SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

Gen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 2008

iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso...

Madaxweynaha maamul Goboledka Puntland ayaa wareegto uu soo saaray Arbaca Agoosto 6, 2008 waxa uu ku mamnuucay in aan wax olole doroasho laga samayn karin Puntland ka hor November 1, 2008,iyo in wixii waqtigaas ka horeeya aan la qaban karin shirar la xiriira ololaha doroshada.

Wareegtada Gen. Cadde Muuse oo arrintaas ka hadleysey waxaa ku cad "Wakhtiga Ololaha doorashadu bilaabmayso waa 1da November (2008) waxayna ku egtahay 48-saacadood ka hor maalinta Doorashada Madaxweynaha oo ku beegan January 8, 08, mudadaas ka hor ma bannaana in la sameeyo olole doorasho ama shirar la xiriira dacaayad u samayn musharaxnimo."

Waxa kale oo wareegtada Gen. Cadde Muuse ku xusan "Tiknikada beeluhu ay haystaan dhammaanteed waxaa la wareegaysa Dowladda," iyo in burcadda lagu ciqaabayo "20 sano oo xarig ah ilaa Dil."

Sida uu sheegay xafiiska madaxweynaha DGPL ee Boosaaso, waxa uu go'aanadaas Gen. Cadde Muuse gaarey kaddib markii uu "Kulan aan caadi ahayn" la yeeshay "Golahiisa Xukuumadda." Kulankaas ayaa la sheegay in ay ka soo bexeen "go’aanno" ay ka mid yihiin "waqtiga Doorashadu dhacayso, sugidda Ammniga iyo xiliyeynta Musharaxiinta Puntland".

Markaas ayaa Gen. Cadde Muuse soo saaray wareegtada hoos ku qoran:

Xeer Madaxweyne Lr: 91, 6-da August, 2008, kuna saabsan Wakhtiga Ololaha Doorashadu bilaabmayso, Tiknikada Beelaha iyo Burcadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka DGPL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad

Markuu Tixgeliyey: Talo soo-jeedinta Golaha Wasiirada

Markuu arkay: Baahida Xaalada Nabadgeliyo ee Dalku ku sugan yahay.

Wuxuu xeeriyey:

1) Wakhtiga Ololaha doorashadu bilaabmayso waa 1st November waxayna ku egtahay 48hrs ka hor maalinta Doorashada Madaxweynaha oo ku beegan January 8th, 08, mudadaas ka hor ma bannaana in la sameeyo olole doorasho ama shirar la xiriira dacaayad u samayn musharaxnimo.

2) Tiknikada beeluhu ay haystaan dhammaanteed waxaa la wareegaysa Dowladda, maadaama shuruucda caalamiga aysan ogolayn in cid shacab ah hub ku dhex haysato magaalooyinka.

3) Burcadda nooc kasta oo ay yihiin ciqaabtoodu waxay ka bilaabmaysaa 20 sano oo xarig ah ilaa Dil.

4) Xeerkan ayaa waxa ku saxeexnaa:

Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha Dowladda Puntland

Isha: Xafiiska Gen. Cadde Muuse, Boosaaso, faafintii Aug 6, 2008


Gen. Cadde Muuse oo Saddex Agaasime u Magacaabay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Puntland.

caddeWareegto ku taariikhaysa July 31, 2008, laakiin uu xafiiska Gen. Cadde Muuse ee Baasaaso uu faafiyey  August 5, 2008, ayaa shaaca ka qaaday in wareegto uu madaxweynaha DGPL ku magacaabay saddex agaasime oo ay yeelneyso wasaaradda macdanta iyo tamarta ee Puntland.

Wareegtada waxaa ku cad in arrintani ka dambeysey kaddib markii uu Gen. Cadde Muuse arkay "Talo soo-jeedinta Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Batroolka", islamarkaasna tixgeliyey "Aqoontooda iyo Waayo Aragnimadooda Shaqo" in uu wasaaradda Batroolka u magacaabay saddex Agaasime (magacyadooda wareegtada hoose ka akhri).


  • Dhanka kale, Warbixin ay July 31, 2008 soo saartay shirkadda Range Resources, una dirtay Suuqa Ganacsiga ASX, waxay ku cadaysay in lacagta caddaanka ah ee shirkadaasi haysato ama bangiga u taaley (June 30, 2008) in ay dhan tahay A$686,000 (waa 686 kun oo oo doolarka Australia oo keliya). Waxa kale oo ay ku dooday in ay heli karaan lacag dhan A$3,452,000, sidaas daraadeedna lacagta ay maarayn karaan in ay haystaan ama helaan ay isku darka tahay A$4,138,000 (waa lacag wax yar ka badan 4 million oo doolarka Australia oo keliya).


Wareegtadii Gen. Cadde waxay u qorayd sidan:

Xeer Madaxweyne Lr: 87, 31st July, 2008, kuna saabsan Magacaabid Agaasime Guud iyo Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka DGPL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad

Markuu arkay: Talo soo-jeedinta Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Batroolka.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waayo Aragnimadooda Shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1- Eng. Cabdi Axmed Cabdulle Waxaa loo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka.

2- Eng. Xasan Maxamed Aw Ciise Waxaa loo Magacaabay Agaasimaha Waaxda Goelogiyada.

3- Eng. Siciid Xaaji Nuur waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Betroolka.

4- Xeerkani ayaa waxa ku saxeexnaa Madaxweynaha DGPL.

Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha Dowladda Puntland

Isha: Xafiiska Gen. Cadde Muuse, Boosaaso, faafintii Aug 5, 2008


Xisaabxirkii Miisaaniyadda Puntland ee 2007 sidii loo maamulay
iyo Gudiigii Dhaqaalaha oo iscasiley (Ka Akhri Halkan) - pdf

August 2, 2008: Guddigii Dhaqaalaha ee Baarlamaanka DGPL ayaa is casiley. Waxaa arrintaas shaaca ka qaaday Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ah guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee Baarlamaanka Puntland. Intii aan guddigu is casilin ayaa Xildhibaan Axmed Barre oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddigaas waxa uu xarunta Baarlamaanka ka akhriyey warbixin ku saabsan xaalada dhaqaale ee Puntland, waxana uu shaaca kaga qaaday in aan sharciga waafaqsanayn loo maamulay dhaqaalaha Puntland. "Sidaa daraadeed waxaa gudiga dhaqaaruhu go'aan ku gaarey in uusan sii wadi karin xilka guddi dhaqaale ee uu u hayo golaha wakiiladda DGPL." Waxana guddigu dhaliilay xukuumada, iyo gaar ahaa wasaarada Maliyadda.

Xisaabxirkii Miisaaniyadda 2007 sidii loo maamulay iyo Gudiigii Dhaqaalaha oo iscasiley (Ka Akhri Halkan)*pdf

August 3, 2008: Xisaab Xirka Miisaaniyadda DGPL oo Lagu Ansixiyey Xeer Jaban: Baarlamaanka DGPL oo ay u codeeyeen 31 xildhibaan oo keliya ayaa lagu ansixiyey xisaab xirka miisaaniyadda DGPL ee 2007/2008. Arrintaas oo dadka siyaasadda Puntland la socda ay ku macneeyeen baarlamaan aan kooramkiisu dhamayn ma ansixin karo miisaaniyad iyo xisaab xir. Baarlamaanka DGPL waa 66 xubnood.

QODOBKA 48aad ee Dastuurka DGPL, farqadiisa 5aad, waxa ku cad sidan: "Kalfadhi kasta oo Goluhu yeelanayo waxa uu ku furmayaa 2/3 tirada guud", taas waxay muujinaysa sida keliya ee uu ku qabsoomi karo kalfadhi uu yeesho baarlamaanku.


Faafin: SomaliTalk.com | Aug 5, 2008

BAARID | SEARCH


Horuumarinta Beeraha & Miyiga Puntland...
Qaraal uu soo saaray Musharax Prof. Farjac Akhri Aug 4

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS