SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

  • Kooxda haysata Markabka Ukraine ee sida Taangiyada oo ku hanjabtay in ay markabkaasi Qarxin doonaan hadii aan la siin Lacag madax furasho ah….
  • Gen. Cadde Muuse oo Xilkii ka qaaday Taliye-ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Puntland.

Kooxda haysata Markabka Ukraine ee sida Taangiyada oo ku hanjabtay in ay markabkaasi Qarxin doonaan hadii aan la siin….

Oct 11, 2008: Afhayeen u hadlay kooxda Haystada Markabka hubka sida ee laga leeyahay dalka Ukraine ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in muddo saddex maalmood ah oo ah (72 saacadood) haddii aan lagu siin lacag ay horey u dalbadeen oo gaareysa 20-Milyan oo Dollars ay qarxin doonaan markabka iyo waxa saran oo ay ku jiraan shaqaalaha.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Sugule Cali waxa uu sheegay in uu ka dhamaaday waqtigii dulqaadka haatanna ay diyaar u yihiin in ay qarxiyaan markabka haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan aan lagala xaajoon, waxa uu sheegay in markabka gebi ahaantiis ay ku xireen miinooyin, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay geeriyoodaan.


Sawirkan oo muujinaya shaqaalaha markabka reer Ukraine ee lagu haysto xeebta Soomaaliya
waxaana faafiyey ciidanka Maraykanka (US Navy) October 5, 2008.

Markabkaan oo wada 33 Taanki oo laga sheegay in laga leeyahay Koonfurta Suudaan ayaa waxaa markii hore waxaa sheegtay Dowladda Kenya, balse mar dambe dukumintiyo la helay ayaa la ogaaday in uu markabkaasi u raran yahay Koofurta Suudaan, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka baxday dhex-dhexaadnimadii Dowladda Kenya oo ay la safatay koofurta Suudaan, waayo Dowladda Kenya waxay u dhexdhexaadisay waqooyiga iyo koofurta Dalka Suudaan, waxa uuna heshiisku dhigayey in aan wax hub ah labada dhinac u soo gudbi karin.

Hubka Markabka saaran ayaa waxaa la sheegay in uu haddii uu u gacan galo in mar kale dagaal sokeeye uu dhex maro waqooyiga iyo Koofurta, waxayna dowladda Suudaan aad uga walaacsan tahay hubkaasi saaran Markabka, waxayna codsaneysaa in dib loogu celiyo halkii markii hore laga keenay.

Maalintii Jimcada (Oct 10, 2008) ayay kooxda Burcad-badeedku sii daayeen markbkii laga lahaa dalka Iiraan oo siday Maadooyin Kiimiko ah, markabkaas oo lagu magacaabo Dianat iyo shaqaalaha saaran oo tiradoodu ahayd 29 oo la afduubay August 21, 2008, waxaana lala afduubay markab lala leeyahay Jarmalka iyo Japan. Markabka waxaa la sheegay in lagu sii daayey lacag dhan 1.6 million oo Dollars oo madax fuasho ah, waxaana markbakaasi ka walaacsanaa beesha calamka oo sheegtay in Markabku sido waxyaabaha lagu bacrimiyo Hubka sida weyn u gumaada ee Nuclear-ka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Gen. Cadde Muuse oo Xilkii ka qaaday Taliye-ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) ayaa wareegto uu soo saaray Sabti (Oct 11, 2008) waxa uu xilkii kaga qaaday Taliye-ku-xigeenkii Ciidanka Booliska Puntland, Maxamed Xaaji Aaden. Wareegtadu waxay xustay in Gen. Cadde Muusde uu xil kaqaadista sameeyey kaddib "Markuu Tixgeliyey Talo soo-jeedinta Wasiirka Amniga iyo DDR" Puntland. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin sababta taliye ku xigeenka xilka looga qaaday.

Wareegtada oo uu faafiyey xafiiska Gen. Cadde Muuse waxay u qornayd sidan:

Xeer Madaxweyne Lr. 104/08 ee 11th October, 08 kuna saabsan Xil-ka-qaadis Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu Arkay: Dastuurka D/G/PL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad
Markuu Tixgeliyey: Talo soo-jeedinta Wasiirka Amniga iyo DDR
Markuu Arkay: Xaaladda Nabadgelyo ee wadanku ku sugan yahay
Wuxuu Xeeriyey
1) Waxaa Xilkii laga qaaday Maxamed Xaaji Aaden oo ahaa Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska.

Xeerkan ayaa waxa ku saxeexna Madaxweynaha DGPL
Maxamuud Muuse Xirsi.


Dowlada Kenya oo ku adkeesatay in ay leedahay Hubka saaran markabka lagu heysto xeebaha Soomaaliya kuna baaqaday In si xooga ah lagu soo furto.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay wasiirka Arimaha dibada ee wadanka Kenya Moses Wetang'ula Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu ku beeniyay dukumenti ay heshay ritish Broadcasting Corporation oo lagu sheegay in ay hubka Saaran markabka lagu heysto Xeebaha Dalka Soomaaliya laga leeyahay koonfurta Wadanka Sudan. AKhri Warka oo dhan... Oct 9, 2008


Januun Jaamac Cali "Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"

  • Markab laga leeyahay Dalka Japan oo lasiidaayey kaddib marki laga qaatay $2 million

iyo Gen. Cadde Muuse oo Kusoo Laabtay Puntland oo uu ka maqnaa 34 maalmood..


Nin magaciisa ku sheegay Vladimir Nikolsky, gacan yaraha kabtanka Markabka sida hubka ay ka mid yihiin taangiyada ee la afduubay oo telefoon kula xiriiray life.ru , sheegayna in loo ogol yahay in uu ku hadlo English oo keliya, ayaa sheegay in markabka hadda la geeyey xeebta Soomaaliya meel u dhow magaalada HOBYO, waxana uu sheegay in ay afduubayaashu dalbanayaan lacag. Waxa uu telefoonka ku sheegay in badmaaxiinta markabku ay yihiin 21 bad-maax, laakiin hadda ay markabka saaran yihii 35 qof (taas oo u muuqata in tirada dheeraadka ay yihiin burcadda).. Waxana uu sheegay in xaalada dadka saaran ay caadi tahay, marka laga reebo kabtanka markabka, Vladimir Kolobkov, uu uu ku kacay dhiig kar..... Waxaa telefoonka laga maqlayaa qof Soomaali ah oo mid kale ugu yeeraya magaciisa oo dhehaya "Waryaa waryaa Kaalay Kaalay..."

Halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)

Saraakiisha reer Ukraine waxay sheegeen in shaqaalaha saaran markabka la afduubay ay tiradoodu tahay 21 bad-maax oo isugu jira 17 Ukrainian, 3 Russian iyo 1 Latvian - islamarkaasna uu Nikolsky (ninka telefoonka soo diray) uu sheegay in shaqaaluhu yihiin 21 iyo in markabka ay saaran yihiin 35 qof. Shabakadda Life.ru waxay muujisay sawirada baasabooro Ruush ah oo ay leeyihiin Nikolsky iyo kabtanka markabka, Kolobkov - Sawirada basaboorada hoos ka eeg.

Warar uu faafiyey TV-ga RT ayaa sheegay in burcadda haysta markabka hubka u sida Kenya in ay lacagtii ay dalbanayeen oo ahayd $35 million ay yareeyeen oo ka dhigeen ilaa $5 million.

Markab kale oo la qafaashay: Waxaa jira warar kale oo sheegaya in markab kale oo laga leeyahay dalka Giriigga (Greek) in Jimcadii (Sept 26, 2008) laga badda u dhow xeebaha Soomaaliya. Markabkaas oo sida Batrool safaysan oo laga keenay Yurub oo loo wadey Bariga Dhexe.

Markab la sii daayey: Burcad badeed Soomaaliyeed ayaa Jimcadii Sept 26, 2008 waxay sii daayeen markab laga leeyhaay dalka Japan oo ay saarnaayeen 21 shaqaale ah kaddib markii ay ka qaateen $2 million roo madaxfurasho ah, waxayna markabkaas la qafaashay July 20, 2008... (Warbixn dheeraad ah iyo markab kale oo Laga leeyahay Masar oo la sii daayey hoos ka akhri...)


Sawirada ay muujisay Life.ru


isha sawirada: Life.ru

Sawirka markabka la afduubay: Life.ru

DAAWO: YOUTUBE - War ku saabsan markabka la afduubay
 

Iyadoo Khamiistii Sept 25, 2008 Markab siday Taangiyo iyo hub fara badan lagana leeyahay wadanka Ukraine uu gacanta u galay kooxaha Burcad Badeedka ee ka qawlaysata Badaha Soomaaliya ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan, qaar waxay sheegayaan in markabkaasi uu sido hub gaaraya 33 Taangi oo noocoodu yahay T-72 oo ah noocyada lagu farsameeyo wadanka Ruushka ayaa sidoo kale la sheegay in uu sido hub fara badan, waxaana markii uu gacanta u galayey burcad badeedka lagu weeraray saddex doonyood oo aad u hubeysnaa.

Markabka hubka sida magaciisa waxaa lagu sheegay MV Faina.

Saxaafadda caalamka oo si aad ah u hadalhayaan markabkaasi ayaa waxaa la sheegay in uu u rarnaa wadanka Kenya, waxaana saran 21 Bad-Maax oo u kala dhashay wadamada Ukraine, Russia iyo Latvia, waxana uu shixnadaasi doonayey in uu ku dejiyo Magaalada Mombasa, waxaana qafaalashadaan walwal weyn ka muujiyey Dowladda Ukraine iyo Dowladda Kenya.

Afhayeen u hadlay Burcad-badeedka oo lagu magacaabo Januun Jaamac Cali ayaa waxa uu sheegay in sababaha ay markabkaasi u soo qafaasheen ay tahay sidii ay u soo ceshan lahaayeen wax uu ugu yeeray xaalufintii lagu hayey badaha Soomaaliya, waxa uuna dalbaday lacag gaareysa $35 Milyan oo Doolar, “Haddii lacagtaasi nala siiyo si fudud ayaan ku sii daynaynaa, balse waxaan ka digayaa in markabkaasi loo adeegsado xoog” ayuu yiri , waxa uuna sii raaciyey “Waan haysanaa wax aan isaga difaacno, waayo markii horaba waxaan ku weerarnay saddex doonyood inkastoo uu isku dayey in uu is difaaco, haddana taasi waa ay u suuragaliweysay”.

Maamul goboleedka Puntland ayaa lagu soo waramay in uu xiriir la sameeyey Burcad-Badeedkaasi waxa uuna dadaal ugu jiraa sidii loogu dhameyn lahaa xal nabadeed, hase yeeshee kooxaha ka dagaalama Soomaaliya ayaa iyana il gaar ah ku fiirinaya hubka saaran markabkaasi.

Waxaa xeebaha Puntland lagu haystaa ilaa iyo 14 markab oo dhamaantood laga doonayo Madax-Furasho lacageed. Inkastoo lagu soo waramay in goobtii saldhigga u ahayd burcad-badeedka ee degmada Eyl ay dhamaan soo faaruqiyeen ayaa haddana waxaysan ka dheereen xeebaha maamul gobaleedka Puntland waxaana maamulka gobaleedka Puntland ka socda wada xaajoodyo iyo wada hadalo lagu doonayo sidii lagu sii dayn lahaa maraakiibtaasi.

Dowladda Kenya ayaa waxay sheegtay in ay dooneyso in ay xoog ku soo furato markabkaasi, sidoo kale Dowladda Ruushka oo iyana gacan siineysa Yukrayn ayaa iyana doonaya in ay xoog ku soo furtaan markabkaasi, waxayna wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxay burcad-badeedkaasi sheegayaan in bad-maaxiinta laga wada dejiyey markabka laguna wada hayo deegaano ka tirsan maamul goboleedka Puntland.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

  • LIFAAQ 1: Nin magaciisa ku sheegay Cali Yare Cabdulkadir oo sheegay in uu afhayeen u yahay buracadda haysta markabka sida hubka oo telefoon kula xiriiray AP ayaa yiri "Waxaan dooneynaa in Dawladda Kenya ay nagala xaajooto lacag $35 million ah oo madax furasho ah si aan u siideyno markabka iyo xamuulkiisa iyadoo aan wax laga bedelin." Waxana uu intaas ku daray "haddii aan sidaas la yeelin, waxaan samayn doonaa wax kasta oo aan awoodno, waxaana dejisan doonaa hubka noocyadiisa yaryar oo aan qaadan doono."
     
  • LIFAAQ 2: Sida ay werisey warbaahinta Ukraine oo soo xiganeysey afhayeen u hadlay wasaaradda Difaaca Kenya, Bogita Ongeri, ayaa yiri in Sabtidii Sept 27 aan wax xiriir ah dhex marin iyaga iyo burcadda iyo in aan Kenya la soo gaarsiin dalbasho madax furasho. Waxana uu afhayeenka Kenya intaas raaciyey in markabka laga qabsahaday meel ka durugsan 200 nautical miles (oo u dhiganta 230 miles, ama 370 Km), oo ka baxsan xeebaha Puntland. Xeerka Badaha caalamiga ah waxa uu dhigayaa in 370 Km meel ka durugsan xeebta ay ku egtahay biyaha ay leeyihiin dalalka leh xeebaha (Akhri xeerka badaha).. Dhanka kale madaxa wasaarada difaaca Ukraine waxa uu shaaca ka qaaday in markabka Khamiistii Sept 25, 2008 laga qabsaday uu sidey 33 Taangi oo ah nooca T-72 oo ah taangiyada lagu sameeyey Ruush-ka.
     
  • LIFAAQ 3: Cali Axmed Jaamac Jengeli, wasiirka arrimaha dibada ee DFKMG uu Sept 26, 2008 hadal ka jeediyey qaramada midoobey ayaa xusay burcad badeedka aafeeyey xeebaha Soomaaliya, isaga oo cuskanaya xeerka badaha caalamiga ah ee qaramada midoobey ee Dec 10, 1982. http://www.un.org/ga/63/generaldebate/pdf/somalia_en.pdf

Markab laga leeyahay Dalka Japan oo lasiidaayey kaddib marki laga qaatay $2 million

Burcad badeed Soomaaliyeed ayaa Jimcadii Sept 26, 2008 waxay sii daayeen markab laga leeyhaay dalka Japan oo ay saarnaayeen 21 shaqaale ah kaddib markii ay ka qaateen $2 million roo madaxfurasho ah, waxayna markabkaas haysteen muddo saddex bilood ah, sida laga soo xigtey saraakiil Soomaali ah..

"Waxaan fahamsanahay in markabka reer Japan ee  MV Stella Maris oo la afduubay July 20, 2008 in la siidaayey maanta (Jimce Sept 26, 2008) kaddib markii laga bixiyey $2 million oo doolar" sidaas waxaa yiri Cabdulqadir Muuse Yuusuf, ku xigeenka wasaaradda Kalluumaysiga ee Puntland, sida ay soo werisey  Reuters. Markabkaas ayaa shaqaalah asaarna augu yaraan 19 ay yihiin Filipino.

Dhanka kale Dhanka kale, TV-ga Australia ee ABC, oo soo xiganayey warbaahinta dalka Masar ee MENA, ayaa sheegay in Jimcadii Sept 26, 2008 la sii daayey markab laga leeyahay dalka Masar oo ay saaran yihiin 25 shaqaale ah. Faahfaahin lagama bixin in lacag laga qaatay...

Gen. Cadde Muuse oo Kusoo Laabtay Puntland oo uu ka maqnaa 34 maalmood...

Madaxweymaha DGPL, Ge. Cadde Muuse ayaa Sabtidii (Sept 27, 2008) dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso kaddib markii uu dalka ka maqanaa in ka badan bil.

Gen. Cadde Muuse waxa uu Boosaaso kadhoofay August 24, 2008 isagoo xilligaas la sheegay in uu arriimo la xiriira caafimaadkiisa u aaday dalka Jarmalka.

Soo laabashada madaxweynaha DGPL ayaa ku soo beegmay xilli ay xeebaha Puntland la ciir ciirayaan burcad badeed, oo ay ugu dambeeysey in markab hub u sidey Kenya Jimcadii (Sept 26, 2008) laga qafaashay bada u dhaw Puntland.

Waxaana jira warar sheegaya in markabkaasi loo dhaqaajiyey dhanka magaalada Xarardheere.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 28, 2008

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

awaareWaraysi:- Cali Cabdi Awaare: Maamulka Puntland wax badan ayay ka qaban doonaan Burcad Badeedka, Hadalkii Ahmedou Ould-Abdallah waa waxba kama jiraan Akhri... Sept 30

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS