SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

Wasiirka Batroolka Puntland oo Jawaabo Kala Duwan ka Bixiyey Sababta Dib Loogu Dhigay Qoditaanka Ceelka Shidaalka ee Nugaal....

(Shidaalka) Dooxada Nugaal mar hore ayaa la bilaabi lahaa, waxaa dib u dhigay..... Waxaa kale oo intaas soo raaca degaanka dadka deggan nabad gelyadoodu haddii aysan sugnayn ama qaarkood loo arko in aysan raali ka ahayn waxakan oo ay nabad gelyada bi'inayaan shirkaddu kuma soo dhiiran karto, maxaa yeelay si uu batroolku wax u gubo ayaa hadal kiisa iyo yabaqu u gubaa. Markaas shirkaddu waxay dooneysaa meel nabad gelyo leh oo sugan oo aan khilaaf ka jirin in ay wax ka bilowdo... Sidaas waxaa yiri Xasan Aloore...

  • SomaliTalk.com | Boosaaso | June 1, 2008

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL, Xasan Cusmaan Maxamuud (Aloore) oo May 31, 2008 waraysi siiyey Idaacada British Broadcasting Corporation ee Dalka UK oo ah dalka laga leeyahay shirkadda IMC ee sahaminta ka wada aagga Ufayn, ayaa ka hadlay sababta dib u dhaca u keenay Baaritaanka Dooxada Nugaal, waxana uu yiri: "degaanka dadka deggan nabad gelyadoodu haddii aysan sugnayn ama qaarkood loo arko in aysan raali ka ahayn waxakan oo ay nabad gelyada bi'inayaan shirkaddu kuma soo dhiiran karto".

Laakiin waraysi uu Xasan Aloore May 23, 2008 siiyey idaacadda 3CR oo ah Raadiye saacado gaar ah laga siiyo Jaaliyadaha kala duwan ee ku dhaqan dalka Australia ayuu ku sheegay in Riigga "Hadda waaba la waayey maxaa yeelay meelo badan, waxay tahay riigga kan Nugaal nabad gelyo xumo ka jirta looma joojin, ee waxaa loo joojiyey badda la iskuma halayn karo." Hadallaas oo qudhoodu is diidan ama isk ahor imaanaya.

Labada Waraysi Hoos ka Akhri/Dhagayso...

Waraysiga Axmed Kismaayo la yeeshay Aloore

Axmed Kismaayo oo ka tirsan Idaacada British Broadcasting Corporation waraysigii uu May 31, 2008 la yeeshay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL waxa uu u dhacay sidan:

Axmed Kismaayo ayaa Ugu horayn waxa ka weydiiyey waxa uu ku saabsan yahay baaritaanka hadda ka bilowday Dooxada Dharoor?

Xasan Aloore waxa uu ku jawaabey: "Dooxadan Dharoor waxaa laga baarayaa shidaal, laakiin marka hore inta aan riiggu iman waxaa la hubiyaa in meeshatan shidaal ku jiro qiyaastii, Allahu yaclam waxa ku jira, laakiin qiyaastii waxaa la heli karaa in lagu dhiirado in riig la keeno markii la akhriyo macluumaadka meeshaas ka soo baxay. Markaa muddo 9 bilood ah ayey masaaxo gaareysa 2,600 square-kiilomitir[*] waxay ka raadin doontaa macluumaad, marka hawshaas sidaas 'Companigaas' 'subcontract' (oo uu ula jeedo 'Qandaraas lala sii galay shirkad kale') ay soo siisay 'campaniga' (shirkadda) weyn ee Africa Oil ay kusoo degeen. Dhanka kale haddii aan u leexdo Dooxada Nugaal, iyadu hadda uma baahna macluumaad in laga raadiyo, hore ayaa macluumaad shirkado badani uga raadiyeen, shirkadda Africa Oil-na macluumaadkaas waa heshay, dabadeedna lix bilood ka hor.. muddo lix bilood gaareysa ayaan ula jeedaa... ayey waxay geysey Laabab (oo uu ula jeedo Sheybaarro), macluumaadkaasu waxay u sheegeen in qiyaastii ay ku jiraan Oil, islamarkaana Riig la gelin karo ee macluumaad dambe aan loo baahnayn, iyadana bisha Agoosto (2008) ayaa riigaggu imaanayaan, markaasna riigagga ayaa la mudayaa, marka sidaas ayey ku kala geddisan yihiin."

Alore Aloore PuntlandHaddii marka Dooxada Nugaaleed in Batrool ku jiro ay caddahay oo macluumaadkii ay sidaas sheegayaan maxaa iyada riigagga loo keeni waayey oo Batroolkaas dibadda loo keeni waayey inta meel cusub oo hadda aan la qodin waxa ku jira kharash kale iyo hawl loo gelinayaa? Ayuu weydiiyey Axmed Kismaayo.

"Su'aal fiican weeye, markii horeba shirkadatanu waxaan 'contract' (=Qandaraas) kula galay Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor in ay ka baadho shidaal, 'contractiga' (=qandaraaska) marar badan ayaan xusay oo isku waqti weeye, isku waqti ayeyna dhammaanayaan, iyadoo Nugaalna la baarayo ayaa tanna la baari karaa, isku waqtigaas ayaa la isku soo aadin karaa, haddii tan oo weliba ka sii dambaysa Nugaal oo iyada macluumaadka hadda laga raadinayo dib loo dhigo 'contarctigaasi' (=qandaraaskaasi) wuu ka dhammaaday khasaare ayaana ugu jira," ayuu ku jawaabey.

Dharoor haddii ilaa hadda aan wax macluumaad ah laga haynin dhulka Puntland-na waa dhul ballaaran, maxaa lagu doortay oo hadda iyada loogu dhiiraday?

"Waxaa loogu dhiiraday intaan dhulka marka horeba macluumaadka hadda laga bilaabayo hanti badan ayaa ku baxaysa, dhulku marka waa kala geddisan yahay, dhulka marka hore lagu soo dhiirado in uu Oil leeyahay waxaa weeye "Geological Theory" [Juqraafi ahaan] iyo qaabka uu yahay, haddee dhulka qaarna wuxuu 'hostigareeyaa' shidaalka ayuu marti geliyaa dhulka ilaahay, qaarna macdanta, marka Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor waa isku mid "Geological Theory" [Qaabka Juqraafi ahaan]. Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor waxaa la yiraahdaa waa mataano, dhulalka kale ee Soomaaliya ama Puntland-na qofka Oil (shidaal) qodanaya labadaas ayuu marka hore ku dhegayaa," ayuu ku jawaabey.

Dooxada Nugaal marka haddii aan u soo noqono, haddii aad tiri macluumaad keedii waa la hayaa, in waqti hore bilaabmo ayey ahayd maxaa dib u dhigay in hawsheedii la bilaabo?


"...dadka deggan nabad gelyadoodu haddii aysan sugnayn ama qaarkood loo arko in aysan raali ka ahayn waxakan oo ay nabad gelyada bi'inayaan shirkaddu kuma soo dhiiran karto, maxaa yeelay si uu batroolku wax u gubo ayaa hadal kiisa iyo yabaqu u gubaa..." Sidaas waxaa yiri Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL, Aloore, oo May 31, 2008 ka jawaabayey sababta Dooxada Nugaal hawsheeda (shidaal qodista) loo bilaabi waayey....

 


Wasiirka Gen. Cadde Muuse u xilsaaray Macdanta iyo Tamarta Puntland waxa uu ku jawaabey: "Dooxada Nugaal mar hore ayaa la bilaabi lahaa, waxaa dib u dhigay waxaa waxyeelooyin badan nooga timid arrimo markaas lagu baqa gelinayo ama lagu hor istaagayo meelo kaleeto oo ay ka mid yihiin dad ajnebi ah oo xitaa aan Soomaali ahayn, xukuumadayada Federaalka iyo anaga oo meelo isku khilaafay sida sharcigii Malindi ee Ra'iisul wasaarihii hore sameeyey. Markaas shirkaddu ma soo dhiiran karto maalgelinta hanti badan weeye meel markaas khilaaf ka taagan yahay in ay bilowdo. Waxaa kale oo intaas soo raaca degaanka dadka deggan nabad gelyadoodu haddii aysan sugnayn ama qaarkood loo arko in aysan raali ka ahayn waxakan oo ay nabad gelyada bi'inayaan shirkaddu kuma soo dhiiran karto, maxaa yeelay si uu batroolku wax u gubo ayaa hadal kiisa iyo yabaqu u gubaa. Markaas shirkaddu waxay dooneysaa meel nabad gelyo leh oo sugan oo aan khilaaf ka jirin in ay wax ka bilowdo, marka dib u dhacaas waxaa nagu keenay waxyaabahaas tirada badan oo xusay."

Marka hadalkaaga Xasan ma loo qaadan karaa in ammaankii gobolka aad masuuliyadiisii ku fillaan weyseen taasina markaas ay keentay in shirkaddii baaritaanka shidaalka iyo heshiiska ay idinla gashay ay dib uga noqoto.?

Xasan Aloore waxa uu ku jawaabey: "Meelaha wax laga baarayo marka shirkaddu soo degto waa ku khasbanahay 100% in aan iyada ammaankeeda sugno, Ilaahay ayaa ammaanka ummadda haya laakiin annaga wixii awoodayada ah waa dul dhigeynaa, waa ku khasbanahay wax soo saarkaas in aan ka faa'iidaysano, oo nabad gelyada 100% noqoto."

Xasan haddii aan ku weydiiyo arrin kale, cabasho badan ayaa soo baxday, dad badan waxay sheegayaan oo qabaa'ilada iyo dadka degaanada deggan u badan in aanay isu dheeli tirayn ka faa'iidaysiga ama fursad-siinta beelaha Puntland in uu jiro sed bursi fursadaha shaqo iyo adeegyada iyo hawsha ku saabsan baaritaanka shidaalka?

"Runtii arrinkaan waa arrin wasaaradda u yaal iyo xukuumadda, beel sed bursan karta meesha kuma jidho dadka oo dhan ayaa u siman waxaan, laakiin waxaa jira markii 'site-ka' (meesha) la dego beesha meeshaas deggan wax tiro badan oo beelaha fog aysan heli karin ayey si gaar ah u helayaan maxaa yeelay dadkii ayaa meesha ku nool isla markaas 'companigu' (shirkaddu) wuxuu mar kasta jecel yahay meesha uu deggan yahay beesha deggan in uu samafal badan wax u fududeeyo ama mid "Development" (= horumarin) oo deeq ah ha noqoto, laakiin midda kharashka ku jidha oo aan isla saxiixayno oo 'cost requiriga' ah oo 'companiga' (shirkadda) iyo wasaaraddu ay wada fiirin doonaan waxaannu jecel nahay in aanu saamiyadeeda ama wax tarka ka soo baxaya beelaha oo dhan ay wada gaadho, wixii markaa naga khaldamana haddee haloo saburo waa 'face-kii' (wajigii) hore ee waxa markii ay soo baxaan ayey dadka wada deeqayaan," ayuu yiri Xasan Cismaan Maxamuud.

Waraysigii Axmed Kismaayo oo ka tirsan Idaacada British Broadcasting Corporation:

[*] Dhawr jeer ayaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL, marka uu ka hadlayey dhulka la sahaminayo ee Dooxada Dharoor waxa uu sheegay in uu yahay 2,600 square-kilomitir - haddii cabbirikaas sidaas uu u sheegay loo raaco macneheedu waxay noqoneysaa in dhulka la sahaminayo ee Dharoor uu bedkiisu yahay 51 km x 51 km oo u dhiganta qiyaastii 2,600 Sq.Km. Arrinta sidaas uma ay dhigin shirkadaha sahaminaya Dharoor, waxay sheegeen in ay sahamin ku samaynayaan cabbir dhererkiisu yahay 2,600 kilomitir oo ah 2D seismic - Taas oo macneheedu yahay waxa laga hadlayaa waa 'DHERERKA' cabbirka 2D seismic oo ah xogta la ururinayo si loo akhriyo in meeshaas shidaal ku jiri karo, ee ma aha 'BEDKA' - Faraq aad u weyn ayaa u dhexeeya cabbirka!!.


Adeegsiga Sawirada Isimada Puntland ee Shirkadaha Batroolka...

Sannadkii 2006 sawirada ugu badan ee shirkadaha heshiiska l agalay DG Puntland ay u ku faafiyeen suuqa Ganacsiga Australia (ASX) waxa ay ahaayeen isimada Gobolka Nugaal [Garoowe]. Waxaa taas sannadkan 2008 bedeley isimada Gobolka Bari [Ufayn].


Isimada Garoowe oo jeeg loo dhiibayo [Garoowe]
Sawiradii ay Range ku faaisay suuqa ASX bilihii [July] 2006

cali beeldaaje
(bidix) Beel Daaje Cali Faarax (Ufayn) oo odayaal kale
[Sawir ay Range u dirtay suuqa ASX, May 27, 2008]


Idaacada 3CR ee Australia oo Waraysi la Yeelatay Xasan Aloore

Jimce May 23, 2008 oo ku beegnayd laba maalmood ka dib markii qalab ay leedahay Shirkadda reer UK ee IMC iyo Jaalkeeda ree Sweden ee Africa Oil (Ex-CANMEX) ay gaareen aagga magaalada Ufayn, ayaa Idaacadda jaaliyadaha ee Australia ee 3CR waxay waraysi la yeelatay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta DGPL, Xasan Cusmaan Maxamuud (Aloore) oo joogey Boosaaso.

Idaacadda oo uu hagayey CabdiCasiis Saciid Xirsi waxaa dadweyne soo wacay ay Xasan Aloore wax ka weydiiyeen arrimo la xiriira ammaanka Puntland, sababta ay marka hore u bilaabi waayeen ceelka Dooxada Nugaal oo xog hore laga hayo oo ay ugu leexdeen sahaminta dooxada Dharoor iyo inay ka fekereen raadka ay degaanka ku reebi karaan shirkadaha sahamintu.

Mid ka mid ah dadkii soo wacay oo magaciisa lagu soo koobay Mukhtaar ayaa weydiiyey: "Haddii aan dib ugu noqdo 1992 Puntland oo xilligaas la oran jirey Waqooyi Bari waxaa olaa riigag iyo qalab aad u tiro badan oo gaarayey ilaa $150 million (doolar) si nabad gelyo ah ayaana lagu raray marka anagu waxaan aamin sanahay maadaama hadda shidaalkii la bilaabay in nabad gelyada aan dib loogu dhigin ee riiggii hadda la keeni karo, marka wasiir ma kula tahay maadaama hadda shidaalkii cirka isku shareeray in ay haboon tahay in riigga hadda la soo dedejiyo, maadama burcad badeedkaas la sheegayo waan ka war haynaa oo dhinacyada kale ayey u badan tahay, Puntland waa nabad gelyo, marka suurta gal ma tahay bilaha soo socda in riiggi la keeno oo qodista la bilaabo.?

Su'aasha aan Weli laga Jawaabin: Yaa leh Consort?

Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?... Akhri

Wasiirka uu Madaxweynaha DGPL, Maxamuud Muuse Xirsi, u xilsaaray macdanta iyo Tamarta Puntland, Xasan Cismaan Maxamuud, waxa uu ku jawaabey: "Waa runtiis taariikhdaas waa jirtey, $150-ka million wuxuu galay Nugaal shaqadii ka socotey oo dhan sida aad ku hayso buugaagtii hore ee Taariikhiga ah ee laga tegey, shirkadahani xitaa sidaas ayey u qorteen, laakiin riigga isaga kolley qiimahiisa isaga hadda ma sheegi karo, in kasta oo maalinba maalinta ka dambaysa uu kala qaaliyoobayo. Hadda waaba la waayey maxaa yeelay meelo badan, waxay tahay riigga kan Nugaal nabad gelyo xumo ka jirta looma joojin, ee waxaa loo joojiyey badda la iskuma halayn karo, anaguna ma joojin ee labadii shirkadood oo midna 'contaractiga' (=qandaraaska) oil-ka ku haysatey, midna ay riigga lahayd, oo riigga Singapore ayuu ka imanayaa. Hadda waxaa weeye Dharoor valley (=Doxoada Dharoor) qolada ku jirta Canada ayey ka yimaadeen, qolada Nugaal Valley (=Dooxada Nugaal) wuxuu ka imanayaa Singapore, "team-ka" rigga la socda shaqaalaha 'technician' (=farsamo yaqaannada) meeshaa ayey ka imanayaan, mudada hadda shirkadda saddex sano ayaan u saxiixay oo baaritaan ah, sannad iyo bar ayaa ka tegey, iyaga ayaa 'minus' ku jira, iyaga ayaa naga guul jecel, laakiin riiggaga iyo shaqaalaha ayaa waxay keenayaan wax la yiraahdo Soomaaliya nabad ma aha, riiggu wuu imanayaa waaba la hubaa ee iyagaa raba in uusan iman. ee anaga a'minus' kuma jiro"

Waraysigaas oo uu Qaaday CabdiCasiis Saciid Xirsi

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2008

Isha/Sawirada:  asx.com.au, 3cr.org.au , google images, yahoo news
 

BAARID | SEARCH


sahaminBoosaaso: Weerar Lagu Qaaday Gaari ay Leedahay Shirkadda Sahaminta...
.Guddoomiyaha G/Bari oo qiray weerarka gaari Booyad ah
.Su'aalo la weydiiyey Wasiirka Macdanta iyo tamarta DGPL
.Boosaaso: Basaska oo Shaqo Joojin ay Sameeyeen....
Akhri Wararka sahaminta Shidaalka iyo Puntland


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS