SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA AFRIKA

Barnaamijkii Radio Xoriyo
01 May 2007.
  •  JWXO oo sii daysay dadkii Shiina ahaa. 
  •  Qarax ka dhacay xerada Garabcase ee Jigjiga.
  •  JWXO oo iska fogaysay qaraxa Jigjiga.
  •  Hawlgalkii Coballe.
  •  Qoraal dheer oo JWXO u dirtay Shiinaha.
  •  Mudane Maraykan ah oo sheegay in xasuuq laga wado magaalada Muqdisho.
  •  Salaamo iyo Tahniyado  (Hawgalkii Coballe).
 

Sawirka oo weyn: www.lib.utexas.edu
======================    
Warbixin: Hawlgalkii Coballe.
 
Ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa hawlgal millatari talaadadii ka fuliyay xarun shidaal laga qodayay oo ku taalla tuulada Coballe, oo 35 km dhinaca woqooyi galbeed ka xigta magaalada Dhagaxbuur, waxaana hawlgalkaas lala seddex Urur oo ka tirsan cidammada gumaysiga Itoobiya oo waardiyaynayay xarunta shidaalka laga qodayay.
 
Weerarkan fuliyay cutubyo ak tirsan Qaybta Duufaan ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya, waxaana wax dhintay iyo wax dhaawacmay laga dhigay in ku dhaw 400 oo askari oo Itoobiyaan ah. Waxaa sidoo kale la burburiyay qalabkii looga shaqaynayay xaruntaas shidaalka laga baadhayay, oo hawsheeda la billaabay, ka dib markii uu heshiis dhex maray xukuumadda gumaysiga Itoobiya iyo sharikad laga leeyahay dalka Shiinaha.
 
Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhintay sagaal qof oo u dhalatay dalka Shiinaha oo sharikadaas u shaqaynayay.
 
Ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa gacanta ku dhigay guud ahaanba goobihii weerarku ka dhacay, ka dib markii dagaal soconayay muddo saacad ka yar ay ku jabiyeen dhammaanba ciidammadii gumaysiga ee goobahaas ku sugnaa. Cidammada xoreynta Ogaadeenya waxay goobihii dagaalku ka dhacay kaa ururiyeen ilaa iyo toddoba qof oo Shiinaha u dhashay oo dagaalkaas ka badbaaday, mid Itoobiyaan ah iyo nin Soomaali ah, waxayna dadkaas ku wareejisay Ururka Laanqayrta Cas maalinimadii axadda ahayd ee taariikhdu ku beegnayd 29 April 2007.
 
Ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa weerarkan qaaday, ka dib markii ay ciidammada Itoobiya xoog uga rareen nawaaxiga shidaalka laga qodayay dadkii degganaa, isla markaana ay Seere ku wareejiyeen dhul-daaqeen aad u ballaadhan oo dadka iyo xoolahaba laga mamnucay inay u soo dhawaadaan.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya waxay hadda ka hor munaasaado kala duwan ku sheegtay inayna marna oggolaan doonin in khayraadka dabiiciga ah ee dalka Ogaadeenya ay ka faa’iidaysto xukuumadda gumaysiga Itoobiya ama shrikad kale oo heshiis sharci darro ah la gasho xukuumadda gumaysiga, inta dadwaynaha Ogaadeenya loo diiddan yahay xaqa ay u leeyihiin inay aayahood ka tashadaan.
Jabhaddu bayaan ay soo saartay waxay ku sheegtay in xukuumadda Itoobiya ay caddaysatay qorsheheeda ah inay dhibaatada Ogaadeenya ku xalliso awood mllatari, ka markii ay diiday in laga wadaxaajoodo sidii dhibaatada Ogaadeenya loogu heli lahaa xal siyaasadeed, iyadoo wadaxaajoodkaas lagu qabanayo dal dhexdhexaad ah, isla markaana uu gobjood ka noqdo daraf seddexaad oo dhexdhexaadiye ahi.
 
JWXO, iyadoo ka duulaysa hawlgalkii Coballe, waxay mar kale beesha caalamka oo dhan u sheegtay in Ogaadeenya uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, isla markaana ammaan darrada ka jirta ayna suuragal ka dhigaynin in laga fuliyo hawlo shidaal qodis ah.
 
JWXO waxay hadda ka hor dowlada Shiinaha gaadhsiisay inay waqti lumis tahay inay xukuumadda Itoobiya la yeelato wadahadal ku saabsan shidaalka Ogaadeenya ama ay la gasho heshiis shidaalkaas lagu soo saarayo, sababtuna ay tahay iyadoo xukuumadda Itoobiya ayna dammaanad qaadi Karin nabadgelyada shaqaalaha Ogaadeenya la gayn doono, isla markaana ayna xaq u lahayn inay shidaalka Ogaadeenya heshiis kula gasho sharikado shisheeye ah, hase yeeshee baaqaas ayaa noqday Hal Bacaad lagu lisay.
 
Si kastaba ha ahaatee Waxay JWXO muujisay inay ka xun tahay in hawlgalkii Coballe ay ku dhintaan dad rayad ah oo u dhashay dalka Shiinaha, waxayna daboolka ka qaaday in dagaalka Coballe ka dhacay uuna ku waahnayn dadka Shiinaha ah ee halkaas ku sugnaa.
 
Qoraal dheer oo JWXO u dirtay Shiinaha.
 

Bullets Fly in a Forgotten Land Ogadenia Separatists fight Ethiopia - By Jonathan Alpeyrie.. READ...
Qoraal dheer oo Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ay u dirtay dowlada Shiinaha, waxay ku sheegtay in dalka Shiinuhu uu ka mid yahay quwadah waawayn ee adduunka, sidaas darteed ay masuuliyad gaar ahi ka saran tahay arrimaha caalamka.
 
“Dalka Shiinuhu wuxuu aqoonsan yahay halgannada ay dadyowga adduunku ku raadsanayaan xuquuqdooda, laakiin marka la eego arrinta Ogaadeenya wuxuu Shiinuhu u muuqdaa mid aan sidaas aaminsanayn. Iyadoo aan si cad u gaadhsiinay in Ogaadeenya ay tahay furin dagaal oo xuquuqdii dadkayaga oo dhan lagu xadgudbay, isla markaana tacaddiyo kala loo gaysto, ayay haddana shirkada Shidaalka ee Shiinuhu hawl shidaal qodis ah ka billowday Ogaadeenya”, sidaas waxaa lagu sheegay qoraal dheer oo Jabhaddu u dirtay dowlada iyo dadka Shiinaha.
 
Jabhaddu waxay dowlada Shiinaha ugu baaqday inay aqoonsato xuquuqda dadka Ogaadeenya, oo ay joojiso dhammaan xidhiidhada ay la leedahay xukuumadda Itoobiya eek u saabsan shidaal qodista Ogaadeenya, inta laga gaadhayo xilli ay Ogaadeenya ka dhalato dowlad sharci ah.

JWXO oo sii daysay dadkii Shiina ahaa.

 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa maalintii axadda ahayd sii daysay toddoba qof oo u dhashay waddanka Shiinaha, nin Itoobiyaan ah iyo nin soomaali ah, kuwaasoo laga badbaadiyay dagaalkii Cobolle ka dhacay maalintii talaadada ahayd.
 
Dadkan ayaa maalintii axadda ahayd lagu wareejiyay Ururka Laanqayrta Cas, ka dib markii ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ay isla gaadheen heshiis xabbad joojin oo la dhaqan galiyay intii ay socotay hawsha dadkaas lagu wareejinayay.
 
Dadkan ayaa iyagoo xaaladooda caafimaad aad u wanaagsan tahay lagu wareejiyay Laanqayrta Cas, oo iyaduna axaddiiba bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dadkaas loo dhiibay iyagoo caafimaad qaba.
 
Sii daynta dadkani waxay ku soo beegantay xilli ay ciidammada gumaysigu xasuuq ba’an ka wadaan magaalooyinka Ogaadeenya, gaar ahaan magaalada Jigjiga, toddobaadkii ugu denbeeyay lagu xidhxidhay dadwayne rayad ah oo aad u badan, oo sida muuqata loogu aarayo dadkii gumaysiga kaga dhintay dagaalkii Cobolle. Dadka lagu xidhxidhay magaalada Jigjiga tan iyo sabtidii waxay kor u dhaafeen 57 qof, waxaana ka mid ah odayaal dhaqameedyo can ah, sida Garaad Xasan Ahmed Makhtal Daahir.
 
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa besha caalamka ugu baaqday inay isha ku hayaan oo wax ka qabtaan xadgudubyada ay ciidammada Itoobiya u gaysanayaan dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.

Qarax ka dhacay xerada Garabcase ee Jigjiga.
 
Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ee dalka Ogaadeenya ayaa sheegaya in habaynimadii sabtida ahayd uu qarax weyni ka dhacay xerada Ciidanka gumaysiga ee Garabcase ee magaalada Jigjiga.

Qaraxaas ayaa la sheegay inuu aad u xoog badnaa oo xerada oo dhan uu gilgilay, hase yeeshee faahfaahin buuxda lagama hayo khasaaraha uu qaraxaasi gaystay.
 
Habaynkii khamiista ahaa waxaa sidoo kale la qarxiyay guri lagu dhigayay tacsida sargaal Tigree ah oo ku dhintay hawlgalkii Coballe ee talaadadii ay fuliyeen ciidammada xoreynta Ogaadeenya. Waxaa la sheegayaa in qaraxan uu hal ruux ku dhintay.
 
Afhayeen u hadlay xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa warbaahinta jimcihii u sheegay in qaraxa Jigjiga ay ka denbaysay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.
 
JWXO oo iska fogaysay qaraxa Jigjiga.
 
Hase yeeshee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ayna JWXO wax lug ah ku lahayn qaraxa loo gaystay guriga tacsida lagu dhigayay ee magaalada Jigjiga.
 
Bayaan ay sabtidii soo saartay waxay JWXO ku caddaysay in siyaasad JWXO ayna ahayn inay waxyeellayso dadka rayadka ah ama ay weerarradeeda millatari ula qasdido goobaha u gaarka ah dadka rayadka ah.
 
JWXO waxay bayaankan ku sheegtay in xogaha laga helayo goobta uu qaraxani ka dhacay ay tilmaamayaan in sababta qaraxan keentay ay tahay khilaaf u dhexeeya ciidammada Itoobiya ee ka soo jeeda qowmiyada Tigreega iyo kuwa kale ee aan Tigreega ahayn, iyadoo guriga la qarxiyay uu lahaa sargaal Tigree ah oo xubin ka ah ururka argagixisada ah ee TPLF, isla markaana tacsi loogu dhigayay askari Tigree ah oo ku dhinatay hawlgalkii Coballe.

Mudane Maraykan ah oo sheegay in xasuuq laga wado magaalada Muqdisho.
 
Mudane ka tirsan Baarlamaanka waddanka Maraykanka oo lagu magacaabo Donald Payne ayaa ciidammada Itoobiya ku eedeeyay inay xasuuq ka wadaan dalka Soomaaliya, isla markaana ay denbiyo dagaal ka galeen dadka soomaaliyeed.
 
Mudanahan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidammada ammaanka ee Itoobiya ay laayeen oo waxyeellooyin u gaysteen dadwayne rayad ah oo soomaaliyeed. Wuxuu kaloo sheegay in xadgudubyada loo gaystay dadka rayadka ah ee Muqdisho ay yihiin denbiyo dagaal oo ka dhan arrimaha bani’aadamnimada.
 
Wuxuu kaloo intaas raaciyay in beesha caalamku ay dhagaha ka furaysatay dhibaatooyinka haysta dadka soomaaliyeed, iyadoo waliba dhibaatada soomaalida haysata ayna ka dhicin midda ka jirta gobolka Darfur ee dalka Suudaan
01 May 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalinta Talaadada ah 7:00PM – 8:00  waqtiga Afrikada Bari

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH