SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Shirkadda Sahaminta Batroolka oo Ka Baxday Puntland iyo Sarkaal Ka Tirsan Shirkadda IMC oo Rahmad ahaan loogu reebay Boosaaso....

  • Saraal Sare oo ka tirsan Shirkada IMC ee Sahminta Shidaalka Puntland oo Lagu xanibay garoonka Ufayn, oo loo gudbiyey Boosaso....

Waxaa qaab rahmad ahaan ah Boosaaso loogu xanibay xubin ka tirsan Shirkadda Sahminta Shidaalka ee IMC. Ninkaas oo magaciisa lagu sheegay Ken ama Key. Arrintan ayaa timid kaddib markii ay dhaceen dhawr arrimood oo isku xiriirsan:

Nov 24, 2008 ayaa shirkadda Range Resources sheegtay in uu halis ku jiro heshiiskii Sahaminta Batroolka ee ay la gashay Puntland haddii doorashada soo socota ee madaxweynanimada DGPL laga adkaado Gen. Cadde Muuse. Toddobaad kaddib waxaa Arbaca Dec.3, 2008 ay shirkadda Africa Oil soo saartay warsaxaafadeed ay ku sheegtay in shirkadda jaalkeeda ah ee IMC ay soo gabagabaysay sahamintii nooca Seismic ee ay ka wadey Dooxada Dharoor, oo la sahamiyey baaxad dhul gaaraya 782 km (cabirka nooca 2D), oo ay shirkaddaasi hayso xogta dhulkaas ay sahamisay. Maalintii xigtey (Dec 4, 2008) ayaa koox ka tirsan shirkadda IMC oo doonayey inay dalka ka baaxaan waxay qorshaysteen in ay ka dhoofaan garoon ay shirkaddaasi ka samaysay Ufayn, laakiin waxaa loo diidey in ay dhoofaan, waxaana sabab looga dhigay in lagu leeyahay lacag gaareysa $280,000 dollar, aysanna shirkaddaasi ka bixi karin dalka ilaa ay bixiso lacagtaas.

Lacagtaas waxaa shirkadda ku sheeganaya waa shirkadda magaceeda la yiraahdo BenderQaasim oo uu leeyahay Liibaan Muuse Boqor, oo la sheegay in ay wakiil ka ahayd ammaanka iyo shaqaalaha shirkada IMC u shaqaynayey. Shirkadda IMC ayaa la sheegay in ay lacag dhan $140,000 bil kasta u dhiibi jirtey mulkiilaha shirkadda Benderqaasim si loogu maareeyo mushaharka shaqaalaha iyo ammaanka shirkadda. Laakiin mulkiilaha BenderQaasim waxaa laga soo xigtey in aan la siin lacagtaas labadii bilood ee ugu dambeysey, halka shirkadda IMC ay ku dooday in ay lacagtaas hore u bixisay.

Arrintii markii ay gaartey qir iyo qir ayaa waxaa shirkadda IMC waxay aqbashay in nin shirkadda ka mid ah uu sii joogo Puntland, si shaqaaleheeda kale ee shisheeyaha ah ay dalka Soomaaliya uga baxaan. Waxaa sidaas lagu reebay ninka magaciisa lagu sheegay Ken (ama Key) si uu arrinta la xiriirta lacagta ugala xaajoodo cidda lacagta ku sheeganeysa, isla markaasna uu rahmad u ahaado lacagtaas. - (Waxaa jira nin magaciisa la yiraahdo Ken Watson oo ka tirsan madaxda shirkadda Africa Oil, lama oga in uu ninkaas yahay ninka lagu reebay Boosaaso ama in uu yahay nin kale oo leh magaca Ken/key).

liibaan muuse Boqor
Liiban Boqor (Dhexda) - Daarta Boosaaso ee u kiraysan shirkadaha sahaminta
Sawirka: faafintii ASX

Toddoba beri markii ninkaas Boosaaso lagu hayey si loo helo lacagta shirkadda lagu sheeganayo ayaa waxaa soo baxay qorshe la doonayey in Arbacadii Dec.10, 2008 loo ogolaado in uu ka dhoofo Boosaaso, laakiin waxaa markale laga joojiyey diyaarad uu u raaci lahaa Nairobi Kenya. Maamulka Puntland ayaa u muuqday mid aan ka warhayn Xabsi-guriga la geliyey ninkaas ajnabiga ah oo sidii afduub oo kale loo la dhaqmay.

Ninkaas oo loo yaqaan Mr Ken (ama Key) ayaa ilo wargal ah sheegeen in laga qaaday Baasaboorkiisii iyadoo loo diiday inuu dibadda uga soo baxo gurigii shirkadda Sahaminta u kiraysnaa ee ku yaala Badhtamaha Magaalada Ganacsiga ee Bosaaso - Lama xaqiijin karo in xilliga aan qoraalkan daabaceyney la sii daayey iyo in kale - waxana jira warar aan weli la xaqiijin oo tibaaxay in Baasaboorkii loo celiyey.

Qalabkii shirkadda IMC ee Shidaalka ka sahamineysey aagga Ufayn ayaa badankooda waxay shirkaddu u daad guraysay meel duleedka ka ah magaalada Boosaaso, laakiin waxaa Ufayn lagula haray 7 gaari oo ah nood duug ah, 2 gaari oo cusub iyo guryihii shirkadda u dhisnaa badandooda ee ah guryaha nooca diyaarka ah ee la isku rakibo. Waxaa isa soo taray warar sheegaya in qalabka shirkadda IMC leedahay ay kooxa hubaysan ku haystaan degaanka Ufayn ee Gobolka Bari iyaga oo doonaya lacag "madax furasho ah" ama lacag ay sheeganayaan in aan la siin.

Sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in uu weli jiro muran ah in lacago lagu leeyahay shirkadan sidaa darteedna loo xajistay ninkaas iyo qalabka kale ee Shirkadda IMC. Waxaa kale oo soo baxaya warar sheegaya inaan shirkadan wax lacag ah lagu lahayn oo lacagtaas ay waqti hore bixisay ayna u dhiibta mulkiilaha shirkada lagu sheegay Banderqaasim Corporation oo la sheego in aysan xafiis ah ku lahayn Puntland.

Ilo xog ogaal ah ayaa tibaaxay in sababaha ay shirkadda IMC uga baxday Puntland ay ka mid yihiin: Arrimo la xiriira ammaanka oo ay shirkaddu ku kalsoonaan weydey ilaaladeeda, siyaasadda Puntland & DFKMG oo aan deganayn, beelaha degaanka oo kalsooni ku qabin waxqabadka shirkaddaha sahaminta, hanjabaado kooxaha muqaawadama ka wada Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo la xiriira dhaqaalaha adduunka oo sii xumaaday.

ufayn
Magaalada Ufayn | Sawirka: Google Earth
Ma ogtahay magaca UFAYN in uu ka soo jeedo "YOU FINE" (You=U, Fine=Fayn)

Xagga ammaanka aagga Ufayn ee sahamintu ka socotey ayaa bilihii ugu dambeeyey dhacdooyinkii ka dhacay waxaa ka mid ahaa in koox ka timid degaanka lagu magacaabo Moqor ay afduubeen nin ajnabi ah oo shirkadada Sahaminta u shaqaynayey, laakiin ninkaas waa laga soo reebay kooxda, waana la xirxiray qaarkood, laakiin waxay ka baxsadeen xabsigii. Sidoo kale meel u dhow Moqor waxaa Nov 29, 2008 ay tacshiirad ku dhex martay laba ciidan beeleed.

Africa Oil oo Sahamisay Dhul aad uga baaxad yar intii ay hore u sheegtay....

Nov 24, 2008 ayey ahayd markii Peter Landau oo ah agaasimaha shirkadda Range Resources ee jaalka la ah Africa Oil uu dadka shirkadda Range saamiyada ku leh u sheegay in heshiiskii Wax-Soo-Saar Wadaagga ahaa ee shirkaddaasi kula jirto Puntland uu halis ku jiro haddii uu xukunka lumiyo madaxweyne Maxamuud Xirsi (Gen. Cadde Muuse), waa sida ay qortay Jariidada THE AGE. Laakiin "mr. Xirsi fursad weyn ayuu haystaa in dib mar kale loogu soo doorto Janaayo (2009)" ayuu mr. Landau ka sheegay kulan sannadeedkii shirkadda Range. Jariidadu waxay sheegtay in Range Resources ay dhici karto in ay wada xaajood hor leh ka yeelato Wax-soo-saar wadaagga sahaminta Puntland haddii marka doorashada soo socota dhacto ay awooda siyaasadeed ee Puntland is bedesho.

Dhanka kale, warsaxaafadeedkii IMC (July 14, 2008) ee jaalka la ah Africa Oil waxay ku xustay in ay khariidada sahaminta ee laga ogaadey xogtii ay ka ururisay Dooxada Dharoor ay bilaabaneyso horraanta 2009. Isla markaasna la calaamadin doono meesha ceel laga qordayo ka hor dhammaad saddexda bilood ee ugu horeeya 2009. Ballan qaadkaas oo u muuqda mid mugdi ku jiro mar haddii shirkaddaas xilligan Puntland looga haysto lacag.

Su'aal kale oo ay hadda reer Puntland is weydiinayaan ayaa ah sababta ay shirkadda sahamintu u baartay baaxad dhul aad uga yar intii ay sheegtay in ay sahamin doonto maxay la xiriirtaa, ma arrin dhaqaale oo u dhexeeya shirkadaha sahaminta iyo shirkadda lagu magaacabay BenderQaasim, mase arrimo kale?.

July 14, 2008 warsaxaafadeedkii ay shirkadda Africa Oil ee jaalka la ah IMC ay sheegtay in ay sahamin doonaan Dooxada Dharoor dhul baaxadiisu gaareyo 2600 km (cabirka nooca 2D). Laakiin warsaxaafadeedkii Arbaca Dec.3,2008 waxay ku sheegtay in ay baareen dhul baaxaddiisu dhan tahay 782 km (cabirka nooca 2D). Waxaa halkaas ka muuqata in aysan baarin dhul baaxaddiisu dhan tahay 1818 km (cabirka nooca 2D). Ma muuqato meel ay DGPL arrintaas kaga hadashay.

Dhanka kale xogta ay shirkadaha sahamintu ka ururiyeen dhulkii ay baareen ilaa hadda DGPL ma jirto meel ay ku soo bandhigtay. Xitaa website-ka bishii April 2008 loo sameeyey Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Puntland (WTM) ilaa hadda waxba kama qorin xogta la xiriirta sahaminta wixii laga ogaadey baaritaanadaas - Xitaa weli ma xusin in la soo gabagabeeyey sahamintii Dooxada Dharoor.

Shirkadda Range Resources oo laga leeyahay Australia waxay heshiis sahaminta kula jirtaa DGPL, heshiiskaas oo ay ka iibsatey CONSORT oo ka diiwaan gashan jasiirada Maldives. Waxayna RANGE heshiis sahaminta dhulka Puntland kula sii gashay shirkadda Africa Oil oo magaceedu ahaan jirey CANMEX ooloo asaasay in ay ka ahawl gasho Mexico lagana leeyahay Sweden laakiinka ka diiwaan gashan Canada. Isla markaas Africa Oil waxay heshiis la sii gashay shirkadda IMC oo laga leeyhaay UK si ay u sahamiso Dooxada Dharoor. Heshiisyada Puntland iyo shirkadaha shisheeye waxaa dhawr jeer diidey ama is hor taagey xubno ka tirsan DFKMG iyagoo ku doodaya in Dawladda Federaalka oo keliya ay shirkadaha shisheeye la geli karto heshiisyada caalamiga ah.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2008

 

JWXO oo u digtay sharikada Patronas

JWXO ayaa soo saartay qoraal ay ugu digayso sharikadaha isku dayaya inay hawlo batrool qodis ah ka billaabaan dalka Ogaadeenya, iyadoo sheegtay inayna marnaba oggolaan doonin in dalka Ogaadeenya Gaas ama Batrool laga soo saaro inta dadkii dalka iska lahaa loo diiddan xaquuqda aaya ka talineed.

JWXO waxay qoraalkan ku sheegtay ina ayna marnaba u dul-qaadan doonin haddii ay dhab noqoto in sharikada Patronas ay shidaal qodis ka billaabayso Ogaadeenya.

JWXO waxay uga digtay sharikadaha damaacigu kaga jiro inay shidaal ama Gaas ka qodaan dalka Ogaadeenya, inay haddaba ogaadaan in Ogaadeenya ay tahay goob dagaal ka socdo, taliska gumaysiga Itoobiyana aanuu gacanta si buuxda ugu haynin, isla markaana aanuu xaq u lahayn inuu heshiisyo shidaal qodis ah la galo sharikado kale, sababtuna ay tahay in taliskaasi aanuu matalin dadwaynaha Ogaadeenya.

Qoraalkan waxaa lagu soo gabagabeeyay in sharikada Petronas loo arkayo mid ka qayb qaadanaysa xasuuqa iyo gumaadka uu gujmaysiga Itoobiya ku hayo dadwanaha Ogaadeenya haddii ayna wax ku qaadanin digniintan.

Xoriyo

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2009

 

BAARID | SEARCH


:::Shirka Caalamiga ah ee Ku Saabsan Burcad Badeed
:::Talo soo Jeedinta Seminaarka Habka wax fulinta

NuradiinMusharax Nuuradiin Aaden Diiriye oo ka Hadlay Burcadda kalluumaysiga....
"Burcadda kale ee badda oo ka baaxad weyn 'Burca badeedka maraakiibta qafaasha" waa Burcadda Kalluumaysiga...." Akhri..... Dec 15

C/laahi Yuusuf oo Xilkii ka qaaday Nuur Cadde
Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa ku gacan sayray xil ka qaadistaas, waxana uu sheega in ... Akhri... Dec 14

Dood kulul oo dhex martay Qamar Shariif Haashim, Iyo Maamulaha Guud ee Maraakiibta Faransiiska-Dec 13

'23 Burcad badeed' ah oo lagu qabtay Gacanka-Cadmeed.-Dec 14

musharaxiinMusharaxiinta Puntland oo si cad u qaadacay Guddiga Ansixinta iyo khilaafaadka Baarlamaanka DGPL 2009 ee uu Magacaabay Gen. Cadde Muuse.... Akhri....

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS