SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Shirkadda Range Resources oo Isku Deyaysa in ay Tabco Hor Dhigto Xukuumadda Cusub ee Puntland...

  • SomaliTalk.com | Feb 3, 2009

Shirkadda Range Resources ee heshiiska kula jirtey xukuumadii hore ee DGPL, ayaa maanta (Talaada, Feb 3, 2009) waxay qoraal ay u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) kaga hadashay Siyaasadda madaxweynaha cusub ee Puntland iyo qorshihiisii loo bandhigay baarlamaanka DGPL.

Qoraalkii RANGE Feb 3, 2009:

“As you all know there are agreements signed by the former government that raised complaints from various groups. These contracts were between the government, foreign and local companies. In principle, I recognise and accept these agreements, but we have to update ourselves and make sure that they are benefiting the people and are within the laws of Puntland.” Read Here...

Qoraalka Range HTML | DOC | PDF

Range waxay si gaar ah u tibaaxday qodob la xiriira siyaasadda maamulka cusub ee Puntland ee ku aadan heshiisyadii ay xukuumadii hore la gashay shirkaddaha shisheeye.

Range oo arrintaas ka hadleysey waxay qoraalkeeda ku sheegtay in ay ka soo xigatey siyaasadda DGPL, waxayna hadalka u dhigtey erayo la macne ah sidan:

"Sida aad dhammaantiin ogtihiin waxaa jira heshiisyo ay saxiixday dawladii hore kuwaas oo keenay cabayooshin ka imanayey kooxo kala duwan. Heshiisyadaasi waxay u dhaxeeyeen dawladda iyo shirkaddo ajaanib iyo maxalli ah. Ka mabda' ahaan, anigu waan aqoonsanahay, waana aqbalay heshiisyadaas, laakiin dib ayaan u eegi doonaa si aan u xaqiijino in ay dan u yihiin dadka, isla markaasna waafaqsan yihiin sharciga Puntland" (Tixraac ASX).

Waxaa xusid mudan in maamulka cusub ee DGPL aysan si qayaxan u sheegin in ay aqbaleen heshiisyadii maamulkii hore la galay shirkadaha ajaanibta ah, balse waxay sheegeen in ay ka fiirsanayaan oo marka hore daraasad ku samaaynayaan.

Qodobka 5aad ee barnaamijka ay xukuumadda DGPL 2009-2012 ee uu baarlamaanka Puntland ansixiyey Janaayo 28, 2009 waxaa ku cad sidan:

"Sida aad la wada socotaan waxaa jiray heshiisyo horey loo galay, khilaafna ka jiray, xagga Xukuumada, Golaha Wakiilada iyo cabasho ka imanaysay dadweyne. Heshiisyadaas Xukumaddii hore ayaa la gashaya shirkado ajnebi ah iyo kuwa wadani ah. Mabd’a ahaan waa aqoonsanahay heshiisyadaas, hase yeeshe, dib ayaan u eegidoonaa iyadoo la waafajinayo danaha dadkeena iyo shuruucda Puntland.".

Dhanka kale, Ciise Maxamuud Dhoolawaa, agaasimaha cusub ee Macdanta & Batroolka (M&B), oo markii uu xilka la wareegayey (Axad, Feb 1, 2009) sharaxaad dheeraad ka bixinayey heshiisyadii hore loola galay shirkadaha shisheeye ayaa waxa uu sheegay in arrinta (heshiisyada) ay tahay mid u baahan "shuruucdeeda in la fiiriyo", waxana uu intaas ku daray "Madaxweynuhu (Dr. Faroole) barnaamijkii uu u gudbiyey baarlamaanka waxaa ku qornaa in loo baahaan yahay laba waxyaalood in la ogaado, marka hore Mabd’a ahaan dawladdu waa ogtahay heshiisyadaas in ay jiraan, midda labaadna waxaa weeye in dawladdu ay gadaal u fiirin doonto oo loo baahan yahay in dib loogu noqdo waxani waxa uu yahay, annagu haddeer ma naqaan, anigu haddeer wax aqoon dheeraad ah oo aan idinka idin kaga duwanahay waxa halkan ku qoran ma jirto, waxaan u baahanahay in aan gadaal ugu noqdo, in la akhriyo oo la fiirsho, wixii shuruuc ah oo heshiis ah oo meeshaan lagu galay in dib loo fiirsho, marka arrin iska sahal ah oo wax la iskaga soo boodi karo ma aha." Hadalkaas waxa uu yiri markii lagu wareejiyey waraaqaha iyo dukumiintiga ay ku qoran yihiin heshiisyadii lala galay shirkadaha shisheeye.

dholawaaWaxa kale oo dhoolawaa sheegay in marka laga fiirsado heshiisyadaa kaddib la waafajin doono sharciga u yaal Puntland iyo weliba in ay tahay in sidoo kale laga fekero ummadda Soomaaliyeed oo la eego  Dastuurka Soomaaliya, iyo in weliba la ogaado dadka shacabka ah fikirkooda iyo cabashooyinkooda. "Marka waa arrin aan sahlanayn oo aan iska ahayn HAYE SOCONEE, waa arrin u bahan XILKASNIMO. Waa arrin u baahan in Dawladdu si wanaagsan uga Baaraan degto", ayuu yiri.

Dholawaa oo hadalkiisii sii watey waxa uu yiri: waa in shakiga laga saaro shacabka, waayo waxaa jira dad nala soo xiriiray oo sheegay in dalka la keenay baabuur waaweyn oo cago waaweyn oo dalka waxay ku duugayaan sun, (ayey dadku yiraahdeen) "Waxaa taas keenay waxa weeyey qarsoodiga," ayuu yiri, isagoo intaas raaciyey "Waxay ahayd in arrinta laga dhigo mid waadax ah oo ay dadku si fiican u wada arkaan, oo shuruucsiida la geeyo baarlamaanka."

"Wasiirkii hore waxaan filayaa in uu yiri 'isaga iyo dhaw qof oo kale ayaa haysaney (waraaqaha sharcigu ku qoran yahay)', (laakiin) waxay arrintu ahayd in Af-Soomaali lagu tarjumo oo dadku wada arkaan, oo ka wada munaaqashoodaan waxani waxa ay tahay iyo cawaaqibka ay leedahay oo xitaa waxay ahayd in loo saaro dad kooban oo Guddi ah oo u dhashay waddanka."

Haddaba, marka la is barbar dhigo qoraalada shirkadda Range iyo hadallada xukuumadda cusub ee DGPL, waxaa kuu soo baxaya in shirkadda Range Resources ay isku deyeyso in ay Tabco hor dhigto oo si degdeg ah waxa ay dooneyso uga fushato xukuumadda cusub, si degdeg ahna loo aqbalo heshiisyadii hore. Halka xukuumadda DGPL ay ku adkaysaneyso in ay marka hore daraasaad xeel dheer kusamayneyso heshiisyada lala galay shirkadaha shisheeye ka hor inta aan la siin jawaab suganna lala tashanayo shacabka, lana eegayo xeerka DGPL iyo kan Qaranka Soomaaliyeed.

Qoraalka Range HTML | DOC | PDF

Akhri sidoo kale: Punt kick for Range

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2009

farooleBarnaamijka Xukumadda Dawlad Goboleedka Puntland 2009-2012 ee uu ansixiyey Baarlamaanka DGPL - Jan 28, 2009

Ciise Dhoolawaa oo Loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Macaadinta & Shidaalka Puntland Akhri

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS