Hadalkii Wasiirka Maaliyada
Puntland uu kaga Warbixinayey Heshiiskii Puntland iyo
Shirkada uu ku Sheegay Australian oo Cod iyo Qoraal ah::::
SomaliTalk.com | Sept
10, 2005: Wasiirka
Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) oo maanta
magaalada Boosaaso kula hadlay Isimada, waxgaradka iyo
saxaafada ayaa sheegay in heshiiska lala galay shirkada lagu
magacaabay "Consort" in uu socon doono muddo toban sano ah
oo ay shirkadaas kula galeen in ay baarto macdanta iyo
shiidaalka, taas oo uu raaciyey in marka hore ay shirkadu
baari doonto macdanaha ay ka mid yihii Tiinka, Dhuxul
Dhagaxda, Birta iwm, laakiin shiidaalka iyo gaaska dabiiciga
ah ay noqon doonaan waxyaabaha ugu dambeeya ee la baari
doono. Shirkadaasina ay degi doonto Boosaaso oo ay u baahan
tahay 3 km, maadaama ay keensanayan DIGAAG ay qab ka siin
doonaan reer Puntland, waa sida wasiirku hadalka u dhigaye.
Dhegeyso
Hadalkii
Wasiirka.
Wasiirka Maaliyada DGPL
Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) arimaha uu maanta qiray
waxaa kamid ah:::
- Waxa uu qiray
In arrinta shirkada uu sheegay in ay tahay
Australian aan golaha wasiirada DGPL isku
raacsanayn sida loo maareeyey, waxana uu si toos
ah u weeraray qaar kamid ah wasiirada DGPL oo uu
ku tilmaamay inay dano gaar ah wateen. Arrintaas
oo sababi karta in wasiiradaasina ay soo
bandhigaan waxyaabaha ay ka og yihiin shirkadaas...
- Waxa uu qiray
in Puntland ay diyaar u tahay in ay dhulka
Puntland ka iibiso cid kasta oo u timaada oo
sida uu sheegay 'barwaaqo ka dhigeysa' isagoo
aan wax shuruud ah ku xirin - waana arrinta
hadda taagan.
- Waxa uu qiray
khilaafkii DGPL iyo DFKMG mar hore kusoo kala
dhex galay arrimaha shirkadaha saliida baara,
waxase uu ku adkaystay in sharcigu dhankiisa
yahay oo arrinta ay Puntland ku gar leedahay, in
kasta oo madaxweynaha Soomaaliya uu caddeeyey in
arrintan Puntland looga gar leeyahay.
- Waxa uu qiray
in shirkadani ay tahay shirkad aan wax dakhli ah
lahayn maadaama ay rabto in ay reer Puntland ka
iibiso digaag oo lacagta Digaaga ka soobaxda ay
hawlaheeda ku maaraysato. Waana sababta ay ugu
baahan tahay in ay degto magaalada ugu dadka
badan Puntland xilliga dayrta (Oktober wixii ka
dambeeya waa dayr laga soo laabtay xagaa baxii)
- Waxa uu qiray
in aysan jirin heshiis qoraal rasmi ah oo lagula
xisaabtami karo shirkadaas mark aarrintu ay
noqotolacagta, maadaama uu yiri lacagta ay
bixinayaan kuma qorna heshiiska ee waa "xeer
hoosaad". Sido o kale waxa uu qiray in su'aal
kasta la weydiin karo marka laga reebo lacagta.
Waxyaabaha uusan
wasiirku cadaynta ka bixin ee ah su'aalaha u yaal in
uu ka jwaabo waxaa kamid ah:::
- Waa maxay
qorshaha ay dawladu u degjisey maaraynta
kharashka $25 million iyo $50 million ee labada
sano ee ugu horeeya - haddiiba la iska ilaawo
$200,000 ee bil kasta ay shirkadu bixineyso oo
ay muuqato in ciidan shirkada Ilaaliya loogu
qoondeeyey...
- Macdanta
Gobolka Bari meesha ay ku jirto waa la yaqaan,
waxaana ugu horeeya MAJAYAHAN iyo DHALAN oo
Koonfur kaga aadan Boosaaso iyo Ceelaayo.
Haddaba maxaa shirkadda "Camp"-keeda
ee laga dhisayo Boosaaso looga dhigi waayey
meelaha macdanta TIINKA lagu hubo, oo shirkadii
BULGARIA kasoo saari jirtey sanadihii
siddeetamaadkii, waa Majayahan/Dhalan - Waxaana
la xusuustaa markii la eryey shirkadii Bulgaria
maadaama ay xiriir la lahayd Ruushka oo
Soomaalidu eridey maadaama uu racay Itoobiya (dagaalki
Somali/Itoobiya) in xilligaas Boosaaso laga
dhoofiyey ugu yaraan dooni buuxda oo ah Macdanta
Tiinka oo ah macdantii ay soo saareen
Bulgaariyintu laakiin ayadoo aaa la suuq geyn la
cayriyey.? Shirkadii Bulgaria ee ka macdanta ka
qodi jirtay Majeyahan / dhalan waxaa magaceeda
la oran jirey
Geomin.
(Waxaa xusid
mudan in Bishii October 2002 ay dalka Bulgaria
ku kulmeen daljiraha Soomaaliya u fadhiyey Liibiya,
Dr. Maxamed Xuseen Maxamed "Ilkadahab" iyo
madaxweynaha Bulgaria, Georgi Parvanov, oo
kaddib markii uu daljiruhu u gudbiyey warqad uu
ka sidey madaxweynihii Dawladii Kumeel gaarka
ahayd ee Carta lagu soo dhisay, Dr. Cabdulqaasim Salaad Xasan, in markaas
lays la sooqaadey in shirkaddii Geomin ee ka
shaqayn jirtey mashruucii Majeyahan iyo Dhalan
ee baarista macdanta dib loo soo celiyo, lagana
dhiso halkaas wershed samaysa crystals-ka(qaruuradaha)...
[ISHA:
SomaliTalk.com | 2002].
- Inta aan
shirkadu Boosaaso iman ka hor October qorshaha
shirkada ma loo bandhigi doonaa golaha
baarlamaanka DGPL si ay uga doodaan?
- Arrinta ugu
weyn oo ah: shatiga shirkada iyo meesha ay ka
diiwaan gashan tahay masoo bandhigi doonaa si
dadweynuhu u arkaan miisaaniyada shirkada,
aariikhdeeda, caymiskeeda, iyo xarunteeda
rasmiga ah, waayo sida xog lagu hayo shirkadani
waxay sheegataa in ay ka diiwaan gashan tahay
jasiiradaha Madavis oo ah meel aan xerka
Australia shaqo ku lahayn. Taas oo muhiim ah in
shacabka ay u cadaysayso dawladoodu.
|
Dhegeyso:
Hadalkii
Wasiirka Maaliyadda DGPL oo Cod ah.. Dhegeyso... GUJI
(Cududaar: Waxaan
dhegeystayaasha uga cududaareynaa in codka tayadiisu aysan
wanaagsananayn, waxaanse hoos ka heli
doonta hadalkii wasiirka oo qoraal ah..)
Wasiirka Maaliyadda
DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab): Shirkada
Waxaan kula heshiiney sannadka hore $25 million in
ay bixiyaan, ama mushahar ha u bixiyeen ama guri ha
galeen. Sannadka xigana $50 million in ay bixiyaan.
Inkasta oo aan taasi heshiiska lagu qorin, laakiin
wadahadala gaarka noo ah ayaa hadaladaasi ku yaaliin. |
Hadalkii Wasiirka
Maaliyadda DGPL oo Qoraal ah::::
January
2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen
in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha
Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham
Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie
Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey
dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u
yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay
dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).
Waxaa
dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah
oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad
samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo
"Kids In Need".
June
10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu
hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse,
waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi
si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg
ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas
ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika
Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg
halkan]
Waftigii
Puntland, Markii
ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo
ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala
xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib
markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg
halkan]
August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose
ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay
dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan,
bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u
socdey.
August
28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war
ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag
aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu
yahay waxba kama jiraan... [Eeg
Halkan]
August 29, 2005:
ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war
saxaafadeed uu ku saxiixnaa
Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga
ee DGPuntland. [Eeg halkan]
August
31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga
imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan
baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday
Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha
madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr.
Gaagaab).. [Eeg halkan]
September
9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud
Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka
maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta
qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku
dhashay, madaxweyne waa u ahaa, ninkii dembi
gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad
gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]
September 10,2005:
Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku
qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba
ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo
sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda
bilaabi doonto October 2005. [Eeg
halkan] |
ERAY BIXIN:::
Charter = Marka uu
yiraahdo waxa uu ka wadaa DASTUUR.
Prime Minister = Waxa uu ka wadaa RA'IISUL WASAARE.
Airport =Garoonka diyaradaha
Camp = Xero xaydaaman oo kumeel gaar ah
Guarantee = Dammano Qaadid (ballan qaad)
Maxamed Cali Yuusuf "Dr. Gaagaab"
waxa uu hadal kiisii ku bilaabay sidan:
Isimada, Odayaasha, Madaxda
iyo waxgaradka meeshaan isugu yimid, Asalaamu caleykum
waraxmatu laahi wa barakaatuhu. Raali ayaad iga ahaaneysaan,
meeshu waa kulushahay, wax badan oo aan rabey in aan sheego
in aan soo gaabiyo ayaan ku khasbanahay, maadama meeshaan ay
cilimiladu kulushahay, markaa nuxurka wixii ah ayaan u
gudbaayaa.
Odayaal waxaan rabaa laba
arrimood oo waayahan laga hadlaayey in aan mid walba wax yar
ka iraahdo.
Midda koowaad: idinka oo ka
war qaba oo aan filaayo in aad warar badan ka haysaan, ama
ha is-khilaafsanaadeen ama warar isku mid ah ha ahaadeene,
ayaan ka hadlaayaa. Muddo hadda ah dhawr bilood, afar /shan
bilood, waxaa madaxda Dawlad goboleedka Puntland ka
shaqayneysey arrimo ku saabsan in aan ogaano dhulka aan
degganahay ee Ilaahay inagu beeray waxyaalaha laga sheego ee
la yiraahdo waxbaa yaala iyo waxbaa ku jira in wax laga
ogaado, haddii wax laga helona lagu noolaado oo
dhibaatooyinka dhaqaale lagaga baxo. Waxaa wada hadal lala
galay shirkad Australian ah oo Australia ka timid, oo ku
hawlan ama hawlaheeda ay ka mid yihiin baarista Macaadinta.
Shirkadaas waxaa la yiraahdaa Consort.
Heshiiskii u horeeyey ama
wada hadalkii u horeeyey ee lala galay waxaad la socotaan
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland (Maxamuud Muuse
Xirsi "Gen. Cadde Muuse") iyo Wasiirka Qorsheynta iyo
Xiriirka Caalamiga ah (Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud "Dr.
Faroole") in ay Nairobi la tageen shirkada madaxdeedii oo ay
ula tageen Dawladda Federaalka ah madaxdeeda. Halkaas oo
xoogaa la isku af garan waayey. Mas'uuliyiinta Dawlada
Federaalka ahna ay ku cudurdaarteen in ay yirahdaan
sharcigii ilaa aanu samayno, sharcigii macdanta, lama geli
karo heshiis, ma ogolaneyno anagu hawshaas, waxbana hadda ka
qaban kari mayno. Sharcigii Dawladii hore waa jiraa oo
sidiisii ayuu u jiraa, mar haddaan sharci kale jirina waxa
weeyaan kii hore in lagu dhaqmo weeye, sharciga caalamiga ah
iyo adduunkuna sidaas ayuu qabaa.
Arrintii halkaas iyadoo
mareysa waa tii Nairobi laga soo noqday, kabacdi wax baan
baarbaaray, sharciyaal baan baarbaaray, Kan dawladda
Federaalka u qoran laftigiisa ayaanu raadsaney, oo anigu aan
wax ka qoray, aniga laftayda ayaa wax ka qoray, qiil baan
raadiney Dawlada Federaalka in ay xaq u leedahay ama gar u
leedahay in ay is hor taagto wax ummad loo qabanaayo -
Xeerkaas iyo sharcigaas waa la waayey. Waxaa kaleeto oo la
waayey waqtigan isaga ah dawlada Federaalka oo aan dalkii oo
aysan awood kulahay in ay awood u isticmaasho in aan wax la
qaban karin. Xeerka qoran oo charter-ka la yiraahdo
ee Dawlada Federaalka u qoran waxaa weeye: Dawlad
Goboleed-yadu waxay u madax bannaan yihiin hawla hooda iyo
xiriiradooda inta Dalwada Federaalka la dhamaystiraayo.
Hadda wax laga qabtay oo ka socda arrimihii Federaalka ma
jiraan. Sharciyaal ma jiraan. Dawlada Federaalka waxay ku
mashquul san tahay abaabulkeedii iyo degitaankeesii. Marka
awood ay dalka ku leedahay oo ay dalkii ku wada xakunto weli
lama gaarin. Walow aan u hoggansanahay oo oggolahay, tiir
asaasi ahna aan ka nahay, welina xiriirkanagu fiican yahay.
Arimahaas iyaga ah iyo
arrimo kale oo caalami ah ayaa waxay nagu dhiiri geliyeen in
aan shirkadii wada hadal la galo. Shirkadii ayaan khabaar u
dirsanay. Bishii Agoosto 28keedii ayaan halkan aniga iyo
madaxweynaha ka baxnay. Wasiirkii Qorshaynta & Xiriirka
caalamiga ahna Australia ayuu tegey. Nimankii ayaan wada
hadal la galay, nasiib darro wasiirku waa naga maqnaa,
wasiirka Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah. Mudadii la
dhamaystiri lahaa baa nagu yar baa nalaku yiri. Kaddib muddo
yar kadib waa laga soo kacay (Dubai).
Shirkadii iyo anaga wada
hadalada ayaa na dhex maray, iyaguna abuukaatayaal bey
qabsadeen - oo iyaguna waxbey doonayaan anaguna wax ayaan
dooneynaa - anaguna abuukaatayaal ayan qabsanay - labo
abuukaate ayaanu qabsanay, qolo walba waxa ka suurta gal ah
iyo waxa sharci ahaan uu caalamku ka qabo. Waxa nala
weydiiyey sharciyada, sharciga caalamiga ah, meelkasta
markii la baaray waxaa la waayey wax naga xayiraaya in aan
dhulkayaga wixii maslaxadi noogu jirto in aan ka shaqayno.
Shirkada markii hore waxaa la yiri dawlad goboleedku awood
ma leh in ay heshiis saxiixaan anagoo arrintii isku hayna
buuq ayaa dhacay, waad maqasheen in Dawladii Federaalka uu
Prime Minister-kii hadlay, arimahaas markaas xoogaa
shaki ah ayaa dhacay, hase ahaatee shakigii waxaa looga
baxay markii anaguna aan warqadda qornay oo bayaanka soo
deyney oo hadana abuukataayaashii la sii wado.
Anigu qof ahaan ayaan
Prime Minister-ka iyo madaxweynaha la hadlay, waan
eedeeyey oo waxana iri waxaa la idinka sugayey in aad dadka
wax u qabataan, laakiin ma ahan in aad is hor taagtaan wixii
wax laga gaarayo, aniga iyo Prime Minister-ku waa is
qabsanay ....... Telefoon....... Aakhirkii waxaan ku
heshiiney... anagu waxaan niri waxba la carari meyno wixii
la helo ummada Soomaaliyeed ayaa leh. Haddii wax laga gaari
waayona hadde isku day ayaanu samaynay. Halkaas ayey hadda
noo joogtaa. Laakiin sharci ahaan waxaan idiin sheegayaa in
heshiiskaas awoodeena ay ku jirto xagga dastuurkeena, xagga
charter-ka qaranka, iwm. Waxaa charter-ku
sheegayaa wixii la mid ah macdanta iyo waxa dhulka ku jira
waa hanti qaran. Sharciga marka la baaro Hanti qaran anagu
waxbaan ku leenahay, mase maya. Qayb kamid ah qaranka ma
nahay mase maya. Maxaa noo diidaya marka haddaan qayb kamid
ah nahay. Waxyaalaha sharciga ah ee aanu ku doodnay ayey ka
mid tahay. War anagu qaranka qayb ayaanu ka nahay. Awood
haddii aan u leenahay in aan wax ka qabano wixii qaranku
leeyahay haddee xaq ayaan u leenahay, sharci ayaan u
leenahay.
Arrimahaas oo dhami waa
waxyaalihii la isla soo maray. Ugu dambayntii shirkadii
heshiis ayaan la galay. Haddee heshiiskii aan la galay
kulligiis ma soo wada koobi karo. Muhiimadiisu waxa weeyaan
muddo toban (10) sano ah in ay dhulkeena ka shaqeeyaan.
Afarta (4) sano ee hore waa wax baarid. Waxaa la sheegayo ee
la leeyahay dhulka waxbaa ku jira, macdan baa ku jirta,
birbaa ku jirta, batrool baa ku jira, gaas baa ku jira,
waxaasaa dadku sheegaan, marka bal afartaa sano in la baaro
weeye, haddii wax la helona haddee khayr weeye, haddii
dhulkeena wax la waayona haddee isku day ayeynu samaynay.
Afartaas sano faa'iido badan ayeynu heli doonaa. Marka ama
waxaan noqoneynaa dad barwaaqo dhex fadhiya ama sideenii
ayaan ku abaadeynaa oo afartaas sano kadib haddii wax la
waayo shirkadaas waa eryenaa oo naga taga ayaan leenahay,
haddii wax la waayo. Cid dambena inoo sheegi meyso ceelal
baa buuxa, waxaana ka bixi doonaa gaasbaa ku jira oo batrool
ayaa ku jira, haddii wax la helona Ahlan wa sahlan, haddee
barwaaqaan higsaneynaa in aan ku jiri doono xaqna waa u
leenahay. Siddeed sano /sagaal sano ayey dawlad goboleedku
dhisnay mushaharkii wasaarada maaliyada ayaa lagu soo wadey,
marka isku day ayeynu samayneynaa.
Shirkaddu hadey hadda
timaado ugu yaraan 400 ama 500 oo qof ayaa shaqo ka heli
doonta ama wax hala helo kabacdi ama wax ha la waayo. Intaas
oo guri ayaa la kala iibsanayaa, Airport-ka ayey wax
ka qabayanaa, dekedda ayey wax ka qabanayaan, si qalab iyo
alaabooyin looga soo dejiyo.
Digaaga iyo
Macdanta/Shidaalka Puntland::: |
Shirkada shuruudaha aan ku
xirnay waxaa ka mid ah Octoobar haddii la gaaro in ay
shaqada soo bilaabaan. Aniga hadda qaar ayaa ila socdey.
Waxay ilaa shalay iyo maanta ay sahaminayaan ama radinayaan
meeshii ay ka bilaabi lahayeen oo Camp-ka ka dhisi
lahaayeen, oo Boosaaso ah, gobolada kale weli ma gaarin.
Muddo 6 bilood gudhood waxay ku mashquul sanaanayaan sidii
ay ku degi lahaayeen Bari iyo Nugaal. Dhulka ay u baahdeen
waa ilaa 3 km oo Boosaaso looga baahan yahay. Dhulkaas IIB
ma aha, anagaa siineynaa, waayo wax ka weyn baanu ka rabnaa.
Waxay ka dhisanayaan guryo, Camp ayay ka dhiganayaan,
beer ay cunto kala soo baxaan ayey ka samaysanayaan, digaag
ayey samaynayaan oo magaaladu ka faa'iidaysato oo ay iyagu
ku nooladaan, iyagaa waxooda wata, wixii hilib digaag ah,
hililka kale waa helayaan oo arigaas ayey cunaayaan, laakiin
digaag iney keenaan oo magaalada wax ka siiyaan ayaa ku
jirta. Sidaas darteed ayey dhulka u rabaan.
Heshiiska shirkada waxaa ku
jira, waxaanu ku niri war dawlad fakhri ah ayaan nahay,
mushaharka ma ahane wax kale oo dhulkaya soo galaha - waxa
lagu nool yahay mushaharkaas iyo wax yaalaha ay ganacsadu
keensato oo aan ganacsadada Puntland ugu mahadineyno oo wax
ay dawladu qaado ay ka yimadaan ganacsadata, haddii aan
ganacsadu xoog saarin wax soo saarka wax badan lama heleen.
Waxa kale oo jira mudada afarta sano oo hore in ay dawlada
kabaan, oo ay miisaaniyada kabaan, oo mushaharka kabaan.
Waxaana kula heshiiney - waxba idinka qarin maayee - bil
walba in ay baxshaan laba boqol oo kun oo doolar ($200,000)
oo aysan ku jirinin lacagta ay dhulka gelinayaan afarta sano
ee hore. Waxaan kula heshiiney sannadka hore $25 million in
ay bixiyaan, ama mushahar ha u bixiyeen ama guri ha galeen.
Sannadka xigana $50 million in ay bixiyaan. Inkasta oo aan
taasi heshiiska lagu qorin, laakiin wadahadala gaarka noo ah
ayaa hadaladaasi ku yaaliin.
Anagu dacaayad kasta hala
faafiyo, warar hala faafiyo, waxay ila tahay maanta waal aga
dheregsan yahay, internet-yada wax kasta halaga buuxiyo,
Gaagaab iyo Cadde ayaa dhulkii gateen. War yaa naga
gadanaaya. Cidii barwaaqo ka dhigeysa oo naga gadaneysa
diyaar ayaan la nahay, yaa naga gadanaaya. Qoryihii waa naga
yaradeen, dadkii magaalooyin ayey soo degeen, waxay cunaan
iyo waxay qaataan ayey doonayaan, ciddii naga gadaneysa
qiimahaas ayaan ka wada gadeynaa, dhulka laga soo
bilaabo Garacad ilaa buuraha Sool oo aanaan waxba ku qabsan,
marka yaaba naga gadanaaya.
Allah ha u naxariistee Al-Nahyaan
(Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan - madaxweynihii
Imaaradka Carabta ee geeriyoodey November 2, 2004)
markii uu heshiiskii la gelayay (shiidaalka) wuxuu kula
heshiisy boqolkiiba shan in lasiiyo, carab oo dhan ayaa
kacday, waa warey ayey yiraahdeen carbtii kale, hesiiskaas
waxaa ku jirtey in sanad kasta haddii wax lasoo saaro ay
isaga wax u siyaadaan, hadda isaga ayaa boqolkiiba shan
bixiya , waa meeshii uu 40 sano ka hor kabilaabay.
Marka odayaal heshiis aan
shirkadaas la soo galnay sidaas weeye, waa soo koobayaaye.
Shirkadu waa imaneysaa, Octoobar ayey shaqo bilaabayaan,
hadda waxaa ila socdey niman abuukatayaal ah oo waa joogan,
sharci yaqaan ayaan ahay. Dhulkiina dad inaga ah oo reer
magaalka ah ayaa ballan qaaday inay dhulkii bixiyaan.
(Shirkadu) waxay na
yirahdeen "Guarantee" ma nasiinayesaan 10ka sano ama
afarta sano in aan xabad nalaku soo ridin. Anagu dhaqan baan
leenahay, odayaal baan leenahay, isamaan leenahay. Waxaana
isku xiran nabad gelyadooda shirkada iyo $200,000 oo kun -
anaguna in aan nabad gelyadooda sugno iyaguna ay bixiyaan
lacagtaas.
Shirakadaas anagu dan gaar
ah kama lahayn, been idiin sheegi meyno, lacag kama qaadan,
hoteelkii aan deganayn iyaga ayaa kharashkiisa bixiyey,
laakiin shilin kale nagama soo gelin. xataa anagu baabuur
aan magaalada ku aadno oo madaxweynihii oo daahan aan ku
geyno (ayaan haysan). In aan dhulkiina gelino ayaan rabnaa
oo la baaro. Waxyaalaha la baarayo wax kasta waa ku jiraan.
Waxaa laga yaabaa shidaalka noocyadiisa kala duwan, gaaska
iyo wixii la mid ah in ay ku dambeeyaan baarirta, laakiin
waxa ka horeeya (oo marka hore l abaarayaa) waxaa weeye
macaadiinta kale oo ay dhul-dhagaxdu ka mid tahay, bir iyo
Tiin iyo wixii noocaas ah, kuwaas ayaa marka hore horreeya
oo la baarayaa.
Odayaasha waxaan u
soo jeedinayaa in shirkadaas gacan la siiyo, nabad gelyona
la siiyo. Shaqaalahana sharci shaqaale ayaa la soosaarayaa
oo shaqaalaha xuquuqdiisa ilaalineysa. Waxaana la samaynayaa
shuruudo oo qofkii reer Puntland uu yimaado.
Waa kaas heshiiskii aan soo
galnay, arintaas iyada ah sidaas ayaan idiinla socodsiinayaa.
Waxaanu aaminsanahay anagoo idinka wakiil ahayn sidaas.
Qofkii dangaar ah doonaaya iyo waxyaalo badan oo raga iyagu
hawsha loo dirsaday oo inaan soo kala xanaaqno ayaa iska
jira. Waxaana jira dano gaar ah oo runtii anaga naga
horeeyey kabacdi ayaanu helnay, waxyaalo gaalada lagula
hadlay oo dano gaar ah oo anaga naga horeeyey ayaa jira.
Laakiin in aan niraahno waxaas iyo waxaas anagu Ilahayo
ayaanka hoos galay.
Arinta shirkadu sidaas
weeye, inaan ka faa'iideysaneyno labada goorba, haddii wax
la helo iyo haddii wax la waayoba. Haddii wax la waayo wax
Allaale iyo wax ay keeneen inagaa leh. Wax Allaale iyo wax
ay keenaan Afartaas sano - haddii wax la waayo inagaa leh.
Haddii ay khalad galaan wixii boosaaso yaal, Camp-ka
Boosaaso iyo kuwa kale inagaa iska leh.
Arin kale ayaan ka hadlayaa
oo ah in ay magaalada gashay in niman ganacsato ah ay
samaysanayaan lacag, oo la yiri ganacsato lacag samaysaneysa.
Lacagta dawlada ayaa samayneysa. Lacag xadidan oo lacagteena
dhammaatay lagu kabaayo weeye. Lacag dawladu gacanta
kuhayneyso weeye. Nimanka ganacsadata ah waa run wax bey ku
leeyihiin oo qalabka iyagaa keenay, waa niman reer Puntland
ah oo ganacsato ah, wax yar ayey ku yeelanayaan, waxooda
dawlada ayaa gacanta ku hayneysa. Bangiga ayeyna ku
xeraysnaaneysaa, wax dhibaato inoo keenayana ma aha. Haddii
waqtigeedu dhammaado lacagtaasna meesha lagu gadanayo iyo
qalabkaba dawlada ayaa gacanta ku hayneysa.
Qodob kale ayaan weheliya
oo aan rabey inaan idiin sheego, inaga dadkeena hadal bey ku
hartay, waxaa ugu sii daran dadka siyaasiyiinta oo anigu aan
ka mid ahay, waxa dhibaato dalka been lag afaafiyo meelahaas
ayey ka yimaadaan... Inta badan xukuumada dhexdeeda ayaa wax
ka yimaadaan, inta badan nin raba in uu wax gaaro ama in
meesha uu joogo meel ka fiican gaaro ama wasaaraduha ninbaa
jecel. Maalmo dhoweyd waxaa dalka la soo geliyey dastuurka
hala bedelo, madaxweyne ha la doorto - qofku waa dhiman kara
waa tegi karaa, waa wada fadhinaa - Dastuurka hala bedelo
waayo haddii madaxweynuhu meesha ka baxo madaxweyne ku
xigeenka ayaa madaxweyne ah. Laakiin madaxweynihii baa
jooga'e maxaa waxyaalahaas loo abuuraayaa - qofku waa
jirankaraa, jirooyin yaryar ayaa lagu sheegay. Saaxiibadayda
wasiirada ah ee hadda tartanka doonaya sharci darro ayey ku
doonayaan.....
Aad iyo aad ayaad u mahasan
tihiin, wixii su'aalo jira mar kale ayaan ka dhigan doona,
hadda qoraxya ayaa kulul, aniga meel kasta ayaa la iga
helayaa, wixii su'aalo waa la isoo weydiin karaa, Wixii aan
lacag ahayn oo dhan waa la i weydiin karaar, wixii aan lacag
ahayn.... waadna mahadsantihiin... Ayuu hadalkii kusoo
gabagabeeyey wasiirka Maaliyada ee DGPL.
###
Maxamed Cabdi Xaaji Mire "Khadar" (bidix),
Dr. Yuusuf Maxamed Wacays (dhexda), Beeldaaje Cali
Faarax (Midig)
Sawirka: SomaliTalk file.. |
Kulankii maanta (Sept 10) uu ka
hadlay Dr. Gaagaab ee lagu qabtay Boosaaso waxaa goob joog
ka ahaa
Beeldaaje Cali Faarax oo ammanay maamul goboleedka Puntland.
Waxa kale oo kulanka joogey duqa Degmada Boosaaso,
Maxamed Cabdi Xaaji Mire (Khadar)
iyo Guddoomiyaha gobolka Bari, Dr. Yuusuf Maxamed Wacays "Dhado".
Wasiirka
Maaliyadu ma soo bandhigin qorshaha DGPL ee ku aadan "hantida"
uu sheegay in ay ka soo geli doonto "shirkadaas". (Waxaa
xusid mudan in shirkadda hadda uu wasiirku ka hadlayo ay
dalka kusoo gashay magac hay'ad samofal ah oo kaalmaysa
carruurta ka hor intii uusan Terry bilaabin safarada uu la
gelayo DGPL - Arrinta carruurta Puntland haddii in yar laga
xuso: waxay ahayd August 31, 2005 markii ay hay'ada qaramada
midoobey ee UNICEF ay soo saartay warbixin orareysa in ay
diiwaan gelin ka sameeyeen magalooyinka Boossaaso, Qardho,
Garoowe, Galkacyo, Xaafun iyo Dangorayo, kuwaas oo ardayda
laga diiwan geliyey ay tiradoodu yihiin 57,000 oo aan wax
iskuul ah dhigan oo da'doodu u dhexeyso 6-14 -jir oo ah
carruurtii dhalatay kaddib dagaalkii sokeeye ee bilowday
1991. (53.5% wiilal iyo 43.5% gabdho). Waxaa hay'addu
qiyaastay in ugu yaraan 450 meelood oo laga degan yahay
Puntland in carruurta aan iskuulka dhigan ay tahay inta u
dhexaysa 150,000 ilaa 200,000).
Dhegeyso:
Hadalkii
Wasiirka Maaliyad DGPL oo Cod ah.. Dhegeyso... GUJI
Cadde
Muuse:-Waxaan argagixiso u aqaana kuwa boobaya oo soo
weeraray khayraadka Dalka.
"Waxaan Eedayn usoo jeedinayaa
Golaha Baarlamaanka Puntland oo runtii aan oran karo
howshoodii loo idmay way dayaceen"
Saciid Samatar
Faafin: SomaliTalk.com |
Sept 10, 2005
Wararkii subaxnimadii Sept 10 laga qoray hadalka wasiirka
Maaliyada DGPL ka akhri halkan...
TAARIIKH KOOBAN EE SOOMAALIYA.....
|