SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Sharcigii loo Sameeyey Shidaal Qodista Soomaaliya oo lagu soo wareejiyey Cali Maxamed Geeddi si uu u horgeeyo Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka DFKMG....


Khariidada Kenya

SomaliTalk.com | June 13, 2006

Ra'iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya (DFKMG) ayaa Isniin June 12, 2006 waxa uu soo gabagabeeyey kulan muudo ka socdey magaalada Malindi oo ku taal xeebta badweynta Hindiya, oo Woqooyi Bari kaga aadan magalada Mombassa, Kenya.

Kulanka uu xiray ra'iisul wasaare Geedi ayaa Malindi ka socdey intii u dhexeysey June 8 ilaa 12, 2006, halkaas oo lagu soo agaasimayey sharci loo dejinayey shidaal qodista dalka Soomaaliya. Waxaana la sheegay in kulankaas sharci dhisidda ay ka qayb qaateen aqoon yahanno Soomaali iyo shisheeye ah. Cali Maxamed Geeddi oo gabagabdii kulankaas ka dib qabtay shir jaraa'id ayaa sheegay in asaga lagu soo wareejiyey sharcigii loo dejiyey shidaalka Soomaaliya, sharcigaas oo dhaqan geli doona marka la hor geeyo golaha wasiirada Soomaaliya, kaddibna uu ansixiyo Baarlamaanka DFKMG.

Shirkii Jaraa'id waxa uu ra'iisul wasaaruhu ka soo saaray warsaxaafadeed, kaas oo ku qornaa luqadda Ingriisiga. Warsaxaafadeedkaas oo ay Af-Soomaali ku soo tarjumtey SomaliTalk.com hoos ka akhri.



Jamhuuriyadda Soomaaliya
Xukuumadda Federaalka KMG ah
Xafiiska Ra'iisul wasaaraha
Warsaxaafadeed
ka soo baxay Ra'iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Kumeelgaalka ee Soomaaliya
oo ku saabsan Sharciga Shidaalka Soomaaliya

(Tarjumadii SomaliTalk.com) Ra'iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, waxa uu ku dhawaaqay in maanta la soo garsiiyey sharciga shidaalka (batroolka) ee ay tahay in la hor geeyo Baarlamaanka Dowladda Federaalka.

"Waxaan ku faraxsanahay in uu maanta isoo gaaro sharciga Shidaalka kaas oo ay in dhoweyd soo diyaarinayeen kooxda sharci u samaynta shidaalka Soomaaliya. Waxaan isla markiiba gaarsiin doonaa golaha wasiirada si ay dib ugu eegaan. Sida ugu dhaqasaha badana dowladdu waxa ay xeer hor geyn doontaa Baarlamaanka Federaalka Kumeelgaarka si ay ugu ansixiyaan in uu noqdo Sharciga Shidaalka Soomaaliya." ayuu yiri ra'iisul wasaare Geeddi.

"Dastuurka Dowladda Federaalka Kumeelgaarka waxaa uu dhigayaa in khayraadka dabiiciga Soomaaliya ay yihiin kuwo u dhexeeya bulshada, waana in loo sameeyo sharci qeexaya sida loogu isticmaalayo hab guud oo wanaagsan. Waxa kale oo Dastuurka ku cad in Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ay leedahay awoodda maamulidda khayradka dabiiciga ee gebi ahaanba Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sharcigan Shidaalku waxa uu noqon doona qaanuun sharciyeedka uu dastuurku u baahan yahay si loo maamulo batroolka Soomaaliya."

Ra'iisul wasaarahu waxa uu ka qayb galay xiritaankii kulankii sharciga batroolka Soomaaliya ee lagu qabtay Malindi laga bilaabo June 8 ilaa 12, 2006. Intii uu socdey kulankaas, kooxda sharci u samaynta shidaalka Soomaaliya waxa ay isla gareen qormadii ugu dambeysey ee qaabka uu noqonayo sharciga batroolka ee la hor geynayo golaha wasiirada. Kooxda sharci u samaynta batroolka Soomaaliya waxa kale oo ay qeexeen qodobada asaasiga u ah sharcigaas. Qodobadaas oo ah:

  • Soomaaliya waa in ay u hawl gasho isku dayga ogaanshaha in shidaal uu ku jiro dhulkeeda, si ay dadku uga fa'iideystaan haddii shidaal laga helo, taas oo yarayneysa batroolka loo soo dhoofiyo dalka Soomaaliya, iyo in ay dhici karto in shidaal dalka dibadiisa loo dhoofiyo si:
    • loo helo lacag adag,
    • loo siiyo fursado shaqo Soomaalida, iyo
    • loo horumariyo kobcinta dhaqaalaha.
  • Howlaha shidaal qodista (iyo haddii lagu guulaysto natiijada shidaal qodista), horumarinta iyo soo saarka batroolka Soomaaliya waxaa waajib ah in uusan raad xun ku reebin deegaanka Soomaaliya (hawada, biyaha, dhulka, dhirta iyo daaqa).
  • Shirkado ku haboon oo leh xirfado waa in lagu casumo baaritaanka, iyo soo saarida shidaalka Soomaaliya.
  • Xukunka maaliyadeed, sharciyeed iyo xeer ee Soomaaliya waa in uu sameeyo hab soo jiidanaya shirkadaha baaritaanka, horumarinta iyo soo saarka batroolka Soomaaliya, waana in maal-gashadayaasha la siiyo ballanqaad xasilooni.
  • Dakhliga ka soo baxa shidaalka waxa uu noqonayaa mid si saami ah u qaybsanaya dhammaan Soomaalida, dowladda dhexe, gobolada iyo degaanada maxalliga.
  • Soomaaliya waa inay dhaqan gelisaa nidaam laga aqbalayo caalamka oo ah in si waadax ah (oo aan waxba la qarinayn) loo dhaqan gelinayo hawlgallada shidaalka si looga fogaado "musuq-maasuqa khayraadka"
  • Howlgallada shidaalka Soomaaliya waa in la adeegsadaa alaabada iyo adeegyada Soomaaliya iyo shaqaalaysiin muwaadiniinta Soomaaliyeed kuwa aan xirfadaha lahayn iyo kuwa xirfada leh sida ugu saraysa ee suurta galka ah, waana in ay muwaadiniinta Soomaaliyeed helaan tababarro lagu kobcinayo xirfadahooda.

"Waan taageersanahay siyaasadda xeerarkan lagu muujiyey sharciga, sababtoo ah waxa ay xaqiijinayaan in khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya loo isticmaali doono hab u wanaagsan dhammaan Soomaalida, dhammaan gobolada dalka." ayuu yiri Ra'iisul wasaaruhu. "Xuquuqda hawlgallada shidaal baarista Soomaaliya waxa kaliya oo ay ku imaan kartaa waafiqidda nidaamka iyo ogolaanshaha ku cad sharciga (Shidaalka). Waxaan u xaqiijinayaa dhammaan in hawlgaladda shidaalka Soomaaliya uu u qabsoomi doono hab si waadax ah (oo aan waxba la qarinayn) oo waafaqsan hab dhaqanka ugu wanaagsan."

Ra'iisul wasaaruhu waxa uu intaas ku daray, "Waxaan uga mahad celinayaa kooxda sharci dejinta shidaalka Soomaaliya hawshooda wanaagsan iyo sida dhaqsaha ah ee ay udiyaariyeen sharcigan."

Malindi, Kenya
June 12, 2006
Tel. +2521-543050, +2521-288648, Jowhar, Soomaaliya
Email:
premiersom@wananchi.com

English Version: Warsaxaafadeedkaii Geeddi oo ku qoran Luqadda Ingriisiga.

"NSG" Waa Shirkad Caynkee ah

Tarjumadii: SomaliTalk.com | June 13, 2006

DFKMG oo Xuquuqda Shidaalka Soomaaliya u Ansixisay 'NSG' oo ah.....
Qoraal uu ku saxiixan yahay wasiirka Arrimaha dibadda ee DFKMG ayaa waxaa ku cad in xuquuqda shidaalka.. GUJI Jun 13

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD