SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA


December 2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr. Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi Farah (Malow). [Eeg halkan]

January 2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).

Waxaa dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo "Kids In Need".

May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

June 10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse, waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg halkan]

Waftigii Puntland, Markii ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg halkan]

August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan, bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u socdey.

August 26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland, noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.

August 28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu yahay waxba kama jiraan... [Eeg Halkan]

August 29, 2005: ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war saxaafadeed uu ku saxiixnaa Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga ee DGPuntland. [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabAugust 31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr. Gaagaab).. [Eeg halkan]

September 9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku dhashay, madaxweyne waa  u ahaa, ninkii dembi gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf GaagabSeptember 10,2005: Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda bilaabi doonto October 2005. [Eeg halkan]

 Puntland Nasiib Daranaa ma hal Laba Midigle Dheelmaa!!! 

Sidaan wada ogsoonahay maanta waxaa qarka usaaran inay puntland kala goo go’do iyadoo  dhinacyada maamulku yahay miday lasoo daristay siyaasad xumo , kala daadsanaan, waxaaba intaas sii dheer in maanta madaxda  ugu saraysaa oo uu ka midyahay Cade Muuse inuu baayactan ku sameeyo dhulka puntland isagoo shirkado tuugo ah lagalay heshiisyo qarsoodi ah oo aan cidna lagala tashan, waxaaba daran in maalin maalmaha ka mida uu Cade Muuse baayactan ku sameyo dadka reer puntland naf ahaantooda,, Waxaa puntland nasiib daro u ah in markasta ay gacanta gasho cid aan katalin masiir keeda  iyo siday hore ugu mari lahayd. Hadaba maanta muxuu uga hadli wayey paarlamaanka maamul goboleedku in arintani ay tahay mid khatar uleh jiritaanka puntland mise waxay noqdeen kuwa lagu qanciyo shilimada tuugaysiga ah ee laga soo qaatay shirkadaha tuugada ah ? 

Paarlamaanka puntland malaha maanta awood uu ku jawaabo waayo waxaa afkooda ku hadla Cade Muuse iyo inta kula socota tuugasiga qarsoodiga ah oo  qadiyadoodu tahay  inay  lunsi ku sameeyaan dal iyo dadba.. waxaaba intaas dheer in dhamaan paarlamaanku uu yahay maanta dad aqoon toodu aad uliidato tusaale ahaan ninka ka ah raysal paarlamaanka ayaa ah nimaan cod kulahayn maamul goboleedka  isagoo meesha loo gaystay sidii saxiixiisa looga faa iidaysan laahaa, codkisuna unoqon laha  mid ku codeya waxa ay dhegaha ugu soo sheegaan inta ku bahowday tuugaysiga dalka   

Tan iyo intii  la asaasay maamul goboleeedka puntland waxaa madaxwayne ka noqonayey nin isagu awrkiisa ku kacsada danta dalka iyo umadana aan kala hayn wax dana,,, intuuu u haystay C/laahi yuusuf maamulku wuxuu ahaa mid fara maroorsi iyo tashi la’aan ku sugan,, meesha ugu saraysa ilaa inta ugu hoosaysana uu faraha ku hayey C/laahi yuusuf… Waxaa cajiiba in maanta layirahdo maamul goboleedka puntland wuxuu leeyahay madaxwayne xaqiiqatan maaha sheekadu sidaas waayo ilaa iyo hada lama hayo meeluu ku wareejiyey C/laahi Yuusuf  xilkii madaxnimada puntland waxaana ilaa iyo hada la oran kara Cade Muuse yahay  kuxigeenka1aad halka xasan daahir afqurac ka yahay kuxigeenka 2aad Waxayna gabi ahaan ku shaqeeyaan oraahda ah iidheh taasoo ah inay ku dhawaqan kuna shaqeeyaan hadalka ka soo baxa jeebka C/laahi Yusuf.Waxaa dhibaato  kalasoo deristay siyaasad xumada ay ku sugantahay puntland  inay manta beelaha dega deemada puntland ay samasytaan ciidamo ay ku ilashadaa hantidooda iyo waliba inay ka abuurmaan malayshiyo beeleedyo ku shaqeeya aragtida qabiilkoodu qabo. 

Waxay aniga ila tahay anoo ah shakhsiga uu kasoo fulay  qoraalkani in aanay reer puntland ka sugin Cade Muuse inuu kashaqeeyo danahooda iyo waliba inasyan ka eegin inay dhinaciisa kasoo baxdo cadaalad waxaana maanta halis ku jira in muda dhow lagu kala tago maamulka  ay shakhsiyadka ugu sareyaa yihiin kuwa doonaya inay biliqaysi kusameyaan waxa dhulka dhushiisa iyo gudihiisa ku sugan ,, waxay uheshiiyeen inta saxiixyada lagashay shirkadaha tuugada ah inay  burburin ku sameyaan maamulka puntland iyagoo damacooda ugu wayn uu yahay inay jeebkooda si mug dhaafa ah  buuxsadaan.Waxaa iswaydiin mudan ma maamuli karaan dadka marayn kari wayey cashuurta dekada Boosaaso kasoo baxda inay maamulaan khayraadka dhulka hoostiisa ku duugan? Waaxaa laga sugaya jawaata su ashaan dadwaynaha, 

 ENG. Siciid Cusmaan

Email: m_saciid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2005


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD