SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad, hab dhaqanka Shirkadaas awgeed......

Booliska Australia oo baaritaan ku wada shirkadaha Macdanta ka baara dunida saddexaad, kuwaas oo hab-dhaqankoodu mugdi ku jiro...


Assistant Commissioner Peter Drennan

Dhawr shirkadood oo Australian ah iyo madaxdooda sare ayaa waxaa ku socda baaritaan ku saabsan eedaymo  ku la xiriira hab-dhaqankooda mugdigu ku jiro ee ay ku hayaan dunida soo koreysa, taas oo sababtay in baaritaan xooggan oo dib u eegid ah la sameeyo, sidaas waxaa qoraal ku bilowday jariidada The Age ee ka soo baxda Australia caddadkeedii Febraayo 2, 2008.

Maadaama ay Shirkado maxalli ah (reer Australia ah) ay hab sii kordhaya u tegayaan dhulalka macdanta qaniga ku ah ee dalalka soo koraya (dunida saddexaad), si ay uga qaniimaystaan baahida kobocday ee macdanta, ayaa waxaa arrintaas ka hadlay kaaliyaha madaxa ciidanka booliska Peter Drennan oo jariidada The Age usheegay in qof khabaar moog ah oo keliya uu rumaysanayo in aan mararka qaarkood aysan dhicin musuq maasuq. Waxana uu carrabka ku adkeyey in badanaa shirkadaha Australia ay ku shaqeeyaan xaydaanka qawaaniinta.

Jariidada The Age waxay soo ogaatey in ciidanka Federaalka Australia (AFP) ay wadaan saddex baaritaan oo ku socda shirkado qaabilsan arrimo la xiriira macdanta.

Dhanka kale jariidada The Australian waxay caddadkeedii Feb 2, 2008 ku sheegtay in ciidanka Booliska Federaalka Australia ay oo ay qaateen Kambuutarro iyo dukumiinti kaddib markii ay galeen xafiis ay leedahay shirkadda Findlays iyo guriga agaasimaha shirkadaas Robin Armstrong iyo madax sare oo shirkadaas u qaabilsan saamiyada Jeremy Slater. Arrintaas oo dhacday Khamiistii (Jan 31, 2008) sida ay sheegtay jariidadu.

Faahfaahin ku saabsan baaritaanka uu Booliska Australia ku baarayo shirkadaha macdanta [Ka Akhri Halkan (English)...]

Faafin: SomaliTalk.com |  Feb 3, 2008

somaliaCashuurta Puntland oo la kordhinayo 10% si loogu ilaaliyo Shirkadaha Batroolka.. Guji..

Khilaafkan 5-Geesoodka ah ayaa u dhexeeya Madaxweyanaha DGPL, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Amniga, Wasiirka Batroolka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.... Waxaana bilowday waqti cusub oo raggii siyaasadda Puntland u xirayd ay sii kala fogaanayaan.

Waxaa muran ka taagan yahay sidii madaxda sare ee Maamulka Puntland ay u qaysan lahaayeen $200,000 doolar oo laga soo qaaday shirkadaha Batroolka....

Waxa jira qorshe lagu kordhinayo Cashuurta Puntland boqolkiiba 10% si loogu ilaaliyo shirkadaha Batroolka, shacabkana gacan adag loogu qabto....

Akhri: Kordhinta Cashuurta 10%.... Guji..


Soomaaliya: Hadal-haynta Joogtada ah ee Shidaalka

Waraysi Radio Australia SBS ee Bile Qabawsade iyo C/shakur Mire Aden  audio ka Dhegeyso Halkan ama Halkan (mp3)

BAARID | SEARCH

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: