SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

MACDANTA & BATROOLKA PUNTLAND MA-REER INDHOOLE HOGGAANSHO BAA???

ingQore: Eng: Mohamed Bashi Abdullahi (tallaabo-cade)
Email: mbaashimbc@hotmail.com


Hordhac:-

Waxaa sharaf iyo mahad leh Eebe, Isaga ayaa inaku uumay dhulka Somaliyeed ee hodonka ah gaar ahaana Puntland. Waxaa sharaf inoo leh, shaqsi kasta oo Somali ah in uu dacalka uu ku nool yahay amaankeeda sugo, iyadoo la wadaago miraha guud.

Miraha guud waxaa hoos imanaya Badaha, Macdanta, Shidaalka, Beeraha iyo Daaqa. Miraha guud shaqsi kasta oo Soomaali ah ayaa iska leh waayo waxaynu nahay qoomiyad.

Qoomiyadi waxay qoomiyad noqotaa markay ulajeed, dan, xiriir iyo dheefba wadaagaan, taasoo ay waliba iska kaashadaan Baahida guud (sida, difaaca guud, iswaydaarsiga waxyaabaha meelna yaal meelna aan oolayn). Tusale ahaan, Puntland beeraha kuma fiicna sidaas awgeed waa in ay qoomiyada Soomaalinimo la kaashataa in ay koonfurta kale qudaar ka hesho.

Dowladdan rafaadsani macdan iyo batrool tabar iyo taagba uma hayso ee waxay wadaa waa hanti lumin shacab.

Tusmada Qoraalkan.

  • 1- Dawlada iyo dhaqankeeda.
  • 2- Shacabka iyo waajibka khayraadka.
  • 3- Askarta iyo waajibka ka saran shacabka.
  • 4- Shirkadaha iyo shuruudaha in ay buuxiyaan looga baahan yahay.
  • 5- Caalamka iyo dhibka ka taagan macdanta & batroolka.
  • 6- Lacala hadii macdan & batrool la soo saaro ay noqoto.
  • 7- Talo soo jeedinta arimaha macdanta & batroolka.

1- DAWLADA IYO HAB DHAQANKEED:-

Waxaa maanta sharaf daro inoo ah shaqsiyaadkii aynu dhalnay, korinay, tabo barnay, shaqo siinay, dooranay inay ina hagaan, abaal marin inooga dhigaan dibin daabyo aan naxariis lahayn. Halka aan ka sugaynay shacabka 17 sano dhibanaa in ay daweeyaan nabadna dhex dhigaan, balse ma noqon kuwo sidaas yeela ee waxay noqdeen kuwo dabka uun huriya. 

Waxa aynu ognahay khayraad la soo saaro in uu aad u dhib badan yahay uuna u baahan yahay nabadayn iyo shacab is jecel. Maadaama wax is neceb mooye wax kale aysan jirin, shaqsi kastana qabiil ku tiirsan yahay. Macdan iyo Batrool soo saaridu miyeysan ahayn in dagaal qabiil ka oogmo cariga reer Puntland. Waxa aynu ognahay mudo in aynu nabad ku hurudnay taasina waxay u muuqataa mid gabaabsi ah. Hantidii xaalufinta badaha meel ku sheega??? Canshuuraha meel ku sheega???  

Baarlamaankii shacabku (shaati qabiilba ha qabeen balse shacab ayey u joogaan) u soo doortay in ay halka cod ay leeyihiin si caqliyeysan, miisaaman, hubaalsan, eextiran ugu hiiliyaan dadkii keenay, waxay u dilaaceen kuwo maalinkasta wax holciya, waxaana inoo macalin ah siday Xamar oo gubnay usii holciyeen, Kismayo siday uga hurdaan, Iyaga dhexdoodi siday isu neceb yihiin oo aynu ogayn siday isugu dilayeen iyaga oo dal shisheeye jooga, hadana Puntland oo nabad ahayd batroolkana kuwii maamulayey ay ku daadsheen baarlamaankuna hada dabkii ama kibriidkii holcayey gacanta uga gasheen dowladda aan siyaasadda lahayn ee marinkii laga sugayey ka dagtay (Puntland). Waxaa la oran karaa baarlamaanka kaliya ee aduunka calooshooda la cayaara, waxay somalidu tiraahdaa 20 jirku intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa marka kuwaana midba midkuu ka jeebab wayn yahay waa ka caqli daran yahay. Cay igama aha ee waa iga dhiiri galin iyo in ay jeebka xuquuqda shacabka ka hormariyaan. 

Xukuumada tirada yar & Garsoorkiiba way ka daran yihiin baarlamaanka inta ay uga dhowyihiin isha dhaqaalaha ayeey cadaalada ka fogyihiin waayo way ogyihiin dalka xaaladuu ku jiro sow ma ahayn howshii loo diray in ay kasoo baxaan taas oo ahayd nabadayn, noolaynta sharciga, baraarujinta dadka dawladaba aanan aqoon, tirocoobka shacabka si loo helo “nidaamka hal qof hal cod” [one man one vote system]. Hawlahaas oo dhan intay ka seexdeen ayeey u dhaqaaqeen in ay huriyaan dub horleh iyaga oo ka fakaraya xagee cun cun iyo garaabo kaa soo gali kartaa. War miyeysan ahayn wax laga noxo ma dadkaas baa doonaya in ay wax hor mariyaan, in ay dhibka nala qayb sadaan. Walee tanay nin ba dacal ku goosay sidii niman u dhalan ama bari ka guuraya. Waaba run oo shaqsi kasta oo xil haya wuxuu ka yimi dibada walaa xaas, caruur iyo waalidkiiba ma joogaan ee waxaa soo dirsaday dawlado shisheeye oo doonaya in ay dalka bur buriyaan.  

2- SHACABKA & WAAJIBKA KHAYRAADKA:-

Waxaa shacabka u macalin ah indhahooda in aan loo turayn, loo aabe yeelayn, uuna xaalku yahay kana saar kana sii, marka waxaa la inooga baahan yahay dhaxalkii soo jireenka ahaa ee aabe yaasheen ina siiyeen in aynu ilaashano si aynu uga faa iidaysano naf ahaanteenu ama u gaarsiino kuwa inaga danbeeya siday inoo soo gaartay kuwaasoo aan ahayn cadow ee ah awlaadeena inaga danbeeya. 

Digniin:-  Waxa aynu la socodnaa dakhligii horay usoo bixi jirayba in uu oday iyo caruurtiisa oo ka dhaxasha xaaraanta jeebkood gali jiray, hadana iyadii oo ay sidaas ahyd ayeey usoo aftaageen in ay deegaankiina inaga raraan oontii aan ku neefsan lahayna ay dhaxaltooyo shaqsi ay noqoto. Illah inagoo ka baqayna wali ma aragteen nin dowlada u shaqeeya oo xitaa sadaqo bixinaya? Taasi waxay tahay waad gowracnayd ee kafantana iska daa anaa shaati cad ka tolanayee, ama iyadoo abaar ah aan haamaha kaa gado, meeshaan biyo iyo ceelal aan ka sugaynay. Waxa inoo banaan hal wado taas oo ina faraysa in aan dalkeena aayahiisa aynu ka tashano difaacno haday ku tahay af, adin, maal iyo xeeladba. Waxa aynu ognahay dowlad aan iyaduba lugaheeda ku socon inaysan adimada inoo fidin karin.  Waxaa sharaf inoo leh si guud iyo si gaar ahaaneedba in aynu ilaashano xaqa iyo sharafta soo jireenka ah ee aynu ku faano, taas oo ah inaynaan qaadan wax khayaamo ah, waxaan sal iyo raad lahayn, in aynu ajaaniibta tuugada ah iska qabano. 

Waxa aynu ognahay in aan cadaalad iyo dowladi jirin haday jirtona waxa aynu kor kusoo xusnay ah. Ee waa inaynaan noqon kuwo iska hurda. Shaqsiyada qaar markay arkaan qoraalkan wuxuu is oranayaa khayr buu naga hortaagan yahay, khayrkaas oo ay bar bar dhigaan kan carabaha yaala balse waligaa indhaha ku hay cadaala iyo dowladaha ka jira dhulkaas kuwaaso u ogol ama siiya shacabkooda lacag u bilaabanaysa markuu dhasho markuu guursadona lacag intii saami kusoo aaday farta laga saarayo, inta uu ardayga yahayna loo qabo wax barasho hadba tii uu qofku u qalmo ama ka bixi karo. Ha ilaawin qodobadaas niyada ku hay. 

3- ASKARTA IYO WAAJIBKA KA SAARAN SHACABKA:-

Waajibka askarigu uu ku dhaarsan yahay waxa weeye dalkiisa iyo sharafta shacabka in uu ilaaliyo, ka ilaaliyo cadowga sokeeye iyo midka dibadeed. Ma aha in maalin kasta shaqsi uu duufsado. Askarigu wuxuu xaq u leeyahay wixii shacabka aan dan ula muuqan inuusan ku dag dagin, waayo shacabku waa dadka shaqaalaha loo yahay oo dhiig iyo dhaqaalba u hura, waa dadkii aad ka dhalatay kuna soo bar baartay, waa dadka aad askariga u tahay ee laguuma dhaarin in aad askari u tahay wasiir madaxwayne ama wixii la mid ah. Markay intaa kasoo gudubto maalin kasta waxaa dhacda in askarta si xun loo adeegsado taasna eedeeda dabluhu shaqo kuma laha ee saraakiisha wax og ayaa khaladkeeda leh, waayo iyagaa amarka baxsha siyaasadana war ka haya amar diidona iyagay u banaan tahay ee waxaan oran lahaa joojiya hagista xun. 

Waxa aynu ognahay askariga in uu xuquuq daawo, mid wax barasho iyo mid mushaharba uu leeyahay. Kuwaas adigoon heli jirin soona qaadi jiray canshuur aad maalin kasta ogtahay, waa idinku ceeb in la idiinku sheekeeyaa khayraadku markuu soo boxo ayaad wax helaysaan ee waxa la idiin ka baahan yahay xaqiini hore in aad waydiiseen iyo kan shacabka. Shacabkuna cadow ma aha ee mar kasta tiina ayeey u doodayaan oo waa aabe yaashiin, hooyo, walaal, iyo xigaal. 

4- SHIRKADAHA IYO SHURUUDAHA IN AY BUUXIYAAN LOOGA BAAHAN YAHAY:-

  • a- Waa in ay (G8) wadamada qaniga ah ka mid tahay ama laga lee yahay.
  • b- Waa in uu bankiga aduunku masuul ka yahay.
  • c- Waa in ay noqdaan kuwo khibrad u leh shaqadooda.
  • d- Waa in la hayaa guulo hore ay kasoo hoyday aduunka.
  • e- Waa in marka hore dowladooda heshiiska lala galaa, taas oo iyana doonaysa dowlad masuulliyad qaadi karta in aad leedahay oo xiriir la samayn karta dowladaas kale.
  • f- Waa in ay ka mayran yihiin musuq maasuq waayo mudadaan danbe shirkado badan oo horay u jiray ayaa suuqa ka baxay is daba maryeyn awgeed kuwaasoo khibrad leh, shahaadooyin soo samaysan kara.
  • g- Waa in lagu qancaa wakhtiga ay qabsatay in ay sheerka badan ama isbadelka sheerku uu soconayo iyo shaqaalaha qaabka loo qaybsanaayo. Taas oo dhalinaysa in shacabka somaliyeed cod guud laga qaado si loo ogaado badidood in ay ku qanacsan yihiin shirkadan.

Intaas oo idil hadaysan buuxin sharkeedu wuu iska cad yahay ninkii lagu siro iyo kii wax ku siraba waa labo caqli laawe. 

5- CAALAMKA IYO DHIBKA KA TAAGAN MACDANTA &   BATROOLKA:-

Dhibka adduunka ugu badan waagii hore wuxuu ka dhici jiray (1) Biyo iyo (2) Dhul labadaas oo dadkii hore noloshoodu aad ugu dhisnayd. Waayo (1) Biyaha waxaa loo isticmaali jiray waraab dhulkuna biyo ma wada lahayn ee wabiga, iyo ilo waro ah ayaa la isku dagaali jiray, maxaa yeelay aalad ama cilmi biyo dhulka lagala soo boxo ma jirin. (2) Dhul kaas oo loo isticmaali jiray dagaan iyo dhul beereed waxaana daruuri ahayd carradu in ay tahay mid wax curin karta biyona ay ka ag dhow yihiin, taas oo aad dadka noloshoodu ugu tiir sanayd. Waxa la oran karaa 90% dagaaladii dadkii hore waxay ka aas-aasmeen labadaas shay. 

Dunidaan cusub waxaa dhibka ugu badani ka dhacaa macdanta iyo batroolka waayo maanta dhaqaale kasta iyaduu ku tiirsan yahay, la aantoodna wax kala socon karaa ma jiraan, halka waagii hore biyo iyo dhul ahayd. Biyihii qalab meel kasta biyo lagaga keeni karo ayaa yaala waa se daruuri, balse dhaqaale lagama helo, dhulkiina haduuba sii qaaliyoobay isagaaba ugu daran oo qalab wax macdanta lagau sheego iyo batroolka lagula soo boxo ayaa la helay. 

Tusaale:- 

  • I- Ciraaq wax kale laguma baa bi-in ee waxay ahayd in shidaal kooda la iska rarto. Falkaas oo ay ku kacaayaan dawladihii waa waynaa oo salka iyo raadka lahaa, maxaa laga malaynayaa kuwo helaya meelo ay ku dhuuntaan oo aan lahayn kuwo meel loogu soo hagaago.
     
  • II- Waxaan la soconaa in 25 qof oo ajaanib iyo Ethoipian isuga jira in lagu laayey dhulka Somalida Ethoipia taas oo ay dhalisay isku raacsanaan ama jacayl guud oo dhex yaalay labada qoomiyadood oo la isku khasbaayo. Inagana Somali iskadaa warkeeda ee Puntland ayaa maanta kala daadsan oo is-qaadi la. Waa tiiyoo waliba bar dhulkii maqan yahay oo laga seexday.
     
  • III- Tuugonimadii oo badanaysa mudadaan danbe oo aynaan haysan wax inaga ilaaliya. 

6- LACALA HADAY NOQOTO IN MACDAN IYO BATROOL LASOO SAARO:- 

Wadan aan cadaalad, daganaansho, is-sharfid, iyo nidaamba ka jirin in lacala soconayso u malayn mayo balse Somalidu way hadal badan tahay ama way khiyaali dhisi ogtahay ee haku qanacdo ayaan ugu soo daray. Saas oo jirta lacala in wax yaabaha horay u dhacay lagaga digtoonaado ayeey ku fiicantahay balse ushuuraha ama amuuraha EEBE khaaska u ah aan loo gudbin, balse waa la is waydiin karaa gaarigaan hadaan xoog ama xad-dhaaf aan u kaxeeyo maxuu dhalin jiray marka taasi yey kugu dhicin ee ka joog waa wax banaan. 

Waxaa tusaale iyo tumo lacala inoogu filan inta aan kor kusoo xusnay. Halna niyada halagu hayo wax hir gali karaa maanta ma jiraan, ee yeynaan riyoon riyooyin khatar iyo halis, dhabar jab, hoog, iyo murux inagu abuuraya. Habaarna yaan laga kasban shacabka dhamaaday ee xabada, tahriibta, dhaqaale la-aanta, maamul xumida, iyo qabiilka la il-daran. 

7- TALO SOO JEEDIN ARRIMA MACDANTA IYO BATROOLKA:-

#- Waxay ila tahay dawladaani haday ku guulaysato isu-keenka ummadda, tirakoobka, abaabulid doorashooyin cusub ayeey buro sidaa ee ma aha mid itaal u haysa arrimahaas. Shacabkuna ma aha shacab diyaarsan oo xitaa waxay u badan yihiin dad aan dawlad nimoba aqoon iyo waxay tahay ee wacyi galin iyo shuruucda in la baro ayeey rabaan. 

#- Dawlada ku xigtaa howshaan ma qaban karto oo waxaa looga fadhiyaa in ay shacabkii sharciga ku dhaqdo si tusmo iyo tusaale ah, waa in ay kalsooni shacab heshaa, iyo in ay shacabkii tacliinta ka dhisto. 

#- Dawlada 3aad waxay u baahan tahay xiriirka caalamka in ay adkayso, dhallintiina ay khibrad sii helaan dhammaadka dawladaana ay saxiixyo caalami ah iyo heshiisyo ay galaan. Wakhtigeedu markuu dhammaado waxaan helaynaa arday maskax furan oo 10 sano oo tabo-bar ah haysta, wadamada adduunka qaniga ka ah ayaa inaku kalsoonaanaya halkaas oo aynu qalab iyo tayoba ka helayno, wexeenu wax qiimo leh bay inoo noqonayaan waayo qofku hadduu wax uu xaday gadayo qiimuhuna qiimo la xaday ayeey noqonayaan, Dad xisaab tama ayeeynu noqonaynaa, taas oo aayaheena ama aayaha awlaadeena dan u noqonaysa. 

#- Dawlada 4aad ayaa hawlaha shaqada dar dar galin doonta waxayna qaadan doontaa ugu yaraan 10 sano horayna waxaynu usoo dhaafnay 12 sano. Iskudarka wakhtigaa inooga dhimani waa 10+12=22 adigu 25 ba iska dheh yaan la sugi waayin wakhtigaa dhow. Qab qable iyo tuugna wakhtigaas waxay u kala baxayaan wax sakaraad ah, kuwo geeriyooday iyo kuwo nolol iyo geeri aan u dhexeeya oo meeshii laga arkoba la yiraahdi kuwii weeye. Wax ugu dari mayo intaas ee waxaan EEBE uga baryayaa in uu soo hadeeyo.  

Gunaanad:- 

Wax laga danqadona weeye in aynu qaadano hadal uu ina yiri nin carruurtiisa dhaxal u raadinaaya, aan dal, dad, agoon, faqiir, iyo dhibbane oo dhan aan aqoon. Waxaasi wax qof wax kala garanayaa qaato ma aha. Balaq wallow kaana aaya ayeey ahayd wuxuu nabigu yiri CSW, marka dadka wax garanayaana waa inaysan fariisan qurbaha, oo ay kasoo baxaan dhuumashada intee god ku jiraysaan. Ma ilowdeen dal dad iyo duunyo qani ah inaad leedahay. Alle ha u naxariistee Sheikh xaaji Allaa soo shubay wuxuu oran jiray fow-fowle laamiguu taagan yahay oo garuun wayn yahay meesha looga baahan yahayna waa ka maqan yahay. Marka meel quraxi ka baxayso tooshka aad wadataan if dhilin maayee dalkii baa mugdi ah ee ordaha dalkii iyo dalkii dhaxalkiina geeya.  

LA SOCO QORMOOYINKA DANBE EE KU SALAYSAN HADBA MARXALADAHA TAAGAN. 

Mahada koowaad Eeebe ayaa leh, waad mahadsan tihiin  

Qormadaan, waxa mas-uul ka ah qoraagan ku saxiixan::-
Eng: Mohamed Bashi Abdullahi (tallaabo-cade)
Email: mbaashimbc@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 6, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: