SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIDA


DAGAALKA, BATROOLKA IYO SOOMAALIYA

  • Qoraalkan oo asal ahaan uu daabacay "Arnobius" waxaa cinwaaan kiisu ahaa "DOGS OF WAR, OIL AND SOMALIA" waxa uu kusoo baxay shabakado badan oo Internetka ah oo ay ka mid tahay shabakadda ay xogta isku dhaafsadaan saamileyda Suuqa Ganacsiga Austria ee www.hotcopper.com.au. Tarjumadii qoraalka oo kusoo baxday SomaliTalk.com ka akhri hoos:

__________________
Daabacaddii: Arnobius
Taariikh: Axad, 31 December 2006, 1:46 p.m.

Qofkii raba in uu si dhab ah u fahmo cinwaannada wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan militariga Itoobiya oo galay qaybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, waxaa shardi ah in aad fahamtid in dalkii xilli ahaan jirey hal Qaran oo loogu yeero Soomaaliya, uu waqtigan la joogo ka kooban yahay saddex ku kala magacaaban:

  1. Jamhuuriyadda Somaliland
  2. Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya
  3. iyo Koonfurta Soomaaliya (Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo)

Jamhuuriyadda Somaliland

Kharidadda: "Republic of Somaliland" - Eeg sawirka oo weyn....
www.somalilandgov.com/images/map.gif

Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya

Khariidadda: "Puntland State of Somalia" - Eeg sawirka oo weyn...
www.puntlandgovt.com/images2/MAP_PUNTLAND.jpg

Qaybta Koonfureed oo ay ka mid yihin: Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo. DFKMG (Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah) oo, u muuqata in ay guulaysatay, dagaalka xakumidda ee ay la gashay MMI (Midowga Maxkamadaha Islaamiga) iyadoo taageero ka heleysa militariga Itoobiya.


Isha Sawirka: http://www.lib.utexas.edu/maps/africa/somalia_pol02.jpg

Fadlan hal daqiiqo oo waqtigaaga ah ku bixi in aad dib u jalleecdid/fiirisid khariidadaha kor ka muuqda, waxaad arki doontaa in Jamhuuriyadda Somaliland (taas oo si cad u sheegtay in aysan danaynayn dib ula midowga Soomaali oo dhan) iyo Dawlad Goboleedka Puntland (taas oo taageersan, af ahaan, dib u midowga Soomaalida, laakiin danayneysa is-maamulka Puntland), waxaa ka dhexeeya qayb dhul ah oo labaduba ay sheeganayaan, dhulkaas oo ah degaannada Sanaag iyo Sool. Arrintaasi muhiimad ayey ku yeelan doontaa qormadan xaggeeda dambe.

Labaduba, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Puntland, waxay leeyihiin ama u dhisan dawlado deggan oo hawl kar ah. Bulshada iyo dawladaha labada gobalba waa Sunni-islaami-dhexdhexaad ah.

Kan u dambeeya ee "maxalliga" waa Midowga Maxkamada Islaamiga ah.... oo ah midowga debacsan ee 11 ama 12 "degmo" ee "Maxkamadaha" Islaamiga kuwaas oo, kaddib dawlad la'aantii Koonfurta, isku deyey in ay soo celiyaan qaanuunka iyo kala dambaynta, iyagoo u maraya hab-fikirka xagjirka ee Salafiyada/Wahhabi/Qutbi, oo asaas ahaan doonaya in la soo celiyo hab-fikirka Islaamiga ee jirey ka hor xilligan "casriga ah".

Bishii November 2006, kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan kor kala socoshada hubka ayaa soo saaray warbixin, taas oo ay ku eedaynayaan MMI in ay heleen taageero isugu jirta meelayn iyo kaalmo militari oo ay ka heleen dalalka soo socda:

1) Jabuuti- Daawo iyo direys militari.

2) Masar- Tababar militari.

Dhulka Qowmiyadda Oromada baaxadiisu waa 353,632 km2 , dhulkaas oo hadda ka tirsan Ethiopia balse ay qowmiyadda Oromiya u halgamayaan in ay ka xoroobaan Ethiopia, tirada Oromada ee ku dhaqan khariida Inta ka calamadsan waxaa sannadkii 2002 lagu qiyasay 24 million oo qof, Laakiin guud ahan Oromada ku dhaqan Ethiopia waxaa lagu qiyaasaa 26.6 Million.
Akhri: http://www.oromoliberationfront.org/

3) Eriteriya- 28 jeer oo kala gooni ah oo ah hub iyo saanad iyo qalab militari. Waxa kale oo eedayntu sheegtay in Eriteriya ay MMI u dirtay ciidamada dagaalka. Markab xamuul oo ay leedahay Eriteriy ayaa sidoo kale eedayntu muujisay in uu sidey dagaalyahaniin ka yimid Pakistan iyo Jabhadda Xoreynta Oromada [OLF] oo ka yimid Ethiopia (kuwaas oo dagaalka ku-dhifo-oo-ka-dhaqaaq ama "guerilla war" kaga dagaalama gudaha wadanka Ethiopia).

4) Xisbullah- Tababar Militari iyo isku day u ololayn taageero Militari oo ay dalalka Islaamku siyaan MMI. Eedaynta warbixintu waxay intaas kusii dartay in MMI ay 720 dagaalyahaniin ah u direen Lubnaan si ay uga garab dagaallamaan Xisbullah.

5) Iiraan- Hub (ay ka mid yihiin qoryaha darandooriga u dhaca, qoryaha laga rido madfaca (basuukaha) iyo 80 qori oo ah nooc loo yaqaan SAM-ka), rasaas iyo qalab kale oo Militari.

6) Liibiya, Sacuudi Caraabiya iyo Suuriya waxay iyaguna hub, tababar iyo aalad kale u direen MMI.

Waxaa markii hore dareenkayga soo jiitey, waxay ahayd maxaa sababay in dalalkaas Carabta/Islaamka ah ay walaalahooda Islaamka ah ugu hurinayaan dagaalka ahliga ah? Jawaabtu, sida aan aaminsanahay, waxay ka kooban tahay saddex qaybood:

1) Lacag,

2) Lacag dheeraad ah,

3) In aysan haba yaraatee wax xiisa ah u hayn Qaran si dimoqraadiyad ah loo doorta oo qaanuun ahaan Islaami ah. (Somaliland iyo Puntland) [Iraq?].. Eeg kuwa hubka bixinaya, waa kuwo ay xukumaan kelitaliye, dhaxaltooyo, ama, waa kuwo xukunkoodu ku salaysan yahay diin.

Hadda, aan eegno kuwa "soo galootiga" ah:

1) Conoco.... Conoco taariikh dheer ayey ku leedahay koonfurta Soomaaliya. Xaruntii ay ku lahayd magaalada Muqdisho waxaa USG (Dawladdda Maraykanka) lagaga kireeyey $6,700 bishiiba bilowgii sannadihii 90-naadkii si loogu adeesado Safaarad ahaan iyo xarun Militari. Conoco waxay sannadkii 1990kii lacag dhan $16 million oo doolar ku bixisay qodista ceel tijaabo ahaa oo ku yaal meel u dhaw LaasCaanood (Eeg Khariidadda Somaliland). Isku daygaas waxaa faraha laga qaaday kaddib markii ay jabtay (ama la lumiyey) qayb ka mid ah fiilada-kaawada isku xiriirisa aallada qodista oo markaas la marsiinayey meel dhererkeedu hoos u qodan yahay 10,750 feet [3,277 mitir]. Dhagaxa laga yaabo in uu yahay kan loo hanweyn yahay (ee loogu hanweyn yahay in uu batrool dhex jiifo) dhererka uu hoos u qodan yahay waa 14,300 feet [4,359 mitir]. Safiirkii Maraykanku waxa uu ku andacoodey in uu arkay dukumiinti ay leedahay Conoco oo sheegayey in aagga Garoowe-Laascaanood la awoodi karo in laga soo saaro saddex boqol oo kun (300,000) oo foosto oo batrool ah maalintiiba. Akhbaar dheeraad ah oo la xiriirra heshiiskii qarsoonaa ee Conoco-Soomaaliya-DawladdaMaraykanka, booqo websitakan aadka u wanaagsan www.cod.edu/people/faculty/yearman/somalia.htm: [Eeg Halkan...]

2) Petronas.... Shirkadda batroolka ee ugu weyn dalka Malaysia. 16kii October 2006 Dawlad Goboleedka Puntland waxay wafti rasmi ah oo heer madaxda sare ee dawladda ah u dirtay xarunta Petronas (ee Mayalsiya) si ay ugu bandhigaan fursadaha baaritaanka batrool iyo gaas ee Puntland.

3) Canmex Minerals Corp. (CXM.V) iyo Range Resources Corp. (RRS), 23kii December 2006, ayaa Baarlamaanka Puntland waxa uu si wadajir ah isugu raacay ansixinta "Heshiiska Wax-soosaar Wadaagga" ay (Puntland) la yeelaneyso labadaas shirkadood. Inkasta oo aan la cadayn, haddana waxaan qiyaasayaa in baaritaanka shidaalku uu ku wajahan yahay bartii shirkaddii hore ee Conoco. [Eeg Halkan...]

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira hal dhibaato oo YAR oo caqabad ku ah baaritaan nabadeed. Xusuuso khariidadihii aan ku weydiiyey in aad eegtid? Ceelkii hore ee tijaabada ahaa ee Conoco waxa uu ku yaal Laascaanood, oo ah degmo ka tirsan Sool, qiyaastii meel 20-30 mile gudaha ugu jirta meel si cad u ahaan karta carrada Somaliland.

24kii Maarso 2006, dawladda Somaliland waxay soo saartay warsaxaafadeed ay ku sheegtay in Somaliland la soo weeraray, oo ay soo weerartay maleysiyada Puntland. Weerarkaas oo ka dhacay Bariga degaanka Sanaag (Xusuuso Khariidadihii), kuwaas oo, sida ku cad Khariidadaydii hore ee Soomaaliya, ah cirifka Waqooyi ee xeradii batroolka ee Garoowe-Laascaanood. Mrs. Edna Aaden Ismaaciil, Wasiradda Arrimaha Dibadda Somaliland, waxay sheegtay: "...Waxaan rumaysanahay in ujeedada ka dambaysay weerarkii dhowaanta [24/3/2006] ka yimid gobolka Puntland ee Soomaaliya.. in uu yahay in la cayriyo dadka degaanka Bariga Sanaag si markaas shirkadaha shisheeye loogu ogolaado in ay si sharci darro ah batrool uga baaraan gudaha..Somaliland..." (Qoraalka ay qortay Adna waxa uu ku aadanaa arrintii Majayahan iyo Dhallan). [Eeg Halkan...]

Miyaanan xusin in Jamhuuriyadda Somaliland ay sheegtay in ay tahay dal madax-bannaan, oo AYSAN wax dan ah ka lahayn in ay dib ula midowdo Soomaaliya? Sidoo kale miyaanan xusin in Dawlad Goboleedka Puntland ay danayneyso Soomaaliya oo midaysan... oo ay Puntland-na is-maamusho? Ma dhehi kartaa DAGAALKII AHLIGA EE DIB-U-MIDAYNTA? [Eeg Halkan...]

Haddaba, maxaa arrimahaas ka khuseeya Jamhuuriyadda aan cidina aqoonsan ee curdinka ah, Somaliland?.. Aan eegno, ka warama haddii aan dhehno in:

17kii Agoosto 2006 (5 bilood ka dib weerarkii Puntland), in madaxweynaha Somaliland uu booqday Boqortooyada Ingriiska, isagoo marti u ah dawladda British-ka, si ay uga wada hadlaan arrimo ladaba dhinca iyo gobolka! huuuuuum, waxaan la yaabanahay waxyaabihii laga wada hadlay? [Eeg Halkan...]

Miyaanan xusin in meesha hadda ah Jamhuuriyada Somaliland in ay mar ahaan jirtey maxmiyaddii Somaliland Protectorate oo hoos imaan jirtey xukunka British-ka intii u dhexesey 1884 ilaa 1960?

Oooooh, aan hadalka soo dhex geliyee, Canmex, Range Resource, Dawlad Goboledka Puntland "heshiiskooda wax-soosaar wadaagga" ee kor ku xusan... 31ka Janaayo 2007 "tabcada/xeeladda" xeerka shirkadda.. waxa uu ahaan karaa waqti ku filan in Militariga Ethiopia ay ku tirtirayaan MMI, isla markaana u ogolaanayaan in si dhaqso ah ay "Dawlada Federaalka" ee nugul ay qaab yeelaneyso, waxa keliya oo meesha ka maqan waa qolyaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Miyaanan xusin in hoggaanka sare ee Range Resources ay dhagaha u raaricinayaan, indhahana ku hayaan, xaaladaha ku saabsan dagaalkii dhawaanta ka qarxay Koonfurta Soomaaliya? Booqo shabakadda www.oilvoice.com ka eeg war ku saabsan in "Dawladda Puntland ay ansixisay in Range Resources US50m.." Haaa, waxaan shardi ku geliyaa in hoggaanka sare (ee Range) ay 'malaynayaan' in arrimaha MMI la soo afjarayo 31da Janaayo 2007. Haaa..

Miyaanan xusin, akhyaarey, in uu jiro hal shey oo ku jira qoraalkan oo aan xaaladiisa garan kari la'a ahay ama dhinacna u saari kari waayey? Maya?

Dhammaan waxyaabahaas "birjikada" ku jirey oo sugayey in tarraq/kibriid lagu tuuro, maxaa sabab u ahaa in Qaramada Midoobey (QM) ay u doonayeen in la qaado cunaqabatayntii hubka ee QM ee saarnayd Soomaaliya (Qaraarkii QM ee 1725), isla mar ahaantaasna waxaa dhagafaar ah sababta ay Dawlad Goboleedka Puntland u taageertay arrinta noocaas ah, xusuuso MMI? [Eeg Halkan...]

Huuuum... Miyeysan ahaan karin in, MMI ay helayeen hub doon laga soo saaray dalalka Carabta, tan oo kasoo soo baxday afka Qaramada Midoobey.

Huuuum... ooooh, waan fahmey... Jamhuuriyadda Somaliland (xusuuso xarunta batroolka ee Garoowe-Laascaanood) looma tixgelinayo "Soomaaliya", in ay DIB-ULA-MIDAWDO mooyee.... Haddaba, cunaqabataynta hubka saaran iyaga weli waa khuseysaa.. Hayebo.. Aniga waa iga dhan tahay / waa iga intaas. Ayuu qoraalkii kusoo xiray qoraagu.

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh: Arnobius.

Isha qoraalka: www.surfingtheapocalypse.net/cgi-bin/forum.cgi?read=163437

### DHAMMAAD###


Cali Maxamed Geeddi oo Horjoogsadey $22-million oo uu Maamulka Puntland Ku Soo Daabacan Lahaa Indoniisiya

  • Wararka Puntland ee Toddobaadkan: Janaayo 2007::

Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, ayaa lagu soo waramay in uu bilowgii bishan Janaayo 2007 is hor taagey lacag ay DGPL kusoo daabacan lahayd dalka Indonisiya, laacagtaas oo cadadkeeda lagu qiyaasay $22 million oo doolar oo u dhiganta Sh.So 300-billion (Shilling Soomaali), sida laga soo xigtey PP, lacagtaas oo lagu soo waraamay in qorsheheeda uu wadey wasiirka Maaliyadda DGPL oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta. Wax faahfaahin ah labada dhinac (DGPL iyo DFKMG) kama bixin lacagtaasi.

Laakiin, sida laga soo xigtey GO, Cadde  Muse safarkii uu ku tegey Baydhabo Disember 2006 waxa uu  kaga soo hungoobey madaxda DFKM saxiixyadii uu ka rabay, oo uu ka mid ahaa saxiix in uu lacag dibedda ka soo daabacdo. Waxaa warku intaas ku daray in dadka lacagta soo daabacaya ay sheegeen in ay ogolaansho ka haystaan DFKMG ah. Laakiin arrintaas DFKMG wax war cad ah weli kama soo saarin.

Waxaa la rumaysan yahay in labadii sano ee la soo dhaafay in maamulka Puntland uu magaalada Boosaaso ku daabacay lacag Sh.So. taas oo qiimo dhac iyo jaah wareer ku keentay suuqyada Puntland.

Xaggii kharashaka ayaan weli ku jiraaye, Khamiistii Janaayo 11, 2007 waxaa lagu soo waramay in Madaxweynaha DGPL uu diidey miisaaniyad dhan 3% oo loo qoondeeyey in lagu horumariyo caasimada Puntland ee Garoowe, waxana uu sheegay in uu ogol yahay intaas barkeed oo ah 1.5%. Laaakiin markii su'aalo kulul laga weydiiyey baarlamaanka DGPL ayuu markaas mdaxweynaha DGPL yiri waxaan arrinta dib ugu soo celinayaa baarlamaanka muddo lix bilood ah gudahood, arrintaas oo ka caraysiisay reer Garoowe.

Baarlamaanka Puntland oo u codeeyey in Puntland Laga dhigo Dimoqraadi

Khamiistii Janaayo 11, 2007 ayaa Baarlamaanka DGPL waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey barnaamij loogu magac daray "Dimoqraadiyaynta Maamulka Puntland". Dimoqraadiyaynta Puntland si cod loogu qaado waxaa baarlamaanka fadhiyey 42 xubnood oo 40 ka mid ah ay ogolaadeen barnaamijkii Dawladdu wadatey ee dimoqraadiyaynta, halka labo ay ka aamuseen. Dhawaan ayey ahayd markii madaxweynaha DGPL uu sheegay in uu Puntland ku dhiqi doono shareecada Islaamka.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2007

______
Tixraac:

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD