SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Lagu Eedeeyey Laaluush in uu ka Qaatay Shirkadaha Batroolka....

iyo Sidii ay Range Resources ku soo gashay Puntland....

  • Somalitalk.com | March 29, 2008
Qaasim Sheikh Yuusuf
Qaasim Sheikh Yuusuf

Waxaa beryahan soo shaac baxayey eedayn aad u kulul oo loo jeedinayey wasiirka Macdanta iyo Biyaha maamulka Somaliland, Qaasim Sheikh Yuusuf Ibraahim, eedayn la xiriirta in uu laaluush ka qaatay shidakado xiriir la leh shirkadaha heshiiska shidaalka la galay maamulka Puntland, arrintaas oo ay jaraa'idka Hargeysa ku tilmaameen sir muddo dheer la qarinayey.

Qoraal uu March 22, 2008 faafiyey Warsidaha Toddobaadlaha ah ee Somaliland Times (SL Times), cadadkiisii 322, ayaa sheegay in 2006 iyo 2007 ay saraakiil xiriir la leh shirkadda Range Resources ay booqdeen Somaliland si ay wadahadal ula yeeshaan Qaasim Sheikh Yuusuf. Waxaana kulamadaas laga dhigay sir aan shacabka iyo saxaafada la ogeysiin. Waxaana waftiga xiriirka la leh Range ay wasiirka Macdanta iyo Biyaha ka dhaadhicinayeen in uu qandaraas sahamin shidaal ah siiyo shirkadda Lundin Petroleum ee reer Sweden. Waxaa xusid mudan in shirkadda Ex-CANMEX (oo la baxday Africa Oil) ay ka tirsan tahay Lundin - ExCANMEX waxa ay heshiis ku saabsan sahaminta Puntland kula jirtaa Range.

Warku waxa uu intaas ku daray in bishii February 2008 ay shirkadda Lundin Petroleum wada xaajood la yeelatay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Qaasim.  Maadaama, sida warku tibaaxay, wasiirku qaatay laaluush gaaraya $200,000, waxa uu markaas aqbalsanaa in uu mustqabalka dhow heshiis u saxiixo Lundin Petroleum.


Eeg Khariidadda oo weyn... GUJI...

Heshiiskii Berbera ee Wax-Soosaar Wadaagga (PSA) waxaa May 2003 wada galay shirkadda Rova Energy (ROVA) iyo Somaliland. Shirkadda Ophir waxay leedahay boqolkiiba 75% saamiyadda Rova, taas oo danaha khaaska ah ee loo asaasay ay ahayd horumarinta Somaliland. Aagga Rova loogu qoondeeyey heshiiskii Barbera PSA waa aagagga loo yaqaan Blocks 35 iyo M10A. Baaxadda dhulka laysanka loo siiyey shirkaddaas waa 14,306km2 oo ah dhanka Woqooyiga-bari ee Somaliland, waxana uu ku yaal dhulka berriga iyo badda ilaa meel hoos badda u qodan 1,000m. Aaggaas waxaa loo yaqaan Guban Basin. Isha: www.ophirenergy.com

Shirkadda Ophir waxaa hoggaamiya Alan Stein oo leh boqokiiba 50% saamiyada shirkadda Mvelaphanda ee Koonfur Afrika... Shirkkada Mvelphanda waxaa hoggaanka u haya Tokyo Sexwale... Madaxda Sare ee shirkadda Mvelaphanda Resources.... Eeg halkan
Rova Energy Corporation (REC) Limited
Riyaale
Warqad furan oo 2005 ay aqoonyanno u direen madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayey ugu sheegeen in shirkadda Rova Energy saamiyada ay bixisay in ay yihiin 100-saami oo keliya,  halkii saamina qiimihiisu yahay £1. Sidaas daraadeedna qiimaheedu yahay £100. Saamiyadaas oo loo kala leeyahay: Dr. Jawahir ALI oo leh 16 saami, Dr. Jawahir Mohamed ALI oo haysata 1 saami, Mr. Ananda Kumar CHAKRABARTI oo leh 17 saami, Mr. Anandar Kumar CHAKRABARTI oo haysta 1 saami, iyo  Westmont Offshore HK Ltd oo leh 65 saami.
Warqaddaas ka akhri halkan... (English)..

Bishii February 2008 ayey ahayd markii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha (WMB) ee Maamulka Somaliland, Axmed Ibraahim Suldaan uu xaqiijiyey in WMB ay la soo xiriirtay shirkadda Lundin, laakiin waxa uu beebniyey in wax xiriir ah uu ka dhexeeyo shirkadda Lundin Petroleum iyo shirkadaha heshiiska kula jira Puntland oo ah Range iyo Africa Oil. Waxana uu markaas yiri: "Haddii ay caddaato in shirkadda Lundin ay wax xiriir ah la leedahay Range/Africa Oil ama saamileyda danaha ka leh Puntland, wasaaradda (Macdanta iyo Biyaha) wax ay ku darsan doonto ma jirto shirkaddaas Lundin." [Eeg halkan]

Waxaa hadda caddaatay in xiriir ka dhexeeyo shirkadahaas, sida uu Maarso 23, 2008 sheegay Xasan Cusmaan Maxamuud (Xasan Aloore), Wasiirka Batroolka ee Puntland, oo waraysi siiyey Idaacadda British Broadcasting Corporation, isagoo ka hadlayey shirkadaha Puntland heshiiska la gashay waxa uu yiri: "shirkadda hadda la baxday Africa Oil Company waa Lundin Company. [Eeg halkan]". CANMEX waxay magaca Africa Oil u bedelatey August 20, 2007.

Somaliland weli kama jawaabin arrrintaas ay shaaca ka qaaday Puntland ee xiriirka u dhexeeya Lundin iyo Africa Oil.

Warbixinta SL Times waxay sheegtay in horraantii 2006 uu wasiirka Macdanta iyo Biyahay Somaliland, Qaasim, heshiis shidaal sahamin ah u saxiixay nin reer Hindiya ah oo magaciisa la yiraahdo Sood. Heshiiskaas oo ahaa wax-soo-saar-wadaag waxa uu Mr. Sood siinayey xuquuqda in uu ku baari karo aag ay waagii hore xuquuqdiisa baarista hahaan jirtey shirkadda Cheveron.  Mr. Sood oo markaas lahaa shirkad dhismaha "Motherland Homes" ma lahayn wax khibrad ah oo la xiriirta shidaal sahaminta, ayey tiri warbixintu.

Mr. Sood waxa uu xilligaas shaaca ka qaaday in uu hal milyan ($1 million) oo doolar oo ah gunnada (bonus) saxiixa uu siiyey wasiirka, Qaasim Sheikh Yuusuf, ayey tiri warbixintu.

  • Aagga la siiyey Mr. Sood waa aagga loo yaqaan Block 32 oo ah xeebta Galbeed ee badda-cas.

Qaasim waxa uu wada tashi dhow la yeeshaa Daahir Riyaale marka uu gelayo wada xaajood ku saabsan Batroolka iyo macdanta, sidaas daraadeed ma dhaqan geli karo heshiis uusan ansixin Riyaale, ayaa warbixintu xustay.

Shirkadaha kale ee ay maamulka Somaliland heshiiska baarista batroolka la galeen waxaa ka mid ah TGS/NOPEC oo reer Norway ah, ROVA Energy oo la siiyey aagga bariga Berbera (ROVA waxaa 75% leh Ophir oo laga leeyahay K/Afrika), Enex (2005), Zarara Energy (Dubai), Mr. Meier (reer Norway) iyo nin Soomaali ah oo la siiyey Aaagga Block 26. [Waxaa March 14, 2007 laga soo xigtey WMB, Qaasim, in shirkad Shiine ah ay imaneysey Hargeysa.]

Sannadkii 2001 iyo Hargeysa:

Waxay ahayd bishii April 2001 markii wasiirkii WMB ee maamulka Somaliland, Maxamuud Cabdi Malow, shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa Talaada 17/4/2001 oo uu sheegay in la filayey in si dhaqso loo bilaabo in la qoro ceel Batrool. Malow waxa uu markaas shaaca ka qaaday in shirkad ka diiwaan gashan dalka UK iyo lab shirkadood oo laga leeyahay Shiinaha ay shidaal qodis ka samayn doonaan dhulka xeebta u dhow ee Berbera aagga loo yaqaan Block 35.

Waxaa xilligaas soo shaac baxay in shirkadda ROVAGOLD (oo ka diiwaan gashanayd UK) iyo labada shirkadood oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo ah SPEC (Continental Petroleum Engineering Company) iyo CPC (China Petrochemical Cooperation) in ay heshiis shidaal baaris ah la saxiixdeen maamulka Somaliland sannadkii 1999 iyo horraanto 2000, heshiiskaas oo ku saabsanaa in ay shidaal ka baaraan/qodaan aaggaga loo yaqaan Block 35 & 36 oo ah dhulka berriga ah (onshore) iyo Block M-10 iyo M-10A oo badda (offshore), aagaggaas oo bedkoodu yahay 28,328 km2 [ama 7 million acres]. Waxaa jira warar tibaaxaya in heshiisyadaas si rasmi ah loo kala saxiixday May 2001.

  • [Xilliga heshiisyadaasi dhaceen waxaa maamulka Somaliland madaxweyne ka ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Allah ha u naxariistee, waxana uu ku geeriyoodey K/Africa isagoo 74-jir ahaa (August 15, 1928 - May 3, 2002). Waxaa markaas xilka la wareegey Daahir Riyaale Kaahin oo xilku ugu egyahay April 14, 2008, haddii aan dib loo dooran.]

Xilligii xukuumadii Siyaad Barre, shirkadda Chevron ayaa sahamin shidaal ka samaysay xeebaha galbeedka badda Cas. Wasiir ku xigeenkii WMB Yuusuf Ciise Ducaale ayaa sheegay in maamulka Somaliland qadarinayo heshiisyadii xukuumaddii Siyaad Barre la gashay shirkadaha batroolka (Oct 1969 - Jan 1991), waxana uu sheegay in ay weydiisteen shidkadahaasi in ay hawshoodii dib u bilaabaan. "Sida ku cad dastuurkayaga, Somaliland waxa ay garwaaqsatay in ay tix-geliso heshiisyada caalamiga ahaa ee xukuumaddii keligii taliyaha ahayd lagashay shirkadaha shisheeye," ayuu yiri Ducaale oo ay soo xiganeysey Jariidadda Republican caddadkeedii #157 oo Hargeysa ka soo baxday 21/4/2001, waxana uu Ducaale intaas ku daray "Taas oo jirta, markii aan wax jawaab ah ka weyney shidkadahaas si ay u bilaabaan shaqadoodii, markaas Somaliland waxaa waajib ku ah in ay jid kale raadsato si ay uga faa'iidaysato khayraadkeeda."

Sannadkaas, 2001, warbaahinta Hargeysa waxay xuseen in Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo booqasho lix beri ah ku tegey dalka Shiinaha, lana kulmay [March 21, 2001] Madaxweynihii Shiinaha ee xilligaas, Jiang Zemin, in uu weydiistey in Shiinuhu uusan aqoonsan Somaliland, lana gelin ganacsi. Waxaana markaas la hadal hayey in shirkadaha Shiinuhu damacsanaayeen in ay shidaal ka baaraan aagga xeebaha Berbera.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu May 8, 1999 madaxweynannimada Jabuuti kala wareegey Xasan Guuleed Abtidoon oo jabuuti madaxweyne ka ahaa ilaa markii ay xornimada qaadatay June 27, 1977.

Gabgablihii Batroolka ee Faraska Waalan Toocinayay...

  • "Shirkadda 'Inverse International Ltd' waa shirkad caalami ah oo jirta, isla markaana aannu hubinay diiwaan-gelinteeda iyo nidaamkeeda, waxaanuna ku heshiinay inay bisha Janaayo 2003 yimaadaan Somaliland oo ay hawl galaan" sidaas waxaa [20/12/2002] laga soo xigtey wasiirkii WMB ee maamulka Somaliland, Maxamuud Cabdi Faarax "Malow" - Waa ka hor intii aan wasiirkaas WMB lagu bedelin Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (oo xilka qabtay March 2003), oo durbadiiba lagu sii bedeley Qaasim Sheikh Yuusuf Ibraahim (oo xilka qabtay July 4, 2003).

Laakiin shirkaddasi waxay noqotay mid fadeexad iyo waji gabaxa weyn ka soo gaartey Daahir Riyaale iyo Cali Geeddi, waxaana ka dhalatay qisadii loogu magac daray Gabgablihii Batroolka ee Faraska Waalan Toocinayay.

Meier
"Gabgablihi Shidaalka ee Faraska Waalan Toocinayay"

Qisadaas ayaa la xiriirta nin ka soo jeeda dalka Norway oo magaciisa la yiraahdo Meier in uu bishii December 2002 tegey magaalada London si uu u asaaso shirkad uu u bixiyey "Inverse International Ltd", waxana uu shirko kula noqday nin Hindi ah oo magaciisa la yiraahdo Rajan. Lacagta shirkadaas lagu asaasayna waxay ahayd boqol Pound (£100) ee UK. Markaas ayey labadaas nin waxay tageen Hargeysa oo ay la kulmeen Daahir Riyaale, waxaa isla markiiba December 2002 loo saxiixay in shirkadoodii ay London ku soo sameeyeen ay Somaliland ka baadho shidaal.

Markii muddo ka soo wareegtey oo wax ka socon waayeen in shirkadii £100 ay shidaal ka soo saarto Hargeysa, ayuu Meier waxa uu jaaha saaray Cali Geeddi, ra'iisul wasaarihii hore ee DFKMG, si uu ugu maleego khiyaano u dhiganti tii uu ka sameeyey Hargeysa. Waxana uu May 2005 Nairobi kula kulmay Geeddi. Waxaa ninkaas la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Geedi waxa uu  markiiba wiilkii u magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG ee Soomaaliya kala taliyaha arrimaha soo saarida Shiidaalka.

Mr. Meier oo ku jira tamashle iyo indha sarcaad uu ku hayey Hargeysa iyo Muqdisho, ayaa meel uusan filaneyn waxaa kaga soo baxay dawladda Norway oo arrimahaas is hor taagtey. Arrintaas oo dhacday markii Booliiska dalka Norway ay xabsiga u taxaabay Mr. Meier, waxana maxkamad lasoo taagey August 26, 2005 kaddib markii lagu eedeeyey khiyaamo lacageed. Waxa kale lagu eedeeyey in uu sameeyey ganacsi been abuur ah oo ay ka mid tahay shirkad macmal ah oo magaceeda la yiraahdo "Inverse International Ltd", shirkadaas oo uu ku sheegay in ay baareyso Batroolka. Waa shirkadii uu khiyaanada ugu maleegey Riyaale iyo Geeddi. [Eeg halkan].

Sannadkan 2008 shirkadaha sheeganaya in ay shidaal ka qodayaan Soomaaliya waxay sii wadaan in sidii ay doonaan ula dhaqmaan madaxda Soomaaliyeed. Waxaa ugu dambeysey shirkadda Range Resources oo heshiiska kula jirka Puntland in ay si xoogle u af jebisey Wasiirka DFKMG u qaabisaln Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta (WMT), Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje). Kaddib markii uu wasiirku ka hor yimid heshiiska Range iyo Puntland, ayey Range qoraal ay u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia (26/3/2006) waxay ku sheegtay in hadalka wasiirkaas WMT aysan la qabin Ra'iisul wasaaraha iyo madaxweynaha DFKMG, arrintaas oo weli aysan jawaab sugan ka bixin col. Nuur Cadde iyo col. C/laahi Yuusuf. Wasiirka  qudhiisu hadalkaas war kama bixin.

garoowe
July 2006: Wafti ka socdey Range oo booqday Garoowe

Sidee Range ku soo gashay Puntland?

Telefishanka CNBC Africa oo magaalada London UK waraysi kula yeeshay Peter Landau, oo ka tirsan madaxda shirkadda Range Resources ayuu (mr. Landau) waxa uu ku qiray in hay'ad "samafal" ay sabab u ahayd tegitaankii ugu horeeyey ee shirkaddaasi tagtay ama ku lug yeelatay Puntland.

Mr. Landau oo kajawaabayey su'aal ay weydiisey weriyaha CNBC oo ahayd "Wax yar nooga sheeg lugta aad ku leedihiin Puntland iyo sida ay Range Resources markii ugu horeysey ugu lug yeelatay Puntland?"


CNBC oo waraysaney Peter Landau

Waxa uu ku jawaabey: "Waxaan u malaynayaa in ay tahay sheeko xiiso leh, markii ugu horesyey waxaa nasoo qaabilay koox (hay'ad) samafal ah oo ka soo jeeda Galbeedka Australia, taas oo hore samafal ugu tagtay Puntland kaddib Bad-gariirkii 2004. Markay (hay'addaasi tagtay Puntland) ayaa waxaa soo qaabilay madaxweynaha hadda ee Puntland [in kasta oo Mr. Landau uusan si sax ah u sheegin magaca madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde]" Waxana uu intaas ku daray "waxaa markaas nasoo qaabilay hay'addaas samafalka si aan halkaas u tagno oo eegno" ayuu yiri. Hay'adda uu ka hadlayaa waa Kids In Need ee Terry. [Dhegeyso (mp3)]


Hadalkii Cadde Muuse ku qiray shirkado Batrool oo JIRRI ah in ay heshiis la galeen: ka dhegeyso halkan  May 29, 2006

Hadalkaasi waxa uu si cad mugdiga uga saaray in shirkaddii CONSORT ay dhismaheeda qayb ka ahayd hay'ad sheeganeysey samafal, waa KIDS IN NEED (TERRY). Waayo, waxaa la xusuustaa in shirkadda Range Resources ay saamiyada xuquuqda macdan qodista ee gebi ahaan dhulka Puntland (212,000 Km2) ka iibsatey CONSORT. Haddaba, maadaama uu madaxa Range qiray in markii ugu horeysey ay la soo xiriirtay hay'ad samafal, in markaas KIDS IN NEED ahayd tii samaysay shirkadda CONSORT oo ka diiwaan gelisey jasiiradaha Maldives.

Halkaas waxaa ka soo shaac baxay caddaynta muddo dheer laga qarinayey shacabka Puntland. Waxaana xusid mudan in Consort ay weli saami ku leedahay Range, iyadoo hore loo caddeeyey in madaxda sare ee maamulka Puntland ay qayb ku leeyihiin CONSORT..

Sidaa daraadeed, haddii saamiga Range Resources ee suuqa Ganacsiga Australia (ASX) uu hoos u dhaco waxaa hoos u dhacaya qiimaha saamiga CONSORT ay shirkaddaas ku leedahay.


Saamiya Range ee ASX ISHA: ASX.com.au

Ufiirso shaxda sare oo ah saamiyada Range ee ASX. Eeg taariikhda March 26, 2008, waxaa kor u kacay saamiga Range, in kasta oo maalmihii ka dambeeyey uu hoos u dhacay. Maalintaasi waxay ahayd  markii ay Puntland shirkadaas u dirtay warqad la ay shirkadaasi ka sugeysey. Isla markaasna ay Range suuqa ASX u dirtay warqad ay ku sheegtay in hadalka WMT ee DFKMG uusan wax ka soo qaad lahayn - oo sida aan kor kusoo xusnay aysan weli DFKMG ka jawaabin hadalkaas Range.

garoowe somalia
Garoowe July 2006: C/laahi Yuusuf oo koox ka socotey Range u sharxayey
khariidada Somaaliya, gaar ahaan aagga Doxaad Nugaal iyo Dharoor....
Xilligaas C/laahi Yuusuf waa diideyin uu saxiix siiyo shirkaddaas...
garoowe somalia
Garoowe: July 2006: C/laahi Yuusuf (sawirka sii jeeda) oo la hadlaya kooxda Range ..

Shirkadihii heshiiska shidaal sahaminta la galay Soomaalia ka hor 1991iyo baaxada aagagga heshiiska lagu siiyey waxaa ka mid ah: CHEVRON (31/1/1986, 40,509 Km2), CONOCO (8/7/1986, 98,700 Km2), AMOCO (5/5/1987, 35,091 Km2), CONOCO (19/10/1988, Blocks 33 & 34), PHILLIPS (29/11/1989, 14,165 km2), PARKER & CONOCO (6/9/1989, aagga Laascaanood), MOBIL & SHELL (30/8/1990, 60,300 Km2) [Faahfaahin Eeg halkan].

Faafin: SomaliTalk.com | March 29, 2008

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Tixraac: http://www.ebtelevision.com/

BAARID | SEARCH



unErgeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Qiray Shirkado Batrool oo Been-Abuur ah in Soomaaliya laga siiyey Xuquuq (Shidaal Baaris)

rangePuntland oo Shirkadda Range u dirtay Warqaddii ay ka sugeysey.
iyo DGPL oo Markii ugu Horeysey Qirtay Lacagta laga Qaatay Shirkada Batroolka in Siiyey DFKMG... Akhri

:Aar: Aragtidayda ku aadan soo saaridda Macdanta
:Ansixinta Sharciga Patrolka iyo macdanta dalka, yaa xaq u leh?

"Itoobiya oo Ilaalinaysa Meelaha Shidaalka Laga Baarayo ee Puntland"?
iyo khilaaf xooggaan oo soo kala dhex galay DFKMG iyo DGPL oo ku salaysan shirkadaha ay Puntland heshiisyada la gashay iyo xeerka batroolka iyo hadallo ay is.... Akhris/Dhegeysi

caddeQoraal ka soo baxay Gen. Cadde Muuse...
ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan xilligan ka mid ahayn DFKMG ilaa..... Akhri....


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: