Wadaagga Batroolka
Dad-u-dhexeeyaha:
Deegaanka maxalliga, Nidaamka-Islaamiga, iyo Adduun-weyne
Tarjumadii:
www.SomaliTalk.com |
Email:
somalitalk@gmail.com
Linkiga boggan:
http://www.somalitalk.com/oil/oil3.html
Qaybta 3aad:
Nidaamka Islaamiga iyo Lahaanshada Batroolka...
Qoraalkani waxa uu ku xiriirsan yahay qaybtii 2aad
Nidaamka
Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia.
Dowlad ama Qaran kale ee wadaagga batroolka ayaa ilaa
sannadihii 1970-naadkii ka soo shaac baxay
hab-siyaasi-dhaqaaleedka Islaamiga. Waxana uu
nidaamkaasi sheegayaa in batroolka laga helo
dhulka Muslimiinta uu yahay wadaag ka dhexeeya ummadda
Islaamka ee dhammaan geesaha adduunka, mana aha hanti
dowladeed ama maal khaas loo leeyahay. Waxana uu qoraagu
yiri: Fikradaasi waxay caqabad ku ahayd xiriirrada dhex marayey shirkadaha
batroolka iyo dalalka Islaamka ah ilaa Dagaalkii Koowaad ee
Adduunka[26].
Arrinta ama xaaladda furaha u ahayd soo shaac-bixiddii shirkadaha shidaalka waxay ahayd burburkii Khaliifadii
ugu dambeysey, Boqortooyadii Cusmaaniyiinta[27],
ee dhammaadkii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Khaliifadaasi
waxay u baahatay nidaam militari-siyaasadeed oo ah cilmaani[28]
oo
ku yabooha difaacidda jaaliyadda Muslimiinta ee adduunka oo
dhan, hawshaas difaacidda diinta oo ay markii hore soo
wadeen Cusmaaniyiintii Turkigu laga soo bilaabo qarnigii shan-iyo-tobnaad.
Dhulka boqortooyadaasi xakuntey waxa ka mid ahaa Ciraaq,
Kuwait, iyo qaybo ka mid ah Sacuudi Careebiya -- Dhulkaas oo
xuddun u ah batroolka ku kaydsan adduunka. Haddaba, Shirkadaha
batroolku si ay u hir geliyaan nidaam gebi ahaantiisuba ku
salaysan keli u lahaanshada (waa nidaamka hanti-goosiga),
markaas shirkadahaas waaweyn
ee shidaalka
iyo dalalka ugu xogga weynaa ee
rumaysan nidaamka xoog-ku-muquuninta (US, Britain, France)
waxay burburiyeen Khaliifadii Cusmaaniyiinta dhammaadkii
Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, waxayna abuureen tiro dalal
ah kuwaas oo badankoodu iyaga xukunkooda hoos yimaada.
Waxaa aad u fudud in la
arko kala duwanaantaas u dhaxayasa Khaliifada iyo
hawl-gallada faa'iido doonka ee batroolka. Khaliifada Islaamku waxay
aqoonsadeen nidaam saldhiggiisu yahay qaybinta dhaqaalaha (oo uu ku
jiro qaranka batrool-wadaagga ah ee ay leedahay ummaddu,
dhammaan Jaaliyadda Islaamka), arrintaas waxay caqabad ku
tahay nidaamka
keligood xukunka ah ee shirkadaha waaweyn ee ay ku
hamiyayeen asaasayaashii shirkadaha batroolka ee Bariga
Dhexe intii u dhexeeyey 1918kii ilaa 1945kii.
Khaliifada dhabta ah waxay ahaan lahayd mid maal-gashiga u
dejisa nidaam ka dhigaya mid ka madax bannaan ammarrada
awoodaha nidaamyada xoogga wax ku muquuniya (oo ah dowladaha
ama shirkadaha waaweyn). Ugu dambayntii, Khaliifada dhabta
ah waxay ahaan lahayd mid adduunka oo dhan gaarta, taas oo
ballan qaada in ay wax ka qabato xaaladaha meelaha ay deggan
yihiin jaaliyadaha
Islaamku. Meelahaasi waxay badanaa ahaayeen qaybo muhiim u
ah boqortooyooyinkii Britain, Faransiiska iyo Holland.
(Tusaale, sida: India, Algeria, iyo
Indonesia).
Arrinta loogu yeero Islaamiga, siyaasadda Islaamka, ama Nidaamka Islaamiga, waa isku day
soo noolaynta Khaliifadii Islaamka hal qarni kaddib
dhammaadkeedii. Waana taas arrinta dhaqdhaqaaqyadaas bulshada ka dhigta
"kuwo gaarsiisan caalamka oo dhan," ayagoo sheeganaya midnimada iyo
"difaaca" jaaliyadda Islaamiga ah -- Jaaliyaddaas
Islaamka oo xilligan
la joogu ku baahsan laga soo bilaabo Morocco ilaa Indonesia
iyo ilaa xuddunta Yurub iyo Woqootiga Ameerika, ayagoo sii
maraya dariiqa laajinimada.
Kama dambaysta, noocan
siyaasadaha ee raggu hogaanka u hayaan iyo waxkasta oo
dabaqado ah oo ay ka kooban yihiin, in taasi ay jid u noqoto
Khaliifada waa arrin xaqiiqo ahaan muhiim ugu ah shirkadaha
batroolka maadaama ay labaduba (fikirka Khaliifada iyo
shirkadaha batroolku) ay ka hawl-galaan ubucda uu adduunka
kaga kaysan yahay shidaalka
ugu badan.
Xaqiiqadii, wadamada xubnaha ka ah ururka ay Muslimiintu ku
midoobeen haddii la barbar-dhigo batroolka lagu qiyaasay in uu ku
kaydsan yahay dhulkooda, waxaa la arkayaa in ku dhowaad
saddex-meelood-oo-laba-meelood (2/3) oo batroolka adduunka
in uu yahay mid Islaami ah [ama ku jira dhul Islaamku
leeyahay]. Arrintaasi, haddaba, waa "mid la mala awaalay"-- laakiin haddana, waa tuma jaaliyadda fileysa
arrinta ugu dhow iyaga in aysan ahayn mid la mala awaaley?
Imaam Abuu Daawuud (202-275 Hijra oo ku beegnayd
taariikhda
817-888):
Abuu Daawuud waxa uu sannadkii 202-Hijrada ku dhashay
magaalada Sajistan oo ahayd magaalo caan ah oo ka tirsan
Khurasan (bariga Persia), waxana uu ka dhashay qabiil Carbeed oo la yiraahdo Azad. Inkasta oo
uu ku dhashay Sajistan haddana in badan oo noloshiisa ah waxa
uu ku qaatay magaalada Basrah oo ahayd magaalo Islaami ah oo cilmiga laga raadsan jirey xilligaas.
Waxa uu in badan u safray magaalada Baqdaad. Waxa kale oo uu tegey
Xijaaz (oo ahaa Woqooyiga-galbeed ee Sucuudiga),
Masar, al-Jazirah, Nishapur (oo ah gobol ka tisaranaa Khurasan), Suuriya iyo Isfahan (magaalo taariikhi ah oo ka tirsanayd Beershiyadii hore).
Axaadiista uu soo ururiyey waxa uu isugu keenay Sunan Abuu Dauawud, waxayna ka kooban yihiin 4,800 oo xadiis, kuwaas oo uu
ka soo xushay 50,000 xadiis oo uu soo ururiyey. Waxana uu Sunan Abuu Dauawud ku dhamaystiray magaalada Baqdaad sannadkii 241 hijrada-kaddib.
Imam Abuu Daawuud waxa uu dhintay maalin Jimce ah 16kii Shawaal ee sannadkii 275 Hijrada-kaddib, markaas oo da'diisu ahayd
72 jir.
|
Xoogga siyaasadda Islaamka
waxaa garab socda soo shaac bixidda "Dhaqaalaha Islaamiga"[29]
kaas oo leh arrimo ku salaysan diin kuwaas oo khuseeya
shirkadaha shidaalka. Tan koowaad, maadaama batroolku yahay
khayraad dabiici ah oo ku hoos jira dhulka, waxaa loo arkaa
marka arrinta laga fiiriniyo xagga Islaamiga in (batroolku)
yahay deeq ka timid xagga Allah, sidaas daraadeedna uu yahay
maal ay leedahay jaaliyaddu (oo ummaddu wadaagto). Inkasta oo
dhaqaalaha Islaamigu uu xushmeeyo maalka gaarka loo
leeyaha-- taas oo uu Islaamku yahay diin ku salaysan
baayacmushtarka/ganacsiga-- waxa kale oo uu aqoonsan yahay
maqaamka khayraadka u dhexeeya dadweynaha. Dhaqaalaha
Islaamigu waxa uu aqbalsan yahay aragtida caadiga ah ee
lahaanshada maalka gaarka ah, maalka dowladda iyo maalka
dadweynaha u dhexeeya. Batroolkuna xaqiiqo ahaan wuxuu ku
jiraa qaybta maalka ay wadaagaan dadweynuhu. Marka arrintaas
laga hadlayo waxaa caadi ah in lagu soo celiyo xaddiiska
caanka ah ee Nebi Muxamed Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa
Ha-ahaatee (NNKH صَلّى اللهُ عَلَيْهِ و سَلَّم) ee uu weriyey Abuu Daawuud[30] ee
ah: "Dadka waxaa ka dhexeeya saddex
shey: Biyaha, dhul-daaqsimeedka iyo dabka" - [dabku maanta waa
batroolka, sida uu yiri qoraagu - Sidoo kale waxaa dabka
lagu fasiray: batroolka, gaaska, korontada iyo aaladaha aan
looga maarmi karin nolol maalmeedka, sida aad ku arki
doontid qoraalka "Hoggaamiyayaasha Muslimiinta iyo Khasaarintooda Maalka Dadweynaha"]. Aqoonsiga batroolka ka dhexeeya Islaamka waxaa
loo arkay tallaabada koowaad ee xaqiijinta dhaqaalaha
Islaamiga ah.
Dabcan waxaa run ah in qaar ka mid ah maalka la wadaago ay
shardi tahay in dhulka laga soo qodo (sida batroolka,
dahabka, qalinka, iyo birta), laakiin macdanaha qudhoodu
waxay ahaanayaan maal u dhexeeya dhammaan Muslimiinta. Waxaa
dhici karta in macdanahaas ay Khaliifadu dhulka ka soo qodo ama qandaraas
ku bixiso sidii loo soo ururin lahaa, laakiin dhammaan
dhaqaalaha laga helo iibinta khayraadkaas waxaa shardi ah in
lagu xafido Beytul-Maalka ama Khasnadda Ummadda -- oo la mid ah sida loo maamulo
Sakada.
Tan labaad ee asaaska u ah dhaqaalaha Islaamiga waa si
siman u qaybinta. Islaamku, isagoo tixgelinaya maalka gaarka loo
leeyahay, waxaa uu bilowgiisa salka u ku hayaa sii gudbinta
dakhliga oo dadka si siman loogu qaybiyo. Xitaa dadka aan
Muslimka ahayni waa ogyihiin Sakada, laakiin waxaa kale oo
jira qaabab badan oo ku saabsan qaybinta (Tusaale:
Mamnuucidda dulsaarka - ribada) taas oo kuwa aaminsan
hab-fikirka xorriyadda-cusub ka dhigeysa kuwo ka baqaya
nidaamka Islaamiga. Khaliifada iyada hawsheedu waa in la
maal geliyo ama hanti la siiyo faqiirka, dadka baahan, socdaalayaasha/musaafirka, kuwa deynta qaba iyo jihaadka,
kharashkaas oo ka imanaya khasnadda Beytul-Maalka. Tani waxay sii
xaqiiqoobeysaa maalka laga helo soo saaridda batroolka,
maadaama kharashkaasi toos uga imanayo iibinta maalka
dadweynaha u dhexeeya. Sidaas daraadeed eedaynta ay
Islaamiyiintu dusha uga tuurayaan ru'asada Sacuudi Careebiya
waa arrin khaas ahaan si qoto dheer u kulul, maadaama
ru'asada Sucuudiga qaabkooda ka badbadiska-fasahaadka ah ee
ay u noolyihiin uu rootiga iska hor taagaayo afafka
carruurta Muslimiinta ah, carruurtaas oo Allah maal-kaas ugu deeqay.
Tan saddexaad ee asaaska u ah dhaqaalaha Islaamiga waa
mid ku salaysan mamnuucidda wax khasaarinta iyo ka
welwelida sidii loo dhawri lahaa khayraadka gabaabsiga ah.
Xaqiiqadii, haddii la joojiyo cirweynida xad-dhaafka ah iyo
nafsad-gaar-ah-kudifaacidda kharashka lagu bixinayo aaladda
militari ee ru'asada hadda jirta, waxaa muuqata in ay dhici
lahayd in batrool badan loo deyn lahaa in uu ku kaydsanaado
dhulka hoostiisa. Dhaqaalaha noocaas ah wuxuu raad weyn ku
yeelan lahaa qiimaynta batroolka, maadaama batroolka aan
loo tixgelin lahayn maal ay leeyihiin dowladda ama
shirkadaha waaweyn oo laga iibinayo qofka bixinaya lacagta
ugu badan; wuxuu ahaan lahaa maal dadka u dhexeeya kaas oo
dhawritaankiisa ku kaydsanaanta dhulka ay qudheedu ahaan
lahayd qiime.
Xagga akadeemiga caadiga ah marka laga hadlayo dhaqaalaha
Islaamka, waxaad arkeysaa in aan xoog la saarin maalka
dadka-u-dhexeeya ee dhaqanka Islaamiga, halkaas
bedelkeeda waxaa galay oo lagu faanaa waa Sakada iyo
nidaamka bangiyada mamnuuca dulsaarka/ribada.
Qoraalladii ay qoreen mufakirkii nidaamka bulshada ee reer
Pakistan, Sayyid Abul-Ala Mawdudi (1903-79)[31], mujaahidkii
Islaamiga ahaa ee reer Masar, Sayyid Qutb (1906-66)[32], iyo
qoraagii reer Ciraaq Muhammad Baqir al-Sadr (1931-80)--
Aqoonyahanadii saldhigii Dhaqaalaha Islaamiga -- waxaa
badanaa lagu meeleeyaa in ay isku deyayeen in ay
caqabado aan macquul ahayn dusha laga saaro nidaamka
keli-lahaanshada ee loo yaqaan "HANTI-GOOSIGA" in uu ka soo
shaac baxo dalalka Islaamka, halkii tixgelin gaar ah laga
siin lahaa xigmada suuqa-furan ee Frederick Hayek![33],
ayuu yiri qoraagu. Laakiin
halka ay kuwa wax dhaliila ay xusaan Sakada iyo mamnuucida
dulsaarka, haddana xaqiiqo ahaan hab-fikirka ku aadan
batroolka dad-u-dhexeeyaha ah ee bulshadu wadaagto xaqiiqo
ahaan raad weyn ayuu ku yeelanayaa dhaqaalaha adduunka,
haddii xaqiiqo ahaan looga hir gelin lahaa dhammaan Dunida
Islaamka.
Hab-u-fikirkaan batroolku
waa mid sheeko ahaan ku salaysan qorsheynta dhaqaalaha
Dunida Islaamka oo ka kooban in ka badan hal billion oo qof
- [Qiyaasaha ugu dambeeyey waxay tirada Muslimiinta Adduunka
ku sheegeen 1.6 billion oo qof]. Haddii tiro dalal Islaam ah ay
xaqiiqo ahaan khayraadkooda batroolka ugu bedeli lahaayeen
mid dadka (Muslimiintu) wadaagaan, markaas waxaa ku xigi
lahaa saddex isbedel oo muhiim ah, kuwaas oo wax weyn bedelaya,
oo kala ah:
Koowaad: Waxa uu gogol dhig
u noqon lahaa in la yareeyo
xawliga soo saaridda batroolka iyo rabitaanka ku dhaqanka "Xuquuqda in
la dheho 'MAYA'," taas oo sabab u noqon lahayd qiime sare ee
batroolka.
Labaad: Dhaqaalaha
dheeraadka ah ee ka soo baxa maalka la wadaago waxaa
markiiba loo weecin lahaa mashaariicda Dunida Islaamka ee si
siman u qaybinta (oo maalka la gaarsiinayo
Muslimiinta), ee kuma leexan lahayn nidaamka maaliyadeed
(ama Bangiyada) ee reer
Yurub iyo Maraykanka.
Ugu dambayntii, dabcan, dhammaan habka ku salaysan
barnaamijka nidaamka furfurnaanta-cusub ee Bariga Dhexe
(sida lagu qeexay qorshaha George W. Bush ee natiijada ka
soo baxda dagaalka Ciraaq) xaqiiqo ahaan waa la tirtirsiin
lahaa.
Halkaas waxaan ku
joojineynaa qaybtii saddexaad ee qoraalkii taxanaha ahayd,
haddaba inta aynaan u gudbin qaybta afraad, waxaan ku hakan
doonaa Qoraal faahfaahsan oo uu sannadkii 2001 qoray Athar
Jamil, kaas oo isbarbar dhig ku sameeyey hoggaamiyayaasha
Caalamka Islaamka ee maanta iyo hoggaamiyayaashii hore ee
dunida Islaamka u horseeday sharaf iyo horumarka muddo qarniyaal ah.
Waxana uu qoraagu si gaar ah uga hadlayaa sida ay
hoggaamiyayaasha Dunida Islaamka ee maanta ay u khasaariyaan
hantida ummadda iyadoo bulshadii hantidaas lahayd ay ka gaajaysan yihiin. Qoraalkaas
oo cinwaankiisu yahay: "Hoggaamiyayaasha Muslimiinta iyo Khasaarintooda Maalka Dadweynaha..."
ka akhri Bogga Xiga.... GUJI.....
Talo, tusaalayn fadlan kusoo hagaaji:
somalitalk@gmail.com
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Mar 19, 2007
Fure/Tixraac:
[26] Dagaalkii Koowaad ee Adduunku: waxa
uu dhacay intii u dhexeysey 1914-1918,
waxana uu xooggiisu ka dhacay Yurub.
Xooggagii wadajirey ee ay hoggaaminayeen
France, Russia, iyo boqortooyadii British-ka,
oo ay markii dambe kusoo biireen Italy iyo Maraykanku
waxa ay jebiyeen xooggagii loo aqoonjirey Awoodda Dhexe oo ahaa: Austria-Hungary,
Jarmalka, Bulgaria iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxaa dagaalkaas ku dhintay malaayiin qof, waxaana la jeexay khariidado cusub.
Boqortooyadii
Cusmaaniyiinta:::
Dhulkii ay ka talisay Boqortooyadii Cusmaaniyiintu |
[27] Cusmaaniyiintii:
Boqortooyadii Cusmaaniyiintu waxay ahayd Dawlad Islaami ah oo xuddunteedu
ahayd Turkiga, waxayna jirtey intii u dhexeysey 1299 ilaa 1922. Meeshii ugu
xoogga weyneyd waxa ay gaartey qarniyadii 16aad iyo 17aad, xilligaas oo
taliska boqortooyadaasi uu gaari jirey saddex qaaradood, waxayna xakuntey inta
badan Koonfurbari Yurub, Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, iyadoo dhinaca
galbeedka ka soo bilaabeyney khooriga Gibraltar (oo loo yaqaan buurta Jebel
at-Tariq)*, Dhanka Barigana ilaa Badda Caspian-ka (oo u dhexeysa Ruushka iyo
Iiraan) iyo Gacanka Persian, Dhanka Woqooyina ilaa cirifka Austria iyo
Slovakia iyo daafaha Ukraine, Dhanka Koonfureedna Suudaan iyo Yemen. Waxayna
boqortooyadiisa muddo lix qarni ah ahayd tan isku xiriirisa Bariga iyo
Galbeedka Adduunka. Caasimadeeduna waxay ahayd Constantinople (oo dagaalkii
1aad kaddib loo bixiyey Istanbul). Xilligii ay meesha ugu sareysa mareysey boqortooyadii
Cusmaaniyiintu waxa ay ahayd dawladda adduunka ugu xoogga weyn, taas oo si
joogto ah ugu siqeysey Yurub gaar ahaan dhulka loo yaqaan Balkan-ka oo ah
Koonfurbari Yurub ilaa 1683. Ciidamada Badda ee Cusmaaniyiintu waxay
ahaayeen kuwa xooga ugu weyn ku laahaa Badda Mediterranean-ka, Badda Madow,
Badda Cas, Gacanka Beershiya, Badweynta Hindiya, iyo marmarka qaarkood
Badweynta Atlantic Ocean intii u dhexeysey 1501-1631
.
Calankii Khaliifada |
*Buurta Jebel at-Tariq waxaa loogu magac daray jeneraalkii Berberi-ga ahaa
ee Ummawiyiinta, Tariq ibn-Ziyad, oo sannadkii 711 qabsaday Hispania (dhulka
hadda loo yaqaan Portugal iyo Spain). Ummawiyiinta oo xukunkoodu jirey
intii u dhexeysey 661-750 waxay ahaayeen dawladdii ka dambeysey afartii Khaliifo -
(أمير المؤمنين)
. Khaliifadii Abuu Bakar As-Siddiiq oo ahayd 632–634,
Khaliifadii Cumar Bin Khaddaab oo ahayd 634-644,
Khaliifadii Cusman Bin Cafaan oo ahayd 644-656,
Khaliifadii Cali Bin Abii Daalib oo ahayd 656-661.
Dhimashadii Cali kaddib waxaa hoggaanka la
wareegey Mucaawiya oo uu dhalay Abuu Sufyaan oo ahaa Qureysh. Mucaawiye waxa
uu noqday hoggaamiyihii ugu horeeyey ee dawladii Ummawiyiinta, dowladaas oo jirtey intii u dhexeysey
(661–750). Waxaana xusid mudan in Abd ar-Rahman ad-Dakhil oo ka soo jeeda qoyska reer Ummayad uu gaarey Cordoba (Spain), oo uu dib usoo
celiyey xukunkii Ummawiyiinta (780–1031) ee dalkii Spain ee Muslimka ahaa. Ummawiyiintii
waagii hore waxay ahaan jirey kuwo ku adag xukunka shareecada, muddo kadib waxaa taariikhyahanadu xusaan in ay noqdeen kuwo aad ugu dhow hab fikirka "Secular-ka" sidaasna ay dawladoodii ku dhacday.
Ummawiyiinta waxaa xukunka kaga dambeeyey Cabbaasiyiinta, kuwaas oo
caasimadii Dimishiq ee Ummawiyiinta usoo raray magaalada Baqdaad. Cabbaasiyiintii uu xukunkuudu
wuxuu jirey intii u dhexeysey 750-1258 (Taariikhda qaar ayaa sheegta in dowladaasi ay soo bilaabatay 749).
Cabbaasiyiintu waxa ay magacaas ka soo qaateen Cabbaas oo ahaa Nebiga NNKH Adeerkiis. Waxaana la xusaa in cabbaasiyiintu ay Islaamkii ka leexiyeen jidkii uu ku socdey oo ay u iisheen dhanka
Beershiya iyo Iiraaniyiinta. Waxaana Jirey Ummawiyiin
weli ku harsanaa SPAIN kuwaas oo ka soo horjeedey Cabbaasiyiinta. Waxaana
Cabbaasiyiinta xukunkoodii dhammaaday sannadkii 1258. Markaas kaddib ayey
ahayd markii ay soo shaac baxday Boqortooyadii Islaamka ahayd ee Cusmaaniyiinta oo talineysey intii u dhexeysey
(1299–1922). Dhulkii ay Cusmaaniyiintu ka
talinayeena hadda waa 39 dal. Markii Boqortooyadaasi dhacday waxaa la
sameeyey Bariga Dhexe ee Casriga ah iyo Jamhuuriyadda Turkiga. Dalalkii
Dagaalkii Koowaad ku guulaysteyna waxay kala qaybsadeen qaybo ka mid ah
dhulkii Cusmaaniyiintu ka talin jireen, sida France oo qaatay Suuriya iyo
Lubnaan, iyo United Kingdom oo qaatay Ciraaq iyo Falastiin. Qayb ka mid ah
dhulkii Cusmaaniyiinta ee ku yaal Gacanka carbeed waxa ay noqdeen qayb ka
mid ah Sucuudi Careebiya iyo Yeman. Boqortooyadaas oo sida aan kor ku
xusanay markii ay ugu xoogga weyneyd oo ahayd (1683- 99) ka talinsey dalalka hadda loo yaqaan:
Hungary, Yugoslavia, Croatia, Bosnia, Albania, Macedonia, Greece, Romania, Moldova, Bulgaria, southern Ukraine, Turkey, Georgia, Armenia Iraq, Kuwait, Cyprus, Syria, Lebanon, Israel, Palestine, Jordan, bariga & Galbeedka Saudi Arabia, Oman, Bahrain, Bariga-Yemen, Egypt, Woqooyiga-Libya, Tunisia, iyo Woqooyiga-Algeria. Waxaana Cusmaaniyiinta la jebiyey dagaalkii Koowaad ee adduunka, sida aan kor kusoo xusnay.
Sida qoraalka sare ku xusan Cusmaaniyiintu waxay jabeen kaddib markii ay
difaaca Muslimiinta u dhiibeen nidaam "Secular" ah.
[28] Cilmaani ama Calmaani = Secular:
Kelmedda "Secular" qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan:
Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona
aan ku lug lahayn.)
[29] Dhaqaalaha Islaamka: Waa mid ku
salaysan shareecada Islaamka, waxaana sal u ah in maalka/hantida dadweynaha ka
dhexeeya lagu kaydiyo Khasnadda Beytul-Maalka. In maalka lagu kasbado si
xalaal ah, sakadana laga bixiyo, lagana dheeraado ribada, iyo khiyaanada.
Sida Allah ku caddeeyey Quraanka, Suurada Al-Baqarah, Aayadda 275: "Wuu
baneeyey Eebe Beeca (Gadashada) wuxuuna xannimay Ribada". Aayadaha kale oo
ku saabsan beeca waxaa ka mid ah, Suurada Ash-Shucaraa', Aayada 181: "Oofiya
(Dhamaystira) Beegidda hana ka mid noqonina kuwa Nusqaamiya." iyo Aayada
182: "Una miisaama Cadaalad Toosan." Sakada in la bixiyo lana siiyo fuqarada
iyo dadka baahan, si simana loo qaybiyo dhaqaalaha.
Dhaqaalaha Islaamku waxa uu ummada ka dhigaa mid siman oo aan ku kala tegin xagga dhaqaalaha, ama aysan soo bixin kuwo aad u taajirey iyo kuwo aad faqiir u ah
(sida ka dhacda nidaamka Hanti-Goosiga).
Khaliifadii u horeeysey waxay caddeeysay hadalkii Rasuulka NNKH kaddib markii ay Muslimiintu Sakadii u bixiyeen siday ahayd, ilaa markii dambe la waayey
qof u bahan in uu Sakada qaato. Waxa kale oo uu dhaqaalaha Islaamku dhiiri geliyaa in lala baxo Waqafka, sida in la dhiso Masaajid, meelo lagu barto tacliinta,
goobo lagu xanaaneeyo agoonto, iyo in la dhiso Cisbitaalo.
Dhaqaalaha Islaamku waxa uu aad u dhiiri geliyaa in wax laga bixiyo maalka
Allah kuugu deeqay. [Khayraadka Allah ku manaystay aadamiga oo aan xadka
lahayn, ka daalaco aayadaha: 41:10, 50:11, 55:10, 56:73, 79:33, iyo 80:32]. Qoraa faallo kabixiney sababta keentay in laga leexdo nidaamkii qiimaha badnaa
ee Dhaqaalaha Islaamka ee Rasuulku ogaa in ay ka soo bilaabatay markii
ay qaar kamid ahaa hoggaamiyayaashii Ummawiyiinta iyo Cabbaasiyiintu ay abuureen nidaam keli-talisnimo
oo ay ugu magac dareen shareeco, nidaamkaas oo ahaa in Muslimiinta la marin habaabiyo, kuwaas oo marka hore awoodii la wareegey kaddibna magacawday imaamyo iyaga soo magacaaba.
[30] Abuu-Daawuud: magaciisa oo buuxa waa:
Abu-Daawuud Sulayman bin Al-Aash'ath Al-Azadi as-Sijistani, waxana uu dhashay
sannadkii 202 Hijrada-kaddib, wuxuuna uu dhintay 275 Hijrada-kaddib (oo ku
beegnayd taariikhda: 817-888).
Waxa uu ka mid ahaa culimadaa aadka u safray si ay u soo ururiyaan Axaadiista.
Dhulkii uu u safray waxaa ka mid ahaa
Sacuudi Careebiya, Ciraq, Khurasahn, Egypt, iyo Syria.
Waxa uu soo ururiyey ilaa 50,000 xadiis oo uu ka xushay 4,800 xadiis, waxana uu xoogga saaray axaadiista la xiriirta xagga sharciga ama qaanuunka.
Sayyid
Abul-Ala |
Sayyid Qutb |
[31] Sayyid Abul-Ala Mawdudi: Waxa uu
dhashay 25 September 1903, waxana uu ahaa mid ka mid qorayaashii Islaamka
ugu caansanaa qarnigii 20aad. Waxa uu qoray joornaalo badan iyo buugag badan.
Waxaana lagu tilmaami jirey mufakir xeel dheer oo ku dadaali jirey soo
noolaynta Khaliifadii Islaamka, waxana uu safray dalal badan. Waxa uu
September 22, 1979 ku dhintay magaalada Buffalo, New York, waxaana meydkiisa
loo qaaday Pakistaan halkaas oo lagu aasay magaalada Lahore. Waxaa da'diisu
ahayd 76-jir.
[32] Sayyid Qutb: Waxa uu dhashay 9
October 1906, waxana uu yarantiisii kusoo barbaaray tuulada Musha ee dalka
Masar, waxana uu dhallin yaranimadiisii waxkubartay magaalada Qaahira. Markii
la isku deyey in la dilo madaxweynihii Masar, Nasser, sannadkii 1954 ayaa la
xiray Sayyid Qutb isaga iyo dad badan oo ka mid ahaa ururkii Walaalaha
Islaamka. Muddadii tobanka sano ahayd ee uu xabsiga ku jirey waxa uu qoray
labo buug oo ka mid ah qoraaladiisii ugu muhiimsanaa. Sannadkii 1964 ayaa Qutb
xabsiga laga soo daayey kaddib markii uu arrinta xabsi ka soo deynta ka qayb
qaatay ra'iisul wasaarihii Ciraaq, Cabdul Salaam Caarif, laakiin siddeed bilood
ka dib ayaa markale xabsiga lagu celiyey Qutb bishii August 1965. Waxaana
markaas maxkamad la soo taagey Qutb, daacwada lagu soo oogeyna waxaa inta badan laga soo qaaday buuga uu xabsiga ku qoray ee "Caalim Fil Dariiq".
Waxaana isaga iyo lix ka tirsanaa ururka Walaalaha Islaamka lagu xukumay dil.
29 August 1966 ayaa Sayyid Qutb lagu diley daldalaad.
[33] Frederick Hayek: Waxa uu ku dhashay
dalka Austria, waxa uu noolaa intii u dhexeysey (1899-1992), waxana uu
noqday dhaqaale yahay British ah iyo siyaasi Filosoofor ah, waxana uu aad u
difaaci jirey dimoqraadiyada furfuran iyo dhaqaalaha loogu yeero xorta ah -
Hantigoosiga, waxana u
kasoo horjeedey hanti-wadaagga.
TIXRAAC:
. Dagaalkii 1aad: http://en.wikipedia.org/wiki/World_War_I
. Cusmaaniyiintoii:
Eeg: http://www.wsu.edu/~dee/ISLAM/CALIPH.HTM
, Eeg:
http://www.osmanli700.gen.tr/english/engindex.html , sidoo kale Eeg:
http://en.wikipedia.org/wiki/Ottoman_Empire.
Farsamada Dhismayaashiia ee Islaamka: Eeg:
http://en.wikipedia.org/wiki/Islamic_architecture
. Dhaqaalaha Islaamka: Eeg:
http://www.parvez-video.com/islam/economy/page1/index.asp
. Abuu Daawuud: Eeg:
http://www.usc.edu/dept/MSA/fundamentals/hadithsunnah/abudawud/
, iyo
http://www.sunnah.org/history/Scholars/imam_abu_dawud.htm
. Abul-Ala Mawdudi: Eeg:
http://en.wikipedia.org/wiki/Sayyid_Abul_Ala_Maududi
. Seyid Qutb: Eeg:
http://en.wikipedia.org/wiki/Sayyid_Qutb
. Khaalid Bin Waliid:
http://www.swordofallah.com/