SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo Qiray Shirkado Batrool oo Been-Abuur ah in Soomaaliya laga siiyey Xuquuq (Shidaal Baaris)...

  • SomaliTalk.com | March 28, 2008
Ahmedou Ould Abdallah
Ahmedou Ould-Abdallah, Ergeyga Q.M. ee Soomaaliya

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa si cad u sheegay in shirkado batrool oo been abuur ah ay dad Soomaali ahi siiyeen xuquuqda (baarista shidaal) taas oo uu ku tilmaamay arrin lagu maadaysto. Waxa uu hadalkaas sheegay mar uu Maarso 24, 2008 warbixin ku saabsan Soomaaliya ka jeedinayey machadka lagu magacaabo "United States Institute of Peace" oo ku yaal magaalada Washington, DC, warkaas oo laga baahiyey Telefishanka C-SPAN ee Maraykanka.

Ahmedou oo ka hadlaayey shirkadaha been abuurka ah waxa uu yiri: "Shirkadaha Waaweyn ee Batroolka (ee Soomaaliya ka haystay xuquuqda baarista) kama hawl geli karaan Soomaaliya dagaalka awgiis, waxaa wax lagu maadaysto ah in qaar Soomaali ah ay xuquuqdaas siinayaan shirkado batrool oo been-abuur ah [Fake Oil Companies] oo ka yimid sida [jasiiradaha] siishelis [Seychelles], iwm." Waxana uu Ahmedou intaas ku daray hadal u muuqdey in arrimahaas oo dhan indhaha lagu hayo, iyo in aan loo baahnayn in Soomaalida cid bannaanka ka ahi arrimahooda soo farageliso.

Ahmedou waxa kale oo uu sheegay waxyaabaha wanaagga ah ee dhulka Soomaaliyeed in ay ka mid tahay xeebta dheer oo keligeed laga abuuri karo dakhli farabadan. Isaga oo arrintaas ka hadlaayeyna waxa uu yiri: "Soomaaliya waxay leedahay xeeb dhererkeedu ka badan yahay 3000 km, sidaas daraadeed xitaa haddii la helo xoogaa nabad gelyo ah waxay dawladdu soo saari kartaa dakhli farabadan, ka hadli maayo Batroolka, waxaan ka hadlayaa kalluumaysiga oo keliya."

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Ban Ki-moon, ayaa Ahmedou Ould-Abdallah waxa uu u magacaabay wakiilkiisa gaarka ah uga ah Soomaaliya bishii September 6, 2007 [wareegtadii SG/A/1095 | AFR/1585 | BIO/3929]. Waxana uu bedeley François Lonseny Fall oo reer Guinea ah oo xoghayhii hore ee Q.M, Kofi Annan, uu wakiilkiisa Soomaaliya u magacaabay May 3, 2005, [waregtadii SG/A/919 | AFR/1151 | BIO/3655].

Ahmedou waxa uu taageero lixaadle u raadinayey sidii maxkamad caalami ah loo soo taagi lahaa dadka fal dembiyeedka dagaal (war crime) ka geystey Soomaaliya, waxana uu arrintaas markii ugu horeysey shaaca ka qaaday Nov 15, 2007 markaas oo uu yiri: "Dadka Fal-dembiyeedyada Dagaalka ka Geystey Soomaaliya waa in la soo taago Maxkamadda Caalamiga ah". Intii waqtigaas ka dambeyseyna marar dhawr ah ayuu ku celiyey sida uu u doonayo in maxkamad la soo taago dadka Soomaaliya ka geystey fal dembiyeedka dagaalka.


Hadalkii Cadde Muuse ku qiray shirkado Batrool oo JIRRI ah in ay heshiis la galeen: ka dhegeyso halkan  May 29, 2006

Ahmedou Ould-Abdallah waxa uu ku dhashay dalka Mauritania bishii November 21, 1940.

Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo ka hadlaya arrimaha Soomaaliya 24/3/2008 ka daawo linkiga hoose:

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Lagu Eedeeyey Laaluush in uu ka Qaatay Shirkadaha Batroolka....

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2008

 

BAARID | SEARCH



rangePuntland oo Shirkadda Range u dirtay Warqaddii ay ka sugeysey.
iyo DGPL oo Markii ugu Horeysey Qirtay Lacagta laga Qaatay Shirkada Batroolka in Siiyey DFKMG... Akhri

:Aar: Aragtidayda ku aadan soo saaridda Macdanta
:Ansixinta Sharciga Patrolka iyo macdanta dalka, yaa xaq u leh?

"Itoobiya oo Ilaalinaysa Meelaha Shidaalka Laga Baarayo ee Puntland"?
iyo khilaaf xooggaan oo soo kala dhex galay DFKMG iyo DGPL oo ku salaysan shirkadaha ay Puntland heshiisyada la gashay iyo xeerka batroolka iyo hadallo ay is.... Akhris/Dhegeysi

caddeQoraal ka soo baxay Gen. Cadde Muuse...
ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan xilligan ka mid ahayn DFKMG ilaa..... Akhri....


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: