Home » Qoraallada Halkudhegga "cabdishire"

DHAMBAAL- Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed – Qaybta 6aad

Apr 17, 2011
Marka cidi ay meel muddo deganaato, ayna u baahato in ay meesha ka guurto; waxaa inta aan reeraha la rarin la diraa sahan soo eegga degaanka maanka lagu hayo. Sida badan waxaa sahanku ka koobmaa ugu yaraan laba qof. Dadka sahanka loo dirayo, waxaa lagu xushaa aqoonta ay u leeyihiin deegaanka; taas oo laga rabo in ay qiimeeyaan carshinta halkaas ka jirta iyo sida degaanku u yahay dalsan ay duunyadu... 
Halkudheg:

DHAMBAAL: Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed

Apr 9, 2011
Qaybta 5aad “Qabriga oo aan galaa ka roon qaabka aan nahay; qummaati u kaca oo toosa, Soomaaliyey waa qalibanteene,” waa tuduc ka mid ah heesta Qaylo-dhaan ee uu tiriyay Cabdi Shire (cayaar-jecel), ayna wadar ahaan ugu luuqayso kooxda Qaylo-dhaan. Lo’da duurjoogta ah ee lagu magacaabo lo’-gisi, waxay sida badan u wada socotaa kadimmo tiradoodu u dhaxayso 40-500 oo sac. Lo’dani inta ay wada... 
Halkudheg:

DHAMBAAL – Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed – Qaybta 4aad

Apr 4, 2011
Markii sanadkii 1990kii dagaalka sokeeye uu gebi ahaan ka holcay dalkeena, ayna dawladdii dhexe sidaas ku duntay; waxaan ahaa dibolomaasi madax ka ah Safaaradda Soomaaliya ee Tehraan, Iran. Marka aan tago casuumadaha iyo xafladaha oo sida badan lagu martiqaado, ayna isku arkaan dibolomaasiyiinta dalka ku sugan; waxaan aad uga naxi jiray in la i weyddiiyo, ‘xaaladda Soomaaliya ka waran!’. Waxaa... 
Halkudheg:

DHAMBAAL – Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed | Qaybta 3aad

Mar 29, 2011
Geela marka uu dido, lama hor istaago, lagamana haro. Haddii aad hor istaagto oo aad isku daydo in aad celiso, waa uu kugu tumanayaa; waxaana dhici karta in uu halkaas kugu dilo, isna uu sii dido oo uu cararka aad ugu sii fogaado. Sida ugu fiican oo Soomaalida oo geel-dhaqashada aad u taqaan, ay arrintan ku maarayso; waxaa weeye, in marka hore la hubiyo waxa geellu ka diday, lana aqoonsado jiritaankeeda... 
Halkudheg:

DHAMBAAL – Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed -Qaybta 2aad

Mar 21, 2011
  Mar haddii ay noo caddahay in waddada nala-ku-wado aysan ahayn mid ceel ina geynaysa, balse ay tahay mid cid la’ ku dhammaanaysa; mar haddii ay noo muuqato in maalinba maalinta ka dambaysa ay xaaladda dalkeenu tahay mid ka sii daraysa oo dawyo dhaadheer ka sii dhacaysa; aanan ogsoonahay in aan cidina wax noogu maqnayn, waxna noo soo wadin; maxaa inala gudboon?  Ma daawadayaal baynu sii ahaanaynaa... 
Halkudheg:

DHAMBAAL Ku: Aqoonyahanka Soomaaliyeed Qaybta 1aad: Qore Cabdi Shire Warsame

Mar 15, 2011
Walaalayaal, saaxiibayaal, ‘Asalaaamu calaykum waraxmatulaahi wa-barakaatuhu.’ Marka dawanka teleefonkaagu uu dhawaaqo oo halowdaada kaddib, hadalka dhagahaaga ku dhaca uu noqdo hooyadaa waa naf-ka-dhawr; sidii aad ugu dheg-raaracin lahayd oo aad u dhageysan lahayd, ugu soo dhawow dhambaalkan. Marka reer cusub uu dhismo oo ay isguursadaan laba gayaan ah; waxaa loogu duceeyaa, “ilaahay ha idin... 
Halkudheg:
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...