"QUL WAXAAD DHAHDAA NEBI
MAXAMEDOOW(SCW) DUMARKA QOYSKAAGA IYO KUWA QARAABADA KALE AH
EE ADIGA QAYRKAAYA QAATOO XIJAABADA XIRTOO QARIYA JIIRKIINA:
waxaa waayahaan dambe soo
ifbaxaysa naceybka iyo cadaadiska ay gaalada iyo gaalo
raacyadu ku hayaan diinta Islaamka, taasi waxay horseeday in
waxkasta oo waanaag ah loo rogo shirki ay gaalo soo
dhooba-dhoobaysay.
Hadaba waxaa
Somalitalk.com la soo xiriiray Abwaan Maxamuud Warsame
Faarax oo ah abwaan caan ah kuna nool Gobolada Puntland.
Abwaanku wuxuu soo
bandhigay erayo/xarfo (Terms) uu leeyahay dhegahayga bay ku
cusub yihiin waxaana ka duulaya gaalada si loo marin
habaabiyo Islaamka iyo ciddii u nugul in ay dhegaystaanba
waxa ay u mariyaan gaaladu.
Erayadaan oo Af-Soomaali ku
qornaa ayaan sidaan u turjunay:-
" Abwaanku wuxuu yiri,
waxaan saxaafada ka maqlaa erayadaan soo socda:-
Democracy, War on
Terrorism, Fundamentalism, Al-Qaeda Network, Political
changes and Dictatorship, Technology, Information
Technology(IT) Globalisation, Human Rights, such as Women
Rights and Child Rights, Expression of Speech to abuse our
Prophet Mohamed(NNKH), Intercultural communication, Gender
Balance, Equal Employment Opportunity, Minority and Majority
Groups, moderate , Workshops and Seminars, Developed
Countries and Developing countries , G8 or Group Eight, veto
Powers, Veto, Nuclear Power oo looga soo duulo wadamada
Islaamka ah , iyagoo aan haysana dusha looga tuuro si loo
wareeraro(Coalition Attacks), iyo Kuwa kale oo aad u fara
badan, marka waxaa iga yaabiyey erayadaan oo saxaafada aad
ugu badan.
Waxaan arrintaan uga socday
inagu hadaynu nahay Muslim miyeynaan samaysan karin erayo
diinteena iyo dhaqankeena ku haboon oo aan kaga hortagno
kuwa Gaalada.
Hadda, waa la inoo bareeray
waxaana lagu adeeganayaa Gaalo Raacayaal damiir laawayaal ah
oo dadkoodii iyo diintoodii iyo dalkoodiiba siistay
shilimaan lacag ah iyo kursi xun oo ay habeenkasta ku
seexdaan booyoow berri nabad ma ku fariisan doontaa ama
beryo ma kugu simi karaa inta magacaaga si fiican looga wada
maqlaayo Aduunka oo dhan.
Abwaan. Maxamuud Warsame
Faarax, wuxuu sharaxaad ka bixinayaa tixda gabayga ah ee aan
cinwaanka uga dhignay sheekadaan.
MWF: Walaal, waxay u taagan
tahay ninkii garanaya baa garanayee aayad quraan ah oo la
turjumay weeye, waayo xijaabku waa waajib, tixdaana waxaan
ka soo xigtay nin iiga cilmi roon diinta Islaamka balse ana
aan ku biirin karo dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah.
Abwaanku wuxuu la
dardaarmayaa dumarka Islaamka ah gaar ahaan gabdhaha
Soomaaliyeed, hada waxaan maqlayey Muqdisho oo gabdhaha
xijaabka laga fiiqayo, marka waxaan leeyahay sharciga ku
dhinta waa waajib xijaabku waxba yaan lagu marmarsiyoon wey
indho dadnaayeen.
MWF: (Maxamuud Warsame
Faarax), walaal, waxaan leeyahay meelkasta oo ay joogaan ku
dhinta diintiina cid kale oo wax idin yeeli kartaa ma jirto
Eebe mooyaane, Allaah ayaa xaqa idin ku hiilinaya, waxaa
gaar ahaan leeyahay Soomaalida, walalaalayaal, laaca
aragtaye laaga ma ogtahay , aragtay sida ay u dhaqmayaan
gabdhaha gaalada ah ee aad iska dhigdhigaysaane waxa ka
dameeya ma ogtihiin, wale idinkaa Muslim ah oo qaali ah
hadadaan ee is daba qabta, maahan oo kaliya dumarka ee xataa
ragga waan u soo jeedinayaa.
Abwaanku wuxuu sidoo kale
yiri, war iminka dhalinyaradii waxaa ku dhacay dhaqan dooris
,balse waxaa yaab badan kuwii dibada laga soo celinayey ee
dalka lagu dhaqan celinayey waxay u yimaadeen kuwa iyana u
baahan dhaqan celis aana la garaneyn meel lagu dhaqan celiyo
, anigu ma sheegin miyiga, yeelina maayaan, waxaa yaab ah,
hadaad u sheegtid wanaaga, waxay ku leeyihiin(Xor baan ahay,
waxaa la gaaray horumar).
Khadro Daahir Cige oo la
hadlaysa dadka qurbaha jooga waxay tiri; qofkii dhega qaboow
maqal dalku waa dalkaagii, waa kaad ku dhalateen , waa kaad
ku dhisateen waa kaad ku dhaqanteen waa kaad ku dhimateen,
balse Khadro maxay oran lahayd kuwa dalka laftigiisa jooga
ee dhaqan doorisku ku dhacay, Xabada Gumeystaha iyo Faqriga
iyo Cuduradu isugu darsameen???.
Isku soo wada duuboo
Abwaan. Maxamuud Warsame Faarax ayaa ugu baaqay umadda
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in ay Ilaahay ka
cabsadaan.
Maxamuud Cumar Bille
Somalitalk, Garoowe-Puntland
mcbille@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2007


|