SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA

Garowe: Xubno ka socoda shirkadda Shidaalka ka baaraysa Puntland oo Booqday Garoonka Conoco...


Saxiixii Heshiiskii Canmex u ogolaanayey 80% baaritaanka khayraadka Puntland.
(Sawirka: CCNMatthews - Jan. 23, 2007)
Jan 23, 2007: Qoraal ay Range faafisay ayey ku sheegtay in Cadde Muuse yiri: "Range iyo Puntland waxay wada shaqaynayeen dhawrkii sano ee la soo dhaafay, waxaana aad ugu faraxsnahay xiriirkaa. Canmex waxay Range kawada shaqeeyeen (heshiis dhex maray), aad ayaana ugu faraxsanahay heshiiska. Waxaan si daacadnimo ah u rumaysnahay in dalkayagu qani ku yahay khayraadka dabiiciga ah, waxaana loo baahan yahay in hawsha la qabto. Shirkadaha waaweyn waxay xilli hor dhammaantood baaritaan ku sameeyeen dalkayga 20 sano ka hor xilligaas oo aan Governatoore ka ahaa aaggaas, waxaana aaminsanahay in batrool laga helo ay dhowdahay..... Wax wanaagsan ayaan ka maqlay Canmex iyo dadka ku lug leh, waxaana rajaynayaa in ay shaqada bilaabaan sida ugu dhaqsaha badan. Puntland weligeed ammaan ayey ahayd, waxayna u muuqataa qaybaha kale ee dalku in ay hadda soo xasilayaan. Waxaan hubaa in Range iyo Canmex ay guulaysanayaan. [Eeg...]

Shirkadda Canmex waxay lacag caddaan ah ka  haysatey 3.5 million oo doolarka Canada oo keliya.....
Qoraal ay Janaayo 24, 2007 qortay Jariidada Sydney Morning Herald ee Australia oo ka warbixineysey in heshiis dhex maray Puntland, Range iyo Canmex, heshiiskaas oo dhigaya in Canmex ay $50 million oo doolar ku kharash-garayso baaritaanka shidaalka laga baarayo Puntland muddo saddex sano ah, taasna Canmex loogu bedelayo 80% in ay yeelato baaritaanka laba aag oo ah Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor ee Puntland. Laakiin ayey tiri jariidadu Canmex khasnadeeda bangiga ee ugu dambeysey waxay muujisay in shirkaaasi ay bishii September 2006 ay lacag caddaan ah ka haysatey $C3.5 million (3.5 million oo ah doolarka Canada). Waxaa warku intaas ku daray in aan si rasmi ah loo shaacin meesha ay shirkaddu ka keeneyso $US50 million oo ay u bahan tahay in ay ku kharashgarayso baaritanka shidaalka Puntland. Sayladda Canmex ma degana; ilaa bishii October 2006 waxaa jirey maalmo aan wax dhaqshaqaaq ah oo kala gadasho ah ka socon saamiyadeeda. Sidoo kale ma muuqato in shirkaddaasi ay leedahay website.
Sidaas waxaa qortay Sydney Morning Herald. Eeg..

... Canmex's latest accounts reveal the company had only $C3.5 million of cash on hand at the end of September. READ

  • Shirkadda Canmex waxay Lacag caddaan ah ka haysatey 3.5 million oo doolarka Canada oo keliya.....
    Qoraal ay Janaayo 24, 2007 qortay Jariidada Sydney Morning Herald ee Australia oo ka warbixineysey in heshiis dhex maray Puntland, Range iyo Canmex, heshiiskaas oo dhigaya in Canmex ay $50 million oo doolar ku kharash-garayso baaritaanka shidaalka laga baarayo Puntland muddo labajeer oo min saddex sano ah (6-sano), taasna Canmex loogu bedelayo 80% in ay yeelato baaritaanka laba aag oo ah Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor ee Puntland. Laakiin ayey tiri jariidadu Canmex khasnadeeda bangiga ee ugu dambeysey waxay muujisay in shirkaaasi ay bishii September 2006 ay lacag caddaan ah ka haysatey $C3.5 million (3.5 million oo ah doolarka Canada). Waxaa warku intaas ku daray in aan si rasmi ah loo shaacin meesha ay shirkaddu ka keeneyso $US50 million oo ay u bahan tahay in ay ku kharashgarayso baaritanka shidaalka Puntland. Sayladda Canmex ma degana; ilaa bishii October 2006 waxaa jirey maalmo aan wax dhaqshaqaaq ah oo kala gadasho ah ka socon saamiyadeeda. Sidoo kale ma muuqato in shirkaddaasi ay leedahay website. Sidaas waxaa qortay Sydney Morning Herald.

Waxaa maalin nimadii Talaadada (Jan 23, 2007) ahayd ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada ee Conoco oo qiyaastii 30km dhanka bari kaga aadan caasimada puntland ee garowe.

Wafdigan oo uu hogaaminayo agaasimaha puntland u qaabilsan Macdanta iyo shidaalka Xasan Maamuud Cismaan (Aloore) ayaa maalinimadii Talaadadii ahayd ka oo dagay garoonka Conoco iyaga oo la sheegay in ay hal cabaara ay joogeen garoonka islamarkaan ay halkaasi kula kulmeen madax ka socota puntland.

Wafdigan ayaa la sheegay in ay u kuur galidoonaan xaaladda baaritaan ee shidaalka puntland iyo sidoo kale iyaga oo sheegay in ay u kuur galidoonaan lacagihii ay bixiyeen halka ay ku baxday iyo sida loo maamulay sidoo kale wafdigan ayaa sheegay in ay bixin doonaan lacagaha ku harsan ee ay horay u ballan qaadeen inta aysan bixin.

Ujeedada ugu wayn ee wafdigan ayaa ah u kuur galida xaaladda baaritaan ee shidaalka ku jira Puntland iyo sidoo kale iyaga oo sheegay in ay muddo laba bilood gudahood ay ku imaan doonaan Puntland si bay yiraahdeen loo bilaabo hawlihii la xiriiray soosaarida shidaalka Puntland.

Shirkada Canmex oo iyadu hadda hormuud ka ah baaritaanka iyo soosaaridda shidaalka Puntland ayaa ah shirkadad ka diiwaan gashay dalka Canada hase ahaatee asal ahaan ka soo jeeda dalka Sweden oo ka tirsan midowga yurub.

Shirkaddaas Canmex ayaa lagu soo waramay, sida la shaaciyey Janaayo 23, 2007, in ay Dubai heshiis kula saxiixatay shirkadda kale ee Range Resources. Heshiiskaas oo Canmex u ogolaanaya 80% saamiga baaritaanka labada aag ee kala ah dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor.

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa la xaqiijinayaa haddii ay hir gasho soo saarida shidaalkani in ay shaqo ka helidoonaan iyada oo dhinaca kalena la iska waydiinayo su'aal kale duwan waxa ka qabsoomi kara soosaarida shidaalkan iyada oo ay dad badani qabaan in ay waxani yihiin maa-weelin oo aysanba jirin shidaal la soosaarayo oo dhulkooda kaliya lagu faganayo.

Dad kale ayaa qaba in ay tahay qawda maqashii waxna ha u qaban.

Kuwo kale waxay qabaan in ay tani tahay maamulka oo ku mashquulinaya marka uu dhamaysatay baddii in ay hadda dadka bariga looga tilmaamo shaqo si loo mashquulo oo aan loo dareemin waxa ka soconaya gudaha dalka.

Xaalka ayaa kala cadaan doona marka ay dhamaato labada bilood ee ay qabsadeen shirkadahan hadda yimid Puntland oo ay sheegeen in ay ku imaan doonaan dhulka oo ,sida ay sheegeen, loo dardar galiyo hawlaha soosaarida shidaalka, waase laga warsugi doonaa waxa ay ku danbayso ama ay la yimaadaan insha allaah.

Qoraalkan waxaa ka qayb qaatay:
A/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Janaayo 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD