SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAYSI

Musharaxa Maxamed Cabdinuur Xirsi oo ka warbixiyay Doonistiisa Madaxweynenimo ee DGPL

Su'aal musharaxa laga weydiiyey heshiisyada Batroolka ee DGPL ay la gashay shirkadaha waxa uu ka yeeli doono haddii loo doorto madaxweynaah DGPL, waxa uu kaga jawaabey sidan:


  • Maxamed Cabdinuur Xirsi "Waddan in batroolkiisa la soo saaro wax sahlan ma aha, wax maalin ama labo ama shirkad yari iska soo saari karto ma aha, waa wax shuruuddo badan in ay diyaar u noqoto loo bahan yahay, batrool maanta hadii la damco in la soo saaro oo shirkadi u soo diyaar garowdo oo dawladii ka jirta gobolku ay diyaar u noqoto batroolkaas kuma baxayso dhawr malyan oo doolar, batrool in la soo saaro billions iyo billions oo doolar ayey u baahan tahay, billyanno doolar shirkadda gelineysa meel waa in ay shuruuddo badan heshaa - shuruudda koowaad waa in ay heshaa nabad gelyo ay weliba qiyaaseyso muddo dheer in ay sii socon karo oo aysan maanta qalaalaase iyo isbedel dawladi ka dhacayn, waa in ay heshaa heshiis caalami ah oo ay saxiixday hay'ad caalamka muctarif ka ah, oo berri haddii dhibaato ka dhex dhacdo ay xeerarka caalamiga ah ku kala bixi karaan. Dhibaatada jirta Puntand waa in Puntland aysan ahayn dawlad caalamku aqoonsan yahay, waxaan nahay gobol is maamula, waxaan nahay dad aan weli nabad gelyadii sugin. Marka anigu haddii heshiisyo uu maamulka hadda jiraa hore u galay, waxa weeye waddanka sharci ayaa ka jira, nidaam ayaana ka jira , dastuur ayaaka jirey, qaab oday isim iyo waxgarad la isku raaco ayaa jirey, oo ah hab in la raaco, lana hubiyo in heshiisyadaas ay dantu ugu jirto dadka iyo dalka. Haddii aan arko anigu heshiis ay dantu ugu jito dalka iyo dadkaba sababo aan u hor istaago ma jirto, waana raacayaa, laakiin heshiis aan dadka iyo dalka dani ugu jirin, oo aan la marin nidaamkii iyo sharcigii wadanka u degsanaa, wadanka sharciga ka jira waa cid kasta oo heshiis geleysa uu baarlamaanku ansixiyo, oo ogolaadaa baarlamaanku si nidaam ah oo sax ah oo xor ah, oo ay u fiiriyaan heshiiskaasi nooca uu yahay, waxqtiguu yahay iyo in ummada dani ugu jirto, marka wixii si wanaagsan loo fuliyey oo laga eegay danta dalka iyo dadka anigu waa soo dhaweynayaa, wexey rabaan ha ahaadeen, laakiin wixii aan intaas waafaqsanayn haddee sabab aan u ixtiraamo iyo sabab aan u ogolaado anigu garan maayo...." Halkan ka dhegeyso ama halkan (mp3)


Musharaxa Jagada Madaxwenenimada DGPL Maxamed Cabdinuur Xirsi ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe Caasumada DGPL oo maalmahaan ay ku soo qulqulayeen Musharaxiin iyo Taageerayaashooda ayadoo lagu wado in ay bilaabato soo xulitaankii Xubnaha Baarlamaanka DGPL oo ay ka imanayaan Qabaa'ilada Qaarkood ee ku nool Magaalooyinka DGPL.

Musharaxa Maxamed Cabdinuur Xirsi oo xilgii uu soo gaaray la hadlayay Saxaafada madaxa Banaan oo su'aalo dhinacyo badan leh ka weydiiyay uu kaga jawaabayay.

Musharaxa ayaa ah ganacsade ka mida shirkado badan oo ka jira Puntland oo ay ka mid tahay Shirkada Korantada Nugaal oo ah shirkada kaliya ee ka jirta Puntland oo shidan 24 Saac ayadoo mudo 5 Bilooda kahor keenay Matooro waaweyn oo awooda in ay shidaan magaalo weyn.

Musharaxa ayaa ka hadlay waxa ku dhaliyay in uu musharax noqdo loo doorto Madaxweynenimada DGPL in uu arkay Maamulxumada ka jirta puntland ay dadkuna sugayeen wax u hagaajiya taasna ay isgu la qumanaatay in uu qaban karo, musharaxa ayaa ka hadlay Dhinaca Heshiisyada Batroolka oo uu sheegay in ay taas tahay mid la doonayo in runta laga sheego soo saarista macdanta iyo Qayraadka Dalka oo aan lacag yar oo aan caqliga galayn la,iska qaato lakiin uu san doonay in uu cid eedayo hada, Musharaxa ayaa ka hadlay Dhaqaalaha Puntland uu ku filan yahay lakiin lagu adeegsanayo Dano gaar ah, Musharaxa ayaa ka hadlay dhinacyo badan oo doonayo in uu wax kaga badalo hadii loo doorto Jagada Madaxwenenimada DGPL asagoo dhaliilay sida hada wax u socdaan oo aan ka ahayn habka dadku isku qabtaan.

N:B Ogaysiis

Akhristayaasha waxaa ay SomaliTalk ugu bishaaraynaysaa in ay Su'aalahooda u gudbin doonto Musharaxiinta iyo Xubnaha Baarlamaanka DGPL ee la soo xulayo aana idiin soo gudbin doono jawaabahaa oo Cod ah - (Intii suurto gal ah).

Hadaba Su'aashaada Qoraala noogu soo dir emailka hoose:
E-mail-ka: somalinews@gmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2008

Axmed Saciid Awnuur: Bishii Sagaalaad Waxaan soo Xaraynay 48 Bilyan Shiling Cidna mushaar lama siin, Waxaa cad in Laqaatay lacagtaa. Video

musharaxiinMusharaxiinta Puntland oo si cad u qaadacay Guddiga Ansixinta iyo khilaafaadka Baarlamaanka DGPL 2009 ee uu Magacaabay Gen. Cadde Muuse.... Akhri....

awnuurMusharaxa Jagada Madaxweyne ee DGPL Axmed Saciid Awnuur oo muujiyey in Dowladii uu ka tirsanaa ay Dhacday Dadkii Xoolahoodii kuna shubatay Bankiyo Dibadda. Akhri Oct 23

cabdiraxmaanSh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar oo Si qoto Dheer uga Ka Hadlay Xaaladda Soomaaliya iyo Xalkeeda: Madaxa Golaha Iimaamyada Soomaaliyeed ee W/Ameerika ayaa soo jeediyey sida lagu gaari karo xalka nabadda Dhegeysi...

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS