu horeeyey ku gaaray magaalada Genève ee dalka Switzerland halkaasoo uu uga qeybgalay shirka horumarinta...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay gudoomiyaha gobolka Istanbul iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkey
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulamo kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga, jaaliyadda Soomaalida, gudoomiyaha gobolka Istanbul Mudane Huseyin Avni Mulu iyo ganacsato u dhashay dalka Turkiga.
Read More →
Waxqabadka Saddexda Kooxo Howleed ee Dallada SOSCENSA oo Kulan isugu yimid
Waxaa maanta Hotelka CITY PALACE ee Magaaladda Muqdisho Kulan isugu yimid Xubnaha Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya (SOSCENSA) , waxaana Goobjoog ka ahaa Doodaas Xubno ka socdey Wasaaradda Arrimaha Dibadda , Xildhibaano iyo Wasaaradda Garsoorka ee Dowladda Federaalka ,waxaana Dood laga yeeshey Qodobadii loo direy Saddexda Kooxo Howleed ee Dallada SOSCENSA. (Three Thematic...
Kulan ay yeesheen Aqoonyahanada ku xeel dheer Badda Soomaaliya oo sheegey in Badda Soomaaliya lagu soo Duuley.
Hotelka Kuwait Plaza ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50-Aqoonyahanada Badda Soomaaliya, kulankaasi oo ujeedadiisu ahayd isbarasho, is Wareysi iyo Aqoon isweydaarsi. Aqoonyahanada Badda Soomaaliya ee kulanka ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa khubarro, Xeel dheerayaal, Madax iyo Badmaaxiin dhinaca Badaha horay uga soo shaqeeyay, waxaana ka...
Khilaaf Xoogan oo ku saabsan Heshiiskii Adis-Ababa iyo Tagistii Baydhabo Jawaari oo u Dhaxeeya Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka
27 Bishii Agoosto ee Sannadkaan ayaa Magaaladda Adis-Abab waxaa Heshiis ku kala Saxiixey Maamulkii Axmed Madoobe iyo Dowladda Fedeeraalka taasoo Dowladu Sheegtey in lagu soo Afjareyo Colaad Muddo ka taagneyd Magaaladda Kismaayo , hase yeeshee Heshiiskaa waxaa markiiba ka Hor yimid inta badan Beelaha Degga Gobolada Jubooyinka iyagoo Sheegey in Heshiiskaas uu ahaa mid aan lagala tashan Dadka Deegaanka...
Muqdisho: Agaasimihii hore ee Telefishanka Somalisat Yaasiin Faytin oo ka Badbaaday isku Day Dil
Agaasimihii hore ee Telefishanka Somalisat Yaasiin Maxamed Cali (Yaasiin Feytin) ayaa xalay ka Badbaaday isku Day Dil, kaddib markii ay soo Weerareen Kooxo ku hubeysan Qoryaha AK-47 loo yaqaano xilli uu ku sii jeeday hoygiisa, xilligaas oo ahayd abaara 8:00 PM Xilliga Muqdisho.
Kooxaha Hubeysan oo ku sugnaa Xaafadda Buulo Xuubeey ee Degmada Wadajir ayaa meel Waddo ah uga hor yimid Gaari uu watay Yaasiin...




