SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA
Daabaco Boggan | Print


Shirkadda KuwaitEnergy oo Ganafka Ku Dhufatay Hadalkii Wasiirka Batroolka ee ahaa in 100% Shirkada Batroolka ay yeelan doonto Dawaladda Soomaaliya.

Radio Australia ayaa waraysi la yeeshay Sarah Akbar &lataliyaha MDFKMG Dhegeyso

batrool
Qaybsigii Batroolka Soomaalida Qoraalkii lataliyaasha shirkadaha Kuwait Energy & MedcoEnergi ay  DFKMG magaalada Malindi ugu usoo bandhigeen June 12, 06, ee qaybsiga Batroolka Soomaalida, oo ku qoran:
PowerPoint ama PDF.

Xaqiiqada Dhabta ah ee ka dambaysa"Sharciga Batroolka Soomaaliyeed".....

Shirkadda CANMEX in markii shan (5) maalmood oo keliya [Oct 11 - Oct 17] laga soo wareegey markii ay heshiiska qabyada ah ee ku saabsan khayraadka Puntland la gashay Range Resources in uu is-casiley Lukas H. Lundin oo ahaa madaxweynihii shirkadaasi CANMEX ilaa 1996, waxaana lagu bedeley ninkii heshiiska la soo galay Range Resources ee magaciisa la yiraahdo Mr. Richard Schmitt. Sharraxaad lagama bixin sababta isku soo beegtay is casilaada madaxweynihii shirkadda CANMEX ee reer Sweden iyo heshiiska ay la gashay Range Resources.


  • Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon, waxna akhrin....
  • Shirkadda CANMEX oo magaceedii u bedeshay Africa Oil Corp. Laga bilaabo Agoosto 20, 2007
  • Cadde Muuse iyo Cali Geeddi kee hadalkiisu meel mar Noqon doonaa...?
  • Wararka ugu badan ee ay maalmahan is weydaarsadeen Dadka Saamiyada ku leh ASX
  • Geeddi: Dooda Sharciga Batroolku Waxay Baarlamaanka ka Bilaaban Doontaa Sabtida (Aug 18, 2007)
  • Itoobiya oo Malaysiya Heshiis $1.9 million ah kula gashay in Gaaska Dabiiciga ah laga baaro Dhulka Soomaali Galbeed...

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon, waxna akhrin....

  • Hal ceel oo batrool laga baarayey oo ku yaal Kenya waxaa muddo 45 cisho ah lagu kharash gareeyey $100 million oo doolar
  • Hal ceel oo ku yaal Liibiya waxaa lagu baaray $194 milion oo doolar
  • Laakiin dhulka Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor waxaa muddo lix sano ah lagu kharash garanayaa lacag aan ka badnayn $45.5-million oo doolar oo keliya..

Shabakadda faalaysa gacansiga Kanada ee loo yaqaan "Canada Stockwatch" oo ka hadleysey heshiiskii dhex maray DGPL, CANMEX iyo RANGE ayaa caddadkeedii Jimce Agoosto 17, 2007 ku xustay qodobo ka mid ah heshiiskaas oo uu ka mid yahay in lacagta ay shirkadda CANMEX ku kharash garayn doonto Puntland muddo lix sannadood ah ay tahay $45.5-million oo doolar oo keliya.

Heshiiskaasi waxa uu dhigayaa, ayey tiri Canada Stockwatch: In shirkadda CANMEX, (oo sida hoos ku qoran  hadda magaceeda u beshey Africa Oil Corp.) in lacagta ugu badan ee muddo lix sanadood ah ay ku kharash garayneyso Puntland ay dhan tahay $45.5-million taas oo ah ($22.75-million aagga Dooxada Dharoor iyo $22.75-million aagga Dooxada Nugaal). [Waxaa la xusuustaa in jariidada ka soo baxda Australia ee "Sydney Morning Herald" ay caddadkeedii Janaayo 24, 2007 ku qortay in shirkadda Canmex ay Lacag caddaan ah ka haysatey 3.5 million oo doolarka Canada oo keliya.)

Waxaad arrintaas barbar dhigaa meel gaaska cuntaad lagu safayn doono oo laga hir gelinayo Mombasa Kenya lacagta ku bixi doonta 17 bilood:

16kii Agoosto 2007 waxaa heshiish wada gaarey KPRL (Kenya Petroleum Refinery Limited) iyo KPC (Kenya Pipeline Company), heshiiskaas oo ku saabsan mashruuc laga hirgelinayo Mambasa, kaas oo ku saabsan safaynta Gaaska cuntaad lagu karsado, sidaas waxaa qortay Jariidada Business Daily oo laga leeyahy dalka Kenya.

Waxayna jariidadu intaas ku dartay: Saddex shirkadood oo kale oo gaar loo leeyahay ayaa danaynayey mashruuca ay ku baxayso $50 million oo ku saabsan meeshii lagu kaydin lahaa gaaska (Liquefied Petroleum Gas), halkaas oo qaadi karta 6,700 tonnes, mashruucaas oo soconaay 17 bilood.

KPC waxay shaaca ka qaaday dhulka ku yaal Mombasa ee loo qoondeeyey in mashruucaas laga dhiso in baaxadiisu dhan tahay 30 acres (oo u dhiganta 0.12 sq.km) - arrintaas Barbar dhig baaxadda Dooxada Nugaal iyo Dooxada Dharoor.

Haddii si toos ah la isu barbar dhigo ceelasha batroolka:

Ceel ku yaal meel 135 km Waqooyi-Bari ka xigta magaalada Lamu ee dalka Kenya, xeebtana u jira 80 km ayaa waxaa muddo 45 cisho (Jan 2007) waxaa lagu kharash gareeyey lacag dhan $100 million. (Waxaana jira shaki laga qabo in ceelkaasi ku yaal biyaha Soomaaliya in kasta oo hogaamiyaasha Soomaalida iyo baarlamaankooduba aysan ka hadlin arrintaas.)

Shirkadda reer Australia ee Woodside waxay qorsheyneysey in bishii Janaayo 2006 ay hal ceel oo ku yaal dalka Liibiya ku bixineysey lacag dhan $194 million si ay u qodo ceelkaas.

labadaas tusaale (Kenya & Liibiya) waxaa lag aqodayey waa min hal ceel oo keliya, halka dhulka ugu baaxada weyn ee Soomaaliya ee lagu tuhunsan yahay batroolka lagula heshiisyey CANMEX in ay lix sanadood ku kharash garayso $45.5-million oo doolar oo keliya.

Yaa laga sugayaa in ay arrimahaas ka hadlaan.. Taas waxaan u dhaafnay akhristayaasha iyo baarlamaanka uu hadda hor yaal sharciga Batroolka Soomaaliya...

Shirkadda CANMEX oo magaceedii u bedeshay Africa Oil Corp. Laga bilaabo Agoosto 20, 2007

  • Tarjumadii: SomaliTalk.com

Warsaxaafadeed ay Jimcadii (Aug 17, 2007) magaalada VANCOUVER ee galbeedka Canada ka soo saartay shirkadda macdanta ee "Canmex" ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo August 20, 2007 magaca shirkaddaas loo bedeli doono Africa Oil Corp. waxaana calaamadda ganacsiga ee shirkaddaasi noqon doontaa "AOI". Waxaana taas lagu macneeyey in la rabo in magacu ka muuqdo dhinaca ay shirkadu u jihaysatey.

Shirkadda "Canmex" waa shirkad macdanta baarta oo laga leeyahay dalka Sweden laakiin ka diiwaan gashan dalka Canada. Waxayna shirkaasi heshiis [October 12, 2006] la gashay shirkadda kale ee Range Resources. Heshiiskaas oo CANMEX siinayey 80% xuquuqda rajada laga qabo macdan/shidaal laga qodo dooxada Nugaal iyo dooxada Dharoor.

Warsaxaafadeedka ay hadda shirkaddu soo saartay waxay ku sheegtay in ay rajayneyso in Riigga la hawl geliyo qaybta dambe ee 2007, ayna rajayneyso in ceelka ugu horeeya ee Soomaaliya la qodi doono horraanta 2008.


Rick Schmitt | Isha sawirka

Shirkadda CANMEX waxaa madaxweyne ka ah Richard (Rick) Schmitt oo shirkaddaas madax looga dhigay shan maalmood kaddib markii heshiiska ku saabsan baarista batroolka Puntland uu dhex maray shirkadaas iyo Range Resources, maadaama uu ahaa kii heshiiska la soo galay Range.

1dii Agoosto 2007 Rick Schmitt waxa uu jariidad ka soo baxda Canada u sheegay in Soomaaliya "Aysan sida muuqata siyaasad ahaan ahayn meesha ugu wanagsan adduunka ee laga shaqayn karo, laakiin taasi ay fursad u tahay kuwa geesiyaasha ah in ay shidaalka suurtagalka ah halkaas ka baaraan."

Waxa kale oo uu Rick Schmitt sheegay in rajadiisa baaritaanka shidaal ee Soomaaliya uu ka qabo ay wanaagsan tahay, inkasta oo ay adag tahay in la helo khubaro tababaray oo ka shaqeeya Soomaaliya, ayey tiri jariidada BC Business.

Warsaxaafadeedka CANMEX waxaa lagu soo beegay xilli ay xurguf xooggani u dhexayso shirkadaha Kuwait Energy (Kuwait) iyo Medco Energi (Indonesia) oo isku dhinac ah iyo Range Resources oo heshiiska ka iibsatey shirkaddii CONSORT (oo lagu soo dhisay jasiirada Maldives oo uu hormuudka ka ahaa TERRY oo Agoosto 2005 xuquuq loo siiyey dhammaan macdan/shidaal qodista dhulka Puntland), kaddib Range Resources waxay heshiis la sii gashay CANMEX ku saabsan macdan/shidaal qodista Puntland.

DGPL oo uu u horeeyo Gen. Cadde Muuse, ayaa taageeraya Range Resources oo iyaduna garabka kusii wadata CANMEX, oo ah shirkadda hadda magaceeda ka muujisay Afrikaanka (Africa Oil Corp.). Dhanka kale KuwaitEnergy oo garabka ku wadata Medco Energi waxay taageero ka haysataa xafiirka Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi.

Haddaba su'aashu waxay tahay:

Cadde Muuse iyo Cali Geeddi kee hadalkiisu meel mar Noqon doonaa...?

Waa marka laga hadlayo Batroolka Soomaaliya......

SomaliTalk.com | Aug 17, 2007: Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi [Jeneraal Cadde Muuse] ayaa si cad u sheegay in aan waxba laga bedelin heshiisyadii Batroolka ee ay Puntland la gashay shirkadaha shidaalka. Waxa uu sidaas ku sheegay waraysi (Jimce Aug 17, 2007) uu siiyey laanta Afka Soomaaliga ee warbaahinta dalka Ingiriiska ee loo yaqaan British Broadcasting Coporation.

Gen. Cadde Muuse in kasta oo uu qiray in maalmahan buuq badan iyo hadal laga sheegayey khayraadka, hadana waxa uu sheegay in arrinta keliya ee aan laga hadli karin ay tahay shirkadihii ay Puntland heshiisyada la gashay..

Madaxweynaha DGPL oo arrintaas hadalka ku adkaynaya waxa uu yiri: Puntland heshiisyadii (batroolka) ee ay gashay sidoodii ayey ahaanayaan. Heshiisyo cusub iyo kuwii horeba 'valid' ayey ahaanayaan (oo uu la jeedey kuwo sidoodii u jira ay ahaanayaan).

Hadalladaas Gen. Cadde Muuse waxay si toos ah uga hor imanayaan sharciga Batroolka ee hadda horyaal Baarlamaanka DFKMG iyo hadalkii uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo Talaadadii (Aug 14, 2007) siiyey Reuters.

Geeddi waxa uu yiri heshiisyadii ka dambeeyey 1990 waa in dib loo saxiixo. "Waxaan ku adkaysaneynaa mowqifkaas... waa mid waajib ku ah, waa mid shardi ah." ayuu yiri.

Sidoo kale hadalka Gen. Cadde waxa uu ka hor imanayaa Qodobka 48aad ee xeerka hordhaca ah (Draft) ee hadda (Aug 2007) hor yaal baarlamaanka DFKMG (haddii la ansixiyo). Sharcigaas oo Prof. Cali Maxamed Geeddii u ololaynayo (lobby) sidii looga ansixin lahaa baarlamaanka DFKMG.

Qodobkaas 48aad waxaa ku qoran: "Heshiis kasta oo lagu fuliyey hawlgalada batroolka oo la ijaaray ka dib Disember 30dii 1990kii waa la joojinayaa, waxayna noqonayaan waajibaad aan dawladdu ku khasbanayn inay dhawrto. Dawladdu masuul kama aha waxkastoo khasaare, kharash, qaan sheegasho ama wax dhibaal ah oo ka yimaada joojinta caynkaas oo kale. Dawladdu, ka Qaran ahaan, waxay xaq u leedahay in ay ku dhawaaqdo in aan sinnaba loogu qabsan arrin uu soo bandhigay shakhsi, loolana jeedo joojinta xaqqa noocaas oo kale ah."

Dhanka kale Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Idaacadaha iyo dadka ka hadlaya (shidaalka iyo xeerarkiisa) oo yiri wax baa la bedeley, waxba kama jiraan." Hadalkaas oo u muuqda hadal dublomaasiyadeed. Waayo, dadka arrimahaas shidaalka ka hadlay waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan DFKMG oo uu ka mid yahay Ra'iisul wasaaraha DFKMG.

Hadallada saxaafadda la isku weydaarsanayo ee Geeddi iyo Cadde Muuse, waxaa garab socda tartanka shirkaddaha KuwaitEnarg/Medco oo taageero ka haysta Cali Maxamed Geeddi iyo shirkadda Shiinaha ee CNOOC oo uu heshiis la saxiixday madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Dhanka kale warar ay SomaliTalk.com ka heshay ilo xog ogaal ah ayaa tibaaxay in xubno badan oo Baarlamaanka ah aysan ku qanacsanayn sharciga cusub ee batroolka ee hadda horyaal Baarlamaanka Baydhabo. Laakiin waraysigii uu bixiyey Geeddi waxa uu ku sheegay in sharcigaasi haysto kalsoonida aqlabiyadda baarlamaanka 85% (AKhri hoos...)... waxaana natiijada la arki doonaa marka uu baarlamaanka DFKMG ah sharcigaas u qaado cod.

Wararka ugu badan ee ay maalmahan is weydaarsadeen Dadka Saamiyada ku leh ASX

Warbixintii SomaliTalk.com | Aug 18, 2007

  • Sawirkii DFKMG iyo DGPL oo kala saxiixanaya Heshiis ayaa ka mid noqday waxa loogu hadal haynta badan yahay  suuqa ganacsiga ee Australia....

Shabakada http://hotcopper.com.au oo meesha ay xogta isku dhaafsadaan dadka saamiyada ku leh suuqa ganacsiga ayaa beryahan waxaa sawirada ugu badan oo laga hadlo waxaa ka mid ah sawirka hoose oo ah saxiixii heshiiskii Muqdisho ku dhex maray DGPL iyo DFKMG.

Waxaana sawirkaas dhinac socda qoraal ay warbaahinta DGPL ku qortay afka Ingriisiga, kaas oo sheegay hadalkan:

"Kaddib markii wada xaajood dheer iyo dood ay dhex martay labada dhinac (DGPL & DFKMG) waxay wada saxiixden heshiis is afgarad (MOU = memorandum of understanding). Heshiiskaasi waxa uu ansixinayaa xuquuqda ay Puntland u leedahay wadaxaajoodyada qandaraasyada/heshiisyada khayraadka dabiiciga ah ee dhulkeeda, xeerkaas oo u gogol xaaraya maalgashiga mustaqbalka ee ku saabsan qaybtaas.


Sawirka oo weyn.. GUJI HALKAN...

Sawirka: http://hotcopper.com.au
After long discussions and debate both parties signed a MOU agreement. This agreement will validates the right of the State of Puntland to negotiate the natural resources contracts for their territory, this will also clear the way for any future investors for this sector. [READ HERE}....oil109.html

Xogtaas iyo sawiradaas la isla dhex marayo suuqa ganacsiga Australia waxaa laga soo xigtey warar ku qoran Af ingriisi oo ay qortay warbaahinta maamulka DGPL kaddib markii uu madaxweynaah DGPL, Cadde Muuse, ka soo laabtay Muqdisho (Aug 15, 2007). AKHRI WARARKAAS... GUJI HALKAN...

Qoraalka ay faafisay shabakadda ay maamusho DGPL, waxa uu ka hor imanayaa hadalka Geeddi ee hoos ku qoran....


Geeddi: Dooda Sharciga Batroolku Waxay Baarlamaanka ka Bilaaban Doontaa Sabtida (Aug 18, 2007)

"Markii aan la tashaday xubnaha baarlamaanka, waxaan dareemayaa in ka badan boqolkiiba 85% ay ku qanceen, kuna faraxsan yihiin sharciga. Sidaaas daraadeed waxa uu (Sharciga batroolku) haystaa taageerada Baarlamaanka... Waxaan u malaynayaa in la ansixin doono toddobaadka soo socda" Sidaas waxaa yiri Cali Maxamed Geeddi....

Warbixnta hoose SomaliTalk.com ayaa ka soo tarjumtey qoraalkii ay Reuters ka qortay waraysi ay la yeelatay Geeddi...

NAIROBI - Sharciga Batroolka Soomaaliya waxa uu haystaa taagerada 85% xubnaha Baarlmaanka DFKMG, waxaana la ansixinayaa toddobaadka soo socda, si loogu gogol dhigo in ay dhici karto soo laabashada shirkadaha reer galbeedka ee qandaraasyada haystey sanadihii 1980-naadkii, iyo kuwo cusub, sidaas waxaa Talaadadii [Aug 14, 2007] yiri Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo magaalada Nairobi waraysi ku siiyey hay'adda wararka ee Reuters.

Geedi waxa uu waraysigaas ku sheegay in shirkado ay ka mid yihiin Royal Dutch Shell iyo ConocoPhillips ay isla xiriireen dawladiisa si loo bilaabo wadahadallo marka sharciga Batroolka la dhaqan geliyo.

Sharciga batroolka, kaas oo baarlamaanku in uu ka doodo la qorshaynayo dhammaadka toddobaadkan, waxa uu shirkadaha waaweyn ee Soomaaliya iskaga huleelay markii ay carqaladu ka bilaabatay sannadkii 1991 u ogolaanayaa in ay hawshoodii dib u bilaabaan iyagoo raacaya xeerka cusub ee Wax-soosaar wadaagga.

geedi"Akhbaarta aan hayo waxay sheegeysaa, in iyagu -- waa shirkadaha batroolka'e -- la soo xiriireen saraakiil ka tirsan dawladda -- (Shirkadaha) sida Shell, Conoco," ayuu yiri Geeddi oo safar ku yimid Kenya, waxana uu intaas ku daray "iyagu - shirkadaha - waxay weli sugayaan in ay soo laabtaan kaddib marka uu baarlamaanku xalliyo sharciga batroolka."

Afhayeen u hadlay shirkadda Chevron oo iyaduna haysata qandaraas ku siman 1980-naadkii, waxa uu sheegay in shirkadaasi aysan qorshaynayn in ay hadda dib ugu laabato Soomaaliya. Wax kale oo faahfaahin dheeraad ah ma uusan bixin.

Dadka arrimaha falanqeeya waxay sheegeen in dhawr arrimood -- oo ay ka mid yihiin xagga ammaanka iyo in aan la isku hubin inta ay Dawladda Kumeel gaarka ahi xukunka sii haysan doonto-- ayaa dhici karta in uu weeciyo ama ka joojiyo Shirkadaha Waaweyn ee reer Galbeedku in ay ka hawl galaan Soomaaliya.

Geeddi waxa uu sheegay in dooda Sharciga Batroolku ay bilaabaneyso Sabtida (Aug 18, 2007).

"Markii aan la tashaday xubnaha baarlamaanka, waxaan dareemayaa in ka badan boqolkiiba 85% ay ku qanceen, kuna faraxsan yihiin sharciga. Sidaaas daraadeed waxa uu (Sharciga batroolku) haystaa taageerada Baarlamaanka... Waxaan u malaynayaa in la ansixin doono toddobaadka soo socda," ayuu yiri Geeddi.

Sharciga Hordhac ah oo ka kooban 41 bog, oo ay aragtay Reuters, waxa uu u ogolaanayaa shirkadii hore u haystey qandaraaska in hal sano gudeheed marka sharciga la dhaqan geliyo ay saxiixaan heshiis Wax-soosaar Wadaag ah.

"Waa soo laabanayaan, dib ayey wadahadal markale u gelayaa, si ay u xafidaan danohooda ay la leeyihiin Soomaaliya," ayuu yiri Geeddi.

"Waxaa jira wada xiriir... waxaad dareemeysaa sida ay shirkadaha batroolku u danaynayaan Soomaaliya. Danayntoodu ma ahan mid ku salaysan riyo, balse waa mid kusalaysan rajo wax laga filan karo in wax ka soo baxaan."


Eeg Khariidadda oo weyn... GUJI...

Heshiiskii Berbera ee Wax-Soosaar Wadaagga (PSA) waxaa May 2003 wada galay shirkadda Rova Energy (ROVA) iyo Somaliland. Shirkadda Ophir waxay leedahay boqolkiiba 75% saamiyadda Rova, taas oo danaha khaaska ah ee loo asaasay ay ahayd horumarinta Somaliland. Aagga Rova loogu qoondeeyey heshiiskii Barbera PSA waa aagagga loo yaqaan Blocks 35 iyo M10A. Baaxadda dhulka laysanka loo siiyey shirkaddaas waa 14,306km2 oo ah dhanka Woqooyiga-bari ee Somaliland, waxana uu ku yaal dhulka berriga iyo badda ilaa meel hoos badda u qodan 1,000m. Aaggaas waxaa loo yaqaan Guban Basin. Isha: www.ophirenergy.com

Shirkadda Ophir waxaa hoggaamiya Alan Stein oo leh boqokiiba 50% saamiyada shirkadda Mvelaphanda ee Koonfur Afrika... Shirkkada Mvelphanda waxaa hoggaanka u haya Tokyo Sexwale... Madaxda Sare ee shirkadda Mvelaphanda Resources.... Eeg halkan
Rova Energy Corporation (REC) Limited
Riyaale
Warqad furan oo 2005 ay aqoonyanno u direen madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ayey ugu sheegeen in shirkadda Rova Energy saamiyada ay bixisay in ay yihiin 100-saami oo keliya,  halkii saamina qiimihiisu yahay £1. Sidaas daraadeedna qiimaheedu yahay £100. Saamiyadaas oo loo kala leeyahay: Dr. Jawahir ALI oo leh 16 saami, Dr. Jawahir Mohamed ALI oo haysata 1 saami, Mr. Ananda Kumar CHAKRABARTI oo leh 17 saami, Mr. Anandar Kumar CHAKRABARTI oo haysta 1 saami, iyo  Westmont Offshore HK Ltd oo leh 65 saami.
Warqaddaas ka akhri halkan... (English)..

Sharcigaasi waxa uu baabi'inayaa heshiisyadii shidaal baarista ee la saxiixday wixii ka dambeeyey 1990 -- waxayna hay'adda Reuters oo halkaas faallo ka bixinaya qortay -- in faracaas xeerka ah ee baabi'inaya heshiisyadii ka dambeeyey 1990 ay cakirayaan xaaladda gobolka Soomaaliya ee isu magacaabay gooni isu taagga ee Somaliland iyo Dawlad Goboleedka Puntland.

HESHIISKA SHIINAHA

Labada gobol, ee dhanka Woqooyi ee Soomaaliya, waxay heshiisyo kala gooni ah oo ku saabsan baaritaanka batroolka saxiixeen shantii sano ee la soo dhaafay -- Somaliland waxay heshiiska la saxiixatay shirkad reer Koonfur Afrika ee Ophir, dhanka kale Puntland waxay heshiis la saxiixatay shirkadda reer Australia ee Range Resources .

Geeddi waxa uu yiri heshiisyadii ka dambeeyey 1990 waa in dib loo saxiixo. "Waxaan ku adkaysaneynaa mowqifkaas... waa mid waajib ku ah, waa mid shardi ah." ayuu yiri.

In la xalliyo xeerka shidaalka ee Puntland ma ahan mid adag, ayuu yiri, sababtoo ah Puntland  waa "qayb ka mid dawladda qaranka federaalka." Laakiin waxaa adag arrinta Somaliland.

"Waxay weli ku andacoonayaan in ay madax bannaan yihiin. Laakiin taasi run ma aha. Sidaas daraadeed waxaan marka hore rabnaa in aan nabadeyno Koonfurta iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya... kaddibna waxaan bilaabaynaa in aan ka wada xaajoono suurta galnimada dib u midowga Soomaaliya," ayuu yiri Geeddi.

"Laakiin ilaa aan waqtigaas ka gaareyno, waxaan u malaynayaa in shirkadaha batroolku aysan ahayn kuwo aad u caqli xun [not so stupid], sababtoo ah wax kasta oo la xiriira ganacsiga batroolku waxa uu u baahan yahay sharciyaynta iyo aqoonsiga dawladda, taasina waa Dawladda Federaaka Kumeel gaarka ah."

Reuters waxay qortay: Soomaaliya ma leh kayd (shidaal) oo la cadeeyey, waase mala-awaal sharad. Laakiin 16 sano ka hor baaris lagu sameeyey Woqooyi-bari ee Qaaradda Afrika waxay Soomaaliya ka dhigtay wadaanka labaad oo ku xiga Suudaan oo laga dhigay kuwa ugu horeeya ee laga rajaynayo in laga soo saaro batrool oo daaqad u ah Gacanka Cadan.

"Waxaan ku kalsoonahay in batrool iyo Gaas uu ku jiro Soomaaliya. Waxaana haynaa qaybaha (blocks) oo calaamadsan... oo loo kala diray adduunka oo dhan. Waa faham la'aan in batroolka laga filayo Soomaaliya uu ku kooban yahay woqooyiga Soomaaliya. Taasi run ma aha," ayuu yiri Geeddi.

Geeddi waxa uu yiri hadalka ah kala qaybsanaanya isaga iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, hogaamiyihii hore ee Puntland, oo ku saabsan Xeerka Batroolka Soomaaliya in ay tahay waxba kama jiraan (rubbish).

"Tani waa sida ay warbaahintu u jeceshahay in ay abuurto kala qaybin iyo jaahwareer. Laakiin aniga iyo madaxweyne Yuusuf waa isku raacsanahay arrinta ku saabsan batroolka iyo gaaska Soomaaliya," ayuu yiri.

Heshiis uu Yuusuf dhowaan shirkadda Shiinaha ee CNOOC kula galay Puntland ayaa waxaa saamayn ku yeelan doona sharciga cusub, ayuu yiri.

Abdullahi Yusuf Ahmed"Waxa ay shirkadda Shiinuhu isku deyeyso in ay samayso waa baaritaan aah "survey" ama qiimayn meelo ka mid ah aagag. Qiimayntaas waa la samayn karaa, laakiin marka arrintu noqoto soo saarista, waxay u baahan tahay sharci," ayuu yiri.

"Waxaa jira shirkado badan oo qiimaynay ku samaayanya meelo kala duwan si ay uga eegaan suurtal nimada in batrool ama gaas ku jiro... Laakiin ilaa aan ka soo saarno sharciga Batroolka, waxsoosaar lama samayn karo." ayuu hadalka kusoo xiray Cali Maxamed Geeddi oo ay waraysatay hay'adda wararka ee Reuters, isagoo joogey Nairobi.

English Version... Read here... | Isha: Reuters - August 14, 2007 | Tarjumadii SomalTtalk.com


Itoobiya oo Malaysiya Heshiis $1.9 million ah kula gashay in Gaaska Dabiiciga ah laga baaro Dhulka Soomaali Galbeed...

Tuubooyinka Qaadi doona Gaaska laga Qodo Ogaden xaggee la mirin doonaa?...

  • Itoobiya waa dal aan lahayn bad oo berri ku xeeran yahay, xulashada suurtagalka ahna waa dalka deriska la ah ee Soomaaliya, halkaas oo ciidamada Itoobiya ay garab siinayaan Dowladda Kumeelgaarka ah - ama waa Boosaaso oo ka mid ah gobolka Puntland ama Berbera oo ka mid ah Somaliland ee goonida isu taagtey, ayey falanqeeyayaashu.......

Addis Ababa: Ethiopia ayaa heshiis la gashay shirkadda Petronas oo ay leedahay Dawaladda Malaysiya, si ay shida gaaska dabiiciga ah uga baaraan dhulka ay Soomaalida ka gumaysato ee Soomaali Galbeed (ama ee loo yaqaan Ogaden), halkaas oo jabhadaa ONLF ay hore uga digtey shirkadaha shidaalka. Sidaas waxaa August 13, 2007 wersiey Reuters.

"Heshiiska dhex maray Itoobiya iyo Petronas waxa uu ku saabsan yahay baaritaanka iyo suuqgeynta gaaska ceegaga meesha loo yaqaan Kalub iyo Hilal oo ka tirsan Ogaden," sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan Wasaaradda macdan qodista iyo tamarta ee Itoobiya, kaas oo diidey in magaciisa la sheego. Sarkaalkaasi waxa uu yiri $1.9 million waxaa lagu bixin doonaa "kharashka ku baxa maamulidda", laakiin ma sheegin qiimaha dhabta ah ee heshiiska, ayey tiri wakaalada wararka ee Reuters.

Aagga loo yaqaan dooxada "Ogaden Basin", oo ah aag gaas ceegaago oo ah dhul baaxadiisu dhan tahay 350,000 sq km, waxaa la rumaysan yahay in uu ku kaydsan yahay gaas lagu qiyaasay afar-trillion oo ah feet saddex jibaaran- (cubic feet).

Sarkaalka u hadlay Itoobiya waxa uu sheegay in heshiiskaas uu Wasiirka Macdan qodista iyo Tamarta Itoobiya, Alemayeu Tegenu, uu shirkadda Petronas kula saxiixday magaalada Kuala Lumpur, heshiiskaas oo dhacay bishii July, 2007, kaddib markii shirkadda reer Malaysiya ay ku guulaysatey in la siiyo baaritaanka Kalub iyo Hilal (laakiin hadda ayaa heshiiskaas la soo shaac bixiyey).

Ethiopia is landlocked and possible options would be in neighbouring Somalia where Ethiopian troops are helping the interim government - either to Bosasso in the Puntland region or Berbera in breakaway Somaliland, analysts say... READ MORE...

Sarkaalku waxa uu sheegay in heshiiska lala galay shirkadda Petronas uu ka mid yahay in shirkadda laga filayo in ay samayso tuubooyinka qaada shidaalka  (pipeline) si gaaska loo geeyo dekedda ugu dhow.

Itoobiya waa dal aan lahayn bad oo berri ku xeeran yahay, xulashada suurtagalka ahna waa dalka deriska la ah ee Soomaaliya, halkaas oo ciidamada Itoobiya ay garab siinayaan Dowladda Kumeelgaarka ah - ama waa Boosaaso oo ka mid ah gobolka Puntland ama Berbera oo ka mid ah Somaliland ee goonida isu taagtey, ayey falanqeeyayaashu, sida ay qortay reuters.

Eglish Version CLICK HERE | Isha: Reuters, August 13, 2007


Gumaysiga iyo Petronas oo heshiis ku galay Gaaska Ogaadeenya.

Radio Xoriyo : 07 August 2007 - Xukuumada gumaysiga Itoobiya iyo Sharikada Batroolka ee Petronas ayaa dhammaadkii toddobaadkii hore heshiis ku kala saxiixday magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia. Heshiiskan ayaa ku saabsan in Sharikada Petronas ay soo saarto Gaaska Dabiiciga ah ee Jeexdin iyo Helalle.

 
Xukuumada gumaysiga iyo Sharikada Petronas, oo laga leeyaha dalka Malaysia ayaa tan iyo bishoo July 2006 waxay ka wadaxaajoonayeen sidii ay ula soo bixi lahaayeen Gaaska iyo Baatroolka Ogaadeenya, waxayna hadda sheegeen inay ku heshiiyeen in Sharikada Petronas ay soo saarto Gaaska Xeexdin iyo Helalle, iyo inay qoddo labo Ceel oo kale oo iyagana Baatrool laga soo saarayo.
 
Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa marba sharikad shisheeye ah heshiis kula gasha Gaaska iyo Baatroolka Ogaadeenya, hase yeeshee ilaa iyo hadda uma aanay suuragalin inay ku guulaysto siyaasadeeda ah inay boobto khayraadka Ogaadeenya, iyadoo geesiyada CWXO ay ka dhaariyeen in si sharci darro ah looga manaafacaadsado khayraadka dabiiciga ah ee ay ka gaajaysan yihiin dadwaynaha Ogaadeenya. [Radio Xoriyo : 07 August 2007 ]

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH