SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


  • Daahir Ciiro oo eedayn kulul u jeediyey Cadde Muuse
  • Boosaaso: Madaxwaynaha DGPL oo ka hadlay safarkiisii....
  • Madaxwayne kuxigeenka DGPL oo u anbabaxay dalka Ethiopia....

  • Waxaan ugu baaqaynaa in uu madaxwaynuhu soo saaro miiska dhamaan dhaqaalihii uu ka soohelay wadamadii uu tagay iyo shirkadihii wixii uu kula soo heshiiyay oo uusan dhulka iska fagan isaga oo aan soo bandhigin ansixinta heshiisyadaasi, waxaan kaloo ugu baaqaynaa in heshiisyadii hore dib u sixid lagu sameeyo maadaama ay maanta wax walba is badaleen, waxaan kaloo ugu baaqaynaa in kharashkii ay qoondaysay Range Resource miiska la soo saaro gacanta uu ku dhacay....
    .....
    Waxaan talo ku soo jeedinaynaa in dhammaan madaxda Puntland dhaqaalahooda la xisaabiyo si loo ogaado xubin kasta dhaqaalaha ay leedahay si loo yareeyo Musuq-maasuqa jira ee xooga badan... Daahir Ciiro


Boosaaso: Madaxwaynaha DGPL oo ka hadlay safarkiisii....

Madaxwaynaha DGPL oo dalka dib  ugu soolaabtay (Jimcadii Oct 27, 2006) ayaa xalay qabtay shir aan caadi ahayn oo uu kaga xog waramayay safarkiisii uu ku soo maray wadamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Emaratka carabta iyo Malaysia.

Qiimaha Saamiyada Range ee suuqa Australia oo Maalmahan hoos u dhac ku yimid, gaar ahaan  intii uu Cadde Muuse booqashada ku tegey Malaysiya...
27 Oct 2006 0.027 -3.57%
26 Oct 2006 0.028 0%
25 Oct 2006 0.028 -3.45%
24 Oct 2006 0.029 0%
23 Oct 2006 0.029 0%

Haddaba Range oo isku deyeysa in ay qiimaha saamiyada kor u qaado, isla mar ahantaasna dadka saamiyada ku leh ku maaweelineysa in ay ayaga Puntland gacanta ugu jirto, ayaa markale sheegatay in ay haysato xuquuqda gebi ahaanta baaritaanka khayraadka Puntland, hadalkaas oo ka hor imanaya kii ay dhowaanta sheegeen madaxda DGPL ee ahaa in Range aysan lahayn gebi ahaan xuquuqda baarinta khayraadka Puntland, balse tartan lagula gelikaro. Qoraalka cusub ee Range ay 27/10/2006 u dirtay suuqa ganacsiga, laguna soo bandhigay shir ay Range ku qabatay Australia ayaan DGPL weli ka jawaabin.. Su'aasha isweydiinta leh waxay tahay hadalkee ayaa saxsan: ma kan DGPL mase Range".

Qoraalka cusub ee Range ka akhri halkan (Eeg bogga 7aad ee qormadaas)

Halkan ka daawo Video laga duubay markii ay Range qoraalka sare soo bandhigeysey..
(AFeef: Video-ga codkiisa iyo muuqiisu si wanaagsan ama fasiix ah kusoo bixi maayaan)

Madaxwaynuhu ugu horaynba waxa uu cadeeyay in ay u hayaan dhismaha garoonka Boosaaso lacag dhan 9-million oo doolar oo lagu dhamaystiridoono dhismaha garoonka islamarkaana ay shirkad ajnabi ah dhisi doonto, anaga oo u soo bandhigayna qandaraaska tii ku guulaysata oo kharashkeedu yar yahana ay qaadanayso ayuu yiri, madaxwaynuhu ma uusan carabaabin wax qabad kale oo uu dalka u soo hooyay aan ka ahayn dhismaha garoonka Booasaso oo la rumaysan yahay in uu dhismihiisu socda kudhawaad 2-sano oo ay waliba ku baxday  hanti lacageed oo aad u badan taasi oo ka baxday khashyaada dawlada waxaana la rumaysan yahay in dhaqaalahaas ku baxay  Garoonka Bosaso oo aan xataa meel wax ka dhaw dhaw yihiin usan marayn in sikale looga faa'iidaysan lahaa hadii daacad laga yahay dalka.

Madaxwaynuhu waxa uu khudbadiisa oo ka dhacaysay Hotelka Banaroma oo ay ka soo qaybgaleen inta badan xukuumadiisa uu kaga hadlay arrimaha dhaqaalaha ee dalku uu marayo iyo waliba intii uu xilka hayay wixii uu dalka u qabtay.

Laakiin waxyaabaha laga dhan-dhan sanayay khudbadda madaxwaynaha ayaa waxay ahayd sida uu ugu kalsoon yahay in ay dalka yimaadaan shirkado  ajnabi ah oo dalka waxka baara kuwaasoo uu horay u cadeeyay in madaxwaynuhu uu yiri mar sii horaysay waxaan dalka u dhiibaynaa shirkado "jirri ah oo  qori sita".

Sikastaba ha ahaatee madaxwaynaha oo muddo ku maqnaa dalalka dibedda ayaan safarkiisu farax galin shacabwaynaha Puntland, bal iskabadaa isaga oo xilkiisii uu ka haray sanad'e, Waxaana soo baxaya habacsanaanta maamulka Cadde Muuse ku jiro.

Khudbadan uu xalay jeediyay madaxwayne Cadde Muuse ayaan muhiimad sidaasi ah u keenayn mushtamaca Puntland waayo Cadde Muuse safaradiisa loogamabaran wax qabad soo Deg Dega.

Imaanshaha madaxwayne DGPL ayaa ku soobeegmaya xilli la filayo in dalka uu dibeda uga baxo madaxwayne kuxigeenka DGPL, Xasan Daahir Af-qurac, oo sida aad warbixint ahoose ku arki doontid hadda u dhoofay Addis-Ababa.

Cadde Muuse oo caadiyan marka uu dalka kusoo laabto dhaleecayn jiray intii uu dalka ka maqnaa wixii la lunsaday afkana soo marin jiray ayaan sanadkan laga maqal wax dhaleecayn ah oo ku saabsan musuq maasuqa, lamana ganayo sida uu xaalku isku bedelay. 

C/rizak koronto
Garoowe, Puntland,  Soomaaliya
Oct 28, 2006



Mr. Lundin

MA-OGTAHAY:

Shirkadda CANMEX in markii shan (5) maalmood oo keliya [Oct 11 - Oct 17] laga soo wareegey markii ay heshiiska qabyada ah ee ku saabsan khayraadka Puntland la gashay Range Resources in uu is-casiley Lukas Lundin oo ahaa madaxweynihii shirkadaasi CANMEX ilaa 1996, waxaana lagu bedeley ninkii heshiiska la soo galay Range Resources ee magaciisa la yiraahdo Mr. Richard Schmitt. Sharraxaad lagama bixin sababta isku soo beegtay is casilaada madaxweynihii shirkadda CANMEX ee reer Sweden iyo heshiiska ay la gashay Range Resources. Mase Ogtahay in shirkadda CANMEX aysan ilaa hadda lahayn website u gaar ah oo laga heli karo akhbaarteeda ama taariikhdeeda.


Daahir Ciiro: Khudbadii Cadde Muuse oo xoogga saaraysay sidii markale loo soo celin lahaa dhacdadii Majayahan

Ramaas Political Party
Puntland Somalia
RPP/54/206  Garowe Puntland  |Date: 28/10/206

Ku: saxaafada madaxa banaan ee Somalia.
Ku: Madaxwaynaha Puntland
Og: Shacab waynaha Puntland

Ujeedo: Ma garan-waayay daacad wax u qabadka dalka iyo dadka.

Ramaas Ciiro
Daahir ciiro

Madaxewynaha oo Kormeeraya Dhismaha Airoport Boosaaso June 10, 2005

Madaxweynaha oo Safarkiisa uu_ku weheliyo Nin Austaralian ah_oo sheegay in  uu maalgashi ku sameeyo Puntland. Akhri

Dhammaan ka soo qaybgalayaasha shirkan  aan muhiimada ku saarayno ama aanu ku falaanqaynayo khudbadii xalay ee madaxwaynuhu uu ka jeediyay Hotelka Banarama ee magaalada Boosaaso.

Ugu horayba  anaga oo guda galayna shirkeena xalay khudbadii madaxwaynuhu waxay xooga saaraysay sidii markale loo soo celin lahaa dhacdadii Majayahan iyo sidii dalka loo qaybsan lahaa khayraadkiisa, isaga oo madaxwaynuhu ku fashilmay wax u qabadkl dalka iyo dadka ayuu hadana aad ka dareemayseen khudbadiisii xalay sidii dalka loo xaqiri lahaa.

Waxaad dhamaantiin la socotaan dhibaatadii Majiyahan, waxaad kaloo la socotaan halka uu ka baxay khayraadkii dalka, waxaad kaloo la socotaan maamul-xumada xukuumada Cadde Muuse, waxaad kaloo la socotaan ammaankii dalka oo farihii ka baxay iyo arimo kale.

Haddaba ma iswaydiiseen dhaqaalihii wadanka halka uu ku baxay yaase loo aanaynayaa dhibaatadaa dhaqaale xumo oo uu dalku maanta marayo iyo cida ku tagri fashay.

Xukuumada Cadde Muuse waxay ka gaabisay wax u qabadkii dalka, waxay noqotay mid dana gaara u adeegta, waxay dhamaanba xaqidhay nidaamkii caasimada DGPL.

Dhismaha garoonka Boosaaso ayuu si wayn ugu nuuxnuuxsaday, horta aan mid is waydiinee Puntland wax u qabadkeedu ma mid loogu mar marsiyoodaabaa Garoonka Bosaso mid xukuumaday kagahadhay.

Waxaad dhamaantiin aad la socotaan in dhaqaalihii uu galay garoonka Bosaso haba galee ma xumee waxa uu u bayray jeeb shaqsi iyada oo lagu mar marsiyoonayo Garoonkaa lagu dhisayaa, khasnadii dawlada ka maqan shacabkiina wax looguma qaban. iyada oo ay sidaa tahay ayaa hadana uu balanqaaday in uu ku bixinayo dhaqaalihii uu ka soo helay wadamadii uu soo maray oo uu sheegay in $9Million uu ku bixinayo Garoonka Bosaso, markale si ay u gasho jeeb shaqsi kale, haba ku bixiyee dhaqaalaha intaa la eg madaxwaynuhu (Ma-garan-waayay daacad wax u qabadka dalka iyo dadka).

Puntland ma Bosaso oo kaliyaa mise waa dad iyo dal. Madaxwaynuhu marka uu khudbadiisa kaga hadaly dhismaha Garoonka Bosaso sow ma muuqato in Puntland ay tahay Boosaaso oo kaliya uusan dalkii intii kaleba xaalkooda iyo wixii uu ugu talagalay uusan Miiskii khudbada soosaarin xataa Hungana.


Waxaan ugu baaqaynaa in uu madaxwaynuhu soo saaro miiska dhamaan dhaqaalihii uu ka soohelay wadamadii uu tagay iyo shirkadihii wixii uu kula soo heshiiyay oo uusan dhulka iska fagan isaga oo aan soo bandhigin ansixinta heshiisyadaasi.... Daahir Ciir


Waxaan ugu baaqaynaa in uu madaxwaynuhu soo saaro miiska dhamaan dhaqaalihii uu ka soohelay wadamadii uu tagay iyo shirkadihii wixii uu kula soo heshiiyay oo uusan dhulka iska fagan isaga oo aan soo bandhigin ansixinta heshiisyadaasi, waxaan kaloo ugu baaqaynaa in heshiisyadii hore dib u sixid lagu sameeyo maadaama ay maanta wax walba is badaleen, waxaan kaloo ugu baaqaynaa in kharashkii ay qoondaysay Range Resource miiska la soo saaro gacanta uu ku dhacay.

Kaabayaasha dhaqaalaha...

Waxaan xukuumada Puntland ugu baaqaynaa in si wayn wax looga qabto kaabayaasha dhaqaalaha Puntland sida wadada dheer ee laamiga ah oo aad u dayacan 15 kii sanano ee ugu danbeeyay aan wax laga qaban, oo hadaan wax laga qaban ay hada meesha ay marayso meel ka sii xun mari doonto, iyada oo la adeegsanyo shirkada lacagta badan lagu maalgaliyo ee Nesha oo qaabilsan jidadka waa in la iska kaashadaa sidii wax looga qaban lahaa jidkaasi dheer ee dayacan.

Waxaa kaloo wax ka qabasho u baahan Garoomada Puntland oo aanba lahayn Garoon caalami ah waana lagama maarmaan in ay caasimadu yeelato garoon caalami ah waayo Caasimadu waa isha muraayada Xukuumada hadaan la hagaajina  Puntland oo dhan ayaa dayacan, waxaa kale oo wax ka qabasho u baahan garomada Bosaso oo ay ku cunayaan habeen iyo maalinba xukuumadu hantida badan ee shacabka laga qaadayo waana nasiib daro in ay sidaas u fakirto xukuumadii dalka lahayd, waxaa kale oo wax ka qabasho u baahan garoomada Galkacyo, Laascaanood, Badhan, iyo in kuwo kale la abuuro si loo helo ilo dhaqaale oo fiyow.  

Talo soo jeedin....

Waxaan talo ku soo jeedinaynaa in dhammaan madaxda Puntland dhaqaalahooda la xisaabiyo si loo ogaado xubin kasta dhaqaalaha ay leedahay si loo yareeyo Musuq-maasuqa jira ee xooga badan.

Waxaan kaloo talo ku soo jeedinaynaa in dhaqalaha wadanka la isu qaybiyo si aan  cid gaara loogu xaglin dhaqaalaha wadanka iyo maalgashiga dibedda. 

Gudoomiyaha xisbiga Ramaas Politcal Party
Daahir ciiro
Email: Daahirciiro@hotmail.com    | Mobile: 747090


Boosaaso: Madaxwayne kuxigeenka DGPL oo u anbabaxay dalka Ethiopia....

Madaxwaynaha DGPL Xasan Daahir af-qurac ayaa galinkii danbe ee Sabtidii (oct 28, 2006) safar ugu kicitimay dalka Ethiopia oo ay calaaqad dhinacyo badan la leh xukuumada Puntland.

Safaka madaxwayne kuxigeenka DGPL ee dhanka Ethiopia ayaa waxaa ku weheliya Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga Puntland C/risaaq Shaahdoon, wasiirka wasaaradda waxbarashada ee puntland Axmed siciid aw Nuur, isuduwaha caafimaadka ee gobolka sool Dr Muuse Geelle, iyo xubno kale. ujeedada socdaalkooda ayaa lagu sheegay in uu ku lug leeyahay dhanka ganacsiga iyo  xiriirka ka dhaxeeya dawlada Ethipia iyo Madaxda Puntland.

 Xasan Daahir afqurac madaxwaynaha DGPL ayaa u anbabaxay xili uu dalka dib ugu soo laabtay madaxwaynah puntland Gen: cade muuse.

Safarka Afqurac ayaa ahaa mid si wayn loo hadal hayay maalmihii ugu danbeeyay.

Dr. C/raxmaan Maxamed (Bankax) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo saxaafada war ka siiyay safarka Madaxwayne kuxigeenka ee dalka Ethiopia ayaa sheegay in uu  safarku la xiriiro dhanka ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale iyo ammaan ee labada dal , isla markaasna Caasumaad rasmi ah ay dawladda Addis u fidisay M/waynekuxgeenka Xassan Daahir Af-qurac.

 

Kicitaanka Diyaaradii maanta ka qaaday Garoonka Bosaso Madaxwayne xigeenka DGPL ayaa ku soobeegmaysa xili Cade Muuse uu sheegay in 9Million lagu dayactiri doono dhismaha garoonka Bosaso oo 2sano ee ugu danbeeyay aan xaalkiisu hagaagsanyn hanti farabadana ay ku baxday kaasoo aan xataa joogin heer gabo gabo ah walina aan la hagaajin dhabihii ay diyaaraduhu ku ordijireen.

 
Madaxda Puntland ayaa ka duusha Badi Garoonka Bosaso iyaga oo kana soo daga isla Garoonka Bosaso mana muuqato wax qabad dhab ah ay la soo laabtaan.
 
A/rizak koronto
Garowe Puntland
Oct 28, 2006

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Safarkiisii Dibada ka Warbixiyay Shacabkana khudbad Ujeediyay.....

Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Maxamuud Musse Xirsi (Gen Cade) ayaa waxa uu xalay kulan ka dhacay Hotelka panoroma ka jeediyay Khudbad aad u dheer waxa uuna madaxwaynuhu khudbadiisa oga hadlayay safarkii uu Asbuucyada ugu maqnaa dalalka kala ah Isutaga Imaaraadka Carabta iyo dalkaMalaysia.
Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliil iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaarada Waxbarashada DGPL...
Ku: Golaha Xukuumada DGPL
Ku: Saxaafada Madaxa Banaan Ee Somalia
Ogaysin: Shacab Waynaha Puntland..
Akhri

Madaxwaynaha oo khudbadiisu in ku dhow nus saac soco naysay ayaa waxa uu kaga hadlayay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Safaradii uu ku tagay wadamada Imaaraadka Carabta iyo dalka Malyasia iyo waxyaabihii oo wadamaadi kala soo kulmey inta uu ku sugnaa Madaxweynuhu.

Madaxwayne Mudane Maxamuud Musse Xirsi (cade) ayaa khudbadiisa diirada ku saarey arimaha Dhismaha garoonka Banderqaasim International Airobor ee Magaalada Boosaaso iyo arimaha Baaritaanka khayraadka Dabiicigaa ee Dowlad Goboleedka Puntland iyo arimaha Nabadd galyada Puntland.
Madaxwaynaha ayaa shacabka waxa uu u jeediyay khudbad qiima leh waxa uuna yiri madaxwaynu'' Safarkaygii dibada waxa aan kasoo gaarey guulo waa weyn waxaana hishiis lasoo galay ayuu yiri madaxweyne shirkado caalami ah'' oo ku kala yaal dalalka dabia iyo Malaysia.

Waxa kale oo uu Madaxwaynuhu intaasi ku daray in gayiga Puntland loo baahan yahay in laga shaqeeyo, horumarkiisa madax iyo shicib ba iyo sidii looga bixi loo soo afjari lahaa dhibaatooyin yar yar oo ka jira gajiga Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweyne General Cade Musse ayaa ugu danbayntii dadweynaha ku nool gayiga Puntland ka codsadey in ay dowlad goboleedka Puntland ee soomaaliyeed kala shaqeeyaan sidi ay horumar u gaari lahaayeen, sidoo kale madaxwaynaha ayaa shacabka Puntland u mahad celiay kuna tilmaamey shacab nabada jecel.


Yusuf Gaduudow
E-mail- yusufgaduudow@hotmail.com
Bosaso Puntland Somalia
Oct 28, 2006

Madaxwaynaha DGPL oo ay kaga soo ururtay heshiisbaan soo galay iyo garoonka Bosaso.
 



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD