SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

Xaqiiqada Dhabta ah ee ka dambaysa"Sharciga Batroolka Soomaaliyeed".....

Baarlamaanka DFKMG ma ansixin doonaa"Sharciga Batroolka Soomaaliyeed" ee Khayraadka Shacabka Soomaaliyeed Lagu Duudsinayo 70-ka Sano ee soo socota....

  • Warbixintii iyo faalladii SomaliTalk.com | Aug 12, 2007

Waxaa beryahan magaalada Baydhabo ka socda xusul duub ay xukuumadda DFKMG ugu jirto in si degdeg ah uu baarlamaanka DFKMG u ansixiyo sharci loogu magac daray "Sharciga Batroolka Soomaaliyeed".

Haddaba, waxaa SomaliTalk.com soo gaarey xog gaar ah oo la xiriirta qorshaha dhabta ah ee ka dambayeeya ansixinta xeerkaas lagu qalqaalinayo Baarlamaanka DFKMG ee fadhigoodu yahay Baydhabo. Waana tan qayb ka mid ah xogtaas oo aan soo koobnay:

Bishii June 12, 2006, ayaa magaalada Malindi ee ku taal xeebta Kenya waxaa xukuumada DFKMG loogu soo bandhigay qoraal ka kooban 68 bog oo ku qoran "PowerPoint" oo nuxurkiisu ahaa sidii loo qaybsan lahaa Batroolka Soomaaliya, kaas oo ka gooni ahaa sharci ka koobanaa 49-qodob oo ku qoran 43-bog oo ah PDF "Draft" ah 'Sharciga batroolka Soomaaliyeed" oo maraas gacanta loogu dhiibey DFKMG, si looga ansixiyo baarlamaanka.

Waxaa layaab leh in arrintaas loo soo bandhigay DFKMG ay lataliyaal ka ahaayeen shakhsiyaad ajnebi ah oo leh ama saami ku leh shirkado lagu xusay isla qoraalkaas lagu soo bandhay Malindi, isla markasna si qeexan loogu caddeeyey in ay yeelan doonaan saamiga batroolka Soomaaliyeed boqolkiiba 49% [Warkaasi makaa daadegey - waxaa dhici karta in aad maalmahan -Agoosto 2007- maqashay shirkaddaha Kuwait-Energy iyo MedcoEnergi oo heshiis la galay DFKMG - laakiin xaqiiqo ah June 2006 DFKMG waa sii ogeyd heshiiskaas].

Lataliyayaashii DFKMG u soo bandhigay xeerarka "Sharciga Batroolka Soomaaliyeed" bishii June 12, 2007, waxaa ka mid ahaa:

  • Sara Akbar oo madax u ah shirkadda Kuwait Energy
  • Dr Manssour Aboukhamseen agaasimaha Kuwait Energy
  • Mohammad Al-Howqal agaasime xagga ganacsiga ee Kuwait Energy
  • Hilmi Panigoro madaxweynaha shirkadda MedcoEnergi - oo ah shirkad laga leeyahay dalka Indonesia
  • Patrick Molliere lataliyaha gaarka ah ee madaxa shirkadda MedcoEnergi
  • Indra Prawirodipooero agaasimaha qorshaynta iyo dhaqaalaha ee MedcoEnergi
  • Iman Suseno lataliye xagga sharciga ee shirkadda MedcoEnergi
  • J. Jay Park qareen jaal la ah Macleod Dixon LLP oo ah reer Canada
  • Thomas E. Valentine qareen jaal la ah Macleod Dixon LLP
  • iyo rag ka tirasan DFKMG...

Sara Akbar
Sara Akbar - madaxa shirkadda Kuwait Energy


Dr Manssour Aboukhamseen agaasimaha guud ee shirkadda Kuwait Energy, ahna macallin wax ka dhiag Jamacadda Kuwait.


Mohammad Al-Howqal agaasime xagga ganacsiga ee shirkadda  Kuwait Energy

Website: www.kuwaitenergy.com.kw

Warbixinta Dhaqaalaha shirkadda Kuwait Energy ka eeg halkan....



Website: www.medcoenergi.com


HILMI PANIGORO, madaxweynaha shirkadda MedcoEnergi ee reer Indonisia

Warbixinta Dhaqaalaha Shirkadda Medco halkan ka eeg



Somali PM Ali Mohamed Gedi, left, listens to his special advisor Daniel Bourzat before giving a press conference on the final day of AU summit in Accra [3July2007]..VOA... .
Somali Officials Deny Selling Oil Rights



Jay Park

Thomas Valentine
Jay Park iyo Thomas Valentine waa qareeno reer Canada ah oo ay DFKMG u shaqaalaysiisay in ay kala taliyaan sharci u samaynta khayraadka Soomaaliya. {Eeg halkan...]
 

"Somalia: Can It Escape The Resource Curse?" Dr. Mohamed Firimbi

Waxaa markaas (June 2006) DFKMG loo soo bandhigay jadwalka la raacayo si loo dhaqan geliyo sharciga batroolka oo markaas gacanta loo geliyey DFKMG, waxaana la qorshaynayey in sharcigaasi dhaqan galo bishii July 25, 2006, sida ku cad bogga 42aad ee qorshaha ay lataliyayaasha kor ku xusani u soo bandhigeen DFKMG. [Dabcan sharcigaasi weli -Aug 12, 2007- ma dhaqan gelin, waana arrinta hadda la rabo in la mariyo baarlamaanka Baydhabo.]

Waxaa kale oo aad u layaab badnayd in kooxdaas isku magacaabay lataliyayaasha DFKMG ay bogga 43aaad ee qoraalka ay ku soo bandhigeen Malindi oo uu goobtaas fadhiyey ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, in ay ku qorayd sidan:

Jadwalka Qorshe soojeedinta batroolka Soomaaliya...

  • June 12- August 15, 2006: in la dhamaystiro qorshaha  Wax soosaar Wadaagga ah, la diyaariyo xeerarka saamileyda iyo sharciga Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed iyo diyaarinta sharciga batroolka Soomaaliya.
  • August 31, 2006: in shirkadda MedcoEnergi (Indonesia) iyo Kuwait Energy (KE - Kuwait) la siiyo 49% saamiga Hay'adda Batroolka Soomaaliya (HBS). Isla markaasna in Wasiirka batroolku uu ansaxiyo saddex agaasime oo ay yeelaneyso hay'adda batroolka Soomaaliya (2 agaasime oo Medco, 1 ka imanaya KuwaitEnergy) kuwaas oo ka mid ah toddobada agaasime ee Hay'adda Batroorka Soomaaliya [oo ah hay'adda la qorshaynayo in uu ansixiyo Baarlamaanka DFKMG].
  • September 15, 2006: Uu markaas wasiirka batroolku warqad u diro kuwa hore loogu ogolaaday heshiiska [bal eeg kuwa la sheegayaa waa shirkadaha la taliyayaasha ah ee KuwaitEnergy & Medco oo sida muuqata laga qayb gelinayo agaasimidda hay'adda batroolka.]

Waxaa intaas dheer in lataliyayaasha ajnebiga ah ay "u ogolaadeen" ama u qoondeeyeen hay'dda batroolka Soomaaliyeed (H.B.S.) ee la dhisayo in ay qayb ku yeelan karto saamiga batroolka Soomaaliyeed boqolkiiba 40% (saamigaas oo loo kala qaybiyey 30% oo ay yeelaneyso Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed - SH.B.S. "oo iyadana la dhisayo", iyo 10% ay yeelanayaan Dawlad Goboleedka meesha batroolka laga baarayo - taas oo markiiba keentay is-herdigii DFKMG iyo DGPL iyo safaradii Geeddi ku tegey Puntland - taas oo ay dheer tahay in meesha laga saaray shirkaddii Range Resources oo ay wadatey DGPL].

Haddii aad loo sii dhuuxo arrinta ay soo bandhigeen lataliyayaashaas ajnebiga ah waxaa soo bexeysa in aan la sheegin cidda loo qoondeeyey inta ka dhiman saamiyada la sheegay oo ah 11%. Waayo waxaa la xusay: 49% [KuwaitEnergy & Medco] + 30% [SH.B.S.] + 10% [DGobleed] oo isku darkoodu yahay = 89%. [Xaggee arrintu iska qaban la'dahay, mase waa duudsin aan gabbada lahayn, ayaa dhici karta in aad is weydiisid...]

  • Haddii hab kale loo xisaabiyo oo la yiraahdo 30% la siiyey HBS ayaa waxaa 49% kamid ah leh shirkadaha KuwaitEnergy & Medco, markaas su'aashu waxay tahay in meel la saaray 30% HBS [oo 49% ay leedahay KE&medco iyo 51% Dawladda] + 10% DGoboleed = 40%. Markaas 100-40=60 : Waa su'aale markaas 60% xaggee la saaray - Waa xisaab wareersan... Balse aan ku gaabsano in ay maqan tahay 11% oo keliya si xisaabtu inoogu fududaato, xisaabtanka rasmiga ahna Baarlamaanka ayaan u dhaafnay.

Shirkadda Kuwait Energy oo ah shirkad aad u yar oo sida ku cad weysite-kooda la asaasay bishii Agoosto 2005, ayaa sida kor ku xusan ka mid ah lataliyayaasha xeer dejinta shidaalka Soomaaliya, waxaana cad in xilligaas shirkaddaas iyo jaalkeed loo qoondeeyey 49% saamiga wixii faa'iido ka soo baxa Batroolka Soomaaliya, marka la dhaqan geliyo xeerka batroolka ee ay isla shirkaddaasi lataliyayashiisa ka mid tahay!.

Haddaba su'aashu waxay tahay sidee loo aqbali karaa xeer ay dejiyeen kuwa leh shirkadaha iyagu isa siiyey saamiga ugu badan, isla markaasna ka mid noqonaya kuwa maamula Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed? - Jawaabta waxaan u dhaafnay cidda arrintaas go'aankeeda leh oo ah Baarlamaanka DFKMG ee fadhigisu yahay Baydhabo iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sharciga la Horgeynayo Baarlamaanka DFKMG:

Inta aynaan u gudbin qodabo ka mid ah sharciga hordhac ah, waxaa xusid mudan in sharcigaas markii loo dhiibayey DFKMG in aad looga dhaadhiciyey in ay si degdeg ah u hirgeliso.

Arrintaasna waxaa daliil u ah jadwalka sare ee ay soo bandhigeen lataliyayaashu. Waxaa taas dheer in bogga 14aad ee qoraalka [PowerPoint] in DFKMG lagu xusuusiyey in batroolka dhowaan laga gudbi boono sidii looga gudbey xilligii loo aqoonjirey waagii dhagaxa "Stone Age", arrintaas oo looga gol lahaa in DFKMG la tuso in ay xeerka loo soo bandhigay hore ka aqbalaan.

Lataliyayaashu waxay DFKMG xusuusiyeen in batroolku uu qiimo yeeshay sannadkii 1870, uusana wax qiima ah yeelan doonin marka la gaaro 2070, iyagoo markale xusuusiyey halkudhegii laga soo xigtey Sheikh Zaki Yamani oo ahaa wasiirkii hore ee Batroolka Sucuudi Arabiya , hadalkaas oo ahaa "Dhamaadkii batroolku waa soo dhow yahay. Xilligii loo aqoonjirey waagii dhagaxa waa dhammaaday asagoo aysan sabab u ahayn dhagax la'aan. Xilliga batroolkuna wuxuu dhammaanayaa ayadoo asan sabab u ahan batrool la'aan".

Qodobo ka mid ah Sharciga Batroolka Soomaaliya:

  • Waxaa xusid mudan in sharcigaasi uusan ahayn rasmi balse uu yahay "Draft" taas oo macneheedu yahay in wax lagu kordhin karo, laga dhimi karo ama qodobada lakala bedeli karo marka la hor geynayo baarlamaanka:

Sida kor ku xusan sharciga Batroolka Soomaaliyeed ee la qorshaynayo in la hor geeyo baarlamaanka Baydhabo waxa uu ka kooban yahay 49-qodob, waxaana hoos ku arki doontaa sharciga hordhaciisa ama 'Draft" oo dhamaytiran. Balse waxaan marka hore faallo kooban ka bixin doonaa qodobada nuxurka u ah Sharciga Batroolka Soomaaliyeed ee la hor dhigi doono baarlamaanka DFKMG si ay u ansixiyaan:

Qodobka 6aad: Qaybta 6.1: Isticmaalka Awoodaha iyo xilalka Shaqo. Waxaa iska leh Wasaaradda iyo Hay'adda "Batroolka Soomaaliya" (HBS) oo ugu dhaqmaya si waafaqsan sharcigaan iyo xeer nidaamiayaashiisa.....

Qodobka 8aad: Sharcigan waxaa lagu dhisay hay'adda nidaaminaysa hawlaha batroolka, laguna magacaabo Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed oo leh shakhsiyad qaanuuni ah, oo hoos imanaysa wasaaradda.

Qodobka 8.2: Maamulka HBS. Dawladu waxay magacaabaysaa guddi maamula hay'adda Batroolka Soomaaliyeed (HBS) oo ka koobnaanaya ugu yaraan shan (5) ugu badnaana toddoba (7) xubnood.... Guddigu wuxuu haynayaa maamulka ugu yaraan muddo afar sano ah.... [Halkaas xusuuso in Malidi ay lataliyayaashu ku soo bandhigeen hadalkii ahaa- in Wasiirka batroolku uu ansaxiyo saddex agaasime oo ay yeelaneyso hay'adda batroolka Soomaaliya (2 agaasime oo Medco, 1 ka imanaya KuwaitEnergy) kuwaas oo ka mid ah toddobada agaasime ee Hay'adda Batroorka Soomaaliya - sow warku ma cadda.]

Qodobka 8.5: Shuruudaha Guddiga Maamulka. Shakhsiga ka mid ahaanaya guddiga maamulka ee HSB lama magacaabi karo ama looma ogolaan karo xubinimo haddii uusan muwaadin Soomaali ahayn ama uu yahay milkiile, saamile, agaasime, sarkaal rafiiq ganacsi, iwm, oo ku dhex jira hawlaha wax soo saarka, gaditaanka, iibinta, gudbinta, dhoofinta iyo keenista, iwm, ee la xiriira arrimaha batroolka ee wadanka..... [Qodobkaasi waxa uu diidayaa soo jeedintii lataliyaasha maadaama ay ajnebi yihiin -  malaha waa arrinta sababtay in uu sharcigani daba dheeraado si labadaas la isu waafajiyo, ayadoo la rabo in baarlamaanka loo sheego kemedda ah "xubinimo" in aysan la mid ahayn "maamulid" ama "agaasime", oo la yiraahdo qofku isagoo aan xubin ka ahayn HBS ayuu agaasime ka noqon karaa! - Haddii arrintu aysan sidaas ahayn malaha waxaa indhaha baarlamaanka laga weecinaya saamiga ah 49% ee HBS ee la siiyey ajnebiga iyo saamiga aan meel la saaray la cadayn.]

Qodobka 9aad: Samaynta Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed [SH.B.S]. Shirkadda batroolka Soomaaliyeed waxay leedahay shakhsiyad qaanuuni oo leh qaab shirkadeed.  [Waa shirkad labaad oo ka duwan Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed.] - Ujeedada Shirkadda Batroolku Soomaaliyeed (SHBS) wa mid ganacsi oo ay kontroosho Dawladdu, si ay u qabato hawsha batroolka ee Soomaaliya gudaheeda..... Shirkaddu waxay heli kartaa rukhsad ku salaysan gadasho xuquuq si toos ah iyadoo raacaysa hab tartan oo ay soo bandhigtay HBS, si la mid ah xaaladaha shakhsi kastoo kale. [Halkaas dhuux...]

Qodobka 9.2: Golaha Maamulka Shirkadda Batroolka. Shirkaddu waxay yeelanaysaa gole maamul oo ka kooban shirguddoon, Agaasime guud iyo in aan ka yarayn saddex (3) kana badnayn todoba (7) Agaasimeyaal kale.

Waxaa qodobada sare ka muuqda in Wasaarada Batroolka laga hoos samaynayo Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed (HBS), taas oo leh ilaa 7-agaasime. Waxaa kale oo la samaynayaa Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed (SHBS) taas oo leh ilaa 7-agaasime iyo 1-agaasime guud iyo shirguddoon. [Baarlamaanka ayaa arrintaas laga filayaa in uu su'aal xukuumadda ka weydiiye waxa arrintaas jaahwareerka ah ka dambeeya.]

Awoodda la siinay hay'adda HBS, waxaa ka mid ah:

Qodobka 21aad: Qaybtiisa 12.1: Ruqsadda Sahaminta. Awoodda Bixinta: Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed (HBS) waxay siin kartaa ruqsad sahamineed, oo la xiriirta goob cayiman, shakhsi qaanuuni ah ama koox shirkado ah;

Qodobka 13aad: (13.1) - Heshiiska Wax-soosaar Wadaagga - Awoodda Bixinta: Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed waxsay la gali kartaa heshiis Wax-soosaar Wadaag ee ku saabsan goob cayiman, shakhsi ama koox ashkaas ah, kadib markay cadaato in shakhsigaas ama kooxdaasi ay galeen heshiis wada shaqayneed oo ay oggolaatay HBS.... Heshiis kasta oo wax-soosaar wadaaag ah waxaa saxiixaya Wasiirka, isagoo tixgelinaya talada HBS.

Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed hawshiidu intaas ka weyn, bal eeg : Qodobka 14aad: (14.1) - Ruqsadda ku dhaqanka dhulka- Awood bixinta - HBS waxay siin kartaa shakhsi ama koox ashkaas ah ruqsad ku dhaqan dhuleed oo la xiriira aag cayiman....

Waxaa aad layaab u leh hay'adda awooda intaas leeg la siinayo in aan lagu xusin qodobka la xiriira ilaalinta degaanka - qodobka 17aad: Ilaalinta Bii'adda - Waajibaadka wax ka qabashada bii'adda. Shaqsiyaadka ruqsadda haysta ee wada hawlaha batroolka waxaa laga rabaa: - in ay yareeyaan wax u dhimidda bii'adda, iska ilaaliyaan in khasaare loo geysto batroolka.... [lataliyayaasha ajnebiga ah malahooda halkaas aad ayey tabcada ula heleen Soomaalida - waa haddii baarlamaanku hirgeliyo xeerkaas'e... waayo.. sidee qof aan isagu dalka lahayn loogu aamini karaa in uu deegaan kuu ilaaliyo...]

Mas'uuliyadda ilaalinta degaanka si looga fogeeyo HBS waxaa qodobka 17aad, qaybtiisa (17.2) ku xusan - Xeerka Nidaamiya batroolka. Wasiirka waa inuu soo saaraa xeerar si cad oo buuxda u qeexaya waajibaadyada saaran shaqsiga ruqsadda haysta..... [Hay'adda batroolka Soomaaliyeed maadaama la qorsheynayey in agaasimayaasheeda ay ka mid noqon doonaan ajnebi ayaa malaha xilka loogu weeciyey wasiirka aan awooda lahayn ee la sheegay in uu talada ka qaadanayo HBS...]

Waxaa xusid mudan in qodobada 37aad iyo 38aad ay xuseen ciqaabaha la xiriira bii'ada haddii la kharibo, laakiin ma cadda hay'adda taas dabagalka ku samayn doonta.

Qodobka 24aad: Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed iyo ka qaybgalinta Dawlad Goboleedka. (24.1) Heshiis kasta oo wax-soosaar Wadaag ah waa in ay ku caddahay: (24.1.1) - Xaqa ay Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed u leedahay in ay ka qayb gasho hawlaha Batroolka, ugu badnaan ka qaygal dhan 30%; iyo (24.1.2) - Xaqa qandaraaslaha ee ka midka ah Dawlad Goboleed, taas oo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya dhulka ruqsadda lagu baxshay uu ku yaallo, si ay uga qayb gasho hawlaha batroolka ilaa iyo heer gaarsiisan 10% ugu badnaan marka la eego xaqa ka qaybgalka. [Markale eeg Soomaalida oo dhan waxaa xeerku u qoondeeyey boqolkiiba 40% oo keliya khayraadkii batroolka Soomaaliyeed, waxaa soo haray 60%, taas oo 49% la siiyey Lataliyayaasha Sharcigan. Weli waxaan meelna lagu sheegin 11% cidda loo qoondeeyey.]

batroolQaybsigii Batroolka Soomaalida

Qoraalkii lataliyaasha shirkadaha Kuwait Energy & MedcoEnergi ay  DFKMG magaalada Malindi ugu usoo bandhigeen June 12, 06, ee qaybsiga Batroolka Soomaalida, oo ku qoran:
PowerPoint ama PDF.

Qodobka 28aad: Xisaabid iyo Baaris - Kormeere - HBS waxay u magacaabi kartaa shakhsi in uu noqdo kormeere, marka laga hadlayo ujeedooyinka sharcigan, kormeeruhu wuxuu yeelanayaa awoodaha iyo xuquuqaha lagu siiyey xeerkan. [Kormeerka ama shaqada ugu horeysa ee kormeeraha laga rabo waa in uu caddeeyo sababta keentay in la siiyo saami ah 49% lataliyayaashii xeerkan dejiyey.]

Qodobka 32aad - Wargelinta Dadwaynaha - HBS waa in ay gacanta u galisaa dadwaynaha shuruudaha muhiimka ah ee la soo koobay, lana xiriira, dhammaan ruqsadaha iyo isbadallada ku saabsan ee la soo bandhigay, haddii ay yihiin kuwo la joojiyey ama haddii kalaba. [ma la rumaysan karaa Hay'ad qaabkaas lagu soo dhisay in ay xaqiiqo soo bandhigto...]

Qodobka 5.1: Lahaandhaha iyo hanashada batroolka ku jira dalka Soomaaliya wuxuu ku salaysan yahay hanti Qarameed oo ay dawladdu gacanta ku haynayso, dadweynuhuna uu ku aaminteen. [batrool aanba gacanta lagu hayn ama la hubin in xeerka loo samaynayo cidda si caddaalad iyo furfurnaan ah u socodsiin weydey, sidee loo aamini karaa in ay si caddaalad iyo sinnaan ah u qabin doonto khayraadka laga helo haddiiba la helo bartool!]

Qodobka 5.2: Shaqsi wuxuu yeelan karaa lahaansho batrool, keliya ka dib markii si sharci ah loo siiyo ruqsad heshiis wax-soosaar wadaag... [Qodobkan oo ka hor imanaya qodobka ka horeeyey ee 5.1, waa meesha loogu gogol dhigayo in gebi ahaanba shakhsiyaad gaar ah lagu wareejiyo batroolka Soomaaliya-- Xusuuso hadaladii lataliyayaashu ka soo jeediyen malindi June 12, 2006.].

Isku soo duub oo, sharciga loogu magac daray "Sharciga Batroolka Soomaaliya" waa mid ay taladiisa ugu weyn soo jeediyeen lataliyayasha leh shirkadaha la siiyey saamiga ugu badan ee batroolka Soomaaliya. Arrintaas oo bishii June 2006 DFKMG loogu soo bandhigay magaalada Malindi, qorshahaha soo bandhigidana lagu qoray 68 bog oo ah "PowerPoint" iyo 43-bog oo ah PDF.

Haddaba, qaybta 68 bog oo ah "PowerPoint" waxaan soo bandhigi doonaa xilli kale, laakiin hadda hoos ka eeg linkiga 43 -bog oo ah PDF oo ah sharciga batroolka Soomaaliyeed nuqulkiisa ugu horeeya, kaas oo la qorshaynayo in laga ansixiyo baarlamaanka DFKMG

Sidoo kale akhri qoraal uu qoray Dr. Mohamed Firimbi oo cinwaan-kiisu yahay "Somalia: Can It Escape The Resource Curse?" oo ku qoran Af-Ingriisi - pdf. [Waxaad qoraalkaas ka heli doontaa magacyada qaar ka mid ah madaxda Soomaaliyeed ee goob-joogga ka ahaa meesha lagu soo bandhigay xeerkaas loo samaynayo Soomaalida].

Sidoo kale si aad wax badan uga ogaatid shirkadda KuwaitEnergy akhri qoraalkii cinwaankiisu ahaa "Muxuu Yahay Heshiiska Qarsoon Ee Dhex Maray Madax Ka Tirsan DFKGS Iyo Shirkada Kuwait Energy Oo Sheegatay In Ay Maamuleyso Shidaalka Soomaaliya" ee S.E.C.G. [Somalia Energy Concern Group].

Sida loogu shaxayo batroolka Soomaaliya ka akhri qoraalkii Katie Nguyen (reuters) ee cinwaankiisu ahaa Power play at centre of Somalia oil debate - English.

LIFAAQ:

Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xirfadda u leh akhrinta waraaqaha ganacsiga, waxaa la gudboon in ay shacabka Soomaaliyeed u sharaxaan dakhliga ay haystaan shirkadaha lagu wareejiyey 49% saamiga batroolka Soomaaliyeed, waayo waxaa la ogyahay in barnaamijka soo saaridda batroolku in uu u baahan yahay shirkaddo leh miisaaniyad aad u badan ooka bixi kara hawshaas culus, sidaas daraadeedna aysan haboonayn in shacabka Soomaaliyeed lagu maaweeliyo shirkadu dulaaliin ah...

  • Eeg Warbixinta Miisaaniyaddii Dhaqaalaha shirkadda Kuwait Energy ee 2005-2006....
     
  • Arrintaas waxaad barbar dhigtaa in hal ceel oo ay Kenya shidaal ka baartay meel u dhow xeebta Soomaaliya in shirkadihii baarayey ay ku bixiyeen $100 million oo doolar... [Ceelka "Block L-5" waxa uu ku yaal meel 135 km Waqooyi-Bari ka xigta magaalada Lamu ee dalka Kenya. Ceelkaasi waxa uu xeebta u jiraa 80 km. Ceelkani waxa uu ka mid yahay laba ceel oo saddexdii bilood ee ugu dambeeyey (October - Janaayo) ay ku baxday lacag dhan $100 million... Eeg halkan...]

Xigasho: GaroweOnline.com | kuwaitenergy.com.kw | medcoenergi.com | GoogleNews | YahooNews | VOA |AP | AFP | Reuters | Iyo ilo wargal ah....

Warbixintii iyo faalladii SomaliTalk.com | Aug 12, 2007


Heshiiska Is -Afgaradka uu galayay maamul goboleedka puntland iyo Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan, Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka KMG.

Heshiis Batrool oo ay kala saxiixiixdeen Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xersi Gudoomiyahii hore ee Baarlamaanka shariif xasan sh.adan ahaana xilligaa uu heshiiska Is -AFgaradka uu galayay maamul goboleedka puntland Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka KMG waa sida uu ku saxiixay Mudane Shariif Xasan. Heshiiskan ayaa ka koobanaa 6-qodob ayaa mas'uuliyiintan kala saxiixdeen sida ku cad qoraalka heshiiska rasmiga ah May 30,2006.. Eeg Nuqulka Heshiiskaa..

Baarlamaanka Federal KMG ayaa iminka waxaa horyaala Sharciga Baroolka Soomaaliyeed oo maalintii khamiista [Aug 9, 2007] loo qeybiyay nuqulo Sharciga Bartoolka ah taasoo ay mudayaasha baarlamaanka ee ku sugan Baydhabo ka doodi doonaan sharciga batroolk.

Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com | Aug 13, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH