SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA

Dawlad Goboleedka Puntland oo Caddayn weydey meesha ay ku bexeen Lacagihii ay hore u bixiyeen Shirkadaha Macdanta ka baaraya Puntland


Saxiixii Heshiiskii Canmex u ogolaanayey 80% baaritaanka khayraadka Puntland.
(Sawirka: CCNMatthews - Jan. 23, 2007)
Akhri halkan

Shirkadda Canmex waxay lacag caddaan ah ka  haysatey 3.5 million oo doolarka Canada oo keliya.....
Qoraal ay Janaayo 24, 2007 qortay Jariidada Sydney Morning Herald ee Australia oo ka warbixineysey in heshiis dhex maray Puntland, Range iyo Canmex, heshiiskaas oo dhigaya in Canmex ay $50 million oo doolar ku kharash-garayso baaritaanka shidaalka laga baarayo Puntland muddo saddex sano ah, taasna Canmex loogu bedelayo 80% in ay yeelato baaritaanka laba aag oo ah Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor ee Puntland. Laakiin ayey tiri jariidadu Canmex khasnadeeda bangiga ee ugu dambeysey waxay muujisay in shirkaaasi ay bishii September 2006 ay lacag caddaan ah ka haysatey $C3.5 million (3.5 million oo ah doolarka Canada). Waxaa warku intaas ku daray in aan si rasmi ah loo shaacin meesha ay shirkaddu ka keeneyso $US50 million oo ay u bahan tahay in ay ku kharashgarayso baaritanka shidaalka Puntland. Sayladda Canmex ma degana; ilaa bishii October 2006 waxaa jirey maalmo aan wax dhaqshaqaaq ah oo kala gadasho ah ka socon saamiyadeeda. Sidoo kale ma muuqato in shirkaddaasi ay leedahay website.
Sidaas waxaa qortay Sydney Morning Herald. Eeg..

  • Dubai: Madaxwaynaha Puntland oo iminka ku sagan Dubai Wadahadalana Kulaleh Shirkadaha Macdanta Ka Baaraya Puntland
    Lakulankan uu madaxwaynuhu kula kulmay Dubai shirkadaha wax ka baaraya Puntland ayaan ilaa iyo hada wax la isla meel dhigay aysan jirin marka laga reebo xisaabtan loogu yeeray madaxwaynaha Puntland.....

    Warbixinta iyo Faalladan waxaa isku soo dubariday:
    Cabdirizak koronto |Garoowe Puntland, Soomaaliya

Jan 27, 2007:: Madaxwaynaha DGPL iyo wafti uu hogaaminayo ayaa bishan horaanteedii ka anbabaxay magaalada Bosaso isaga oo sida caadiyan ah 3dexdii biloodba mar taga dalka Germany halkaasi oo loogu sameeyo baaritaan caafimaad oo la xiriira caafimaadkiisa gaarka ah.

Madaxwaynaha ayaa sheegay ka hor inta uusan ka anbabixin Puntland in uu tagi doono dalka dibadiisa halkaasi oo uu wada hadlo kula yeelan doono shirkadaha ka baaraya macdanta Puntland iyo sidoo kale wadamada uu sheegay in uu madaxweynuhu booqan doono iyagana uu kala hadli doono arimaha hormarka iyo sidii loo maal-gashan lahaaa Puntland maadaama ay Puntland tahay meel amaan ah oo la isku halayn karo mudo dheerna u soo ifbaxaysay wadada hormarka.

Haddaba iyada oo uu madaxwaynuhu sidaas sheegay ayuu u anbabaxay wadamo ay ka mid yihiin Jabuuti, Dubai, Germany, iyo kuwo kale oo sida la sheegay uu madaxwaynuhu kalahaa arimo gaar ah.

Madaxwaynaha ayaa si dag dag ah ugu anbabaxay dalka Germany oo ahaa safarkiisa ugu muhiimsan maadaama uu caafimaadkiisu ku xiran yahay baaritaan la sheegay in loogu sameeyo halkaasi.

Madaxwaynaha ayaa ka soo laabtay Germany isaga oo sida la sheegay soo maray baaritaan caafimaad in kasta oo aysan wax faah faahin ah ka bixin DGPL balse sida wararka suuqa la isla dhexmaryo ay sheegayaan soo dhamaystay booqashadiisii Germany ee la xiriirtay baaritaanka caafimaad.

Si kastaba waxa uu madaxwaynuhu ku soo laabtay Dubai oo uu markii horeba uga duulay Germany isaga oo aan wax masuul sare ah Germany kula soo kulmin maraka laga reebo danihiisa caafimaadka gaarka ahee uu halkaasi u tagay isaga oo siyaabo kale duwan uga faa'iidaysan lahaaa safarkaasi uu ku tagay madaxwaynuhu Germany.

Soo laabashadiisa Dubai ayuu madaxwaynuhu kula kulmay qaar ka mid ah madaxda sarsare ee shirkadaha wax ka baaraya dhulka Puntland sida la sheegay.

Lakulankan uu madaxwaynuhu kula kulmay Dubai shirkadaha wax ka baaraya Puntland ayaan ilaa iyo hada wax la isla meel dhigay aysan jirin marka laga reebo xisaabtan loogu yeeray madaxwaynaha Puntland, xisaabtaasoo ay ku muujiyeen madaxda shirkaduhu in uu meel ku cadeeyo madaxwaynuhu kharashaadkii ay horay u bixiyeen iyaga oo sheegay in ay booqasho ay ku yimaadeen puntland horaantii todobaadkan (Jan 23, 2007) ay ku soo ogaadeen in la lunsaday hanti badan oo ay horay u bixiyeen sida ay cadeeyeen ilo ku dhaw dhaw shirkadaha wax ka baaraya Puntland.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaan ilaa iyo hada meel ku cadayn hantidaas la sheegay in ay shirkadahaasi ku bixiyeen horumarinta deegaanada Puntland.

Sida laga wada warqabana horay ayay shirkadahani deeqo kala duwan ugu bixiyeen sidii loo dhamayn lahaa mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah kuwaasi oo ay ugu waynaayeen dhismaha garoonka Diyaaradaha ee Garowe kaasi oo muddo 3sano kabadan ah mid qabyo ah islamarkaana aysan jirin hanti Badan oo ay ku bixisay xukuumada puntland marka laga reebo curyaamin ay ku wado dhamaystirka dhismaha Garoonka Garowe.


Sept 6, 2006: $250,000 Range Resource Sheegtay in ay u dhiibtey Isimada Garoowe Halkee ku Danbaysey Akhri....

Sida la ogsoonyahana horay ayay xukuumadda loogu eedeeyey in ay lunsatay hanti ay shirada Range resource ugu talagashay dhismaha garoonka Garowe ilaa iyo hadana aysan jirin meel ay hantidaasi ku cadahay ama cid loo tirinayo, sida la ogyahayna mar sii horaysay ayay ahayd marki la sheegay in wasiirka maaliyada Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, wasiirka maaliyadda DGPL, uu bixiyay qayb ka mid ah hantidaasi oo run ahaantii cadadkeedu ahaa mid yar, sida la sheegay.

Mar sii horaysay markii ay shirkaduhu ballan qaadayaneen hantida la sheegay in loogu talagalay dhismaha garoonka Garowena waxa ay ku soo baxday suuqyada dalka Australia iyada oo ay Isimada Gobalka Nugaal ay dhinacyada haystaan Jeeg taasi oo dadweynaha Puntland ay kutilmaameen in arrintaasi ay ahayd ceeb lagula kacay mushtamaca reer puntland ilaa iyo hadana uusan jeegaasi soogaarin hadii ay shirkaduhuna soo gubiyeen aan iyaga Ismo ahaan wali la gudoonsiin lacagtaas oo dadku u arkaan in lagu fadeexeeyey sharftoodii.

Haatan ayay dadbadani is waydiinayaan waxa xigi doona maadaama ay shirkaduhu arkeen musuq maasuqa ay wadaan madaxda Puntland taasi oo meel walba oo caalamka ka mid ahna xataa laga ogyahay musuq maasuqa ka jira gudaha puntland shacabkuna ay ka dharagsan yihiin.

"...aniga iyo gaagaab ayaa u leexin doona dhaqaalihii aan qaadan jirnay garoonka Bosaso.." Madaxweynaha DGPL.

"...aniga iyo Gaagaab Lacagtii aan qaadan jirnay iminka waxaan ku dhisaynaa garoonka Boosaaso." Cadde Muuse Akhri...

Mar sii horaysayna madaxwaynaha Puntland qudhadiisa ayaa wasiirkiisa maaliyada ku eedeeyay hanti lunsasho lacageed taasi oo uusan madaxwaynuhu horgayn golayaasha dawlada balse uu afka uun ka sheegay goob ay ku dhan yihiin xubnaha baarlamaanka puntland kuwaasi oo haday daacad ka yihiin wax u qabadka dalka iyo dadka isla xilligaasba maxkamad ku soo oogi lahaa wasiirka iyo madaxwaynahaba maadaama ay galeen khayaano qaran oo ay lunsadeen hanti ka dhaxaysa mushatamaca Puntland, balse is dhoola cadayn kadib waxaaba la ilaaway hantidii la lunsaday taasi oo baarlamaankuna guda galay doodo kale iyo ajandayaal aan sidaas muhiim u sii ahayn si la isu maan dhaafiyo lunsashada hantida maqan ee uu madaxwaynuhu ka dhawaajiyay.

Xaalku si kastaba ha ahaadee haatan arrinta DGPL ayaa ah mid cakiran maadaama ay mar hore shirkadihii macdanta ka baari lahaa puntland ay soo gudbiyeen hantidii ay bixiyeen xaga uu maamulku ku baxshay iyo xisaabtan uusan maamulka Cadde Muuse iska jirin taasi oo ka soo reebtay maamulka Cadde Muuse waxaad qarsataa waa ku qarsadaan.

Maalmaha fooda inagu soo haya ayuu madaxwaynuhu iyo wafdigiisuba ku soo fool leeyihiin deegaanada puntland.

A/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Janaayo 27, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD