SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Shirkad Qaabilsan Ammaanka Batroolka [security company] oo Loo Samaynayo Puntland....

Gen. Cadde Muuse: "Soomaaliya waxaa loo qaybin doonaa afar ama shan Dawlad Goboleed oo Federaal ah, gobol kastana waxa uu yeelan doonaa sharcigiisa gaarka ah ee Batroolka...

  • Gen. Cadde oo xiisadda Sool iyo Sanaag ku eedeeyey in ay ka dambayso Shirkad Weyn oo ah kuwa Shidaalka baara...
  • Mike Povey: "Laga soo bilaabo 2005, shirkadda Range Resources waxay dawlad Goboleedka Puntland siiyeen lacag dhan $20 million ilaa $25 million...
  • Range Resources oo raadineysa shirkad kale oo heshiis kula gasha khayraadka ku jira badda (offshore) ee Puntland.
  • Geyre (Wasiir-ku-xigeenka kalluumaysiga): Dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40 million oo doolar...
  • Gaagaab: Miisaaniyad [budget] sannadeedka Puntland waa $21.6 million oo doolar...

Tarjumadii: SomaliTalk.com | March 31, 2008 | Ku darid Qormo cusub: April 10, 2008

Qoraal dheer oo ay faafisay jariidadda "AFRICAN ENERGY" caddadkeedii 135aad ee soo baxay 28-kii MARCH 2008 ayaa si xeel dheer uga warramay arrimo la xiriira shidaalka Puntland, lacagaha ilaa hadda la siiyey Puntland, shirkad ammaanka qaabilsan oo loo samaynayo Batroolka Puntland, lacagaha Puntland ka soo gala dekedda Boosaaso, Range oo Shirkado kale u raadineysa khayraadka badda ee Puntland, arrinta Sool iyo Sanaag iyo qodobbo kale. Qoraalkaas waxaa qortay Nadine Marroushi oo ka tirsan jariidaddaas oo dhowaan booqatay Puntland, waraysina la yeelatay xubno ka tirsan maamulka DGPL iyo xubno qaabilsan ammaanka... Waana tan tarjumadii qoraalkaas oo SomaliTalk.com soo koobtay:

Dagaal dheeraad ah oo ku soo aadan dalka Soomaaliya oo burbursan, Puntland waxay rajadeeda ku xirtay xabbada dahabka madow ee "shidaalka" [Black Gold].

"Batroolku wax kasta ayuu u yahay reer Puntland, waxayna rumaysan yihiin haddii batrool la helo in uu dadka gobolka ka saari doono faqriga, dhaqaalahana u bedeli-doono sida nooc guul la mid ah Dubai, waxayna taasi midayn doontaa Soomaalida. Laakiin batrool weli lama helin - Haddiise la helo, waxay si taas la mid ah dabka ugu shidi kartaa xiisadda (Soomaaliya) oo ilaa hadda galaafatay in ka badan 1 million oo qof. Haddii arrimahaas walaaca leh dhinac la iska dhigo, dawladda [Puntland] iyo saaxiibadeed waxay si madax-adayg ah u daba socdaan mashruuc lagu muransan yahay oo ah sahaminta (Shidaalka)," ayey qortay Nadine Marroushi oo ah weriyaha booqatay Puntland, oo qormadaas hordhac uga dhigtay warbixinta.

Jariidadda African Energy waxay ugu horrayn xustay in Maarso 19, 2008 Baarlamaanka Puntland ansixiyeen sharciga batroolka iyo macadanta, sharcigaas oo ku andacoonayo in gobolka aan la aqoonsan [Puntland] leeyahay awoodda khayraadkiisa dabiiciga ah iyo awoodda uu heshiisyo kula saxiixan karo shirkado ajnabi ah. Arrintani waa mid ku cusub Puntland, ayey tiri jariidaddu, waayo waxay salka u dhigeysaa in mustaqbalka xeer kasta oo wax-soo-saar-wadaag ah ay geli karan dawlad goboleedyada deriska ah, kaddib marka la dhiso Dawlad Federaal ah.

African Energy waxay 19-kii Maarso 2008 magaalada Garoowe waraysi kula yeelatay madaxweyanaha maamul Goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi [Gen. Cadde Muuse]. Waxana uu jariidaddaas u sheegay fahamkiisa dastuurka cusub ee Soomaaliya, isagoo yiri: "Soomaaliya waxaa loo qaybin doonaa afar ama shan Dawlad Goboleed oo Federaal ah, gobol kastana waxa uu yeelan doonaa sharcigiisa gaarka ah ee Batroolka. Sharciga dhawaanta la ansixiyey waxa uu Puntland u xaqiijinayaa sida ay fursadda koowaad u siineyso dadka danaynaya [stakeholders]. Waxa kale oo sharcigaasi qeexayaa in khayraadka Puntland ay leeyihiin dadkiisu." Waxana Gen. Cadde Muuse intaas ku daray: "Khayraadka waa la qaybsaneynaa Dadka Soomaaliyeed, waxana (xeer) kani ahaan doonaa lifaaq ku lammaan sharciga marka qaybaha (uu khuseeyo) gaaraan hesiis. Laakiin inta la isla meel dhigayo ama la samaynayo Dastuurka Federaalka waajib naguma aha in aan iyaga wax ka weydiino (arrimaha Batroolka) - Dawladda Federaalka Kumeel gaarka ah (DFKMG).

Jariidaddu waxay tiri, qodobkaas dambe ee Xirsi [Gen. Cadde] waxa uu ahaa kan ubucda u ahaa in badan oo la xiriira heshiisyada Puntland la gashay shirkadda yar ["minnow"] ee reer Australia ee Range Resources taas oo isu diyaarineysa in ay xagaaga (2008) batrool ka qoddo dhulka berriga ah [onshore], isla markaasna waxay shirkaddaasi haysataa xuquuqda dhammaan khayraadka badda ee Puntland [offshore], iyo weliba xuquuqda meelaha berriga ah ee aad loogu tuhmaayo macadanta iyo batroolka [Dharoor & Nugaal]. Dadka dhaliila waxay yiraahdeen khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh Soomaaliya, maadaama [Puntland] tahay gobol aan adduunka laga aqoonsanayn, laakiin, ayey tiri African Energy, reer Puntland waa kuwo aad u guul-guul badan [xoog sheegasho), isla markaasna ku doodaya in DFKMG ee lacagta-caddaaanka ahi gabaabsiga ku tahay aysan ahayn dawlad shaqayneysa, oo ay tahay mid aan lahayn awood xukun. DFKMG waxay tahay in ay doorasho qabato 2009, laakiin in badani arrintaas in ay dhaceyso shaki ayey ka qabaan, ayey tiri jariidaddu.

kaanje
Kaanje
aloore
Aloore

African Energy waxay xustay in wasiirka macadanta iyo Tamarta DFKMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje) jawaab kulul ka bixiyey sharciga ay Puntland isku deyeyso in ay u samayso Batroolka, isagoo yiri "waa mid aan la aqbali karin", maadaama dastuurka [DFKMG] uu qeexayo  "khayraadka dabiiciga" in loo tixgelinayo "Hanti Qaran, isla markaasna ay DFKMG tahay xukuumadda ka masuulka ah dadka." Waxa kale oo uu [Eng. Kaanje] sharciga [batroolka ee Puntland] ku qeexan "Eex/Qaraabo-kiil, bililiqaysi hantida dadweynaha, musuqmaasuq, iyo khayaano been-abuur ah."

Waxa markaas jariidaddu xustay in hadalkaas uu ka jawaabey Wasiirka Tamarta iyo Macadanta DGPL, Xasan Cismaan Maxamuud [Aloore], isagoo hadallada Eng. Kaanje ugu yeeray kuwo "si-xun loola-taliyey oo shucuur kicinaya." Waxa kale oo qormadu xustay in [Aloore] sheegay in sarkaal sare oo ka mid ah DFKMG u xaqiijiyey in aragtida wasiirka (Eng. Kaanje) tahay aragtidiisa oo qura, oo aysan ahayn war-saxaafadeed ay ansixisay DFKMG." Waxayna African Energy sheegtay in aan hadalkaas weli laga xaqiijin DFKMG markii jariidadda la daabacay.

Gen. Cadde iyo Aamin-sanaantiisa Range...

African Energy waxay xustay inkasta oo muran ka jiro xagga sharcinimada, haddana in shirkadda Range ay sii wadato mashruuceeda shidaal qodista [Puntland], maadaama ay taageero xooggan ka haysato madaxweynaha DGPL.

Jariidadda oo ka hadleysey xiriirka ka dhexeeya Gen. Cadde Muuse iyo shirkadda Range Resources, ayaa xustay sida madaxweynaha DGPL u taageersan yahay Shirkaddaas, in ay gaarsiisan tahay in shirkadaha kale ee tartanka la geli lahaa shirkaddaas [Range] uu u sheego in ay marka hore la soo tashadaan Range.

"Shirkadaha kale ee soo qaabila Puntland waxaan kula talinaa in ay marka hore la soo tashadaan Range Resources," ayuu yiri Gen. Cadde Muuse, oo intaas raaciyey "Laakiin haddii ay khasaaraan waxaa dhici karta in aan meel kale aadno."


Geyre

Gaagaab

Aaminaadda u dhexaysa Xirsi [Gen. Cadde] iyo Range waa mid ku salaysan dhawr arrimood, ayey tiri jariidaddu: Range waxay ahayd shirkado faro ku tiris ah oo muujiyey in ay danaynayaan Puntland, xilli ay shirkado yari awoodaan in ay halis qaataan. Shirkaddani waxay il dhaqaale ka soo galo siisay dawladda [Puntland] ee misaaniyaddeedu ciriiriga tahay, taas oo waxa keliya oo [Puntland] quudiya ay tahay miisaaniyadda ka soo gasha cashuurta dekedda, garoonka diyaaradaha iyo dhulka. Sida uu sheegay Wasiir-ku-xigeenka Kalluumaysiga ee DGPL, Cabdiweli Cabdiraxmaan Geyre, dekedda Boosaaso waxaa sannadkii ka soo xerooda $35 million ilaa $40 million oo doolar. Wasiirka Maaliyadda DGPL, Maxamed Cali Yuusuf [Gaagaab] waxa uu yiri miisaaniyad [budget] sannadeedka Puntland waa $21.6 million oo doolar (oo u dhiganta 30 billion oo Shilling Soomaali).

Agaasismaha Range, Mike Povey, waxa uu African Energy u sheegay in laga soo bilaabo 2005 oo ahayd markii shirkadda Range Resources ay hawlaheeda ka bilowday Puntland, in ay dawladda [Goboleedka] Puntland siiyeen lacag dhan $20 million ilaa $25 million, lacagahaas oo ay ka mid yihiin lacag ay ku kaabeen Garoomada Diyaaradaha ee Garoowe oo ah caasimadda DGPL, iyo Boosaaso oo ay Range Resources xarun ka dhigatay. Xiriirka kale ee u dhexeeya (Range & Cadde) waa Liibaan Boqor oo ah Xirsi Adeerkii (aad uga da' yar), oo wax kusoo bartay dalka Canada, haddana fadhigiisu yahay Dubai. Boqor [Liibaan Muuse Boqor] waxa kale uu Xirsi kala taliyaa dhaqaalaha, ayey tiri African Energy.

  • Maarso 24, 2008: ayey ahayd markii Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah oo hadal ka jeedinayey machadka lagu magacaabo "United States Institute of Peace" ayaa sheegay in markii uu booqday Puntland [Boosaaso] uu kusoo arkay garoon-diyaaradaha oo casri ah oo laga dhisayo, kaas oo aysan jirin, ayuu yiri, cid Puntland gacan ka siisay dhismahiisa... Waxaana hadda warbixinta sare ka muuqata in Range sheeganeyso in ay lacag ku bixisay dhismaha Garoonka Boosaaso....

African Energy oo qormadeedii sii wadatay qortay: Povey [Agaasimaha Range] waxa uu udub dhexaad u ahaa qaabilaadii (uu qaabilay) Baarlamaanka Puntland si uu wadax uga dhigo hawlaha Range, waxana uu u xaqiijiyey  reer Puntland in heshiiskoodu meelaysno ama cadaynayo in Dawladdu [Puntland] heleyso qaybteeda si xaq ah. Waxana uu eedeeyey, in markii shirkadda Shiinaha ah ee CNOOC [China National Offshore Oil Corporation] ay muujisay in ay danayneyso aaggaas (Puntland) ay soo jeedisey Wax-soo-saar-wadaag CNOOC siinaya boqolkiiba 70% ee dakhliga, halka dawladda kaga soo aadey 30%. Sida ay sheegtay Range, Wax-soo-saar-wadaagga ay la gashay Puntland iyo qaybta ay siisay jaalkeeda Africa Oil, waxay Puntland heleysaa boqolkiiba 60% faa'iidada.

  • Waxaa xusid mudan in shirkadda CNOOC ay heshiis la gashay madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf, heshiiskaas oo kusaabsanaa sahaminta shidaalka aagga Garacad (Gobolka Mudug). C/laahi Yuusuf hore waxa uu diidey saxiixa ogolaanshaha heshiiska shirkadda Range Resources....

bosaso
Liibaan Boqor (Dhexda),  Adam Maxamed (Midig)
Boosaaso: Guriga xarunta u ah Range Resources.. Isha Sawirka: Africa Oil

Waxaa shardi ah in Hawshu socoto...

Puntland Black GoldRange Resources waxay qabsatay ugu dambayn bisha Agoosto 2008 in ay bilaabeyso qoditaanka batroolka, waxayna gogol dhigga ugu horreeya ee qoditaanka ka bilaabeysaa ceelka Nogal-1. Riiggii qodi lahaa waxa uu ka soo socdaa Shiinaha.

Range waxay sheegtay in ay 18-kii Maarso 2008 heshay akhbaar ah in 12 konteenar oo ay ku jiraan alaabta wax lagu qodo ay yimaadeen Jabuuti. Heshiiska ayaa ah in Africa Oil ay muddo saddex sano gudahood ah afar ceel ka qoddo dooxada Nugaal iyo dooxada Dharoor iyadoo leh 80% faa'iidada. Range (waxay markii koowaad qirtay) in ay fileyso lacagta ku bexeysa mashruucaan ay ka badaneyso qiyaastii markii hore la sheegay oo ahayd $45 million, balse ay ku bexeyso $80 million (Sidaas darteed, boqolkii 2.5% kharashkaas waa in ay meel saarto Range). Kaddib marka la qodo afarta ceel waxaa midkiiba ku baxaya qiyaastii $10 million, waxayna ku qaadaneysaa [in ceel kasta la qodo] muddo dhan 60 maalmood.

Consort Private, oo ah shirkaddii xuquuqda lahaanshada sahminta Puntland ka iibisey Range, waxay lahaan doontaa boqolkiiba 15% saamiyada kaddib marka la qodo ceelka koowaad, waxayna la siinayaa lacag gunno ah oo dhan $20 million marka afara ceel la qodo. Africa Oil waxay heshiis la saxiixatay shirkad kale si ay baaritaanka nooca loo yaqaan 2D seismic uga samayso dooxada Dharoor, bisha May 2008, ayey tiri African Energy.

  • Waxaa xusid mudan: Si loo qodo hal-Ceel oo ku yaal meel 135 km Waqooyi-Bari ka xigta magaalada Lamu ee dalka Kenya [oo xitaa lagu muransan yahay in meesha la baaray ahayd dhul Soomaaliyeed] in bishii Jan 2007 lagu kharash gareeyey lacag dhan $100 million. Sidoo kale Shirkadda reer Australia ee Woodside waxay qorsheysay in bishii Janaayo 2006 ay hal ceel oo ku yaal dalka Liibiya ku bixiso lacag dhan $194 million si ay u qodo ceelkaas. Hadda Range iyo jaalkeed waxay inoo sheegeen in halkii Ceel ee Puntland lagu qodayo $10 million oo qura - malaha dhulka Soomaalida ayaa ka riqiisisan adduunka kale!!

Qoraal ay shirkadda Range u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia 26-kii Maarso 2008 waxay ku sheegtay in 12 Konteenar oo ay ku jiraan qalabkii lagu dhisi lahaa Kaamka in ay kusii jeedaan Boosaaso iyagoo laga soo qaadayo Jebal-Cali (UAE) oo la sii marsiin doono Jabuuti, iyo in jaalkeed Africa Oil ay kordhisey dhaqdhaqaaqeeda shidaal sahaminta ee Puntland. Waxayna qormadu sheegtay in maamulayaal ka socdey shirkad qandaraas ku qaadatay qodista iyo shirkadda Africa Oil ay dhowaan booqdeen meelaha la soo jeediyey in ceelasha laga qodo ee Puntland, waxayna Africa Oil cadaysay in yoolkeedu yahay in hordhaca qodista ceelka ugu horeeya ay bilaabeyso horraanta July 2008.

Waxaa taas dheer, sida qormada Range xustay, in Africa Oil ay dhamaystirtay qandaraas ay la gashay shirkadaha kale ee IMC-Tesla si ay u dhamaystirto 2,600 km oo ah baaritaanka loo yaqaan 2D Seismic ee Woqooyiga Dooxada Dharoor [eeg sawirka hoose]. Shirkadahaas qandaraas-laha ah waxay booqdeen Dooxada Dharoor, ayaa qoraalku xusay, waxaana la rajaynayaa in shaqaalaheedu ay Puntland gaaraan dabayaaqada bisha (Bishii) Maarso 2008 si ay sahaminta nooca 'seismic' u bilaabaan bisha (bishan) April 2008.

Sidoo kale shirkadda Africa Oil waxay ku sheegtay qoraal ay faafisay 26/3/2006 in ay heshay macluumaad ama xog ku saabsan 2D Seismic oo ah 4,000 km oo lagu sameeyey Dooxada Nugaal sannadihii Sideetamaadkii (1980-naadkii) - ayna sameeyeen shirkadihii xilligaas qandaraaska ku haystey aaggaas. Dhanka Dooxada Dharoor waxay shirkaddu sheegtay in ay dhammaystirtay qandaraaska kor ku xusan ee lagu samaynayo 2,600 km oo ah sahaminta nooca 2D Seismic. Waxana qormadu xustay in, sida ka muuqata khariidada hoose, dhulka Dooxada Nugaal iyo Dharoor ay juquraafi ahaan la mid yihiin Dooxada Marib iyo Masila ee dalka Yemen - oo ah laba dooxo oo Batrool badan laga helay.

  • Waxaa kale oo xusid mudan aagga Raas-Gardafuul oo u dhow magaalada Caluula (oo la ollog ah Jasiiradda Suqadara) in uu juquraafi ahaan la mid yahay dooxada loo yaqaan Jeza-Qamar ee Yemen. Iyadoo jireen warar sheegayey in Yemen ay sahamin ka wadey aag aad ugu dhow badda Soomaaliya ee la ollogga ah Suqadara.

Nugaal
Dooxada Dharoor iyo Dooxada Nugaal.. Isha Sawirka: ASX.

Bedka Dooxada Nugaal: 52,000. Sq.Km (12,849,479 acres)
Bedka Dooxda Dharoor: 29,000 Sq.Km (7,166,056 acres)
Isku darka Bedka laba dooxo (Dharoor & Nugaal): 81,000 Sq.Km

Tallaabada xigta ee ay qaadeyso Range waa in ay jaal kale [shirkad kale] u hesho khayraadka (dabiicigas ah) ee ku jira badda (offshore) Puntland. Povey waxa uu African Energy u sheegay in ay raadinayaan jaal (shirkad) ku siyaadinaya qiime iyo khibrad. Africa Oil waa jaal ku habboon xagga berriga (onshore), waxaana saami ku leh Lundin Petroleum oo reer Swedish ah, taas oo Soomaaliya joogtey xilligii ConocoPhillips ka hor dagaalkii ahliga ahaa. Shirkadda Conoco intii ay Soomaaliya joogtey waxay ku kharash garaysay lacag dhan $150 million [Sida lagu sheegay warbixintii 14-kii Maarso 2008 ee Edison Investiment Research oo ku saabsanayd Range Resources]. Laakiin Conoco waxay isaga huleeshay khayraadkaas sababtoo ah Maraykanka oo cadaadis ku saaray in aysan la macaamilin Soomaaliya iyo iyada oo ka faa'iidey cashuur dhaaf, ayey tiri African Energy, oo intaas raacisay in aysan helin qoraal rasmi ah oo arrintaas laga faafiyey.

  • Bedka dhulka [1-dii Agosto 1998 loo bixiyey] Puntland waa: 212,000 sq. Km, halka dhererka xeebta Puntland lagu qiyaasay: 1,650 Km. Dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee ku jira dhul [onshore] iyo bad [offshore] ee Puntland waxaa xuquuq baaris loo siiyey Range Resources oo saamiyada ka iibsatey Consort..
RAK and Puntland State of Somalia sign agreements to boost bilateral cooperation
Cadde Muuse oo heshiis la saxiixanaya Sheikha
Ras Al Khaimah | Apr 16, 2007

Shirkadda laga leeyahay imaaradka Carabta, Ras Al-Khaimah (RAK), waxay sidoo kale dhawr heshiish oo kusaabsan sahaminta Batroolka la gashay Dawlad Goboleedka Puntland, laakiin waxay noqdeen kuwo aan waxa natiijo ahi ka soo bixin. Agaasimaha Range, Povey, waxa uu ku andacoodey in RAK aysan lahayn wax dhaqaale ah oo ay bixin karto, ayey tiri African Energy. Range boqolkiiba 70%  saamiga ay dooneyso in ay cid kale kula heshiiso [farm-out] waxay uga baahan tahay $10 million ilaa $20 million oo hor-maris ah oo ay ka hesho Jaal (ama cid heshiis la gasha) iyo lacag gaareysa $2 million oo ay ku debirto baaritaanka ah nooca [seismic].

Boqor-suge, Sheikh Saud Bin Saqr Al-Qasimi, oo ah fikradda ka dambeysa shirkadda RAK oo bartamihii March 2008 waraysi siiyey African Energy ayaa sheegay in aan Puntland wax ka soo cusboonaan kaddib markii ay la saxiixeen heshiiskii ku saabsana in ay sameeyaan Shirkadda Horumarinta Shidaalka dhulka ku jira [Hydrocarbon Development Company]. Imaaraadka Carabtu waxa ay Puntland ka caawinayaan Xoolaha Nool, ayuu yiri Sheikh Al-Qasimi. Labada shirkadood ee RAK (UAE) iyo Al-Jaber Group (ee maalgashadaha Sucuudiga), waxay maal gelinayaan Maxjar Xoolaha Nool lagu hayo, kaas oo Xoolaha Nool ee Puntland gaarsiinaya heerka caalamiga ah.

  • Waxaa xusid mudan in qoraal ay September 26, 2007 faafisay jariidadda The Australian xilligaas lagu sheegay in uu wada xaajood u socdey shirkadda Ex-CANMEX [Africa Oil] iyo RAK.

Walaaca Ammaanka....

Saraakiisha Puntland iyo Range Resources waxay ka walaacsan yihiin haddii ay helaan batrool sida ay Puntland u sugeyso ammaankeeda, gaar ahaan halista kaga imaan karta gudaha ama bannaanka, sida Somaliland ama Koonfurta Soomaaliya. Halista (soo food saari karta Puntland) waxaa Range Resources u soo qiimeeyey Akela Security, oo xarunteedu tahay Maraykanka, taas oo markii ay qiimayntaas samaysay sheegtay in Dawladda [Goboleedka] Puntland ay u baahan tahay $5 million si ay ammaankeeda u sugto.

Taas si loo sameeyo, waxaa hawl badan u baahan in la helo lacagtii lagu maal gelin lahaa. Haddaba, Gen. Cadde Muuse waxa uu jariidadda u sheegay "Markaan soo dillaacino Batroolka waxaan heli doonaa lacag, markaasna waxaan awoodi doonaa in aan is difaacno." Sida ay sheegeen hawlwadeenno ka tirsan Akela waxaa lagu dhex jiraa samaynta shirkad qaabilsan ammaanka oo ka diiwaan gashan Puntland [security company], taas oo ay boqolkiiba 98% shaqaaluhu yihiin maxalli, ka imanaya dhammaan qabaa'ilka Puntland. Akela waxay hadda tababar ammaanka la xiriira siisaa saraakiil ka tirsan ciidanka Sirdoonka ee loo yaqaan PIS [Puntland Intelligence Service], waxayna sii wadeysaa in ay samayso shirkadda cusub, ayey tiri African Energy.

Saraakiisha PIS waxa kale oo tababar militari siiya CIA-da Maraykanka oo jaaha saaraysaa sidii ay u xididdo siibi lahayd argagaxisada Islaamiyiinta ah. Taas oo aan dhibaato weyn ka ahayn Puntland sida ay uga tahay Soomaaliya, laakiin halistu waa jirtaa, ayey tiri African Energy, oo intaas raacisay; Islaamiyiinta Al-Shabaab oo ka qayb qaadatay rabshadaha Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo aan ahayn maleeyshiyo beeleed, ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen qaraxii Boosaaso ka dhacay horraantii bishii February 2008, kaas oo ay ku dhinteen 20 Itoobiyaan ah oo isugu jirey laajiyiin iyo shaqaale, ayna ku dhaawacmeen in ku dhow 100 qof.

banaanbax

Daawo: Video-Bannaanbaxii  Garoowe
Banaanbixii ka dhacay Garoowe ee looga Cabanayay sicir bararka ay keentay lacagaha Faalsadaa ee ku soo Qulqulaya Puntland
DAAWO July 2007

Saraakiil ka tirsan Akela waxay sheegeen arrinta kale oo ay ka walaacsan yihiin waa lacagta been-abuurka ah. African Energy waxaa u suurta gashay in ay aragto sawirro muujinaya makiinad lagu sameeyo lacagta been abuurka ah oo qiimaheedu dhan yahay $800,000 oo ay haystaan kuwa lacagaha isku bedela ee reer Puntland. Wasiirka Maaliyadda, Yuusuf (Gaagaab) waxa uu yiri: "Waan la dagaalameyynaa arrintaas, waxaana mar hore qabanay makiinado lacagta lagu daabaco oo hore loo xaday. Waxa kale oo aan qabanay dad arrimahaas ka qayb qaatay, waxaana geyney maxkamad, lacagtiina waa gubney." Markii la weydiiyey ka warran in ay jirtey fursad lacagta lagu bedelanayo, waxa uu Gaagaab ku jawaabey "Ma awoodno in aan sidaas samayno, sababtoo ah waxaa leh dawladda Federaalka iyo bangiga dhexe, laakiin waa in aan samayno, ka waddan ahaan, sababtoo ah waxaa jira lacag badan oo ku meelaysan meelo aan meesheedii ahayn..... Wasiirka Maaliyadda Puntland wuxuu kula talinayaa DFKMG." Waa in uu jiraa nimaad dhaqaale oo aammaan sugan haddii ay Puntland doneyso in ay samayso nidaam bangiyeed.

Burcad-badeeka iyo Afduubka ayaa sidoo kale curyaamin ku ah [Puntland], gaar ahaan maadaama la bixiyey lacago madax furasho ah. Marka laga hadlayo hub ka dhigistana qoys kasta waxa la sheegay in uu haysto qori  AK-47. [Sida xeerka hoose ka muuqatana hadda waxaa Puntland laga mamnuucay hubka..]


  • Gen Cadde Muuse ayaa March 27,2008 soo saaray Xeer Madaxweyne Lr#48 oo ku saabsan Mamnuucida hub ku qaadashada Magaalooyinka Puntland, oo u qoraa sidan:
    Madaxweynaha Dowladda Puntland
    Markuu arkay: Dastuurka DGPL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad
    Markuu tixgeliyey: amni darada ka dhalan karta hubka Magaalooyinka lagu sito.
    Markuu arkay: Go’aanka golaha xukuumada ee Puntland ee Khamiis 27 March 2008.
    Wuxuu xeeriyey:
    1.In aan wax hub ah lagu qaadan Karin lalana soo geli Karin magaalooyinka Puntland.


Dhanka Galbeedka Australia, qoraal ay faafisay 31.3.2008 shirkadda Range Resource [kuna taariikhaysan 9-dii Maarso 2008] waxay ku faantay in ay tababar soconayey muddo bil ah u fidisay saddex xubnood oo ka socdey Wasaaradda Macadanta iyo Gaaska Puntland oo ay sheegtay in ay fasallo tababar ah ku siisay machadka farsamada ee "institute Curtin University of Technology", saddexdaas oo kala ah: Ismaaciil Maxamed, Adam Maxamed, iyo Faarax Xuseen.

bosaso
Kabilow bidix: Ismaaciil Maxamed, Adam Maxamed, iyo Faarax Xuseen iyo macallimiin
- Isha Sawirka: Range 31/3/2008

Haddii aan dib ugu laabanno qormadii African Energy, waxa kale oo ay xustay arrinta dhex taal Somaliland iyo Puntland oo ah gobolka Sool iyo Bariga Sanaag oo labada dhinacba ay sheeganayaan. Dhulkaas oo lagu qiyaasayo in uu qani ku yahay batrool dhex jiifa. Waxa kale oo jariidaddu xustay xadkii ka hor xorriyadii 1960 iyo sidii lagu asaasay Puntland 1998, iyo sida ay u jiraan dad deggan degaankaas muranku ka taagan yahay [Sool iyo Sanaag] oo muujiyey in aan si siman wax looga siin saddexda dhinac ee ah Somaliland, Puntland iyo DFKMG oo sidaas daraadeedna ay doonayaan in ay goonidooda u samaystaan Dawlad Goboleed, sida uu nin Soomaali ah oo arrimaha ka faallooda u sheegay kooxda International Crisis Group.

somalia
Khariidad ka calaamadsan  badda Puntland ee suuqa loo raadinayo
iyo aagga Sool iyo Sanaag oo calaamadsan.... Isha sawirka: African Energy

Waxa kale oo African Energy ay sheegtay in Maxamuud Muuse Xirsi [Gen. Cadde Muuse] uu xiisadda [Sool iyo Sanaag] ku eedaynayo in ay dabka ku shideyso/hurineyso shirkad weyn oo kuwa batroolka baara ah, shirkaddaas oo haysata heshiis aaggaas ku saabsan oo la siiyey sanadihii 1980-naadkii [Inkasta oo uusan magacaabin shirkaddaas]. Waxana uu ku andacoonayaa in kuwa danaynaya shidaalku ay maal gelinayaan muqaawamada ka imaneysa Muqdisho si ay u carqaladeeyaan gobolka gudihiisa. Waxana uu [Gen. Cadde] intaas ku daray, "Qaar ka mid ah shirkadaha batroolka ayaa isku deyaya in ay dabada ka soo wadaan reer Somaliland, laakiin u ogolaan meyno in taasi dhacdo. Shirkaduhu waa in ay marka hore dadka kala bartaan."

Gen. Cadde Muuse waxa uu sheegay in madaxweyanaha Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin uu ahaan jirey sarkaal isaga ka hooseeyey xilligii ay labadoodu ku jireen Militariga. Markii la weydiiyey in ay dhici karto iska hor imaad haddii batrool la helo, waxa uu Hirsi [Gen. Cadde] ku jawaaabey "Dadkayagu waxay halkaas u joogaan in ay si isku filaansho ah isu difaacaan". Wasiirka Puntland u qaabilsan Horumarinta Dumarka iyo Qoyska, Caasha Geelle Diiriye waxay ku andacootey "in dhibaatada u dhexeysa Somaliland iyo Puntland ay ka imaneyso Muqdisho." Wasiirka Maaliyadda DGPL Maxamed Cali Yuusuf [Gaagaab] waxa uu yiri "Waxaa naga go'an in aan dhibaatadayada ku xallinno si nabadeed. Somaliland waxay nala ahaan doonaan heshiis marka aan soo dillaacino batrool."

Labadaas hab kii ay doonto ha ahaatee, Dawladda [Goboleedka] Puntland waxay garwaaqsatay in ay u baahan tahay sidii ay ammaankeeda u sugi lahayd, si ay taas u fulisana waxay ku hawlan tahay saddex-deeda ciidan: Militariga, booliska iyo ilaalada xeebaha. Dawladda [Goboleedka Puntland] waxay qiyaastay in ay u bahan tahay 2,000 oo ciidan ah si ay u sugto ammaanka xuduudaheeda. Waxay raadineysaa Batroolka si ay u maal geliso taas iyo arrimo kale oo badan, ayey qoraalkeeda ku soo xirtay African Energy.

Dhanka kale DFKMG, gaar ahaan madaxweynaha DFKMG iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG, weli kama jawaabin hadalladii Madaxweynaha DGPL iyo wasiirkiisa Batroolku ay sheegeen ee ahaa in Wasiirka Macadanta iyo Tamarta ee DFKMG, Eng. Kaanje, in war-saxaafadeedkiisii iyo hadalkiisii aan madaxda sare ee Dawladdu la ogeyn.

  • Maarso 30, 2008 ayaa wafti uu hoggaaminayo Gen. Cadde Muuse waxay u kicitimeen Itoobiya, waftiga waxaa ka mid ah: Wasiirka Ammniga Puntland S/G Cabdullaahi Saciid Samatar, Wasiirka Hawlaha Guud & Gaadiidka Cabdullaahi Cali Xirsi, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta DGPL G/sare Cabdirisaaq Sheikh Cismaan (Cali Baadiye), Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Puntland (PIS) Cismaan Cabdullaahi Diyaana, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf, iyo Agaasimaha hay’ada loogu yeero Astaynta maamulka Wanaagsan Saciid Faarax Yare. Waxaana la sheegay in ay 7 cisho ku maqnaanayaan Addis Ababa. [Eeg waraaysigii Cadde].

Baarlamaanka Puntland oo Xirmay iyadoo Weli la isku hayo Qodob Sharci ah..

Dhanka Garoowe, waxaa xirmay kulankii Golaha Wakiillada Puntland, iyadoo uu weli taagan yahay muran-sharciyeed ka dhashay qaabkii loo ansixiyey sharciga Shidaalka Puntland, 19-kii Maarso 2008. Arrinta muranka dhalisay ayaa ah kaddib markii baarlamaanka loo furay kulan aan caadi ahayn oo loogu talo galay in uu socdo 15-30 Maarso 2008 ayaa markii loo codeeyey xeerka Macadanta & Shidaalka waxaa markii koowaad la isku mari waayey 21 DIIDEY iyo 21 OGOLAATEY iyo 6 KA-AAMUSTEY.. Markaas ayaa durbadiiba waxaa cod dheeri ah ku ansixiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DGPL, Axmed Cali Xaashi - laakiin Xeer hoosaadka Baarlamaanku waxa uu dhigayaa: Qodobka 13.6: Haddii codadku laba jeer is le’kaadaan Guddoomiyaha ayaa yeelanaya cod dheeri mar sadexaadka. Taas weeyey qodobka ay diidan yihiin xildhibaano gaaraya 26 oo dalbaday in xeerkaas lagu soo celiyo baarlamaanka.

Xildhibaan Muse Warsame Cumar oo ka mid ah xildhibaannada diidan sida xeerka loo ansixiyey oo u waramyey Idaacada Garoowe [31/3/2008] ayaa muujiyey in shir guddoonka baarlamaanku ka warwareegeen in ay hor yimaadaan Golaha Baarlamaanka, sababtoo ah cabsi weyn ayaa guddoonka gashay maadaama ay ku dhaqaaqeen arrin khalad ah. Waxana uu Xildhibaanku sheegay in xeer u qoran yahay qofkii sharciga ku tunta in markii ku habboon wax laga qaban doono. Waxana uu muujiyey in arrintaas xisaabtankeedu iman doono kalfadhiga rasmiga ah ee baarlamaanka oo dhic doona bisha June 2008. Waxana uu hadalka ku adkeeyey oraahda ah "Soomaalidu waxay tiraahdaa mindida dhulka taal iyo mindida gacanta lagu hayo tee lagugu gawracaa," oo ah oraah u dheceysey guddoonka baarlamaanka (oo ka kooban Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen) haddii ay hadda ka warwareegeen in ay hor yimaadaan Baarlamaanka, in marka ay hor yimaadaan lala xisaabtami doonaa.

Shir-guddoonka uu xildhibaanku tilmaamay waxaa ka mid ah xildhibaan Salaad Xareed Cali oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiillada, oo idaacadda u waramayey [29/3/2008] ayaa difaacey ansixintii guddoomiyaha Baarlamaanku uu cod hal-dheerida ku ansixiyey sharciga Batroolka iyo Macadanta. Waxana uu yiri "Baarlamaanku kulligood sharci yaqaan ma aha, waa dad bulshada ka yimid, marka waa in talo la doono in qodobkaasi sharci yahan, dadka sharci yaqaanka ah oo takhasuskoodu yahay ayey ku haboonayd haddii uu shaki galo."... Waxana uu muujiyey in la isku haysto fasirka qodobka 13.6.... [Qodobkaasi waxa uu u qoran yahay sidan: Qodobka 13.6: Haddii codadku laba jeer is le’kaadaan Guddoomiyaha ayaa yeelanaya cod dheeri mar sadexaadka.]

Waraysiyada Idaacada Garoowe ee labada xildhibaan Muse Warsame Cumar iyo Salaad Xareed Cali:

April 2, 2008: Dhankaas iyo Baydhabo, Baarlamaanka DFKMG ayaa fadhi ay yeesheen qodobbadii ay kaga hadleen waxaa ka mid ahaa arrimaha Batroolka Soomaaliya, waxaana la sheegay in ay arrintaas ka hadalkeeda sii wadi doonaan kulan ay isugu imanayaan Sabtida (April 5, 2008).

Akhri: Fadeexaddii Ganacsi ee ka Dhacday Australia iyo Xiriirka Batroolka Puntland

Tarujadii iyo Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2008 | Updated: Apr 10, 2008| xigasho: African Energy, Range, Ex-Canmex, ASX.

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: