SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


Puntland maku Tusaale Qaadan Doontaa Khiyaamadii Ku Dhacday Somaliland iyo Ra'iisul Wasaare Geedi
Khiyaamadii uu dhigay Gabgablihii Batroolka ee Faraska Waalan Cayrinayey!!!

  • SomaliTalk.com | Sept 13, 2005
Sida ay Labo Nin u Khiyaameen Madaxda Somaliland, Puntland iyo Ra'iisul Wasaaraha DFKMG
  • December 2002: Hargeysa waxaa yimid nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah oo sheeganayey in uu leeyahay shirkad weyn oo baarta Batroolka, waxana uu heshiis la saxiixday madaxda Somaliland. Ninka reer Norway shirkada waxa uu ku soo asaasay London oo uu shirko kula soo galay Nin Hindi ah.
  • May 2005: Sheekadii Hargeysa, sida aad hoos ku arki doontid, markii ay socon weydey ninkii Reer Norway waxa uu ku laabtay dalkiisii, laakiin waxaa uu halkaas kula kulmay nin Soomaali ah, kaas oo kusii xiriiriyey Ra'iisul wasaare Geedi, markiiba Meier iyo ninkii Soomaaliyeed waxa ay u safreer Nairobi, halkaas oo ay kula kulmeen Geedi, isla markiina ninkaas waxa uu Geeddi u magacaabay lataliyihiisa Gaarka ah ee xagga Baaritaanka Shiidaalka, Ninkii Soomaaliyeedna Qunsulka Soomaalida ee Norway.
  • June 2005: Waxaa Boosaaso yimid nin lagu magcaabo Terry oo reer Australia ah oo markii hore shegtay hay'ad samafal, markii dambena u xuub siibtey in ay sheegato shirkad weyn oo batroolka baarata, sidaasna Heshiis kula saxiixday madaxda Puntland.
  • August 26, 2005: Waxaa maxkamad ku taal Norway la soo taagey Meier kaddib markii lagu qabtay khiyaamo weyn oo lacaageed, iyo been abuur shirkado aan jirin. Ninkii Soomaaliyeed isaguna markiiba waxa uu yiri shaqo kuma lihi arimaha ninkaas reer Norway, welise waxa uu sheeganayaa Qunsul Soomaaliyeed.

Haddaba si aad uga bogatid sida arrimuhu u dhaceen, akhri qoraal ay qortay jariidad ka soo baxda dalka Norway oo magaceeda la yiraahdo Dagens Naeringsliv

  • Jariidadii oo ku qoran Af-Noorwiijiyaan [Eeg halkan].  Tarjumaad Af-Ingiriis Jacbur ah oo Computerku tarjumey Ka Eeg Halkan. Qoraalka Af-Soomaali ahna hoos ka akhri.
Meier.jpg
"Gabgablihi Shidaalka ee Faraska Waalan Toocinayay"

Gabgablihii Batroolka ee Faraska Waalan Cayrinayey!!!

Xigasho: Jariidada Dagens Naeringsliv, SL Times & Hatuf::::

December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow).

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

Booliiska dalka Norway ayaa xabsiga u taxaabay nin lagu magcaabo Magne Andreas Meier, waxana ninkaas maxkamad lasoo taagey August 26, 2005 kaddib markii lagu eedeeyey khiyaamo lacageed.

Sida ay qortay Jariidada wax ka qorta arrimaha Ganacsiga Norway oo magaceeda la yiraahdo Dagens Naeringsliv oo kusoo baxda Afka Noorwijiyaanka [Dagens Næringsliv], ninkan lagu magcaabo Meier waxaa lagu soo eedeeyey in uu sameeyey ganacsi been abuur ah oo ay ka mid tahay shirkad macmal ah oo magaceeda la yiraahdo "Inverse International Ltd", shirkadaas oo uu ku sheegay in ay baareyso Saliida Ceeriin ama shiidaalka (Oil Exploration).

Isaga oo sheeganaya nin leh ganacsi shirkadaha Batroolka baara ayaa Meier waxa uu khiyaano u maleegey dhawr hoggaamiya Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Ra'iisul wasaaraha Dawlada Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.

Meier waxa uu Somaliland booqday bishii December 2002. Waxaa la socdey nin kale oo khiyamada kula jirey oo magaciisa la yiraahdo Rakesh Rajan kaas oo ah reer London, UK oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Hindiya. Labadaas nin waxay heshiis ku saabsan baaritaan batroolka Somaliland la saxiixdeen wasiirkii Xilligaas qaabilsanaa Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow). Kaddib Meier iyo Rajan waxa ay la kulmeen madaxweyne Rayaale.


Kulankii Hargeysa ku dhex maray: Daahir Rayaale Kaahin iyo Mr. Meier (Reer Norway) & mr. Rajan (Hindi reer London ah)
[Dagens Næringsliv] | Dec 14, 2002

Ninkani ka hor intii uusanba usoo qalab qaadan dhanka Soomaalida, Sida ay qortay jariidada Dagens Naeringsliv caddakeedii Febraayo 1, 2001, Mr. Meier waxa uu isku deyey in uu iibiyo saamiyo (Shares) shirkad uu ugu magagac daray "Sudaco" isagoo ku andacoonayey in ay tahay shirkad reer Suudaan ah oo laga dhigayo shirkad gaar loo leeyahay (privaati). Khiyaamadaasi waa u socon weydey, si degdeg ah ayeyna uga fashilantay. Waxa kale oo uu ninkani holliyey dalal kale oo Afrikaan ah.

Haddaba ninka reer Norway, Mr. Meier, intii uusan Hargesya inam, isla Bishii December 2002 ayuu tegey magaalada London ee dalka Ingiriiska, si uu u asaaso shirkad uu u bixiyey "Inverse International Ltd", waxana uu kula shirkoobey ninka Hindiga ah, Rakesh Rajan, waxaana cinwaankii shirkada laga dhigay guriga uu deggan yahay Mr. Rajan oo ku yaal Clarendons Gardens ee London, UK. Lacagta shirkadaas lagu asaasayna waxay ahayd boqol Pound (£100) oo keliya.

Shirkadaas weeye tan heshiiska la gashay wasiirkii Somaliland ee Biyaha iyo Khayraadka Dabiiciga ah, Maxamed Cabi Faarax "Malow". Waxana uu wasiirku xilligaas shaaca ka qaaday in ay markii hore imaan jireen dad dullaaliin ah laakiin uu hadda heshiis la galay shirkad caalami ah oo adduunka oo dhan shidaal ka soo saarta, isagoo ka hadlayey shirkada Mr. Meier uu garwadeenka ka yahay ee Inverse International Ltd.

Shirkadaas waxaa loo asaasay si loo helo saxiix xaq u siinaya in ay keligood (Meier & Rajan) soo saari karaan shiidaalka ku jira Afrika. Saxiixaas ay ka helaan madaxda Afrika ayeyna u suug geyn lahaayeen shirkado kale si ay uga iibsadaan saamiyo.

Labadii nin waxay London ku laabteen iyaga oo wata saxiixii Wasiirka Biyaha iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee ruqsada u siinayey in ay baari karaan Batroolka Somaliland. Laakiin waxay waayeen cid ka iibsata saamiyo. Arrintaasi waxay sababtay in madaxdii Somaliland markii ay lacagtii ay ka sugayeen Mr. Meier ka waayeeen ay baabi'iyeen ama waxba kama jiraan ka soo qaadeen heshiiskii.

Ninkii Mr. Meier oo talo kajaah wareertay ayaa ku laabtay magaalada Oslo ee dalka Norway. Waxaase mar kale calankiisii soo laabtay kaddib markii uu la kulmay nin Soomaali ah oo magaciisa la yiraahdo Abdirahman Leeban (C/Raxmaan Liibaan) oo ah reer Oslo. C/Raxmaan waxa uu dalka Norway deganaa muddo 10 sano ah.

C/Raxman Liibaan waxa uu ku fekerayey in dadka Soomaaliyeed ee deggan Norway oo tiradoodu dhantahay 17,000 in ay yeeshaan Qusuliyad. Waxayna u muqatay in uu arrintaas meel dhow ka helayo kaddib markii Mr. Meier uu beentiisii isagoo afuufaya C/Raxmaan ka dhaadhiciyey in uu yahay nin awood sare ku leh dalka Norway, isla mar ahaantaasna hayta xuquuqda shatiyada shidaalka lagu baaro. Waxaana uu si gaar ah u xusay in uu haysto ruqsada shidaal qodista ee Somaliland. Sidoo kale in uu Liibaan cabsiiyey in uu awood ku leeyahay shidaalka Suudaan, oo uu la taliyo dawlada Pakistan iyo safaarada Polish-ka ee Norway. Waxa kale uu sheegay in uu ka caawinayo sidii Qunsuliyad Soomaaliyeed looga furi lahaa Norway, taasna uu isagu ka caawin doono sidii uu ugu raadin lahaa aqoonsi iyo xafiis uu Norway ku yeesho C/Raxmaan Liibaan.



Qunsulka Soomaaliya u Fadhiya Norway, C/Raxman Liibaan, ee uu magacaabay Geedi  kaddib kulankii Geedi iyo mr. Meier.
Sawirka:  Dagens Naeringsliv

Durbadiiba Mr. Meier iyo C/Raxmaan Liibaan waxay u duuleen dalka Kenya si ay magaalada Nairobi ugula kulmaan Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo 52-jir ah, waa sida wargeyska Dagens Naeringsliv uu hadalka u dhigaye, Cali Maxamed Geedi. Bishii May 2005 ayaa safarkaasi ahaa. Markii ay la kulmeen Ra'iisul wasaarihu markiiba waxa uu Ninkii reer Norway u magacaabay lataliyihiisa gaarka ah ee xagga soo saarista Shiidaalka. C/Raxmaan Liibaan isaga waxaa durbadiiba laga dhigay Qunsulka Soomaaliya ee Norway.

Iyagoo faraxsan ayey labadii nin (Meier & C/Raxmaan) ku laabteen Norway. Intiiba ka dhaqso badane Mr. Meier waxa uu dabacday kaarar ay ku qorn yihiin in uu yahay "Lataliyha Gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya dalka Norway."

C/Raxaam Liibaan isaga markii ay Norway tageen oo ay la kulmeen wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dalka Norway waxa loo sheegay in arrimaha Norway ee ku aadan Soomaaliya ay yihiin "bal u yare kaadiya oo suga sida ay Soomaaliya noqoto". Laakiin C/Raxmaan Liibaan isagu waxa uu sheeganayaa in uu yahay qunsulkii Soomaaliya, waxaana xafiis siiyey Meier.

Meier isaga meel ayaa u cad'e, markiiba waxa uu guda galay hawshiisii, waxaana dhacday in bishii August ee sannadkan 2005 xabsiga loo taxaabay ka dib markii boolisku ku qabtay been abuur jeegag macmal ah uu uu rabey in uu sarrifto (381,758 Euro). Waxaana maxkamad lasoo taagey August 26, 2005. Waxaana Jariidada Dagens Naeringsliv ay warkaas dheer qortay caddadkeedii August 27, 2005 oo kusoo baxa Afka Norway.  Jariidadii oo ku qoran Af-Noorwiijiyaan [Eeg halkan].  (Qoraalka wargeyska oo Ingiriis Jacbur ah lagu tarjumey Ka Eeg Halkan). ###

Dib haddii loo jalleeco heshiiskii Somaliland iyo ninka lagu magacabo Meier: ugu horayntii markii ay warbaahintu ka hadashay in ninkani waxa uu wato ay yihiin been, madaxdii Somaliland aad ayey ugu adkaysteen heshiiskaasi in uu yahay mid barwaaqo ka dhigi doona dhulka, yahayna heshiis taabo gal ah oo ay la galeen rag xirfad leh. Wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Maxamed Cabid Faarax (Malow) ayaa ahaa kii aadka ugu adkaysanayey in shirkada uu heshiiska la saxiixday ahayd tii ugu wanaagsanaa ee lala galo shirkad shisheeya. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu u muuqdey mid taabacsan arrintaas lagu khiyaameyey maamulka uu madaxda ka yahay. Ilaa ay markii dambe arkeen in aan waxba faraha ugu jirin.

Sheekada Somaliland Sidey ugu Egtahay Tan hadda k ajirta Puntland...


Shirkada Digaaga iyo shidaalka ee Boosaaso, Soomaaliya

Sida akhristayaashu la socdaan waxaa ilaa bishii June 2005 Puntland ka hawl galayey nin magaciisa la yiraahdo Terry Donnelly oo reer Australia ah, ninkaas oo markii hore Puntland ku yimid in uu ka socdey hay'ad samafal ah oo magaceeda uu ku sheegay "Kids In Need", laakiin wax yar ka dib uu calankiisii cirka isku shareeray kaddib markii uu la soo baxay war ah in uu yahay nin leh shirkad weyn oo shiidaaalka soo saarta, ilaa ay heshiis la saxiixdeen madaxda Puntland.

Haddaba marka arrinta Puntland loo barbar dhigo tii ka dhacday Somaliland, waxaa loo qori karaa sidan: Meier (Somaliland) waxaa u dhigma Terry (Puntland). Rajan (Somaliland) waxaa u dhigma Mr. Black (Puntland). Shirkada lagu sameeyey London ee Inverse International Ltd (Somaliland) waxa ay u dhiganta shirkada lagu sameeyey Dubai ee Consort (Puntland). Hadalada Wasiirka Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Maxamed Cabdi Faarax "Malow" (Somaliland) waxa ay u dhigmaan hadaladii Maxamed Cali Yuusuf "Gaagaab" (Puntland). Daahir Rayaale Kaahin (Somaliland) waxaa u dhigmaa Cadde Muuse (Puntland). C/Raxmaan Liibaan oo deggan Norway (Somaliland) waxaa u dhigma Abdulahi Bashir oo deggan dalka Giriigga (Puntland). - Waxaa laga yaabaa in aad is weydiisid, waa kuma :C/Lahi Bashiir - Waxaa dhacday markii uu Terry u soo qalab qaadanayey Puntland in ay dhacad arrin qoraa reer Australia uu ku tilmamay afduub website, oo lagu diiwaan geliyey magac qof la yiri waxa uu deggan yahay Muqdisho oo magaciisa lagu sheegay Eli Matelosa. Qoraaga baaritaanka sameyey ayaa wacay ninkii layiri waxa uu deggan yahay Muqdisho, markaas ayaa telefoonkii waxaa ka jawaabey Terry. Markii la weydiiyey sida arrintani ku dhacday waxa uu yiri websitekaas shaqo kuma lihi, isagoo yiri waana weydiisanayaa in magacayga iyo magaca shirkadayda laga baa'biyo. Markiiba waxaa dhacday in websitekii lagu qoray nin magaciisa lagu sheegay C/Laahi Bashiir oo la yiri waxa uu deggan yahay dalka Giriigi. Markii la baarayna meel uu ku sugan yahay waa la waayey, sida qoraagaasi caddeeyey.


Haamaha Sunta: Waa kuwaa...
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya xilligii ay ku jirtey qaxa iyo dagaalka sokeeye, waxaa cad in lagu aasay sunta halista ah. Waxaana tusaale kuugu filan qoraaladi 1997 / 1998 ay qortay Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana, jariidadaas oo daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss),  Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nur Elmy Osman. Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons. (Cilmi baaris ku aasan sunta Soomaaliya ku aasan waxaad ka heli kartaa www.somalitalk.com/sun).

Laakiin, waxaa hadda muuqata in Soomaalidu soo fahmayaan khiyaamooyinkii loo maleegayey. Waxaana arrintaas daliil u ah sidey u fashilantay arrintii HAFZA - October 23, 2004: Waxaa heshiis kala saxiixaday shirkada magaceedu yahay HAFZA iyo Puntland, waxaana heshiiskaas Puntland u saxiixay Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Gaadiidka iyo khayraadka dabiiciga ah, Axmed Maxamed Cigaal. Saxiixaas waxaa ka horeeyey wareegto ka soo baxday December 23, 2004 madaxweynihii Puntland, Maxamed Cabdi Xaashi, oo awood u siinaysaa in Wasiirku hewshiiskaas la geli karo shirkadaas. Sidoo kale waxaa wasiirka awooda uu heshiiskaas ku geli karo siiyey Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo warqada ogolaanshaha heshiiskaas saxiixan October 17keedii 2004 xilligaa soo uu ku jirey tartankii Madaxweynaha Soomaaliya. Heshiiskaas oo ahaa in shirkadaas lagu wareejiyo Xaafuun muddo 99 sano ah (Qarni). Heshiiskaasi waa socon waayey markii Soomaalidu ku baraarugeen. ###

Akhri qisadan ka dhacday Hargeysa 2002: Shirkaddii shidaalka la saxeexatay wasaaradda macadanta.

Faafin: SomaliTalk.com |Sept 13, 2005


Hoos ka akhri Warbaahinta hargeysa Waxyaabihii ay ka Qoreen Shirkadaha Shiidaalka Somaliland ka baaraya:


Wargeyska Haatuf oo ka soo Baxa Hargeysa waxa uu qoray

Magne Adreas Meier: Gabgablihii Saliidda Shidaalka Ee Faraska Waallan Toocinayay

Monday, 05 September 2005

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sheeko dheer oo ku saabsan nin maafiyo ah oo magaciisa la yidhaahdo Magne Andreas Meier una dhashay dalka Norway, ninkaas oo Xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo hoggaamiye-yaal kale o Afrikaan ahba isaga dhigay nin taajir weyn ah oo leh shirkado Batroolka qodda, habkaas oo uu ku khiyaameeyay dawlado kuwa saboolka ah iyo Bankiyo iyo shirkado ku yaalla qaradda Yurub.

Mr. Magne Andreas Meier oo Xukuumadda Daahir Rayaale bishii December 2002 la saxeexatay heshiis ku saabsan in Somaliland laga baadho lagana qodo saliidda shidalka, waqtigaas oo wargeyska Somaliland Times cadadkiisii oo baxay 28-kii December 2002 uu war heshiiskan ku saabsan ka qoray oo uu xukuumadda uga digay in shirkadda Mr. Meier ay tahay mid faalso ah, iyadoo wargeysku xog baadhis uu ku sameeyay shirkadda Mr. Meier sheegtay in magaceeda la yidhaahdo Inverse International ku ogaaday inay tahay wax macmal ah oo waxaanay ahayn sheeganaya.

Waqtigaas oo Maxamed Cabdi Faarax (Malow) ahaa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland isaga oo afka xukuumadda ku hadlaya wuxuu aad u difaacay shirkadda Inverse International, isla markaana wuxuu warkii Wargeyska Somaliland Times ka qorayna ku sheegay mid aan sal iyo rad toona lahayn.

Haddaba ninkii shirkaddaa Inverse International sheeganayay oo ahaa Mr. Magne Andreas Meier ayaa dhowaan loo taxaabay xabsi ku yaalla caasimadda dalka Norway ee Oslo, waxaana lagu soo oogay fal dambiyadeed ku saabsan amuuro maaliyadeed oo shirkado been abuur ah uu lacago kaga dhacay dad u dhashay dalka Norway oo uu dawladda lafeeda ku jiray.

Wargeyska Dagnes Naeringliv oo ah ka ugu ballaadhan ee gorfeeya arimaha Ganacsiga Yurub, kaas oo ku soo baxa afka lagaga hadlo dalka Norway, ayaa 27-kii bishan boggisa hore far waaweyn ku soo bandhigay maqaal dheeroo ku saabsan ninkan la xidhay iyo khiyaamooyinkii uu ku cawaray wadamo ay Somaliland ku jirto. Wargeysku wuxuu boggiisa hore aad ugu ballaadhiyay taswiir weyn oo uu Madaxweyne Raayale isaga oo jooga xafiiskiisa ku soo dhaweynayo, isaga u qaba inuu Meier yahay maal qabeen rasmi ah.

Haddaba mawduuca Wargeysku qoray oo ad u dheeraa, isla markaana ku qornaa af Norweyjiyaanka oo aanu idin soo turjumnay waxa uu cinwaankiisu ahaa; "Gabgablihi Saliidda Shidaalka ee Faraska Wallan Toocinayay", isaga oo aanu soo koobnay waxa uu u qornaa sidan:

"Magne Andreas Meier waxa la yiqiinay isaga oo ahaa jiray nin dilaal ah oo ka talo binixiya iibgeynta iyo amaanaha laga qato Bankiyada, balse sannadihii uu dambeeyay wuxuu ahaa nin ku laalan xeelado been abuur iyo khiyaamo ah, haatana Meier wuxuu ka caweynayaa qol ka mid ah xabsiga magaalada Oslo.

Meier waxa uu weli ku mashquulsan yahay inuu kala dabaro shuqulkiisii: wuxuu dhambaalo u kala dirayaa nimankii ay shuraakada ahaayeen. Wuxuu farayaa inay isku duubnaadaan oo ay sii wadaan hawlihii iyada oo uu yidhi "Illaa iyo hadda saxaafaddu weli arintaydan waxba ka may qorin. Laakiin haddiba ay timaado inay soo hadal qaadan waa in aynu ka tashanaa inay haboon tahay in aan magacyga ka saaro diiwanka shirkadda ilaa iyo inta kiiskaygani jabayo."

Meier marka aanu ku mashquulsanayn qoraalka wuxuu akhriyaa buugaagta ay qoraan labada qoraa ee caanka ah ee reer Norway Jens Bjornebe iyo gert Nygaardshaug. Waxa kale oo uu akhriyaa Baaybalka Kiristanka. Hase yeeshee Kitaab Quraanka oo uu dalbaday in loo keeno waxa laga waayay Maktabadii jeelka. Inkastoo kiisas culus lagu soo oogay, haddana Meier wuxuu u muuqdaa nin aanay kaba qasnayn oo aan rumaysnayn in riwaayadiisii soo af jarantay. Waxaabu ku gudo jiraa oo uu imankii uu shuraakaha la ahaa u sheegayo inay kala dabaraan hawlo uu qorshaysnaa oo ay ka mid yihiin aasaaska Ururka Saliidda Shidaalka ee Afrika, maalgelinta Baanka Islaami ah o laga furo Norwey, soo iibinta Tankarada Saliidda shidalaka qaada, Maraakiibta Kallumaysiga iyo Qunsuliyada Somalia looga furo dalka Norway.

Marka tiisa loo raaco, Meier waa nin qiimo iyo awoodba ku leh dadka Afrikaanka ah ee deggan Norway, marna waa Qunsulkii Somalia u fadhiyay dalkaas.dhinaca kale haddii aynu soo qaadano Ra'iisal wasaaraha Somalia Cali Maxamed Geedi, waa nin 52 jir ah oo xilka uu hayaa ka culays badan yahay ka saaran masuuliyinta sar sare ee dawladaha kale. Geedi wuxuu madax ka yahay dawlada dibad-yaal ah oo Saldhigeedu yahay Caasimadada Kiniya ee Naryoobi. Ra'iisal wasarahan waajibaadka saaran waxa kow ka ah inuu dalkiisa dib ugu soo dabaalo kala dambayntii iyo sharci u hoggaansaantii uu lahaa nidaamka dawladnimo, taas oo burburtay 13-kii sannadood ee u dambeeyay ee uu dagaalka sokeeye ka dhex oognaa qabqableyaasha iyo beelaha halkaas ku uuman. Sidaas darteed, ra'iisal wasare Geedi waa nin aad ugu baahan tageero kasta oo uu heli karo.

Ninka Magaciisa la yidhaahdo Cabdiraxmaan Liibaan oo tobankii sannadod ee u dambeeyay ku noollaa dalka Norway ayaa ka mid ahaa dadkii isu xilqaamay inay wax la qabtaan Mr. Geedi markii uu fahmay in 17,000 ee Soomaalida ah ee ku nool Norway ay u baahan yihiin inay dalkaas ku yeeshana cid metasha. Sidoo kale Liibaan wuxuu gartay inuu qaxoontiga Soomaalida ah ee ku kala filiqsan Yurub uu kaalin muhim ah ka qaadan karo dib u dhiska dalkoodii Somalia. Dabadeedna Liibaan wuxuu riyo ku hindisay in dalka Norway laga furo Qunsuliyada ay leedahay Somalia. Hase yeeshe isaga laftiisa ayaa noqday nin gacan qabad u baahan, markaasuu isaga oo ah nin miciin la'aa si ka dis ah ula kulmayaa magne Andreas Maier.

Ninkan Norwiijiga oo iska dhadhicnaya C/raxmaan Liibaan si uu Geedi ugu xidho:

"Magne Andreas Meier wuxuu Cabdiraxmaan Liibaan ka dhaadhiciyay inuu yahay nin xukuma oo gacanta ku haya qayb ballaadhan oo ka mid ah khayraadka Batroolka ee dalka Suudaan, isla markaana la Taliye u yahay dawladda Paksitan iyo Safaaradda ay dalka Poland ku leedahay casimaddda Norway ee Oslo. Waxa kale oo uu Cabdiraxmaan Liibaan u sheegay inuu yahay ninkii wax kala qaban lahaa sidii Qunsuliyada dalka Somalia leeyahay looga furi lahaa magaalada Oslo.

Waxyaabihii kale ee uu Meier sheegtay waxa ka mid ahaa inuu laysan (Rukhsad) u haysto qodista Saliidda Batroolka Somaliland iyo inuu xidhiidho heerkooda aad u sareeyo ku leeyahay dhammaan dalalka qaaradda Afrika. balse si qorshihiisa loo rumaysto Meier wuxuu aad ugu dheeraaday Jacaylka iyo Nasteexa uu shakhsi ahaan Afrika u hayo, waxaanu markiiba u sheegay Liibaan in xafiisyo isagu leeyahay oo ku yalla magaalada Oslo ku caawin doono si looga furo Qunsuliyadda Somalia, isla markaana uu qabili doono kharashka ku baxaya kirada Qunsuliyadda.

Liibaan markaas wuxuu ku dhaqaaqay sidii ogolaansho rasmi ah uu ugu heli lahaa mashruuciisa uu ku doonayay inuu Norway ka sameeyo Qunsuliyad ay Somalia leedahay, Meier intaas uun kumuu eekaane balse wuxu Liibaan u sheegay inuu waxyaabo kale oo badan doonayo inuu Somalia taro.

Bishii May ee sannadkan ayay Liibaan iyo Meier isu raacayaan caasimadda Kiiniya ee Nayroobi, halkaasna waxay kula kulmayan ra'iisal wasaare Geedi oo ninkii Meier gacmo furan ku soo dhawaynaya, isla markiiban wuxuu Geedi ninkii Norwayjiyanka ahaa u magacaabayaa la taliyehiisa gaarka ah. Meier markii uu Oslo ku soo noqday wuxuu si degdeg ah iskii ugu daabacanayaa kaadhadh uu ku qortay xilka La-taliyaha gaarka ah ee ra'iisal wasaaraha Somalia ee Cali Maxamed Geedi, isla markaana ah Qunsulka Guud ee Somalia u fadhiya magaalada Oslo ee Norway, taas oo uu ogeysiin u dirayo Wasaarada Arrimaha Dibadda ee norway.

Sida Wargeyskan Dagens Naeringsliv cadadkiisii soo baxay 1-dii bishii February 2005 ku cadeeyay, Meier wuxuu isku dayay inuu naadiyo sheerer ay leedahay shirkad magaceeda la yidhaahdo Sudaco oo u ku tilmaamay inay Shidaalka Suudaan soo saarto. Laakiin shirkaddaasi ma ahayn mid gebi ahaanba ka jirta qaaradda Afrika. Walow warbaahitnu shaacisay warkaas.

Haddaba taasi may noqon mid waabisa Meier, balse wuxuu iska sii watay hab dhaqankiisii ahaa inuu yahay ninka Khayraadka shidaalka Afrika dibadda soo dhigaya. Bishi December sannadkii 2002 Meier wuxuu magaalada London kaga dhawaaqay shirkadda magaceeda la yidhaahdo "Inverse International", waxaana shirkaddas kula shuraako ahaa nin asalkiisu Hindi yahay oo magaciisa la yidhaahdo Rakesh Rajan. Shirkaddan waxa lagu diiwaan geliyay in raasa-maalkeedu yahay boqol Yuuro, cinwaanka xarunteedana waxa laga dhigay guriga uu deggan yahay Rakesh Rajan ee London.

Haddaba, ujeedada shirkadda Inverse International loo aasaasay waxay ahayd in Meier uu heshisyo ku saabsan qodista Batroolka kula galo wadamada Afrika, dabadeedna intuu dilaa weyn dulsaarto ka iibiyo ogolaanshahaas shirkadaha waaweyn ee batroolka qodda. Shirkaddii Inverse International ayaan noqotay mid durtaba shaaca qaaday oo waxay ka hilaacday Somaliland, warkii soo baxayna wuxuu ahaa Wasiirkii macdanta iyo biyaha ee Somaliland, Maxamuud Cabdi Faarax (Malow) oo heshiis ku saabsan Batroolka Somaliland soo saaristiisa la galay shirkada mudakar ah oo magaceeda la yidhaahdo Inverse International.


Somaliland Times waxa uu Af Ingiriisi ku Qoray Sidan::::

Hargeysa, Somaliland, September 3, 2005 (SL Times) – A Norwegian national by the name of Magne Andreas Meier was arrested by police authorities in Oslo and taken to court on August 26 for involvement in financial fraud.

According to the Norwegian business journal Dagen Naeringsliv, Mr. Meier was accused of creating bogus business entities including a fake firm by the name Inverse International, purporting to be involved in oil exploration.

By claiming to be in the oil business, Meier was reportedly able to trick a number of African leaders including Somaliland’s President Dahir Rayale and Somalia’s factional Premier, Ali Gedi.
Meier visited Somaliland in December 2002. He was accompanied by another accomplice, Rakesh Rajan, a Briton of Indian decent. The two signed a deal on oil exploration in Somaliland with the then Minister of Water and Mineral Resources, Mohamed Abdi Farah (Malow). Meier and Rajan then met with President Rayale.

Dagens Naeringsliv ran a long story on Magne Andreas Meier’s fraudulent oil businesses in its August 27 edition. It referred to a front page article published by the Somaliland Times on December 28, 2002 under the banner “Fake Company Strikes Deal with Minerals Ministry”. The Norwegian publication said despite the Somaliland Times’ revelations, the Somaliland Minister of Water and Minerals at the time M. A. Farah [Malow] defended the deal by insisting that “Inverse International” was a genuine company. (see below the full text of the Times’ Dec 28, 2002 article).

More recently Meier was quick to establish ties with Somalia’s latest factional Premier Ali Mohamed Gedi.

Gedi became so impressed by Meier’s credentials that he appointed the Norwegian as his special advisor and Somalia’s Consular General in Norway. The 2 men were introduced by Abdirahman Libaan, one of Gedi’s supporters living in Norway.

Mr. Gedi announced last Sunday that his government was ready to start granting oil concessions soon. He also warned international oil companies against dealing with anyone other than his faction in the so-called Transitional Federal Government of Somalia.

Gedi cited an agreement under which an Australian oil company offered cash money to the authorities in Somalia’s Puntland region for oil exploration. Puntland reacted angrily to Gedi’s statement, saying that it wasn’t his business to interfere with the deal.

It isn’t yet clear what prompted Gedi to talk about oil concessions at this particular stage, or whether his relations with Meier had influenced him.

Below is the Dec 2002 article in which the Somaliland Times first blew the whistle on Meier:

“Fake Company Strikes Deal With Minerals Ministry
Inverse International Doesn’t Exist As A Real Company
The Somaliland Times, Issue 49 December 28, 2002

London (SL Times): A company by the name of Inverse International which had concluded an oil exploration deal with Somaliland Ministry of Minerals and Water earlier this month, has turned out to be fake.

"Inverse International" address has been traced to an apartment in Essex, England, dwelled by an Indian family. The company listed its executive officers as Magne Andreas Meier and Rakesh Rajan. It was registered in earlier this month as being located at 9 Clarendon Gardens, Ilford, Essex, IG1 3JN.

Two persons purporting to represent Inverse International came to Hargeisa two weeks ago. They were welcomed by Somaliland’s Minister of Mineral Resources, M. A. Farah. The Minister then announced that an oil deal has been concluded. Later, he was lavish in his praise of the "company" as one with the necessary financial and technical capabilities to do the job - oil exploration and drilling - "The people who used to come here were mostly brokers and not real companies. This is a real company with extensive experience in Sudan, Saudi Arabia and Europe."

It is not the first time that the Minister has been cheated by people pretending to represent an oil company. Out of 4 agreements he had signed since assuming office, none has been implemented.

However, following revelations that Rakesh Rajan has connections with Italian Mafia group engaged in toxic waste disposal, the faltering of Mr. Farah’s last deal could be a blessing from the sky.

Rakesh Rajan and a Somali holding an Italian passport by the name of Omer Osman are also listed among the directors of Bushido Security Services Ltd. The Somali lives in Italy but his address in Britain is 40 Montague Road Leytonstone, London E11 3EN. Bushido is registered as a toxic waste disposal company.

There were reports in the recent past that Somalis recruited by the Italian Mafia have been involved in international operations for dumping nuclear waste along the coast of Somalia. Mr. Osman had reportedly introduced "Inverse" to Somaliland’s Minister of Minerals. It is not clear yet whether Osman is the same man charged with taking part in nuclear waste dumping operations.”


DN:http://avis.dn.no/artikler/avis/article787.ece


Tacadiyada loo Geysto Dadka Soomaaliyeed iyo Daroogda Lagu Beero.....


Sawirada: Google /Yahoo  Search  &  Dagens Naeringsliv

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD