SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

Wasiirka Batroolka Md. C/llaahi Yuusuf Xaraare "Inta aan ahaa wasiirka Betrool wax heshiis ah oo ay wasaaradu saxiixday ma jirto, heshiisyadii horena weli way jiraan, Buugga weyn iyo waxyaalaha kale ee ku xiran ma aha wixii wasaaradu soo gudbisay.."

  • {warbixintii uu siiyey Baarlamaanka, su'aalihii ay weydiiyeen iyo Jawaabihii wasiirka Batroolka iyo Tamarta oo in badan la sugaayey}


Wasiirka Batroolka iyo Tamarta DFKMG Md. C/llaahi Yuusuf Xaraare oo Baarlamaanka Warbixinsiiyey ayaa sharxay qaab dhismeedka Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta, waxyaabihii uu qabsoomey intii uu xilka hayey, caqabadaha horyaala iyo mustaqabalka waxa uu doonayo in wasaaradda ay qabato.

Wasiirka isagoo arimhaasi ka hadalaya ayaa wuxuu yiri " Wasaaraddu waxay leedahay, 3 Agaasime Guud iyo waaxyo kala duwan hoos yimaada, wasaaraddu waxay baadi goob ugu jirtaa heshiisyadii hore loola galay shirkadaha kala duwan ee ka hawlgalay dalka.

Qorshaha Wasaaradda ayaa wuxuu yiri " Qorshaheenu waxaa uu ahaa Koronto gelinta Magaalada Baydhabo oo ah meesha dowladu ay ku soo degtay, marka la qiyaaso awooda Korontada ay u baahan tahayna ayaa waxay noqonaysaa 3. hal iyo bar KWT, waxaana helney Hay'addo gacan ka geysta, marka uu Ramadaanku dhamaado ayaan bilaabi doonaa, waxaa keloo aan ku tala jirnaa Uruurinta sharciyadii hore ee batroolka dalka Soomaaliya laga isticmaali jirey iyo kuwa Caalamka iyo Heshiisyadii wax soo saar wadaaga, wasaaradu waxay dib u dhigtey heshiis-yda cusub, soo jeedinta sameynta Shirkad Batrool, waxaana Uruurinay macluumaadkii hore Soomaaliya looga sameeyey Qoraxda iyo Dabeyasha, waxaan baadi goob ugu jirnaa heshiis-yadii hore loola galay shirkadaha kala duwan ee dalka ka hawlgalayey.

Waxaa jira in Batroolka Soomaaliya ay doonayaan shirkado badan, Batroolka laga baarey Soomaaliya 1950-kii, waxaa la qodey 57 Ceel oo wada qalalan, sababaha keenay in guul laga gaari waayo waxay ahayd dhowr arimood, Xiligaas la qodaadey 57-Ceel arimaha siyaasadeed wadankeena wuxuu ku jirey Gumaysi, kadibna waxaa dhacday isbedel, kadibna Xukuumadii Militeriga ayaa gacanta ku dhigtay dalka, shirkadihiina dib ayey u gurteen, waxay mar labaad dib ugu soo noqdeen 1991-dii oo markaa Dagaaladii sokeeye dalka ka qarxay, dalalkoodii ayey mar labaad dib ugu noqodeen ". sababaha keenay in Soomaaliya la daneeyo ayaa waxaa ka mid ah, waa meel istiraatiiji ah, waxaana kor mara lix Basin(6), taasina waxay keentay in shirkado waawey ay daneeyaan oo gaaraya ilaa 12- shirkadood iyo kuwo kale oo yar yar, meelaha ugu muhiimsan Batroolka Soomaaliya iyo xiriirka macdanta ay la leeyihiin waa Gobolada Woqooyi, J/hoose oo ah meel rajo fiican laga qabo iyo Sh/hoose oo hore loogu tuhunsanaa gaas iyo Batrool ayaa ka mid ah, Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada baloogyada loo qaybiyey 46-Block oo dhulka ah iyo 13 ilaa Xeebta Laamo iyo Zaylac.

Wasaaraddu waxay dhiiri-gelinaysaa in mudnaanta la siiyo muwaadiniinta dalka Soomaaliya ee ku hawlan ka ganacsiga Batroolka, waxaana u dejiney Shati leh heerar kala duwan sida:-

A-kuwa soo dejiya shidaalka ee awooda dhaqaalo u leh waxaa la siinayaa shati, hadii uu Wasaaradda ganacsiga ka haysto shati.

B-Shirkadaha Deegaanka ee buuxiyey shuruudaha.

C-Degmo waliba ee sameysan karta Kaalin shidaal.

Sharciga Batroolka waxaa la diyaariyey intii aan aniga xilka qaban, waxaana loo dhiibay gudi wasaaraddu waxay wax ka bedeshay sharciga batroolka meelaha ay u aragto inaan loo baahnayn:

JAWAABAHII WASIIRKA TAMARTA IYO BETROOLKA DFKMG ...

Akh-ristayaasha sharafta lahoow waxaan halkaan idiinkugu soo gudbinaynaa su'aalihii ay weydiiyeen Mudanayaasha iyo Jawaabihii, Wasiirka Batroolka iyo Tamarta Md. C/llaahi Yuusuf Xaraare, xubnaha su'aalaha weydiiyey ayaa waxay kala ahaayeen Xildhibaan Ismaaciil Timir, Xildhibaan Xuseen Baantuu, Xildhibaan Kulalihi, Xildhibaan Cali Baashi Xaaji Max’uud, Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow, Xildhibaan Cawad Axmed Casharo, Xildhibaan Ibraahim yarrow, Xildhibaan Max’ed Xuseen Raage, Xildhibaan Jen. C/raxmaan Max’’uud Cali, Xildhibaan Avv. Cumar Xasan Subeyr, Xildhibaan Max’ed Qanyare, Xildhibaan Cumar Islow, Xildhibaan Cusmaan Aadan Dhuubow, Xildhibaan Max’ed C/raxmaan Nadiif, Xildhibaan Avv.Ceydiid Ilka Xannaf, Xildhibaan Macallin Jiis, Xildhibaan Avv.Cabdi C/lle Siciid {Jinni boqor}.

Wasiirka oo ka jawaabaya Su’aasha:- ugu horeysa waxaa uu yiri "waxaa su'aashii ugu horeysay i weydiiyey Xildhibaan Ismaaciil Timir, Siyaasada wasaarada ee ku wajahan dhibtaada ka jirta hada caalamka maxaad u diyaarseen, yaase loo daynayaa ma kuwii hore, mise kuwa dambe?

Jawaabta:-Wasaarada Siyaasadeeda waxay tahay in la tix geliyo heshiisyadii hore sababaha soo socda awgood:-

  • (A)-In caalamka noo arko wadan lala gali galo heshiis caalami ah.

  • (B)- Sharci ahaan waxay ku tageen Force Majore oo xaalad dagaal awgeed ayay ku tageen weliba qaarkood mudo ayay rajo ka qabeen in xaalad u saamaxdo inay ku soo noqdaan dalka, dhinaca caalamka hada waxaa ka socda wasaaradda siyaasadeeda waa mid taxadir iyo ka fiirsasho ku dhisan, waxa caalamka ka socda wasaarada waxaa kaga aadan ka fiirsasho iyo taxadir oo mudnaanta siinaysa danta shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Xuseen Baantuu

S:- waxaad inoo sheegtaa magacyada shirkadaha Betroolka iyo meelaha ay wax ka heleen?

J:- Shirkadaha caalamka ee wax ka baaray Betroolka kuwooda ugu muhiimsan eena doonayaa inay soomaaliya ka baaraan Betrool waxay kala yihiin, Sinclair oo ay shirkad ku yihiin Mareykan iyo Yurub, Agip oo laga leeyahay Taliyaaniga, Phipes, Shell oo laga leeyahay Mariland, Kongo oo laga leeyahay Mareylanka, Pectan, Cherron oo laga leeyahay Mareykanka, Murphy, oo laga leeyahay Mareykanka, Amoco oo laga leeyahay Mareykanka, IPC oo ah shirkado isu tagay oo ay shirko ku yihiin Canadian, Swedish iyo Mareykanka, Lundin Talisman iyo Gulf Strean oo ah Shirkado isu tagay, Shirkadaha cusub oo ay wasaarada oo ay heshiis la gashay ma jiraan ilaa iyo hada.

Xildhibaan Kulalihi

S:- Buuga weyn ee loo qeybiyay baarlamaanka ma yahay mid ay wasaaradu ogtahay?Wasaarada Medco iyo Kuwait Energy ma jiraa wax heshiis ah oo ka dhexeeyay ma jiraa? Mase jiraa wax talo ah oo ay wasaradu ku lahayd tiimka Pertoliam Team ma jiraa?

J:- Mudanayaal shirkada Betroolka Soomaaliyeed weli lama dhisan oo sharciga ayaa dhisaaya, cidna ma aanan siin saami (share) oo 100% waxaa iska leh dowlada, marka la dhiso haday noqoto oo shirkad ajanabi ah laga gadayo share ka mid ah shirkadaas waxaan keeni doonaan baarlamaanka qolada gadanayso sicirka ay ku iibsanayso, arinta ah inay guriga ugu tageen Gudoomiyaha Baarlamaanka Medco iyo Kuweit Energy waxba kama ogayn oo wadankaba ma joogin, heshiisyada uu soo saxiixay wasiirka macdanta waxba kalama socdo weli nooma soo gudbin, sababta loo soo saxiixayna faahfaahinteeda ma hayno, buugga weyn iyo waxyaalaha kale ee ku xiran ma aha wixii wasaaradu soo gudbisay, sida aan ugu sheegay Xildhibaanadii hore waxaan mudnaanta siinaynaa shirkadahii hore.

Xildhibaan Cali Baashi Xaaji Max’uud:

S: xaalada hada lagu jiraa ma tahay mid saamaxaysa in la baaro betrool? Shirkadihii hore ee intaan dalku burburin heshiis la galay dowladii maliteriga heshiiskooda ma jiraa? Mase jirtaa cid wax na siisay?

J:- Xaalada hada lagu jiro ma saamaxayso in la baaro betrool, sharcina waa loo baahan yahay, shirkadahii hore heshiisyadoodii waa jiraa weli cid wax na siisayna ma jirto.

Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow:

S: waxaan filayaa in qoraalka nahor yaalaa sow ma aha mid ka yimid Golaha wasiirada? Adiguse mala kulantay Sudlaana Akbar?maxaase kala socotaa heshiisyada shidaal oo ay wada galeen kal hore Dowlada Jen.Cadde Muuse waxa uu sheegay inuu ka go’ayo seed ka yeelaysaan?

J:-Medco iyo Kuweit Energy waxay sheegteen 49% inay inay leeyihiin Shirkad aan la gaarno go’aan waxaa soo gudbinaya wasaarada inta ka horeysa 100% waxaa leh dowlada, Suldaana Akbar mala kulatay waxaan kula kulmay work shop wax gaar ah oo ka baxsan work shop-kaas wax ka gaar ah nama dhex marin, 26-juun 2006 waxaa heshiis shidaal kala saxiixaday Dowlada Federalka iyo Maamulka Puntland aniga markaas wasiir ma anan ahayn la iimana soo gudbin, seed ka yeelaysaan Anniga waxaan filayaa Puntland waxay qeyb ka qaadatay sidii dowlada federalka u istaagi lahayd mana filayo ra’yi ahaan inay ka go’ayso dowlada federalka oo ay wax ka soo dhistay.

Xildhibaan Cawad Axmed Casharo:

S: Ingiriisku wuxuu ahaa qoladii ugu horeysay ee danaysa shidaalka soomaaliya ceelashii la qoday waxay noqdeen daray sababaha loo saarayna waxay maxaad ka damacsan tihiin bolokyadii (Blocks) la siiyay shirkadahii hore?

J:-Runtii Ingiriisku wuxuu ahaa dalkii ugu horeeyay ee daneeya shidaalka soomaaliya, sababaha loo saray blockyada waa farsamo xumo iyo tiknoolajiyada oo heerkii looga talo galay aanay gaarsiisanayn bolokyadii la siiyay shirkadahii hore weli waa sidoodii ilaa aan iska soo hor fadhiisano oo dib u xisaabtano ma garan karo sida ay wax inoo kala harsan yihiin, arimahan ma ahan arin fudud waxay u baahan tahay taxadir badan, shirkadaha yar yar sidoodaba way na wareerinayaan waqtigan xaadirka uma baahna iyagana way ku fiican yihiin shaqooyinkooda, heshiiska uu saxiixay wasiirka macdanta ma garanyo inuu saxiixo heshiiskaas mana inoo soo gudbin faahfaahintiisa .

Xildhibaan Ibraahim yarrow:

S: intaad wasiirka ahayd ma jirtay heshiis aad saxiixday?

J:-Inta aan ahaa wasiirka wax heshiis Betrool ah oo ay wasaaradu saxiiday ma jirto heshiisyadii horena weli way jiraan, sharrcigana waa midka ku lifaaqan wasaarada warqadeeda.

Xildhibaan Max’ed Xuseen Raage:

S: Maxaa sababay 57-ceel in laga waayo (shidaal)? Dhinaca badahase maxaad ka leedihiin?

J:- 57-ceel oo laga waayay waxaa sababay dhowr sababood awgood kuwii sanadadii ugu horeysay la qoday oo aan gaarsiisnayn heerkii looga tala galay, nidaamka betroolka soomaaliya iyo baaxada soomaaliya iyo 57-ceel way ku yar tahay sababtoo ah 200km ayaa waxaa laga baaraa ilaa 150-ceel si loogu helo ceel betrool ku jiro marka markaad fiiriso soomaaliya oo iyada oo dhan iyo 57-ceel waxay noqonaysaa wax aan waxba ahayn, dhinaca badaha blockyadooda waxaa la siiyay shirkado waaweyn oo shaqo ka bilaabay intii ka horeysay burburka iyadoo waxba soo saarin oo aan dhamaystirina ka tagay.

Xildhibaan Jen. C/raxmaan Max’’uud Cali:

S: ma inoo sheegi kartaa kharashka ku baxay samaynta sharciga betroolka iyo cida kharashka bixisay? Maxaase keenay in soomaaliya la daneeyo oo la siiyo ahmiyad gaar ah?

J:- Sharciga betroolka waxaa la soo sameeyay inta aanan noqon wasiir, kharashaka ku baxay iyo cida bixisay weli nalooma soo gudbin.

Maxaa keenay in soomaaliya la daneeyo, waxaa keenay dhowr sababood: mowqaca joolajiga ay soomaaliya ku taalo oo tilaamaamay meel wax laga filayo waa wadan 80% rajo laga muujiyay in wax laga helo daraasadii Bankiga Aduunka iyo UNDP ay sameeyeen kuna sameeyeen 8-wadan oo afrikaan ah Soomaaliya iyo Suudaan waxay ku jireen labada wadan ee ugu horeyso, Suudaan sida aad la socotaan hada waxbay soo saartaa sanadaha soo socdana waxay ku dhow yihiin inay Sudaan soo saarto labo malyuun iyo bar oo barmiil maalintiiba soomaaliya oo loo arkay inay ku sahalsan tahay dhoofinta betroolka waayo meel kasta oo ceel laga helo kama foga badda , mida kale soomaaliya waxay ka mid meelaha ugu yar oo shirkadaha waaweyn ee aduunka isugu yimaadiin, Ka faa’idaysiga dhinaca tamarta iyo dabeysha waan ku tala jirnaa macluumaad badana waan aruurinay hadii aad u baahan tihiina koobi waan idiin sii karaa soomaaliyana waxay haysataa fursad dabeyl badan iyo qorax badan laakiin waxaa aad qaali u ah in koronto looga dhaliyo magaalo qoraxda iyo dabeysha waa arin u baahan in si tartiib ah in bedelo dhuxusha lafteeda waxa u baahan tahay.

Xildhibaan Avv. Cumar Xasan Subeyr:

S: Buugga weyn yaa soo gudbiyay? Dareense ma idiin galay markaad maqasheen arimahan?

J:- Bugga Weyn ma aha mid ay wasaarasda soo gudbisay, dareen waa na galay oo waan la yaabnay inay shirkado soo baxaan yimaadaan Baydhabo marketing u sameeyaan barnaamijka ay wadaan la kulmaan madaxdii wadanka si habqana ay ku iibiyaan barnaamijkooda ayagoo aanan soo marin wasaaradii shaqada ku lahayd oo ah wasaarada tamarta iyo Betroolka.

Xildhibaan Max’ed Qanyare:

S: Wasiir "Sharciga ay wasarada soo gudbisay sow kan ma aha"?

J:-Sharciga ay soo gudbisay wasaarada ayna u soo gudbisay Baarlamaanka waa midka ay ku lifaaqan tahay wasaarada warqadeeda, waana ku celinayaa "Buugga weyn wasaarada sooma gudbin".

Xildhibaan Cumar Islow:

S: Sharciga yaa inoo soo gudbiyay maxaase keenay inaad hada ka soo hor jeesato? mase ku (soo) gareen heshiis ka ay la gashay Shirkada Range Resources maamul goboleedka puntland, maxaase ugu hadli wayday heshiiskaas? Adiguse heshiis maku soo gashay China?

J:-Sharciga kama soo hor jeedo ee waxaan leeyahay waxa uu ahaa sharci qabyo ah hadii gudiyada iyo baarlamaanka wax ku kordhin karaan wax ha ku kordhiyeen, rutii weli ima soo gaarin heshiis ay leedahay Range Resources, waxaan wax ka dhihi karaa marka uu isoo gaaro docomenti aan ka jawaabo, anniga wax heshiis ah kuma soo galin China, arrimaha heshiiska baarista betroolka Puntland weli ma soo gaarin wasaarada.

Xildhibaan Cusmaan Aadan Dhuubow:

S: ka waran heshiisyadii lala galay shirkadahii hore ee shidaalka baara heshiiskoodi kal hore ay la gasahy dowladii 21-sano? Maxaase wasaaradu ka damacsan tahay xooga korontada?

J:-Shirkadahii hore heshiiskoodii weli sidii ayuu u taagan yahay intaan wax isla dhigaynana waan tixgelinaynaa hadiise kuwo cusub yimaadaan oo xoog leh oo shidaal ka qodi kara meelo cusub waan soo dhawaynayna.

Korontada waxaa ka damacsanahay inaan ka dhigno shirkado xor ah oo gaar loo leeyahay sidaa darteed waxaa ku howlan nahay sidii aan u samayn lahayn sharci ku haboon awooda korontada.

Xildhibaan Max’ed C/raxmaan Nadiif:

S: Wasiir waxaad maqanayd in mudo maxaa sababay inaad maqnaasho intaa in la’ eg maqanaato?

J:-Maqnaashahaygii wuxuu ahaa mid u badan shaqo sidii ii weydiiyayna uma wada maqnaynoo waxaa jiray dhex taalo

Xildhibaan Avv.Ceydiid Ilka Xannaf:

S: Waxaan la soconaa sharci betrool oo hare maxaase wax looga dari waayay oo sharcigan qodobo ka mid ah shgarcigii hore? Maxaase kalifay inaad shirkado yar la noqotaan Partner ama bahwadaag?

J:-Waa sax oo hada sharci betrool ayaa ka jira dalka oo qeyb ka ah "Mining Code" sharcigaas waa jiraa ilaa sharci cusub lagu bedelo uu soo baxo, gudiga iyo qareeno la isku daray ayaan ka rajaynaynaa inay wax kaga soo daraan wasaaraduna wixii talo ah ay u baahan yihiin way ku caawinaysaa; mida ah maxaa kalifay inaad shirkado yar la noqotaan Partner siyaasada wasaarada waxa weeye hadaan qolo la noqono inaan noqono qolo aad iyo aad u culus farsamo ahaan, dhaqaale ahaan si walbaba noo kabaya hadee hada weli shirkado lama noqon Partner maalinta aa la noqonana waan idiin horkeeni doonaa .

Xildhibaan Macalin Jiis:

S: Mudane wasiir maxaa keenay marka sharciga baarlamaanka la soo gudbiyay inuu yimaado qeylo dhaan?

J:-Waxaa keenay buugga weyn oo dadka shaki weyn geliyay, baaarlamaankana wareeriyay

Xildhibaan Avv. Cabdi C/lle Saciid Jinni Boqor:

S: waxyaabaha ay ka cabanayaan maamul goboleedka Puntland maxay yihiin?

J:-Waxyaabaha ay ka cabanayso puntland waxay noqonyasaa in loo tago oo aan wada hadal la yeelano.

Jawaabtaas waxay ahays tii ugu dambaysay markaan isku soo wada duubo su’aalihiinu waxa uu u badnaa shirkadahii hore, sharciga iyo heshiisyada la soo galay.

1-Shirkadahii hore heshisyadooda waan tix gelinaynaa, waana ku talinayaa in la tix geliyo si aan ugu fogaano dhibaato siyaasadeed oo caalami ah waa shirkado ku maqan Force majore ama dhib soo dariyay.

2-Heshiisyada wasaarada ma jirto wax heshiis oo ay gashay, heshiis betrool, in la galo ma fududa .

3-Sharciga waxaan aaminsanahay inuu sharciga weli yahay qabyo oo Gudiga Baarlamaanka iyo Qareeno loo xilsaaro hana soo dhamaystiraan oo ha noqdo mid kuligeen niyadeena ka saara shakiga, ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Wasiirka Batroolka iyo Tamarta Md.C/llaahi Yuusuf Xaraare.

Hase ahaatee Akh-ristayaasha sharafta lahoow markaad eegto waxa dalka ka dhacaya ayaa waxaad moodaa Mas'uuliyiinta Soomaaliyeed sidey u dhan yihiin in arimaha ay sameynayaan intooda badan ay wataan dowlado shisheeye, kuwaasoo qofka mas'uulka ah ku kalifa inuu hir geliyo go'aano ay isla gaareen isaga iyo kuwa ay wada heshiiyeen, isagoo eeganaya danaha isaga u gaarka ah, taasina waxaa muujinaya doodii bilooyinkan socotey ee Batroolka Soomaaliya oo wajiyo badan lahayd, laakiin hada waxaa soo baxay arin kale oo aan la filaynin, taasoo ah in wasiirka Batroolka uu yiraahdo Buuga weyn ma ogi cida soo sameysay iyo waxa ku baxay oo kharash ah, markaad eegto hadalkaas wasiirka Akh'ristow ilaa iyo intee arimo sidaas oo kale ah baa dalka ka jira, imisaase sidaas lagu hirgeliyey oo shacabka Soomaaliyeed dhibaato u qarsoon ah, koleey talo waa tii Rabi ee shacabka Soomaaliyeedow, DFKMG waxaa u galay sanadkii 3-aad wali waxaa socda daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed oo Koox waliba qaybteeda ku hawlan, hadaba ma caqlibaa in Koox kasta qaybteeda dhiiga shacabka Soomaaliyeed ku Gor gortanto?

Dhamaad.

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

LIFAAQ:::

Dhanka kale waxaa inoo suura gashay Akh’ristayaasha sharafta lehoow inaan helno  Qoraal uu ku sixiixan yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DFKMG ahna Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Md. Saalim Caliyow Ibrow  oo ay soo bandhigeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo uu ka mid yahay Xildhibaan Ibraahim Aadan Xasan {Kiish Bur}, islamarkaana ka tarjumayey sida ay u maamushey lacagihii deeqaha ahaa ee isugu jirey kuwa Yurubta, Markeykanka, kuwa Carabta iyo dhaqaalaha soo galay dowlada oo kor u dhaafaya 150-Milyan oo doolar iyo lacagihii la soo daabacay: ka bogo adigoo dhuuxaya micnaha qoraalkan uu xambaarsan yahay waxa uuna  ka kooban ilaa iyo 4 bog:

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH