SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Cabdullaahi Yuusuf oo Garoowe u Tegey sidii la soo siideyn lahaa Markab laga Afduubay Yemen....
  • Gen. Cadde Muuse oo Xilkii ka xayuubiyey Wasiirkii Caafimaadka DGPL
  • Wasiir Iska Casiley DGPL oo weli ku jira Liiska Wasiirada Gen. Cadde Muuse!

Cabdullaahi Yuusuf oo Garoowe u Tegey sidii la soo siideyn lahaa Markab laga Afduubay Yemen....

Hadalkii C/Yuusuf Halkan ka dhegeyso ama Soo Rogo (mp3)

Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf ayaa (Nov 26, 2008) gaarey magaalada Garoowe halkaas oo uu kula kulamay madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse.

Safarka degdegga ah ee waftiga C/laahi Yuusuf kaga soo ambabaxay Nairobi kuna tegey Puntland ayaa wararka ugu horeeya ee ka soo baxaya waxay tibaaxeen in uu salka ku hayo sidii loo soo deyn lahaa markab laga leeyahay dalka Yemen oo ay burcad badeed Soomaaliyeed ku haystaan xeebaha Soomaaliya. (Waxa kale oo C/laahi Yuusuf uu Puntland u tegey sidii uu uga qayb geli lahaa caleemo saarka boqorka Daarood)

Safarka C/laahi Yuusuf waxaa ku wehelaya wafti ay kamid yihiin Safiirka Dalka Yaman u fadhiya Soomaaliya, Axmed Xaamid Cumar, xildhibaan Wayrax iyo xildhibaanada Caasho.

C/laahi Yuusuf oo markii uu tegey Garoowe si kooban ula hadlay Saxaafadda ayaa tibaaxay sida loogu baahan yahay in la soo daayo markabka ay leedahay Yemen ee la afduubay. Waxaana hadaladiisii kamid ah "Yemen oo aan deris nahay oo walaalo nahay maraakiibteedii ayaa la qabsaday."

C/laahi Yuusuf waxa uu madaxdii goobta fadhidey weydiiyey dadka markabkaas haysta in la yaqaan oo lala xiriiri karo - waxaa markaas u jawaabey Gen. Cadde Muuse oo yiri lama oga in lala xiriiri karo.

Waxa uu markas C/laahi Yuusuf hadalkiisii ku daray "Waxaa la rabaa sida ugu dhaqso badan in markabkaas loo soo daayo, haddii aan la soo deyn ganacsatadiinu waxay isaga dalandoolaan Boosaaso iyo Mukulli, maraakiibta idiin raran ayaa la qabsanayaa, illeyn qaniinyo ayaa qaniinyo kaa fujisa ayey tahay arrintu'e, markabkaas arrintiisa xoog in la saaro ayaan jeclahay."

Waxana uu intaas raaciyey "Aniga iyo safiirka iyo waftiga intiisa kale waxaan ku wada soconey sida ugu dhaqso badan sidii markabkaas loogu heli lahaa." Waxa kale oo C/laahi Yuusuf sheegay in isagu uu laba (2) maalmood joogayo Puntland laakiin safiirku uu ku harayo Garoowe oo gaarayo Boosaaso.

Hadalkii C/laahi Yuusuf (oo uu marka hore soo dhaweynayo Gaagaab):

C/llaahi Yuusuf oo ka qaybgalay Caleema Saarka Boqorka Daarood

Madaxweynaha DFKMG waxa uu Nov 27, 2008 magaalada Qardho kaga qayb galay caleemo saarkii Boqorka Daarood, Boqor C/laahi Boqor Muuse (King kong).


Bidix: C/laahi Yuusuf, Gen. Cadde Muuse iyo Xasan Daahir Afqurac
Caleemo saarkii Boqor King Kong, Nov 27, 208


Boosaaso: Sawirka hoose waa Boosaaso, Nov 26, 2008.

Waxaa isku ag-yaala Wasaarada daryeelka dadwaynaha waxaana ku xeeran ilaa 2000 oo kabadhada qaadka ah, waxaa ka soo horjeeda Dawlada Hoose, Cisbitaalka iyo booliiska...

Waxaan is iri illeen: Illeen qaadka ayaa daryeel inoo ah, cashuur inoo ah (lacag), dhakhaatiirtu waxay mushahar ku helaan daawaynta dadka uu waxyeelada u gaysto qaadku, booliiskuna waxay ka macaashaan asaraarka maan dooriyaha qaadka... anigu waan yaabay... Qoraa Soomaaliyeed....


Boosaaso, Nov 26, 2008


Gen. Cadde Muuse oo Xilkii ka xayuubiyey Wasiirkii Caafimaadka DGPL

Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa soo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday wasiirkii Caafimaadka DGPL. Sida ku cad wareegtadaas oo uu Gen. Cadde Muuse saxiixay Nov 26, 2008, waxa uu wasiirka xilka ka qaaday kaddib markii uu "Arkay Dastuurka Puntland Qodobka 54aad" isla markaasna "la tashaday madaxweyne ku xigeenka'.

Wareegtadu faahfaahin dheeraad ah ma bixin, mana xusin qofka lagu bedeley wasiirka.

Wareegtadii Gen. Cadde Muuse waxay u qorayd sidan:

Xeer Madaxweyne Lr. 152 ee November 26, 2008, kuna saabsan xil ka qaadid Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL.

Madaxweynaha Dawladda Puntland
Markuu Arkay:
Dastuurka Puntland Qodobka 54aad farqadiisa 19aad,
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka DGPL,
WUXUU XEERIYEY:

1. Waxaa xilkii laga qaaday Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL, Dr. Cabdiraxmaan Saciid Maxamuud.

2. Xeerkani Wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo.

saxiixa cadde muuse

Wareegtadii Gen. Cadde Muuse oo aan Weli Gaarin Xafiiskiisa?

Wareegtada uu Gen. Cadde Muuse soo saaray ee uu xilka kaga qaaday Dr. Cabdiraxmaan Saciid Maxamuud, waxaa ku cad in ay dhaqan geleyso marka uu saxiixo, isla markasna waxaa wareegtadaas ku cad in uu madaxweynuha (DGPL) saxiixay November 26, 2008. Sidaas daraadeed waxaa laga doonayey in hay'adaha iyo laamaha ay wareegtadaasi khusayso ay durbadiiba dhaqan geliyaan.

Laakiin waxaa (Nov 27, 2008, waqtiga Boosaaso) ku qoran shabakadda Xafiiska Gen. Cadde Muuse in Dr. Cabdiraxmaan Saciid Maxamuud uu weli ku jiro liiska golaha Wasiirada DGPL. Islamarkaas waxaa website-kaas ku cad in Dr. Dhagaweyne uu weli yahay wasiir (Janaayo 31, 2005 ilaa hadda), eeg sawirka hoose.


Websiteka Xafiiska Gen. Cadde Muuse, Nov 27, 2008

Waxaa dhici karta in akhristuhu is weydiiyo, wasiirka shalay (Nov 26, 2008) ayaa la casiley, maanta ayaana magaciisa laga saari doonaa liiska wasiirada iyo website - laakiina ujeeduda qormadani taas keliya ma ahayn ee sii akhri:

Wasiir Iska Casiley DGPL oo weli ku jira Liiska Wasiirada Gen. Cadde Muuse!

Wasiirkii Kaluumeysiga, Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo Kheyraadka Badda ee DGPL, Axmed Saciid Awnuur, ayaa bil ka hor (October 2008) waxa uu iska casiley xilkii wasiirnimo ee uu u hayey DGPL, waxana uu ku dhawaaqay in uu u tartamayo xilka madaxweynanimada Puntland.

Wixii is casilaadiisii ka dambeeyey, Axmed Saciid Awnuur waxa uu is kulul u eedeeyey maamulka Gen. Cadde Muuse ee uu ka tirsanaan jirey, kuna eedeeyey in lacagahii cashuurta ahaa la lunsaday, arrintaas oo ah eed aad u kulul oo uu usoo jeediyey maamulka Gen. Cadde Muuse.

Arrimahaas oo jira, haddana website Xafiiska Gen. Cadde Muuse waxaa weli (Nov 27, 2008, waqtiga Boosaaso) ku qoran in Axmed Saciid Awnuur uu weli yahay Wasiirka Kaluumeysiga, Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo Kheyraadka Badda ee DGPL (16/12/2007 ilaa hadda), eeg sawirka hoose.


Websiteka Xafiiska Gen. Cadde Muuse, Nov 27, 2008

Website-ka xafiiska madaxweynaha (haddii uu sidaas yahay) waa meesha laga daalacanayo siyaasadda maamulka Puntland, markaas haddii aan wasiirada is casiley magacooda laga bedelin waxaa halkaas ka soo baxaya laba arrimood:

  1. In amarka Gen. Cadde Muuse uusan dhaafsiisnayn warqad uu saxiixay, aysanna tixgelin xitaa xafiiskiisa iyo website uu asago maamulo..
  2. In madaxweynuhu uusan war ka hayn amarka uu bixiyey in uu fuley iyo in kale, aysan jirin tixraac iyo raad raac iyo amar fulin...

Labadaas qodob key tahay waxaan fikirka u dhaafnay akhristayaasha.... [Xasuusnow: Xeerkani Wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo... waana saxiixay Nov 26, 2008... ]


Websiteka Xafiiska Gen. Cadde Muuse, Nov 26, 2008

Oct 23, 2008: Musharaxa Jagada Madaxweynenimada DGPL Axmed Saciid Awnuur oo Muujiyey in Dowladii uu ka tirsanaa ay Dhacday Dadkii Xoolahoodii kuna shubatay Bankiyo Dibadda.


Akhri hadalkii Axmed Saciid Awnuur uu ku dhaliilay DGPL Oct 23

Axmed Saciid Awnuur: Bishii Sagaalaad Waxaan soo Xaraynay 48 Bilyan Shiling Cidna mushaar lama siin, Waxaa cad in Laqaatay lacagtaa. DAAWO Video

 


BAARID | SEARCH


burcadGudoomiyaha G/Nugaal iyo Sh. C/Nuur Faarax oo si kulul uga hadlay Burcad Badeedda...
iyo amar laga soo saaray in Musharaxiintu aysan Garoowe la soo gali karin Hub Akhris/dhegeysi Oct 21, 2008

musharaxiinMusharaxiinta Puntland oo si cad u qaadacay Guddiga Ansixinta iyo khilaafaadka Baarlamaanka DGPL 2009 ee uu Magacaabay Gen. Cadde Muuse.... Akhri....

awnuurMusharaxa Jagada Madaxweyne ee DGPL Axmed Saciid Awnuur oo muujiyey in Dowladii uu ka tirsanaa ay Dhacday Dadkii Xoolahoodii kuna shubatay Bankiyo Dibadda. Akhri

cabdiraxmaanSh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar oo Si qoto Dheer uga Ka Hadlay Xaaladda Soomaaliya iyo Xalkeeda: Madaxa Golaha Iimaamyada Soomaaliyeed ee W/Ameerika ayaa soo jeediyey sida lagu gaari karo xalka nabadda Dhegeysi...

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS