SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KUWAIT

DFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...

  • DFKMG ma waxaa u Qorshaysan in ay soo celiso Cali Maxamed Geeddi, Mar haddii la soo celiyey Shirkadaha Kuwait Energy iyo Medco Energi ee Jaalka la ahaa Geeddi?

Kuwait Energy & Medco Energi waxay yeelan doonaan saamiga 49% ee Hay'adda Batroolka Soomaaliya....

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com | Aug 19, 2008

Hayadda batroolka SoomaaliyaKUWAIT: Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa heshiis Saami-Wadaag ah la saxiixatay shirkadda Kuwait Energy (KEC) iyo shirkadda reer Indonesia ee Medco Energi International Tbk (Medco). Heshiiskaas oo ah in shirkadahaasi maamulaan Hay'adda Batroolka Soomaaliya (oo loogu magac daray Somalia Petroleum Corporation). Sidaas waxaa qoray jariidada Al Watan Daily oo ka soo baxda dalka Kuwit, Talaada Aug 19, 2008.

  • FG: Shirkadaha KEC iyo Medco waa shirkadihii jaalka la ahaa Cali Maxamed Geeddi, ee sharciga Batroolka Soomaaliya ku soo sameeyey Malindi, oo uu diidanaa C/laahi Yusuuf, loona aananyno in Geedi xukunkiisii ku waayey khilaafkaas, arrimahaas adigoo maanka ku haya akhri warbixinta cusub ee jariidadda Al Watan iyo  faallada kooban ee hoose iyo dood cusub oo tibaaxeysa in wasiirka heshiiska hadda saxiixay oo hore isu casiley Aug 2, 2008 iyo xubno taabacsan Nuur Cadde oo heshiiskan diidan.

Heshiiska cusub ee Kuwait ku dhex maray Wasiirka Tamarta iyo Macdanta ee DFKMG iyo shirkadaha, waxa uu dhigayaa in Dawladda Soomaaliya ay yeelaneyso saami ah 51%, halka Kuwait Energy & Medco Energi ay yeelanayaan 49%.

KaanjeWasiirka Tamarta iyo Macdanta DFKMG, Eng. Maxamud Cali Saalax Kaanje oo warbaahinta u waramay markii la saxiixayey heshiiskan ayaa yiri: "Tani waxay dhacdo muhiim ah u tahay Qaranka Soomaaliya. Samaynta Hay'adda Batroolka Soomaaliya (HBS) waxay arrin aan mugi kujirin ka dhigeysaa (ka dhigeysaa mid shacabku ogaan karaan qorshaha) horumarita batroolka iyo gaaska Soomaaliya, islamarkaasna waxay wasaarraada Tamarta ka dhigesyaa mid dakhli ka hesha khayraadka dabiiciga si ay dhaqaale ugu abuurto dadka si markaas loo cirib-tiro macaluusha baahdey iyo in la soo afjaro xasilooni darrida baahdey," ayuu yiri.

Heshiiskaasi waxa uu qayb ka yahay Sharciga Batroolka Soomaaliya kaas oo Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf uu ansixiyey August 7,2008 ayey tiri Jariidaddu.

Kuwait EnergySara Akbar oo ah madaxa shirkadda Kuwait Energy oo ka hadleysey heshiiska ayaa tiri: "Waxaan ku faraxsanahay in aan heshiis Saami-Wadaag ah la saxiixanay Dawladda Federaalka Qaranka Soomaaliya iyo jaalkayaga Istaaaatiijiga ah ee reer Indonesia, Medco Energi International. Saddexdayaduba waxaan si dhow u wada shaqaynayney muddo saddex sano ah, waxaana samaynay Hay'adda Batroolka Soomaaliya. Waxaan rajaynaynaa in wada shaqayntani aysan dakhli oo keliya soo gelin Soomaaliya balse ay sidoo kale ka qayb qaadato qaab-dhismeedka dalka oo dhan si ay uga faa'iidaystay dadkeedu. Waxaan ku faraxsanahay in aan caawino Soomaaliya, waxaana ku niyad sanahay sii socodka wadashayntaas," ayey tiri.

Dhanka kale, Darmoyo Doyoatmojo oo ah madaxa sare ee shirkadda Medco Energi oo ka hadlayey xiriirkooda iyaga, shirkadda KEC iyo Dawladad Soomaaliya waxa uu yiri: "Medco waxay ku faraxsan tahay in ay tahay tii bilowday iyada oo la jirta shirkadda jaalkeeda ee Kuwait Energy, ayna tahay bud-dhigaha dhisidda asaaska Hay'adda Batroolka Soomaaliya, islamarkaana ay si toos ah ama si dadban u yarayneyso shaqo la'aanta sanadaha soo socda, oo horseedeyso asaasidda shirkado adeeg oo maxalli Soomaaliyeed ah. Waxaan ku hanweynahay in aan hore u sii wadno dhismaha xiriirkayada Soomaaliya."

Jariidadu waxay intaas raacisay in Soomaaliya aysan ka jirin dawlad dhexe oo si buuxda uga shaqaysa laga soo bilaabo 1991. Waxaana sannadihii sagaashanaadkii ay ahayd meel ay ka dhaceen xasilooni darro la xiriirta xagga awoodda, iyo in maleeshiyo iyo beelo xakumeen qaybo ka mid ah dalka, waxaana qaybo samaysmay qaybo ay kajiraan maamullo sida Puntland iyo Somaliland.

Waxayna jariidada Al Watan warkeeda kusoo gabagabaysey, in la rajayanayo marka la dhaqan geliyo sharciga batroolka, oo la sameeyo hay'ad qaran oo batroolka Soomaaliya, in ay jiri doonto hab wax soo saar wadaag ah, kaas oo ujeedadiisu tahay in la bilaabo sidii tartan caalami ah loogu dhigi lahaa aaggaga sahaminta ee Soomaaliya sanandka 2009.

geeddi
Aug 21, 2007: Shirkadda Range Resources oo Si Kulul u Cambaaraysay Cali Maxamed Geedi iyo Sharciga Batroolka Soomaaliya....

Faallo Kooban: Warbixinta Al Watan waxaa ku cad dhaw arrimood oo ka oo madaxda Soomaalieed aysan u caddayn shacabka, waxaa kale oo warbixintaas laga dheehan kara arrimo siyaasadeed oo aan weli faahfaahin laga bixin, waxaana ka mid ah:

  1. Shirkaddaha Kuwait Energy iyo Medco Energi waxay jariidadda Al Watan u caddeeyeen in ay lahaayeen asaaska samaynta Hay'adda Batroolka Soomaaliya (HBS). Islamarkaasna Wasiirka Tamarta iyo Macdanta DFKMG waxa uu shirkadahaas u saxiixay in ay leeyihiin 49% saamiga HBS!
     
  2. Shirkadaha KEC iyo Medco waxay ahaayeen jaalkii ra'iisul wasaarihii hore ee DFKMG, heshiiska ay hadda ka saxiixdeen wasiirka cusub ee batroolka waxa uu u muuqdaa kii ay shirkadahaasi Prof. Cali Maxamed Geeddi ugu dhiibeen Malindi, Kenya ee muranka ka dhex dhaliyey Geeddi iyo Col. C/laahi Yuusuf Axmed. Haddaba, maxaa hadda keenay in C/laahi Yuusuf bedelo (Flip-flop) mowqifkiisii ku aadanaa heshiiskaas, maadaama wixii uu ku diidanaa Ra'iisul wasaarihiisii uu hadda saxiixay wasiirkiisa tamartu?
     
  3. Ka hor intii aan Geeddi jagadiisii lumin, waxaa jirey khilaaf ku salaysan shirkadaha batroolka oo u dhexeeyey isaga iyo Yuusuf. Xilligaas Yuusuf waxa uu watey shirkad reer Shiine ah (CNOOC), halka Geeddi ka watey KEC iyo Medco. Hadda su'aashu waxay tahay haddii la soo celiyey shirkadihiii uu watey Geedi, ma loo qaadan karaa in Prof. Geeddi lagu soo celinayo jagadiisii Ra'iisul wasaare maadaama hadda xurguf xoog leh oo xagga siyaasadda ah u dhaxayso Yuusuf iyo Ra'iisul wasaarihiisa cusub Col. Nuur Cadde.
     
  4. Warka Jariidadda Al Watan waxaa ku cad in sannadka 2009 tartan la gelin doono shirkadaha batroolka si ay u baaraan aagagga sahaminta Soomaaliya - hadalkaas waxaa ka soo ifbaxaya in heshiisyadii Puntland iyo shirkadaha batroolka gees lagu leexin karo. Arrintaas waxay u muuqataa nidaam xirfadaysan oo Eng. Kaanje ku beeninayo eraydii DGPL ee ahaa in uu yahay nin iska hadlay, mar ay madaxda sare ee Puntland ka jawaabayeen qoraal iyo hadal hore oo uu Kaanje ku caddeeyey in DFKMG ay xaq u leedahay heshiisyada Soomaaliya ee aan Puntland xaq u lahayn in ay bixiso heshiisyo caalami ah - Xurguftaas oo jirtey ayaa C/laahi Yuusuf is hor fariisiyey Eng. Kaanje iyo Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse), booqashadii Garoowe July 26, 2008, laakiin wixii ay ku wada hadleen saxaafada iyo shacabka toona looma sheegin.
     
  5. Haddaba, warka ku saabsan saxiixa cusub marka uu gaaro madaxda sare ee Puntland, oo ay ganafka ku dhuftaan saxiixa Wasiirka DFKMG, Eng. Kaanje, uu la galay shirkadaha Bariga Dhexe iyo Aasiya, markaas madaxweynaha DFKMG, Yuusuf, ma waxa uu taageeri doonaa saxiixa wasiirkiisa, mase Gen. Cadde Muuse oo sida la xasuusto uu April 2008 London ugu saxiixay heshiiskii ay Puntland la gashay shirkadaha sahaminta - in kasta oo heshiiskaas muddo diinaa. Haddii madaxda Puntland aqbalaan heshiiskaas, waxaa markaas dhici karta in shirkadda reer Australia iyo jaalkeeda reer Sweeden ee deggan Canada iyo jaalkooda reer UK ay madaxda hadda ee Puntland u qabsadaan lacagtii kaga baxday heshiiska.

Arrimahaasi waa kuwo siyaasadeed iyo dhaqaale oo u baahan in shacabka Soomaaliyeed laga siiyo jawaabo waafi ah, maadaama ficilka madaxda Soomaaliyeed ee hadda ay raad weyn ku reebayaan mustaqbalka dadka Soomaalida.


Waa maxay heshiiska KEC/Medco/DFKMG

Xubno Taabacsan Nuur Cadde oo Diidan Heshiiskan:

Dhanka kale, waxaa soo ifbaxaya dood cusub oo tibaaxeysa in xubno taabacsan ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde uu diidan yihiin heshiiska uu shirkadaha la soo galay Maxamuud Cali Saalax (Eng. Kaanje) iyaga oo sabab uga dhigay in August 2, 2008 is casiley Wasiirka Macdanta DFKMG, sidaas daradeedna uusan DFKMG heshiis u saxiixi karin wasiir jagadiisii iska casiley.

Xafiiska Madaxweynaha DFKMG weli jawaab kama bixin arrintan. Waxaase xusid mudan in jariidadda Al Watan sheegtay in Cabdullaahi Yuusuf uu sharciga Batroolka ansixiyey August 7, 2008.

Si aad wax badan uga ogaatid heshiiska Kuwait Energy iyo Medco iyo DFKMG, akhri warbixintii Aug 2007.

  • Baarlamaanka DFKMG ma ansixin doonaa "Sharciga Batroolka Soomaaliyeed" ee Khayraadka Shacabka Soomaaliyeed Lagu Duudsinayo 70-ka Sano ee soo socota.... Akhri... (2007)

Puntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka

Wasiirka Tamarta DGPL ayaa wxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri

_______________________
Xigasho: Warka 19/8/08 Al Watan Daily: Somalia in JV with KEC and Medco Energi International
Tarjumada/Faallada: SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 19, 2008

BAARID | SEARCH


Shirkii Jabuuti oo la soo geba-gebeey iyo Qodobbo sharaxaad badan yeelana oo laga soo saarey
Warbixin iyo Sawirrada Gabagabadii shirka Guji.. AUg 19


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS