SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIDA


Heshiiskii  CANMEX iyo RANGE oo mar Saddexaad dib u dhac ku yimid

  • Range Resources oo Warqad u Dirtay Suuqa Ganacsiga Austria...
    iyo Gaagaab oo u Safray Dalka Dibbadiisa, Dalal aan aan la magacaabin

29/12/2006:: Shirkadda Range Resources ayaa maanta, Jimce December 29, 2006, waxay warqad u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia [ASX] ay ku wargelineyso in Baarlamaanka Puntland uu ansxiyey heshiiska "wax-soosaar-wadaagga" ee u dhexeeya CANMEX, RANGE iyo DOWLADDA PUNTLAND, waa sida qoraalku u dhigay'e. Heshiiskaas oo ah in CANMEX ay lacag dhan $50 million  oo doolar siiso RANGE si markaas CANMEX loo siiyo 80% xuquuqda lahaanshada baaritaanka dhulka Puntland.

Waxaa kale oo warqaddaas ku cad in uu dib u dhac kale ku yimid heshiiskii sida rasmiga ahaan u dhex mari lagaa CANMEX iyo RANGE - si lacagtaas loola kala wareego - waxaana hadda heshiiskaas la sheegay in uu dib ugu dhacay ilaa bartamaha bisha Janaayo ee 2007, kama dambaystana 31ka Janaayo 2007. Waa markii saddexaad ee heshiiskaas in la kala saxiixdo dib loo dhigay- Waxay ahayd October 12, 2006 markii uu heshiis is afgarad dhex maray CANMEX iyo RANGE, waxaana qorshuhu ahaa in heshiiskaas si rasmi ah loo kala saxiixdo November 15, 2006, kaas oo aan qabsoomin waqtigii loo qabtay. Waxaana isla qoraalkaas ku caddaa in aan heshiiskaasi ka dib mari karin December 31, 2006, taas oo ah kan mar kale dib loogu dhigay waqtiga lagu sheegay bartamaha Janaayo 2007, kama dambaystana Janaayo 31, 2007. [Waxaana maanta 29/12/2006 Boosaaso ka dhoofay Gaagaab, wasiirka maaliyadda DGPL oo u safray dalal aan la sheegin, sida aad warbixinta hoose ku arki doontid].

Warqadda ay RANGE hadda u dirtay suuqa ganacsiga ayaa ahayd mid la sii saadaaliyey [Sida aad ku arki kartid qormadii Dec 24, 2006 ee hoos ku qoran]. Waxaana dad badan oo reer Puntland ah ay hadda is weydiinayaan sababta keentay in Baarlamaanka Puntland ay si degdeg ah (December 23, 2006) u ansixiyeen heshiiska loogu yeeray "Wax-soosaar-wadaagga", kaddib markii isla maalintaas 23/12/2006 uu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland qoraal heshiiskaas ku saabsan u qoray guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Puntland, sidaasna uu baarlamaankii oo aan arrinta ka baaraan degin oo aan cilmi baaris ku samayn uu DAWLAD GPL u ansixiyey heshiiskaas si ay u hir gasho qorista warqadda ay 29/12/2006 RANGE u dirtay suuqa ganacsiga ee ASX. Waxaa kale oo shakiga shacabka kenay kaddib markii Baarlamaanka Puntland uu isla markii uu heshiiska ansixiyey uu xaflad isu-dhigay ay ugu dabaal degayeen heshiiskaas ay saxiixeen, isuguna tahniyadaynayeen.

Markii uu Baarlamaanka Puntland heshiiskaas ansixiyey kaddib ayaa 25/12/2006 "Ururka Dhalinyarada Jaaliyada gobolada Sanaag, Galbeed Bari, iyo Jubada Hoose ee Woqooyiga Mareykanka oo Fadhigiisuna yahay Magaalada Minneapolis ayaa waxay ugu baaqeen Cadde Muuse in uusan macdan ka qodin deeganadooda". Madaxa Ururkaas, Axmad Cabdalla, ayaa sheegay in ay u digeen maamulka Puntland. Meelaha la xusayna waxaa ka mid ah Majayhan iyo Dhalan. [Hoos ka akhri].

Dad badan ayaa u arka sababta ay DGPL u dooneyso in heshiiska RANGE iyo CANMEX uu qabsoomo in ay tahay in marka ay RANGE RESOURCES lacag hesho in markaas ay RANGE lacag siin doonto CONSORT PRV LTD oo ah shirkad ka diiwaan gashan Maldives, taas oo sida la sheegay ay ku jiraan xubno sare ee ka tirsan DGPL.

Waxaa layaab noqotay sababta ku kallifeysa DGPL in ay adeegsato shirkad dullaal ah halkii ay uga xilsaari lahayd dad Soomaali ah oo aqoon u leh hawshan kuwaas markaas toos suuq raadin ugu sameeya khayraadka Soomaaliya. Marka loo fiirsado heshiiska "Wax-soosaar-wadaagga" ee loo sii marayo RANGE RESOURCES waxa uu noqon lahaa mid toos u dhex mara DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND iyo cidda xirfad u leh soo saarida khayraadka markaas la rabo in laga faa'iidaysto. Halkaasna waxaa lacag badan ugu baaqan lahayd shacabka Soomaaliyeed. Balse waxaa muuqata in ay DGPL caqabad ku noqoneyso garab maridda RANGE RESOURCES oo markaas sababeysa in aan wax lacag ah la siin doonin CONSORT PRV LTD maadaama RANGE ay iibsatey saamiyadii shirkadaas 100%-  Halkaas waxaa ka cad in xaalku yahay waxa luqadda Ingriiska lagu yiraahdo "Conflict of Interest " oo ah su'aasha uu gabay Baarlamaanka Puntland in uu weydiiyo DGPL.

Dhanka kale waxaa muuqata in DGPL ay Baarlamaanka Puntland ka gaartey dantii ay ka lahayd oo ah in sawir laga qaado iyagoo gacanta u taagaya in ay ansixiyaan heshiikaas, sawirkaasna loo suuq geeyo ASX. Waxaana taas daliil u ah in Sawiradii laga qaaday codbixintii uu Baarlamaanka PL u qaaday heshiiskii "Wax-Soosaar-Wadaagga" ay noqdeen kuwo lagu suuq geeyo oo lagu sharraxo barta ay akhbaarta isku dhaafsadaan dadka saamiyada ku leh suuqa ganacsiga ee Australia, ee http://hotcopper.com.au , sawirradaas oo qaar ka mid ah saamileydu ay ku shir tegayaan si suuq geyn ah, qaar kalena ay ku shaacitiraysanayaan - Sawirka hoose ee ay xildhibaanadu gacmaha kor u taagayaan ayaa ah kan ugu badan ee maalmahan la isla dhex mushaaxayey suuqa ASX shabakadiisa HotCopper.


Isha: Shabakada Suuqa Ganacsiga Australia ee http://hotcopper.com.au

GaagaabGaagaab oo u Safray Dalka Dibbadiisa meel aan la magacaabin

Wasiirka Maaliyadda ee Dawlad Goboleedka Puntland, Maxamed Cali Yuusuf "Gaagaab" ayaa maanta (Jimce Dec 29, 2006) ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso isagoo u dhoofay dalal aan magacooda saxaafadda loo sheegin, balse uu ku macneeyey in uu u baxay hawlaha maamulka. Safarkaas oo aysan jirin cid mas'uul kale ah oo ku wehelisa, sida laga soo xigtey ilo ka ag dhowaa Garoonka Boosaaso.

Waxaa jira in uu dib u dhac ku yimid heshiiskii ay Puntland fileysey in uu dhex maro CANMEX iyo RANGE, sida ku cad qoraalka sare, si markaas RANGE ay lacag u siiso shirkadda CONSORT LTD oo ka diiwaan gashan dalka Maldives, taas oo dhowaan ay wasaaradda horumarinta dhaqaalaha dalkaasi CONSORT PRV LTD ku dartay shirkada ku jira liiska shirkadaha ka diiwaan gashan dalkaasi oo lag adaalacan karo Internetka, shirkadaas oo la sheego in ay xubno ka yihiin madaxda sare ee DGPL. Laakiin, wax cadayn ah lagama bixin in wasiirku uu safarkiisan ku tegi doono dalkaasi jasiiradaha Maldives.

Dhowaan ayey ahayd markii uu madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, uu Maxamed Cali Yuusuf "Gaagaab" ku eedeeyey in uu lacago lunsaday, eedayntaas ugu xoogga weyneydna waxay ahayd October 31, 2006 oo Cadde Muuse uu dhowr jeer ku celceliyay in Gaagaab uu Lacago qaatay, waxana uu yiri : "in ay iminka jiraan 2 Maaliyadood, oo ay dhaqaalihii dalka ay qaateen Wasiiradda iyo Agaasimayaasha Guud, Gaagaabna si wayn loo xamanayo, anigu waxba qarinmayo wixii jira ayaan cadaynayaa," waxana uu intaas ku daray "aniga iyo Gaagaab Lacagtii aan qaadan jirnay iminka waxaan ku dhisaynaa garoonka Boosaaso."

Inbadan oo shacabka Puntland ah ayaan kalsooni buuxda ku qabin heshiisyada ay sheegto in DGPL ay la soo gasho shirkadaha shisheeye kuwaas oo sheega in ay dalka ka baarayaan macdan iyo shidaal, waxaana inta badan shakiga keena in madaxda ugu sareeya maamulku ay iyaga oo keliya dalka ka baxaan iyagoo aan cid kale oo mas'uul ah la socon, kaddibna waxay soo laabtaan iyagoo sheegaya in heshiis dalka dibadiisa kusoo saxiixeen iyadoo aan cilmi baaris lagu samayn heshiiskaas ama loo xil saarin cid xirfad u leh waxa la saxiixayo. Sidoo kale waxaa kalsooni darrida shacabka sii xoogeeya baarlamaanka DGPL oo ah baarlamaan lagu tilmaamo in uu ku milmay Dowlada, iyo la'aanta hay'ad garsoor oo loo noqdo. Sidoo kale in aan maamulku la tashan shacabka ama wax laga weydiin arrimaha saamaynta ku yeelan doona bulshada, iyo waxqabadka maamulka oo kusoo ururay saxiixyada heshiisyada macdanta, oo aan cid is weydiin sida loo maamulo laamaha kale ee miisaaniyaddu kasoo xerooto, sida dekedda iyo cashuurta la qaado.

Faafin: Dec 29, 2006


Wararkii Ansixinta: Dec 24, 2006 hoos ka akhri:::


Garowe: Baarlamanka puntland oo xaflad ka sameeyay kadib ansixintii ay ku ansixiyeen heshiiska macdanbaarista..

  • Abaabul Ciidan Beeleedyo ka socda Gobolada Nugaal, Bari iyo Sanaag looga soo horjeedo haddii shirkado Ajnabi ah isku dayaan macdan baaris
  • Baarlamaanka Puntland oo isku tahniyadeeyey kadib ansixinta heshiiskan...
  • Xisbiga Ramaas oo warsaxaafadeed ka soosaaray ansixinta baarlamaanka DGPL ay ku ansixiyeen heshiiska Macdan Baarista.
  • Maxaa keenay Ansixinta Degdegga ah ee Baarlamaanka:
  • Xisbiga Ramaas oo Ku Baaqay in Xukuumadda Itoobiya ay Ciidankeeda kala Baxdo Soomaaliya
  • Ururka Dhalinyarada Jaaliyada gobolada Sanaag, Galbeed Bari, iyo Jubada Hoose ee Woqooyiga Mareykanka ayaa ugu baaqey Cade Muuse in uusan macdan ka qodin deeganadooda.

Baarlamaanka Puntland oo isku tahniyadeeyey kadib ansixinta heshiiskan...

Baarlamaanka puntland ayaa isla shalayba sameeyay xafalad kadib markii ay ansixiyeen heshiiska macadan baarista iyaga oo ku qabtay xaflad balaaran beeraha ku teedsan duleedka magaalada garowe ugu danbayntiina mid ka mid ah beerahaas ku qabtay inta badan xafladooda.

Golaha xildhibaanada puntland oo uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka puntland axmed cali xaashi ayaa xaflad barlaaran halkaasi ku qabtay ay kaga hadlayaan ansixintii ay ku ansixiyeen heshiiska macdan baarista puntland oo ay xukuumaddu u soo bandhigtay baarlamaankuna ay qalinka ku duugeen maaalintii shalay ahayd (Dec 23, 2006).

Xildhibaan ka mid ah golaha baarlamaanka puntland ayaa sheegay in ay u qabteen xafladaan kadib markii ay si wada jir ah u ansixiyeen arin ay u arkayeen in ay golaha baarlamanku ku kala qabsami kareen oo ay kukala jabbikarreen taasina ay sabateeda leedahay in ay xaflad qabtaan maadama ay isku raaceen baarlamaanku.

Xafladaan ay qabteen baaralaamnka puntland ayaa ka danbaysay kaddib markii ay si wada jir ah u ansixiyeen heshiiska macdan baarista puntland taasi oo u saamaxaysa shirkadaha ajnabiga ah in ay macdan ka baaraan dalka hase ahaatee dad badan ayaa su'aalo iska waydiinaya sababata ay baarlamaanku arintan uga xaflado qabsadeen.

Xildhibaan ka gaabsaday magiciisa in la shaaciyo ayaa sheegay in ay baarlamaanku isku tahniyadaynayeen kadib ansixinta heshiiskan.



Dhinaca kalena Gobalada Nugaal, Bari, Sanaag oo ah Gobalada ku soo baxay khariirada laga baarayo macdanta ayaa dadka ku dhaqni ay hadda wadaan abaabul ciidan beeleedyo ay isaga daafacayaan haddii ay shirkado shisheeye dhulkooda ku soo xadgudbaan iyaga oo aan wax amar ah laga haysan, horay ayay dagaallo uga dheceen gobalka sanaag gaar ahaana tuulada Majayahan halkaasi oo ay ku dhinteen dadbadan kuwo kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii ay shirkado shisheeye tageen dhulkaasi iyo ciidan u ahaa shirkadahaas illaalo halkaasi oo uu dagaal kharaar oo ah ku dhufo oo ka dhaqaaq uu ku dhexmaray ciidan beeleed ka biyo diiday in dhulkooda laga baaro macdan iyo waliba ciidanka DGPL oo iyagu rabay in dhulkaasi laga baaro macdan.

Si kastaba xafladaan ay sameeyeen Golaha xildhibaanada puntland ayaa shaki galiyay dadwayne badan oo reer puntland iyaga oo dareemay in baarlamaanka laftigiiu u wado shirqool lagu maja xaabinayo hantida dadwayna puntland.

Garowe: Xisbiga Ramaas oo warsaxaafadeed ka soosaaray ansixinta baarlamaanka DGPL ay ku ansixiyeen heshiiska Macdan Baarista.

Warsaxaafadeed ayaa Axadii Dec 24, 2006 laga soosaaray xafiiska Xisbiga mucaaradka ah ee puntland oo marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaano RPP.

Ramaas Ciiro
Guddoomiyaha Xisbiga ramaas, Daahir ciiro

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in xisbigu uu nasiibdaro u arko ansixinta dagdaga ah ee ay shalay (Sabti Dec 23, 2006) ku ansixiyeen Golaha baarlamaanka puntland heshiiska u ogolaanaya in ay shirkadaha shisheeye puntland ka baari karaan macdan iyo shidaal.

Xisbiga Ramaas waxa kale oo war saxaafadeedkiisan lagu sheegay in ay tahay wax laga yax yaxo xilligan in la ansixiyo walibana ay si toos ah markii ay ansixiyeen u wada tamaashaadeen iyaga oo u arkayay in ay iska fujiyeen arin culus.

Xisbiga ramaas ayaa ugu baaqay xubnaha baarlamaanka puntland in ay xilka ay u hayaan ummadda puntland aysan ku raadsan sharaf ay ka doonayaan xukuumada Cadde Muuse balse ay u arkaan xilka in uu yahay mid lagula xisaabtamayo aakhiro iyo adduunba ayna u arkaan mid wayn islamakraana ay u arkaan in xilku uusan ahayn ciyaar oo ay iska giijiyaan xilka ay ummadda u hayaan danaha ummaddana ay ka shaqeeyaan kana fakaraan wixii ummadda dhib u keeni kara, waa sida ku cad warsaxaafadeedka uu soo saaray Xisbiga Ramaas.

Xisbiga Ramaas ayaa isaga oo ka xun sida ku cad warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in aan habayaraatee loo baahnayn in la ansixiyo heshiis aan shacabka puntland aysan ogalaan waxana uu xisbigu ka digay dagaala ay keento arintaasi isaga oo hadii ay sababto dagaal arrintani eedda dagaalkaas dusha uga tuuray Xubnaha baarlamaanka puntland oo buu yiri xisbigu ka shaqaynaya jahwareerinta shacabka puntland ee aan ka shaqaynayn hormarka iyo danaha shacabka puntland.

Warsaxaafadeedkan uu Axaddii soo saaray xisbigu oo ka koobnaa dhawr Bog ayaa looga digay dhibaatada iyo cawaaqibka ay yeelankarto ansixinta lagu dagdagay ee heshiiska macdan baarista ay shirkadaha shisheeye ka baari karaan deegaanada puntland ay ansixiyeen Sabtida (Dec 23, 2006) baarlamaanka puntland sida ku cad warsaxaafadeedka xisbiga ramaas.

Xisbigu waxa kale oo uu sheegay in baarlamaanka puntland uu hoggaanka ugu jiro Cadde Muuse oo iska ansixiyo wax walba oo Cadde Muuse uu qalinka ku soo meer meero iyaga oo aan u fiirin ahmiyada iyo hormarka iyo wali cawaaqib xumada ka dhalankarta arintaasi.

Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas, Daahir ciiro, kala xiriir Email: Daahirciro@hotmail.com
###

LIFAAQ::: Maxaa keenay Ansixinta Degdegga ah ee Baarlamaanka:

  • Dadka la socda heshiisyada ay sida degdeg iyo qarsoodiga ah u gasho DGPL ayaa tibaaxay in xilligan waxa ku soo beegay in Baarlamaanka DGPL uu ansixiyo heshiiskaan in ay tahay in maamulku uu qorshaynayo in uu badbaadiyo heshiiskii la rabey in uu meel maro 15kii November 2006 kaas oo dhex mari lahaa shirkadda "Range Resources" ee ay jaalka yihiin maamul-goboleedka iyo shirkadda reer Sweden ee CANMEX, heshiiskaas oo haddii uu kama dambaysta qabsoomi waayo December 31, 2006 aan markaas lacagtii US$50 million ee heshiiskaasi dhigayey aysan helayn "Range Resources" - Waxaana xusid mudan in Range Resources haddii ay lacagtaas hesho ay qorsheyneyso in wax ka siin doonto shirkadda ay xubnaha ka yihiin madaxda dowlad GPL ee ka diiwaan gashan Maldives, CONSORT PRV LTD, sidaasna ay dowladdu lacag ku heli doonto, ee qorshu uusanba ahayn in macdan la soo saaro, baarlamaankuna uusabna taas ku baraarugsanayn. Waxaana qorshuhu yahay in toddobaadkan ay Range Resources warqad u dirto Suuqa Ganacsiag ee Australia oo lagu sheegayo in"Baarlamaanka Puntland ansixiyey Heshiiska Macdan Soo saarka Puntland". Taas ayaa lagu macneeyey in ay keentay in Cadde Muuse uu warqad degdeg ah u diro guddomiyaha Baarlamaanka DGPL.
  • Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi, waxa uu 23/12/2006 warqad u diray guddoomiyaha baarlamaanka DGPL, warqadaas oo ay ku qornayd sidan:
    Ku: Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Garowe, Mudane Gudoomiye
    Waxaan halkaan idiin ku soo gudbinaayaa isla halkaana ku lifaaqan Ansixinta heshiiska qaybsiga wax soo saaraka Shidaalka & Gaaska oo Golaha Wasiiradu ansixiyeen 14/12/2006.
    Sidaa darteed, waxaa Golaha Wakiilda laga codsanaayaa in aad ka doodaadan ka dibna Ansixsaan heshiiskan.
  • 52 xildhibaan oo ansixiyey heshiiska: Isla maalintii Sabtida 23/12/2006 ayaa baarlamaanka DGPL ansixiyeen heshiiska loogu yeeray "wax qaybsiga shidaalka ee shirkadaha wax soo saarka iyo Maamul Goboleedka Puntland, heshiiskaas oo wax qoran aan shacabka iyo saxaafadda toona loosoo ban dhigin, waxaana coddeeyey 52 ka tirsan baarlamaanka Puntland oo sida la sheegay dhamaantood isku raacay heshiiskaas.
  • Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, Axmed Cali Xaashi, waxa uu isla maalintii 23/12/2006 ku jawaabey
    Markuu Arkey: Dastuurka Puntland
    Markuu Arkey: Soo gudbinta golaha xukuummadda Dec 16 2006 ee ku saabsan ansixinta heshiiska qaybsiga waxsoosaarka Shidaalka iyo gaaska ee golaha wasiirradu ansixiyeen 14/12/2006.
    Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo soo saarista khayraadka dalka.
    Markuu dhegaystey: Dooddii iyo go'aankii golaha wakiillada, 23/12/2006
    Markuu Arkey: Ansixinta Golaha wakiillada ee heshiiska waxsoosaar-wadaagga ee shidaalka iyo gaaska
    Wuxuu Gudoomiyey: Ansixinta Heshiiska Wax-soosaar-Wadaagga Ee Shidaalka iyo gaaska.
  • Maxaa la filayaa Toddobaadkan: in shirkadda Range Resources ay warqad u dirto Suuqa Australia ee ASX, ay ku qoreyso in Baarlamaanka Puntland uu isku raacay heshiiska wax-soosaar-wadaagga ee "Range Resources, Canmex iyo Dowladda Puntland - oo aysan la socon kelmedda DOWLAD-GOBOLEED"- Kelmedda la rabo in ay qoraalkaas ka muuqato waa "production sharing" [wax-soosaar-wadaag] dhex maray saddexdaas qaybood. Markaasna CANMEX lagu qanciyo in ay saxiixaan heshiiska inta aan waqtigu ka dhicin ka hor 31/12/2006 oo maarkaasna ay bixiyaan $US50 million si markaas CONSORT lacag loo siiyo...
  • Su'aasha la rabo in DGPL iyo Baarlamaankeeda la weydiiyo: Maxaa dadweynaha loogu soo bandhigi waayey waxa ku qoran heshiiska uu baarlamaanku ansixiyey 23/12/2006, maadaama dadweynuhu aysan kalsooni ku qabin baarlamaanka oo ku milmay dowladda awgeed iyo in aan Puntland ka jirin hay'ad garsoor oo korka kala socon karta ficillada dowladda iyo baarlamaanka.

Xisbiga Ramaas oo Ku Baaqay in Xukuumadda Itoobiya ay Ciidankeeda kala Baxdo Soomaaliya

Dhinaca kalena warsaxaafadeedaka xisbiga ramaas ayaa lagu caddeeyay in dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya ay si shuud la'aana ay ku joojiyaan dagaalada islamarkaana ay ku soo laabtaan miiska wadahadalada nabada si looga guul gaaro heshiis nabadeed oo ay yeeshaan maxkamadaha iyo dawlada sidoo kalena xisbiga ramaas ayaa ugu baaqay in xukuumada Ethoipia ay ciidamadeeda faraha badan ee ka jooga dalka Somalia ay kala baxdo islamarkaan ay joojiso dagaalka ay kawado gudaha dalka somalia waa sida warsaxaafadeedka loodhigaye.

  • Gudoomiyaha Xisbiga Ramaas Daahir ciiro waxaa lagala xiriiri karaa: Email: Daahirciro@hotmail.com  | mobile#: 747090

Ururka Dhalinyarada Jaaliyada gobolada Sanaag, Galbeed Bari, iyo Jubada Hoose ee Woqooyiga Mareykanka ayaa ugu baaqey Cade Muuse in uusan macdan ka qodin deeganadooda.

Isha: Dhahar Online + Laasqoray

 

majayahanDec 25, 2006: Ururka dhalinyarada Sanaag, Galbeed Bari, iyo Jubada Hoose ee Woqooyiga mareykanka Fadhigiisuna yahay Magaalada Minneapolis ayaa waxay warbaahinta Dhahar Online soo gaarsiiyeen baaq ay maanta u direen Maamulka Puntland, gaar ahaana ay ku aadiyeen in Cadde Muuse uu ka waantoobo fara-galinta gobolada Sanaag iyo Galbeedka gobolka Bari halkaasoo ladoonayo in howlo macdan qodis ah laga fuliyo.

 

Madaxa Ururka Axmad Cabdalla ayaa sheegay in ay uga digeen maamulka Puntland “hada ka hor Cadde waa uu ku fashilmey, waqtigan xaadirka ahna maha waqti ku haboon in shidaal la qodo” sidaa waxaa yiri Axmed Cabdalla.

 

Goobaha ay ururkan ka digayaan oo ay ka midtahay deegaanka Majiyahan iyo Dhalan ayaa waxaa horey ugu dagaalamay beesha deegaanka iska leh oo ka biyo diidsaneyd in shidaal laga qodo iyo ciidan ka amar qaata maamulka Puntland.
 

 majayahan
Ciidanka Difaaca Majiyahan
 

Dhinaca kale waxaa lagu soo waramayaa in Cade muuse uu Janaaayo 2007 usoo dhoofi doono dalka Kanada oo ay ku suganyihiin labada hay’adood uu heshiiska la galay mid ka mid ah. Si kastaba ha ahaatee deegaanada aan soo magacowney ayaa waxaa ku sugan ciidamo beeleedyo diidan in shidaalka laga qodo deegaanadooda, waxaana laga baqayaa in ay taasi dhaliso gacan kahadal hor leh.

 

Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 24, 2006 | Dec 25, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD