SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Madaxweynaha DGPL oo Soo Jeediyey in laga Laabto Qodob ka mid ah Heshiiskii ay hore ula galeen Shirkadda "Range Resources"...

  • "Soo jeedinta madaxweynaha waxaa ka hor yimid shirkadda Range Resources iyo Wasiirka Maaliyada Puntland....."

DUBAI, UAE (June 17, 2006): Wararka ka imanaya dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in halkaas kulan dhex maray madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland (DGPL), Generaal Cadde Musse iyo xubno ka socdey shirkadda Range Resources ltd.

Waxaa warku intaas ku daray in kulanka oo kadhacay Hotel kuyaal Dubai ay joogeen madax uu Cadde Muuse uga yeeray Puntland si ay goob joog uga ahadaan arrimaha uu u soo jeedinayo shirkadaas.

Kulankaas ayaa Madaxweyne Cadde Muuse waxa uu kusoo bandhigay in Puntland ay ka noqoto qodob ka mid ah heshiiskii shirkadaas hore loola galay.

Qodobkaas ayaa ah kii shirkadda Consort Private ltd (ee lagu soo dhisay, kana diiwaan gashan Maldives) siinayey lahaanshada gebi ahaan xuquuqda baaritaanka iyo qodista dhammaan khayraadka Puntland (macdan & shidaal). Waxaana heshiiskaas hore bishii Agoosto ee 2005 Hotelka Hilton ee Dubai ay Puntland ugu saxiixaday Terry oo madax ka ahaa Consort. Bishii October ee 2005 ayaa shirkadda "Consort ltd" waxa ay "Range Resources ltd" ka iibisey saamiga boqolkiiba 50.1% kaas oo "Range" xuquuq u siinayay gebi ahaanba khayraadka dabiiciga ah ee dhul baaxadiisu dhan tahay 212,000km2. Qodobkaas weeye kan hadda uu Madaxweynaha Puntland soo jeediyey in laga laabto.

Sida ay faafisay warbaahinta Garowe, madaxweyne Cadde Muuse waxa uu qodobkaas ku tilmaamay mid aan markii hore laga fiirsan.

Madaxweyna DGPL waxa uu soo jeediyey in marka qodobkaas laga laabto, la adeegsado habka cusub ee loo yaqaan qayb-qaybta, habkaas oo suurta gelineya in shirkado kale heshiis lala geli karo.

Sida warku sheegay, soo jeedintii Madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi Boqor waxaa ka hor yimid xubnihii ka socdey shirkadda Range Resources oo ay la jiraan Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) iyo Liibaan Muuse Boqor (oo ay shirkadaasi dhowaan ku darsatay guddigeeda).

May 25, 2006 ayay ahayd markii uu agaasimihii guud ee Range Resources, Mr. Jim Marinis is casiley, agaasimahaas oo ahaa kii October 2005 shaaca ka qaaday in Agaasimayaasha Shirkada "Consort" ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Puntland.  Xilligaas waxaa agaasimayaasha "Range" lagu daray Liibaan Boqor.

May 29, 2006 ayey ahayd markii Madaxweyne Cadde Muuse uu shirkadda Range Resources ku tilmaamay "JIRRI", markaas ayaa shirkadaasi websiteyadii warkaas Soomaalida u faafiyey u soo jeedisey hanjabaad. (Hadalkii Cadde Muuse ka dhegeyso halkan.... ).

Puntland oo maaliyadda sannadkii soo gasha lagu qiyaasay $35 million oo doolar ayaa waxaa curyaamiyey musuq-maasuq iyo nin-tooxsi aan dadweynaha si siman khayraadka dalka loogu qaybin, iyo in uusan jirin baaarlamaan dowladda la xisaabtami kara. Waxana ay dadka siyaasadda odorosa tilmaameen in arrimaha cakiran ee shirkadaha shidaalka lagu qarinayo muqus-maasuqa hoos u dhigay Puntland.

Waxaa kale oo sii xoojiyey aaminaad darrada shacabku ay ka qabaan maamulka PL, waa meesha ay martay lacagta ay shirkadda Range Resources sheegtay in ay bil kasta siiso Puntland. Sida uu May 3,2006 shaaca ka qaaday Wasiirkii hore ee Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ee DGPL, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (C/Raxmaan Faroole)waxaa jira lacago kor u dhaafay $3 million oo la qaatay, lakiin aan ku dhicin khasnadda dowladda. ka dhegeyso halkan.

Maanta (Sabti June 17, 2006) ayaa markii ugu Golaha Wakiilada Puntland ay ka wada hadlayaan arrimo la xiriira Khayradka Dabiiciga, inkasta oo aysan hore u ansixin wax heshiis ah oo Puntland la gashay shirkadaha Consort & Range, iyo in aan hore baarlamaanka Puntland loo hor keenin waxa ku qoran heshiiska shirkadahaas lala galay ama aanba lagala tashan.

Waxa kale oo Baarlamanka Puntland (golaha Wakiilada) ay ka wada hadlayaan xeerka xisbiyada badan ee Puntland.

Sida laga soo xigtey warbaahinta Puntland, Cadde Muuse oo Sabtidii June 17, 2006 kusugnaa Dubai, kaddib markii uu ka soo laabtay Jarmalka, in lagu casumey in uu tago magaalada Addis-abbaba ee dalka Itoobiya, warar kale ayaa sheegaya in uu degdeg ugu soo laabanayo Puntland maadaama ay isbedelo degdeg ah ka dheceen Koonfurta Soomaaliya.

  • Bishii September ee 2005 ayey ahayd markii Wasiirka Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) uu Boosaaso ka sheegay in heshiiska lala galay shirkada lagu magacaabay "Consort" in uu socon doono muddo toban sano ah oo ay shirkadaas kula galeen in ay baarto macdanta iyo shiidaalka iyo shirkadaasina ay degi doonto Boosaaso oo ay u baahan tahay 3 km, maadaama ay keensanayan DIGAAG ay qayb ka siin doonaan reer Puntland Dhegeyso Hadalkii Wasiirka.

Isha: Radio Midnimo, Garoowe, iyo xigasho warar hore

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2006

"NSG" Waa Shirkad Caynkee ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD